Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (8)
Siciid
Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com
|
1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad |
6aad |
7aad |
August 18,
2003
Xalalka Mushkiladaha Ubadka : Tarbiyad Toosan
Maqaalkii ugu danbeeyay ee mushkiladaha Soomaalida qurbaha
waxa aan kaga soo hadalay qaar ka midda mushkiladaha ubadka Soomaalida ee
qurbaha ku barbaaraya. In kasta oo aan jeclaa in aanan ka leexan manhajkii aan u
qorayay maqaaladan (oo ahaa in marka hore aan soo bandhigo dhibaatooyinka ugu
waaweeyn ee haysta jaaliyada ka dibna aan xigsiiyo wixii aan xal u arko)
hadana dhibaatooyinka ubadka oo maalinba maalinta ka danbaysa sii badanaya iyo
iyadoo mushkiladahaasi ay u baahan yihiinn xalal degdega ayaa waxaan maqaalkan
ka leexan doonaa manhajkaas, waxaanan isku dayi in aan akhristayaasha qormadan
iyo kuwa soo socodaba aan kula wadaago talooyin aan is leeyahay waxa ay wax ku
soo kordhin kartaa toosinta iyo badbaadinta ubadka Soomaaliyeed ee Galbeedka ku
barbaaraya..
Talada Kowaad : Cabsida Alle
Soomaalidu waa dad Muslimiin ah, dhib kasta oo haleeshana waa
in ay xalkeeda ka raadiyaan diintooda. Qofkii fahma diinteenuna waxa aan ka
qarsoomayn in Cabsida Alle ay tahay xalka lagu furdaaminayo dhamaanba
mushkiladaha bulshada oo dhan. Balamaha uu Alle kitaabkiisa ku sheegay kuwaas oo
aanu marnba ka baxayn waxaa ka midda “ Qofkii
Alle ka Cabsada, in mashkilad kasta uu Ilaahay waddo uu uga baxo u
furrayo”,
“Qofkii Alle Ka baqa in Alle
arimihiisa fududaynayo”,
“Qofkii
raba in caruurta uu Alle u
ilaaliyo in uu Alle ka baqo”.
Balanqaadyadaas iyo kuwa kale oo macnahaas xambaarsani waa qaar ka buuxa
kitaabka Ilaahay iyo axaadiista Nabigiisa (csw). Sidaa daraadeed in ubadka lagu
barbaariyo cabsida Alle iyo jacaylkiiisu waa xalka mushkiladaha ubadkeena, waayo
ilmo ilaah ka baqayaa Gang ma noqodo, ilmo ilaah ka baqayaa drug ma qaato, ilmo
ilaah ka baqayaa ma sinaysto, ilmo ilaah ka baqayaa wax ma dilo. Midda kale, waa
in caruurtu inta ay yaryaryihiin lagu barbaariyo in ay u hogaamsamaan
qawaaniiinta Alle iyo in ay ilaaliyaan xuduudiisa. Xadiis uu soo arooriyay
Tarmidi oo ku sugan kitaabka Arbiciinka ee sheekha la yidhaa Nawawi ayaa waxa uu
ina tusaalaynayaa in Nabigeenu caruurtu inta ay yaryaryihiin uu ku tarbiyadayn
jiray ilaalinta xuduuda Ilaahay iyo mabaadiida waaweeyn ee caqiidada Islaamka oo
ay ka mid yihiin in ilaahay oo kaliya lagu tiirsanaado iyo in la ogaado in wax
aanu Alle rabin aanay dhacayn. Tusaalooyinka diinteena waxaa ka midda in
caruurta inta ay yaryaryihiin la baro salaada. Waayo ilmahu hadii inta uu
yaryahay caadaysto Salaada tukashadeeda waa ay u fududaanaysaa in uu ilaaliyo
salaada marka uu waynaado. Dhaqankasta oo wanaagsanina waa sidaa salaada oo
kale. Iyadoo kooban waa in caruurtu inta ay yaryaryihiin cabsida Alle iyo
jacaylkiisa quluubtooda lagu beero waana in aan lala sugin arinkan inta ay
ubadku ka korayaan waayo haday ubadku kugu ag waynaadaan iyaga oo aan tarbiyadan
iimaaniga ah lahayn way adagtahay in la badalo dhaqankooda marka ay waynaadaan
khaasatan kuwooda ku dhex barbaaraya mujtamacyada ay ku yrayihiin Muslimiintu.
Talada Labaad : Waalidku tusaale Fiican Ha noqdo
Waalidku waa in uu tusaale fiican u noqdaa ubadkiisa.
Tusaalaha fiicani waxa uu ka mid yahay qaababka ugu toosan ee hooyada iyo aabuhu
ay tarbiyada wanaagsan ugu gudbiyaan ubadkooda. Tusaale ahaan hadii aan aabaha
iyo hooyada midkoodna aanu tukan, runtii way adkaanaysaa in caruurtooduna ay
tukadaan. Caadooyinka xunxun ee caruurtu waalidkood ka qaataan waxaa ka midda
beenta, khiyaamada, balwada iwm. Sidaas oo kale waxa ay ubadku ka qaataan
waalidkood cadooyinka wanwanaagsan sida runta, amaanada, deeqsinimada iwm. Waxa
la soo wariyaa in uu maalin Nabi Maxamed (csw) arkay hooyo inankeeda u yeedhaysa
oo ku leh hooyo HOO (yacnii doonaysa in ay wax siiso), nabi Maxamed (csw) wuxuu
waydiiyay waxa ay rabto in ay siiso ilmahaas ?. Waxa ay ku jawaabtay “timir
ayaan rabaa in aan siiyo rasuulkii Allow ”. Wuxuu nabigu markaa u sheegay
hooyadaa in hadii aanu arinkaasi run ka ahayn uu Ilaahay agtiisa BEENALAY
u qori doono. Xadiiskani waa baraarujin uu Nabigu(csw) ku baraarujinayo hooyadan
iyo Muslimiinta oo dhanba in la iska ilaaliyo qaladaadka caruurta agtooda lagu
samayeeyo, waayo caruurtu si fudud ayay markiiba ugu dhagaan dhaqamada qaldan ee
agtooda lagu sameeyo. Cilmi baadhisyo badan oo lagu sameeyay caruurtuna waxa ay
sheegayaan in asbaabaha ubadku ay u kharibmaan ay ugu wayn tahay in ay waayaan
waalid ay tusaale fiican u noqda. waxaana muhiim ah sida ay Culimada tarbiyadun
inoo sheegaan in caruurtu aanay qaadan waalidka hadalkiisa hadii ficilka
waalidku uu yahay mid khilaafsanyahay hadalkiisa. Sidaa daraadeed taladayda
labaad waxa weeye in laga fiirsado ficilada caruurta lagu ag samaynay iyo in
ficiladaasi noqdaan qaar wanaagsan oo raadeeya nolasha caruurteena .
Gabagabo:
Labdan talo waa xalalka asaaska u noqon kara mushkiladaha
ubadkeena, hadii Alle yidhaa dona maqaalka soo socda ayaan ku eegi doonaa xalal
kale oo camali ah oo arinkan ku saabsan .
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa
, Kanada
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 18, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|