December 10, 2003
WAR-SAXAAFADEED
JAALIYADDA OGAADEENYA EE KUNOOL WADDANKA AUSTRALIA,,,
RIYAALOOW UKAADI,KUWAARI MAYSIDEE
Horudhac
- Taariikhdda Ayaa Markhaati Ah
Ummadda Soomaaliyeed waxaa ay weligeed lahayd hal
cadow, cadowgaas oo soo jireen ah welina taariikh aad
iyo aad u dheer xambaarsan, hase ahaatee waxaa
sanadahan dambe soo shaac baxayey inta ay le’eg tahay
cadaawadaas aan dhamaadka lahayn iyaddoo si xoog leh u
cadeysey sidda ay uga go’an tahay iney baabi’iso
jiritaanka shacabka Soomaaliyeed taas oo ay ku gaari
karto siyaalo faro badan marka loo eego wakhtigan
xaadirka ah ee ay cududda Soomaaliyeed tahay mid aad
loo curyaamiyey.
Halgamaddii dheeraa ee ay geesiyaashii Soomaaliyeed
naftoodu u hureen wuxuu ahaa mid jiil kasta oo jira ay
ku cilmi qaataan si ay u wadaan halganka ilaa uu ka
miro dhalayo.
Dagaaladdii lagula galay gumeystaha Xabashidda waa mid
tilmaami kara ulajeedda waraaqdan oo si kooban uga
dhaadhicin karta akhristaha ulajeedadda laga leeyahay
taariikhda oo dib loogu noqdo.
Naftooddii hurayaashii kala ahaa Sayid Maxamed
Cabdulle Hassan iyo Iimaam Axmed Gurey waa kuwo cuqubo
ku ah shaqsi kasta oo Soomaaliyeed lagana rabo inay
dhuuxaan mowqifkii ay ka istaageen in Diinta, Dadka
iyo Dalkuba ay gacanta u gasho xadaarad ay u tahay
inay wax duleystaan welibana ku tuntaan sharafta
dadkeenna Soomaaliyeed.
Kacdoonadaas ay geesiyaashii Soomaaliyeed kula galeen
dubcadihii gumeystaha iyo kiisii foosha xumaa ay
hoosta ku wateen, waa ay iska cadeyd dadka ay soo
haweysanayeen oo ah ummad Ilaahey ku maneystay dhiig,
ficil iyo dareen Soomaalinimo.
Maanta haddii aaney jiri lahayn geesiyaal u babac
dhigay dagaal socday in ka badan boqol sano waxaa
hubaal ah in gacanta loogu jiri lahaa duli oo aysan
jirteen fursadan aan idinku xasuusinayno waxa dhabtu
tahay ee inteenii aan waagaas jirin aaneysan arag
balse ka soo gaareen baalal khad madoobi ku qoran
tahay oo digniin iyo casharo isugu jira.
Laguma doodi karo kacdoonadaas waxaa ay ahaayeen kuwo
loogu talo galay in lagu ilaaliyo "qabiil gaar ah"
balse ay ahaayeen mid salka ku haysey sidii ay
shacabkeenna Soomaaliyeed ku faani lahaayeen inay hido
iyo xadaarad u leeyihiin duleysi naceyb iyo horukac
doon.
Maanta waxaa inoo sharaf ah inay sidaas dhab tahay oo
ay dhuuxeenna ku jirto aragtidaas qiimaha weyn ku
fadhida si kasta oo la isugu dayo in loo jahawareeriyo
ay tahay mid aan lagu guuleysan karin.
Waxaa haboon in aan marnaba lagu caasiyin dhiiga loo
daadiyey xoriyadda ay Aabayaasheen inala doonayeen oo
waa inaynu ka sii wadnaa kacdoonka meeshii ay kaga
tageen si aan guusha ay na soo gaarsiiyeen ugu
dhameystirno mid waarta.
CADOWGA SOOMAALIDA OGAADEENYA IYO INTA U ADEEGTA
Waxyeeladda loo geystay intii soo hunguri galisay
xornimadda Soomaalida ogaadeenya iyo jabkii ay ka
qaadeen waa mid mar waliba ay madaxa kaga jirto intii
ay cawaaqibka xumi ka gaadhey hungurigaa ay ku baa
ba’een lagamana yaabo inay ilaawaan inta ay Soomaalida
ogaadaadeenya jirto.
Waxaa ay si xoog leh isugu taxalujiyaan sidii ay uga
aarsan lahaayeen dadkeena marwalibana ku abbaaraan
wakhtiga aan ugu tabar daran nahay ee ay og yihiin
inay siinayso jawi ay ku hirgaliyaan gumeysi cusub oo
hor leh.
Taas waxaa kuu muujinaya sidda ay maanta u
diyaarsadeen ugana dhex diyaarsadeen ummadda Soomaali
quruun aaminsan fikradahoodda oo ay og yihiin inay ku
meel gaarayaan riyadda ay damacsan yihiin inay u hir
gasho.
Dadkaas ay soo xusheen waa shaqsiyaad safiiro uga ah
maskaxdda ay rabaan in lagu dhex arko inay ku baahdo
Diinta, Dadka iyo Dalka intaba oo ay ku dadaalayaan
inay helaan gacan yareyaal loo tabo baray sidii loo
gudbin lahaa xirfadda casriyeysan ee ah in la kala
dhigo maanka asturan ee Soomaaliga ah.
Waxaa ay ku beegeen laba kacleyntooda wixii ka
dambeeyey markii dhulka lala simay dowladdii
Soomaaliyeed ee ugu dambeysay ee dalka ka jirtay. Tani
oo ay in badan ka shaqaynahayeen sidii loo hir gelin
lahaa laguna hir gelin lahaa magaca qabiil oo ay
xambaarsan yihiin odey jir-jiroolayaal ku qaraabta
doonista xoriyadeed ee ay ummadda Soomaaliyeed u ooman
tahay.
Waxaa ay mudo dheer soo tabo barayeen shaqsiyaad lagu
tababaray inay sida aboorka dalka cagta u mariyaan
kuna kool-kooliyaan dadka ay sheegaan inay u
hadlaan/matalaan inay maalin maalmaha ka mid ahi u soo
xareeynayaan qadiyadda ay rabaan, laakiinse waxaa
maanta aragnaa in balankaas uu isu badalay mid been ah
oo sal iyo raad toona aan lahayn. Waxa kaliya ee ay
suuro geliyeen waa ka baayac mushtarka dadkii ay
balanka u qaadeen iyo inay sun u qooshaan oo noqotay
aragtidda labaad ee ay kaga dhabeeyeen.
Hadaba waxaa su’aal ah maxaa ay ka dhigan tahay
talaabooyinka isdaba jooga ah ee ku dheehan in cadow
gacan saar lala yeesho si loo fuliyo xasuuqa dadkeena
Soomaaliyeed!
Dabcan waxaa ay Soomaali leedahay tusaale dheer oo ay
mar waliba u adeegsato inay ku qeexdo marxaladdan aan
maanta ku jirno oo ah sheekaddii saddexdda dibi (kii
cadaa, kii madoobaa iyo kii guduudka ahaa) oo runtii
si wanaagsan ugu haboon in markale loo adeegsado gacan
saarka weyn ee ka dhexeeya Riyaale Kaahin iyo daxalka
ay matalaan dowladda Tigreega ah.
Walaalaha Waqooyi ee Soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin
kagana yaalaan taariikhda meel culus oo aan la ilaawi
karin. Xasuuso wixii ay ku dhigeen markii gumeystihii
Ingiriiska ahaa dalka si sharci daro ah ku soo galay.
Waxaan la ilaawi karin haragii qaaliga ahaa ee saxiixa
gumeystaha ku yaaley kaas oo ay reer Waqooyigu kaga
saxiixeen inuusan dalka ka guursan karin, ku dhali
karin, diin kale keeni karin iyo arimo faro badan oo
qiimo leh oo aan lakoobi karin.
Tani waxaa ay ku tusinaysaa in wadaniyiin ay ahaayeen
welina yihiin oo aadan u baahneyn inaad meel kale
fiiriso iyaddoo ay 1960kii ku khasbay Ibraahim Cigaal
inuu aqlibiyadoodu noqoto mid reer Koonfur ay la wax
wadaagaan oo dhalisay in la isku biirsho walaaha
dhulkaas.
BEEN ABUURYADDA IYO WAXA AY SOO XERO GALIYAAN
Waayadan dambe ee ay arinku ka yara xumaatay Soomaali
waxaa booskii walaaltinimadda ahaa buuxiyey cadaawadda
cadowga qabo iyo inta ku qaraabata magaca Soomaali.
Dowladda dabadhilifnimadda ah ee uu hogaamiyo Riyaale
Kaahin waa mid tusaale weyn bixineysa sidda raad
la’aanta ah ee looga been sheegay umadda reer Waqooyi
inay raali ka yihiin xiriirka Addi-Ababa oo la og
yahay faa’iidadda uu leeyahay oo kaliya inay tahay in
dalka AIDS lagu soo badiyo si walaalaha reer Waqooyi
loo ceebeeyo looguna dhex abuuro dhaqan suurta galiya
dibu dhac weyn min heer bulsho ilaa heer dhaqaale.
Maanta oo ay sidaas arinni tahay ayaa hadanna waxaa
caado iska noqotay in la kala dheereeyo walaalaha
Ogaadeenya iyo walaalaha Waqooyi oo ah labo fac oo
midi midka kale gaashan u yahay, nasiib daro waxaa sii
badaneysa xasuuq si weyn looga baaraan degay inuu
noqdo mid marka uu guuleysto hadana lagu fuliyo beelo
kale oo la hubo in silsiladdu ay sidaas isu daba
joogto.
Ilaaqaadka sidaas ku dhisan ee magaca reer Waqooyi
loogu foofo Melez Zenawi, abaanduulaha kooxda Riyaale
ayaa ah mid si weyn loogu baahan yahay in loogu
jawaabo lagana harin ilaa laga xoreeyo cariga
xulafadaas isu aruursatay inay cirib tiriraan
sumcadeena sharfsan ee aan istaahilin in lagu badasho
cilaaqaad lala yeesho Tigree xanuun la buka oo
suntiisa raba cid uu ku daarto.
Tan iyo intii ka dambeeysey hirgelinta cilaaqaad ku
dhisan jabinta quwadda Soomaali, ayaa waxaa jira arimo
waaweyn oo u baahan in shaaca laga qaado si loogu soo
jiido wadaniyiinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay
joogaan. Arimahaas waxaa ay u kala baxaan sidan soo
socota oo kala ah:
- Tarxiil
- Cudurka AIDS
- Sunta badaha lagu shubo
- Maandooriyaha dalka lagu abuuro
- Xasuuqa maskaxdda dalkeena
- Iibinta dakadaha Soomaaliya
- Xakameynta doonista dhabta ah ee shacabka
- La dagaalanka Diinta
- La dagaalanka Dadka
- La dagaalanka Dadka
Qodobadaas waxaa ay si hagar la’aan ah uga dhaqan
galeen maamuladda been abuurka ah ee ka jira dalkeenna
hooyo oo ay xoogooda u badan yihiin dhanka Waqooyi iyo
Bari oo ah labadda meelood ee sidda weyn ugu baaheen
fikirkaas dabaca xun lugta ku haya.
Waxaa arin lagu farxo ah in shacabweynaha Waqooyi iyo
Bari aaneysan ahayn kuwo ay ansixiyeen habeensiga
dabadhilifyadda ku baryo taga magaca beelahooda una
diyaarka ah inay fuliyaan amaradda Xabashidda.
Waxaa hubaal ah in kacdoonka ka soo iftiimaya meelo
badan oo dalkeena ka mid ahi ay cagta marin doonaan
inta ka dooratay xoriyad duli iyo karaamo daro lagana
xoreyn ciidda Soomaali.
Maanta haddii aaneysan dhab ahayn in cadowgii
Aabayaasheen dagaaladda kulul ku qaadeen ay ahaayeen
kuwo dhab ah waxaad u baahan tahay inaad eegtid meesha
ay ka soo abaareen soo laba kacdeyntooda oo ah meel
aadan fileyn. Marka shaqsi ka tirsan qoyskaaga uu
noqdo mid loo adeegsado sidii loo baabi’in lahaa
reerkaaga waxaad ka xigtaa dhimasho. Siddoo kale ayay
ka dhigan tahay arinka Riyaale Kaahin oo sheeganaya
inuu yahay "qof ay ka go’an tahay inuu ilaaliyo" danta
reer Waqooyi.
Wuxuu sii fulinayaa oo dheereeyey hoggii lagu guri
lahaa walaalaha Ogaadeenya iyo Waqooyi oo uu labaduba
shax loo soo dejiyey ku fulinayo.
Intii uu aftidda beenta ah magaca ku xaday waxaa
dilaacay haan cudur ah oo hadyad ahaan uu Addis-Ababa
kagala yimid una niyoodey in ay siqdo dhinac kasta oo
ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya.
Dhanka kale reer Ogaadeenya wuxuu ka noqday mid sababa
inay gacanta mar waliba loo geliyo cadowga ay mudda
dheer dagaalka kula jireen ee xaqdaradda la kor
taagan.
Waxaan shaki ku jirin in arimahan ay yihiin kuwo ka
shidaal qaadanaya colaad dheer oo loo hayo dhamaan
Soomaali oo ay arinku ka weyn tahay dad gooni aha ama
gobol gooni ah oo badanaa ah sidda arimaha loo
bandhigo iyadoo la diidayo in dadweynaha waxa dhabtu
tahay ay ogaadaan lagala dagaalamayo.
Marka ay arinku mareyso dhanka reer Waqooyi ee la
doonayo in dalka cudur loo soo dhoofiyo waxaa
sheekadda lagu soo gaabiyaa "CILAAQAAD XAGGA GANACSIGA
AH" oo dakaddii Berbera gacanta loo geliyey, dhanka
kale marka Ogaadenya xaalku khuseeyo waxaa lagu soo
af-jaraa "DAGAALKA AY WADAAN ARGAGIXISO KOOBAN" si
jawiga loo qaboojiyo loona ilaaliyo kacdoon ku yimaada
cawaanka ka dambeeya beenta miinshaarta ka af-badan.
Walaalayaal, waxaan u baahan nahay inaan dhamaanteen
si dhab ah u dhuuxno waxa jira oo ah GUMEYSI ay
hogaanka u hayaan odey jir-jiroolayaal kolba maqaar
cusub gashanaya oo ku takhasusey inay beec geeyaan
jiritaanka umadeena Soomaaliyeed.
Hadaba iyaddoo ay arini sidaas tahay baa haboon inaan
ku dadaalno in sidda loo iibsadey shaqsiyaadkaas aan
anaga dhexdeenna la inoo kala iibsan oo aanu isku
duubnaannaa kuna dadaalnaa sidii aan Diinta, Dadka iyo
Dalka aan ugu noqon lahayn gaashaan iyo waran.
Arimahan khuseeya jiritaankeena waa inaynu si xoog leh
isaga kaashannaa oo isbahaysi ka yeelannaa inaysan
noqon kuwo la dabciyo xawliga ay ku socdaan. Waxaa
intaa dheer siddii loo gayn lahaa qaylo dhaanto meel
kasta oo damiir Soomaali ka jiro xataa hal qof Allaha
ka dhigee oo aan loo kala harin sidii gaashaanka loogu
dhufan lahaa gardaradda lagu hayo dadweyneheenna
Soomaaliyeed middan oo ah tu ay kaga faa’iideysanayaan
tabarta maanta Soomaali meel dabacsan dhigtay.
Hase ahaatee waxaa jira talaabooyin faro badan oo inoo
furan si looga hor tago nabar weyn oo keeni kara meel
aan laga soo noqon. Talaabadaas weyn waa midda ah in
wacyi gelin faro badan lagu dhaqaaqaa oo laga
faa’iideystaa inta uu kaa fog yahay nabarka lagu hayo
shacabkeenna intiisii kale.
Maalinta uu gurigaaga kuugu yimaado ogsoonoow waa
maalintii aay arini ka baxday faraha oo waxaa indha ku
dhufan doontaan xasuuq weyn oo lagugu qaado oo aad in
badan ilmo ka keentid, ee ka gaar maanta inta aad
haysatid wakhtigan gaaban ee aad qaylo dhaantadda ku
diri kartid kuna badali kartid arin fool xun oo naf
iyo maalba loo waayay.
GAR MIYEY TAHAY INAAD DULMI EEGATID
Walaalayaal waxaad la socotaan in hadal keliya
aaneysan waxba badali karin inkastoo ay tahay talaabo
midda ugu horeysa ee la qaado tan ugu haboon waayo
odhaah aad tiri waxaa ay ka dhigan tahay siddii adigoo
ficil ku dhaqaaqay kuna hir geliyay balse waxaa loo
baahan yahay in iskaashi umadda ka yeelato dhaqan
gelinta ololeynta ka dhanka ah shaqsiyaadka
aayatiinkeenna madowga ku afuufey loona baahan yahay
inaan la ilaawin libinta cidda ay gacanta u geli
haddii aaneynu si deg deg ah uga hortagin
CAMBAAREYN KASOO BAXDAY
JAALIYADDA SOOMAALIDA OGAADEENYA EE AUSTRALIA:
anago oo ah jaaliyadda Soomaalida Ogadeniya ee
Australia ayaa waxaan canbaareeyna falalkii foosha xumaa ee ay dhawaan ku
dhaqaadday maamulka waqooyi gallbeed ee soomaalia ,kuwaasoo ka dhan ahaa
shacabweynaha soomaalida ogaadeenya,waana arin taariiqda u galayasa maamula
waqooyi galbeed oo aan marnaba lailaaweynin, waxaan ugu baaqaynaa qof kasta oo u
dhashay soomaalida ogaadeenya inuu heegan ahaado kana tanaasulo tagida ama
aadista meelaha khatarata u ah naftooda ,,xoolohooda,,,,sharaftooda,,,iyo
karaamadoodaba,,
mahadasanidiin
Waxaa war saxaafadeedkaan
la
soo gaarsiiyey SomaliTalk Ottawa Canada
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar
ah qoraaga ku saxiixan. <><><>
Bayaan ay Jaaliyadda Absame ee Denmark
kulan degdeg ah oo ay isugu
yimaadeen xubnaha Jaaliyadda Absame ee Denmark, kuwaasoo ka
wada-hadlay jawaabtii laga bixin lahaa
Guji
Baaq: Jaaliyada
Somalida Ogadenya ee Finland
Labada shacab ee Waqooyi Galbeed
Somalia iyo Shacabka Reer Ogadenya, waa laba shacab oo walaala ah..
Guji...
"Cambaareyn
Maamulka Gobollada Waqooyi"
Cambaarayntaas oo ay soo jeediyeen
golaha wadatashiga Soomaaliyeed waxa uu ku bilowday in...
Guji...
MADAXWEYNE RIYAALE OO DIGNIIN KAMA DAMBAYS AH U DIRAY
MAAMULKA PUNTLAND:
"Dagaal ooge C/Laahi Yuusuf waxa uu caadaystay
faragalinta Somaliland... warbixintii diridhaba
Guji
»RIYAALE
WAA INUU KAGA DHABEEYO GO'AANKA [Diridhaba]
Sannadguuradii koowaad ee
ka soo wareegtay markii Riyaale Xooga Lagaga saaray Laascaanood
oo si weyn loo xusay: warbixintii Asad Caddaani...
Guji...
|