13 SANO KADIB KOW KASOO BILAAW !!!
XagarYare
xagar91@hotmail.com
Aug 13, 2002
Dalwadii Kumeel gaarka ahayd oo waqtigeedu
dhammaaday ayadoo aan qaban wixii Loo dhisay oo hadda u durbaan tumeysa
isnacaybka shacabka Soomaaliyeed
markii dhahar la waayaba
madhiqlaa badali jira
ma dhurwaa i haystaan ku badali dhurwaa kale?.
I I D H
E H
|
|
Waxaa maalmahan la dhowraayaa in uu soo
gabagaboobo sagaal bilood kadib shirkii lagaga arinsanaaya sidii dib xabaalaha
looga soo saari lahaa qaranimadii iyo noloshii ummadda soomaaliyeed ee la
xabaal nololiyay ee ka socday dalka Kenya.
Waxaa
maanta gaba-gaboobay(dhamaaday) magacii lagu soo gaabinjiray DKMG, iyadoo aan
afartaas xaraf dib loo qori doonin malaha maadaamo sadex sano oo loo qabtay ay
AUGOST 12-2003 ku dhamaatay.
Taliska dekaamay nabadana diiday kaderyoo dibidhal noqoyeey.
Dawladii ku meelgaarka ahayd ee lagu soo
dhisay magaalada carta ee dalka jamhuuriyada Djabouti,ayaa waxaa ka mid ahaa
Dardaaranka ay qabtay:
Waa marka Koobaade in aysan ahayn Dawlad Rasmi
ah Balse ay tahay xukuumad kumeel gaar ah,marka xiga in ay sugto nabad
galyada,marka kale in ay Soo diyaariso Dastuur Federaali ah.iyo in ay marka ay
dhamaystirto hawlihii loo soo xilsaaray si toosa iyadoo aan shuruudi daba oolin
xilka ugu wareejiso dawlada lasoo dhisi doono.
Waxaa maadaama xiligeedii dhamaaday ummadda
soomaaliyeed ee si walba qayrkeed uga hadhay ay bilihii ugu danbeeyay is
waydiinayeen oo kaliya maka dhalandoontaa shirka dhankaas iyo keenya ka socdaa
dawlad Ka midha keenta baahidii ay Dabooli wayday xukuumadii CARTA.
Balse iswaydiintaas waxaa uu gabalkeedii
dhacay kadib markiii uu madaxweynihii wadajirka loo soo doortay Mudane
cabdiqaasim salaad xasan iyo dhamaan Beelaha soomaaliyeed ee uu ka dhashay si
cad isugu raaceen in wax kasta oo ka soo baxa ay gaashaanka ku
dhufanayaan,dagaalla ka xigaan.
_Muuse suudi yalaxoow oo shirka si quruxbadan
uga muuqan jiray ayaa dhowaan markaliya ku dhawaaqay in shirka lamarin
habaabiyay oo beelo kale kabo aysan gashanba karin loo galinaayo kana baxay.
_Xussen caydiid oo isagu horboodijiray geedi
socodka shirka ayaan todobaadkii dhawayd soo xaadirin isagoo dhaliil uu
caloosha ku qarsaday shirka u soojeediyay.
_hogaamiyayaal kale oo beelaha soomaaliyeed ee
cabdiqaasim oo uu ka midyahay cusmaan caato ayaa iyana shirka oo haatan
gabagabo ku dhaw intii horena hogaanka si habsamiya ugu soo hayay markaliya
sheegay in uu ka diday,
Waxaa intabadan ay arintaasi soo baxday kadib
markii uu madaxweyne cabdulqaasim salaad xasan oo shirka qaybihiisii danbe
goobjoog ka ahaa uu shaaca ka qaaday in uu shirka ka baxayo islamarkaasnna aanu
aqoonsanay jiritaanka shirka iyo go,aamada ka soobaxa midnna,
Mr
Cabdiqaasim
intaas oo kaliya kumuu ekaanine waxaa uu muujiyay in hadii la isku dayo in
dawlad loo dhanyahay inta halkaa lagu soo dhiso layiraa walaaloow xilka wareeji
waatii balantu ahayde uu ka bilaabi doono sheekada halkii ay 13 sano ka hor
kabilaabatay magaalada muqdisho,isagoo cabdulqaasim sugay in dhamaan
hogaamiyayaasha iyo ganacsatada koonfureed isagoo markaas malaha ulajeeday
beesha uu ka dhashay ay diyaar ula yihiin inay ku garab siinayaan hadii ay
xaaladu dagaal gaarto.
Dadka soomaaliyeed iyo wadamada dibada ee
daneeya walaalaynta soomaaliyeed oo aad uga naxay in uu cabdi qaasim diyaar
uyahay in uu arinka kasoobilaabo halkii ay 13 sano ka hor joogtay ee ahaa
isnacaybka qabaa,ilada soomaaliyeed iyo dhiggii naxariisdarada ahaa ee ku
daatay,hadii layiraa xukunka ku wareeji dawlada haatan lasoodhiso,ayaa
sheegay,in ay xaqiiqada ka fogtahay sheegashada cabdulqaasim iyo eedaymaha uu
soo jeediyay oo ahaa in aanu shirka keenya ka tarjumaynin danaha midnimada
soomaaliyeed islamarkaanayahay mid lagu baabi,inaayo diinta islaamka,qodobadii
uu carabka ku dhuftayna waxaa kamid ahaa.
-waxaa lagu dhantaalayaa midnimada dalka
soomaaliya.
-waxaa lagu baa,bi inayaa ahaanshaha ummadda soomaaliyed tahay ummad islaam
ah.
-waxaa lala dagaalamayaa in ummadda soomaaliyeed ku hadasho afka carabiga,
Taasoo uu dabadeed mr cabdi qaasim shirkii
keenya ka soo baxay magaalada muqdishana kaga abaabulay olole xoogleh oo uu
kaga hor tagayo natiijo kasta oo ka soo baxda.
Falkaas uu odaygu ku kacay oo aad uga nixiyay
abaabulayaashii shirka ee beelaha caalamka ayaa waxaa ay dantu ku kaliftay in
ay saxaafada aduunka ku shaaciyaan qodobada dastuurka cusub siiba intooda
qeexaysa arimaha udaygu kaga shanqadhiyay,
arinka midnimada.
_farqadda 1aad ee distoorka cusub ayaa si cad
u qeexaya in midnimada soomaaliyeed tahay laguma xadgudbaan,waxaanu farqada
3aad ee qodobka 2aad u cadaynayaa xuduudihiisa sidan,
A)WOQOOYI-gacanka cadmeed
B)W/GALBEED- jamhuutiyadda jabuuti
C)GALBEED-ethiopia
D)KOONFUR&KOONFURGALBEED-kenya
E)BARI-badweynta hindiya.
Dhanka Diinta ILAAMKA waxaa Qeexaya Qodboka
10aad oo dhigaya in diinta Islaamku tahay tan dawladda,isagoo waliba si cad u
qeexaya in sharci dejinta Dalka ay shareecada islaamku saldhig utahay.
Akhriste Distoorka cusub ee uu Odaygu ku
sheegay mid carabiga Daadka qaadsiinaaya ayaa dhigaaya in AFKA CARABIGU la
dhumucyahay afka SOOMAALIGA,isagoo destuurku u qoraayo sidatan:
_AFKA RASMIGA AH EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
WAA AFKA SOOMAALIGA(maay iyo maxaad tiri) iyo AFKA CARABIGA:
waxaa hadaba is waydiinleh hadii su,aashii la
iswaydiinaayay ee ahayd dawlada ka soo baxda shirka keenya wax ma qaban doontaa
u egtahay mid haatan meesha ka baxday, Ragga u durbaantumaayo in ay sheekada 13
sano kadib kow ka soo bilaabaan indhaha ay yeelan karto.
Waayo waxaa horay loo soo galay 13 shir oo ay
ugu wakhti dheeraayeen,kii jabuuti iyo kan keenya.hadii ay bilaabato meesha ay
ku dhamaan iyo cidii dib ugu guulaysan lahayd soonoolayn danbe wixii la oran
jiray is aaminaad,laba cali se dib ma u wada hadli doontaa.
Daayimoow allahayoow nin walbaa danbiga
uu u durbaan tumanaayo isaga uun dib ugu celi.
XagarYare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk Germany
Aug 14, 2003
XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO
1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991,
waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.
WARBIXINTII JAAMACADDA BOOSAASO... GUJI
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|