SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
Cusmaan Muumin Shiraawe oo Australia ku Soo Beegan Bisha February 9keeda, 2003

WQ. Maxamed Warsame "Rootti" | Australia | Jan 18, 2003


Cusmaan Muumin Shiraawe / Hiiraan

Aniga oo magacayga la yiraahdo Maxamed Warsame "Rootti", kuna hadlaya gudiga magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, loona qabtay isku dubaridka iyo hawlaha Cusmaan Muumin Shiraawe oo Australia ku soo beegan bisha February 9keeda, ogaysiinayaa dhamaan bulsha weynta Somaliyeed ee ku nool aduunka daafihiisa in aan u baahanahay caawimaad deg deg ah oon ku fulino arimaha caafimaadka ee Cismaan Mumin Shiraawe. 

Kharajkana waxaa uu dhan yahay ilaa 35kun oo Australian ah, una dhiganta ilaa 17kun oo USA Dollars ah. Waxaana Cusmaan Muumin Somalia ka soo qaadaya Ciise Maxamud Dhollowaa oo Australia ka ambabaxaya 27ka January Ebbe idankiis. 

Tani waxa ay ka danbeysey ka dib markii wiilkan loo soo dhameyey in Australia lagu qalo, laguna hayo halkan in ilaa arimihiisu ay noqdaan kuwo lagu guuleysto. Cismaan waxaa loo baahan yahay in Melbourne, Australia, si deg deg ah loo keeno si loo guda galo hawlihiisa qaliinka.

Cismaan daawadiisa, qaliinkiisa iyo keenistiisa magaaladan Melbourne kharajkeeda waxaa laga codsaday in ay bixiyaan ummadda Somaliyeed. Kharjakaas intaas le'eg anagu maan bixin karo, maadaama aan had iyo jeer bixino, dadkayagana ka ururino dhaqaalaha caruuraha Somaaliyeed ee halkaan la keenay hada iyo intii ka horeysey. Waxaanse anaga reer Australia isku xukunay in aan bixino tigidhada, kharajka, iyo  mucaamilaadka kale ee keenista Cusmaan Muumin iyo Ciise Dhollowaa oo raadindoona.

Waxaan kale oon anagu isku xukunaya in aan ururino oo keeno lacag dhan US$6,000 (lix kun US dollars) oo ah lacagata qaliinka. Intaas ayaana awoodikaraa. Waxaana ummada Somaliyeed ka codsaneynaa in ay nala bixiyaan dhaqaalahaas intiisa kale oo hada nalooka baahana yahay in aan bixino 15 kun oo hormaris ah si wiilka viso loo siiyo, loona keeno Australia.

Sidaas darteed, waxaan dhamaan Somalida ka codsaneynaa in ay nagala qayb qaataan howshaan ilaah aan ugu dhowaaneyno, ee kuligeen ajar iyo xasanaad aan ka heleyno. Waxaana idinka codsaneynaa in aad na caawintaan, si aan anaguna wiilkaas u caawino.

Waxaan idinka codsaneynaa in aad sadqo nagu caawisaan. Waxaadna ku soo aadinkartaan sadaqadiina xawaaladaha Somaalida ee wadankan xafiisyada ku leh, sida DALSAN, DAHABSHIIL iyo AMAL. Hadii kalena ku soo hagaajiya bangiga magiciisa la yiraahdo,

The Commonwelath of Australia;
Account Name: Osman Shirawe appeal;
Account Number: 3139-10200738
Branch: Heidelberg West. 
 

Wixii faahfaahin ah kala soo xiriiraa gudiga iyo emailada hoos ku qoran;

  • 1) Maxamed Warsame "Rootti":        Gudoomiye
  • 2) Ing Maxamed Cabdi Daafeedow:   Gudoomiye ku-xigeen. 
  • 3) Cabdi Axmed Siyaad:                  Xoghaye.
  • 4) Ciise Maxamud Dhollowaa:           Xiriiriye.
  • 5) Sheekh Ciise Cabdow:                 Xubin.
  • 6) Cabdiraxmaan Jaamaca "Raas"      Xubin.
  • 7) Salaad Cali Catoosh.                  Xubin.
  • 8) Jawaahi Luunge.                        Xubin.
  • 9) Maryan Garweyne.                     Xubin.
  • 10) Faadumo Maxamed "Faayoow"   Xubin.
  • 11) Axmed Maxamed Warsame.       Xubin.

  Wixii kale oo faahfaahin ahna kala xiriira dadkan iyo webpages-ka hoos ku qoran.

1) Ciise M Dhollowaa. Email: imfarah@students.latrobe.edu.au 
2) Maxamed Warsame "Rootti" Warsame_rotti@optusnet.com.au
3) Hiiraan Online 
4) Somalitalk webmaster@somalitalk.com

Dhamaad

I  I  D  H  E  H

 LIFAAQ.1
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr. Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas......

LIFAAQ.2

Bahda SomaliTalk waxay mahad ballaaran u jeedinayaan Allaha awooda sare leh oo ogolaaday in Cusmaan Muumin Shiraawe loo helo meel lagu daweeyeo. Waxa kale oo aan mahad u jeedineynaa Dawladda Australia, gaar ahaan safaarada ay Australia ku leedahay dalka Imaaradaka carabta oo in badan u sahashey ubadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan in ay helaan dal kugalka Australia si halkaas loogu soo daweeyo. Waxa kale oo mahad ballaaran mudan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia oo mar kasta u taagan gacan qabashada carruurta Soomaaliyeed. Ugu dambayn waxaan mahad u celineynaa Ciise Dhollowaa oo waqtigiisa u huray carruurta yaryar sidii uu u keenilahaa meel lagu daweeyo.

FADLAN TAAGEER UBADKA JIRRAN, FADLAN DADKA KU BARAARUJI HALISTA SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA.

http://somalitalk.com/dhollowaa/ 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD