SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Wararka Ogaadeenya 

Warkii Radio Xoriyo : 08 Aug,2003

Warka Madaxdiisii

-Biyoolayaashii´iyo Magaalada Dh/buur oo Ganaax Lagu Soo Rogay
-Xad Gudubyo Loo Geystay Shacbiga Ogaadeenya
-Odayaal Caan Ka Ah Ogaadeenya oo Lagu Xidh Xidhay Qabri-Dahar
-Itoobiya oo Maxkamad Saartay Qaar ka Mida Madaxdii Hore ee Dhergiga
-Shir ay Yeesheen Kooxo Soomaaliyeed o Muran Dhaliyey

Warkii oo Faah faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa soo Tabisay Gadaafooyin Dhan ka ah Xuquuqda Aadamaha ooy CCGI,kula Kaceen Shacbiga Ogaadeenya Waxayna ku bilowday Maryama

Iyadoo ay Baryahan dambeba sii badanayeen Dhibaatooyinka lagu Nugleynayo Shacabka kuwaas ooy ka mid yihiin Dilka,Dhaca,Xidhayga,Xoole Oodka,Ciqaabaha kale iyo Xaqiraadaha kale ayey waxay hada wadaan Olole Cusub oo Fuuq Fuuq Goyn ah.

! 14 Julay,2003 Waxaa Ganaax Maaliyadeed oo ujeedadiisu tahay in lagu helo lacag lagu quudiyo CCGI,awgiis lagu ganaaxay lacag dhan 30,000 Birr oo lacagta Itoobiya ah Xaafada 4aad ee Degmada Dhagaxbuur.

Sidoo kale Biyoolayaashii isla Magaalada Dhagaxbuur ayey iyana ku Ganaaxeen lacag dhan 20,000 Birr.Taas oon sooba galin marka la eego Dhaqaalaha ay ka helaan Shaqadaas.Iyagoo Shacbiga Dulman een Tuubooyin Biyaha u keena loo samayn siin jiray Biyo ay ku Noolaadaan.

Waxaa kale oo iyana Bil Walba in ay bixiyaan lacag dhan 20.00 Birr lagu Ganaaxay Dilaaleeydii Magaalada Dhagaxbuur.Dhaqaalahan oon lagu samaynaynin Horumar ay dadku u aayaan wuxuu yahay mid si naxariis daran laysugu faral yeelayo iyadoon loo aabo yeelaynin.

16 Julay,2003 Waxaa Olole Xoole Uruurin ah laga bilaabay Ceelka Bulaale iyadoo Xoolihii soo arooraba lagala hadhayo Hal Neef oo adhi ah ama Dhaqaale u dhigma,waa haddii ay Xooluhu ka duwan yihiin.Odayaal ku hadlay Magaca S! hacbiga Halkaas degen oo arinka ka hadlay waxaa loo taxaabay Xabsiga,dib ayaana Magacyadooda ka soo sheegi doonaa.

27 Julay,2003 Tuulada Leen oo ka mida Gobalka Nogbeed,Waxaa Jidh dil baán loogu geystay dad badan ooy ka mid ahaayeen

01-Ali aar Ibraahin
02-Nimco Ali Aar,

Ciqaabahaas oo aad u adkaa awgiis Gabadhii way la dhaqaaqi kari wayday,Odaygiina markii la aaqibo tiray ayaa loo taxaabay Xabsiga.

27 Julay,2003 Magaalada Galadiid oo ka mida Degmada Shaygoosh,ee Gobalka Qoraxey waxaa Jidh dil Xun loogu geystay dabadeedba Xabsiga loo taxaabay,dadkan

01-Mawliid Mohamed Nuur
02-Sawda Ali Haji

29 Julay,2003 Xidhlibaax oo iyana ah Tuulo ka mida Gobalka Nogbeed,waxaa jidh dil iyo Xidhay loogu geystay dad badan oon ilaa iyo hada Magacyadooda ka hayno

01-Dhaqane Xarbi
02-Sh.Mohamed Sheekh
03-Abdulahi Abdi Adheys
04-Sh.Batuun Mohamed
05-Ali Abdulaahi Boode
06-Mahad Ali Adaawe
07-Ahmed Hassan Yuusuf
08-Aden Abdi Wali
09-Ahmed Dayib Moálin
10-Ahmed Nuur Abdi Goodir
11-Fardawsa Sh.Yuusuf
12-Rabiic Mohamed Sheekh
Iyo Kuwo Kale.

01 Aug,2003 Galaalshe oo ka mida Degmada Dh/buur,waxaa lagu xidhay dadkan

01-Mohamuud Abdi Khaliif
02-Cumar Sarhaye Cadood
03-Abdi Samad Cadood
04-Mahadi Abdi Samad
05-Mohamed Shafeec Shuuriye
06-Raabi Ow-Ahmed
07-Abdi-Aziz Ahmed Shuun
08-Abdi-risaaq Mohamed
09-Geedan Abdulahi Abdi
10-Abdiwahid Ali Kaahin
11-Ali Mohamed Salaad
12-Badel Abdi Waahid
13-Muhumed Aaden Siraad
14-Ahmed Nuur Abdi Shariif
15-Abdishugri Ow-Ahmed
16-Abdi Kaad Abdulahi Madoobe
17-Indha Case Sh.Daahir
18-Abdi Jeel
19-Ali Madhan
20-Afmadhandiid Abdi
Iyo Kuwo kale.

29 Julay,2003 Qabri-dahare oo ah Magaalo Madaxda Gobalka Qoraxey,waxaa lagu xidh xidhay Dad badan oo Hogaamiyayaasha Dhaqanka Bulshada ah ooy ka mid ahaayeen

01-Hussein Hassan Bide,Hussein Aabi
02-Abdi Ahmed Haashi,Abdi Dacay
03-Hussein Dayib Haaji Warfaa,Bilaawa Cade
04-Khadar Omer Tube
Iyo Kuwo Kale oon dib ka soo sheegi doono.

Odayadan oo dhamaan ah Madax Dhaqameedyo Hogaamiya Bulshada Ogaadeenya ee Degen Gobalka Qoraxey waxay ahaayeen kuwo waday Hawlo Lagu Qaboojinayo Isku Dhicii Beelaha Aaga Harooyinka kuna Mashquul Sanaa sidii ay u damin lahaayeen Colaadaas iyada ah,oo khasaare Naf iyo Maalba leh keentay.Hadaba Gumeysiga Itoobiya oo isagu ku Mashquulsan sidii uu dadkaas isugu diri lahaa ayaa Markii Dabkii uu Huriyey ay damiyeen ku Ciqaabay in uu arintaas u Xidho.

Khadar Cumer Tube oo ka mida Odayadan wuxuu la dhashay Gud,Hore ee Gobalka Qoraxey Allaha u Naxariistee,Marxuum Muhumed Omer Tube oo si ulakac ah ay Horay CCGI,ee Qabridahare degen Magaalada Dhexdeeda ugu Toogteen.

Iyadoo ay Hussein Aabi,Abdi Dacay iyo Hussein Dayibna yihiin Madax Dhaqameedyo Qiimo weyn iyo Qadarinba ku leh Bulsha Ogaadeenya ee Gob! alka Qoraxey.

Marayama Ruun Liibaan
Radio Xoriyo,Qoraxey
Ogaadeenya

------------------------------


Warar Isku Dhafan oo Soomaaliya ku saabsan oonu ka soo Xiganay Shabakada Wararka ee Qoraxey ayaa Sheegaya

Muuse Suudi yalaxow oo Shirka isaga baxay muxuuse qoonsaday....

Sida uu soo Sheegay Wariyaha Shabakada Qoraxey,Mursal Quule oo haatan ku suggan Xeradda Mbagathi oo uu shirka uga socdo kooxaha soomaaliyeed ayaa ku soo warramay in

Hoggaamiye kooxeed Muuse suuddi yalaxow oo ka mid ah siyaasiinta ugu cadcad waddanka soomaaliya oo dhawaanna ku soo laabtay magaaladda nairobi ayaa ma! anta qaadacay shirka dib u heshiisiinta kooxaha soomaaliyeed uga socday dalka kenya..

Hoggaamiye kooxeed muuse suuddi ayaa sheeggay in u jeeddada uu shirka dibadda uga baxay ay tahay isagoo aan ku qanacsanayn qaabta federaalka ah islamarkaasna buu yiri arrimaha ay ansixiyeen qaar ka mid ah hoggaamiya kooxeedyadda.

Muuse suuddi yalaxow ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha shirka uusan dhexdhexaadin karin ummadda soomaaliyeed isagoo sheeggay in shirkan laga leeyahay dano gaar ah..

Hoggaamiyahaasi oo maanta u warramayey Qorahay Online markii uu shirkaasi ka soo baxay ayaa sheeggay in uu dib ugu noqonayo dalka soomaaliya waxuuna intaasi raaciyey in uu ku biirayo madaxweynaha dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya Mr C/qaasim salaad hassan waxuu kaloo sheeggay in axdigaasi uu qorayo in dadka guryahood laga saaro waa dadka aan la hayne mar uu arrinkaasi ka hadlayey ayuu sheeggay in ay tahay mid aan sinaba loo aqbali karin.

Dawladda Itoobiya oo Maxkama! d saartay dad aad u faro badan oo ka tirsanaan jiray dawladdii Hore ee Dhergiga

--------------------------
Sida ay sheeggayaan wararka naga soo gaaraya Adis-Ababa ayaa sheeggaya in maxkamadda sare ee ku taalla magaaladdaasi ay xukuntay dad gaaraya ilaa labaatan qof oo dhammaantood ku xirnaan jiray xabsiyo ku yaalla Itoobiya waxayna wararku sheeggayaan in intii ay ku jireen xabsiyadaasi loo geestay dhibaatooyin faro badan ...

Dadkan la xukumay ayaa la sheeggay in lagu kala xukumay Dil Xabsi daa"in iyo Xarig adag...afar ka mid ah dadkaasi oo lagu xukumay dil ayaa la sheeggay in maalmaha soo socda lagu daldali doono meel fagaare ah..

Dhammaan dadkani ayaa la sheeggay in ay geesteen dambiyo ka dhan ah bini aadanimadda wakhtigii uu madaxda ka ahaa Itoobiya Mingiste Heyle maryan..

Warku waxuu intaasi ku darayaa in dadkaasi maanta la xukumay ay qaar ka mid ah iska xirnaayee! n iyadoo aan la xukumin muddo aad u badan.hase ahaatee ma jiraan cid ay maanta maxkamadu ay oodda ka qaaday,

Dadkani ayaa la sheeggay in ay ummadda reer itoobiya u geesteen dhibaatoonyin lixaad leh..waxa kaloo la sheeggay in ay Dhagta dhiigga u dareen dad lagu qadaray shan kun oo qof oo Itoobiyaan ah xilligii uu waddankaasi ka talin jiray madaxweynihii horre ee haatan masaafuris ugu maqan waddammo ku yaalla geeska Afrika...

Waxaa Xusuus mudan in Xukumada hada Qaadaysa Maxkamadan ay laftigoodu faraha kula jiraan Xad Gudub ay u geystaan Shacbiga Ogaadeenya iyadoo Qisaata dadka ay Ogaadeenya ku dilaan ay dhan tahay 100 qof.

---------------------------------------
Is afgaran waa ka dhashay shirkii ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ioo muran dhaliyey...

Sida ay sheeggayaan wararka inaga soo gaaraya madasha shirka dib u heshiisiinta ayaa sheeggaya in kooxaha Soomaalida ee ka qeyb! galaaya shirka nairobi ay si weyn ugu kala qeybsanyihiin axdiga cusub ee loo qeybiyay ergooyinka shirka oo qaar ka mid ah Kooxuhu ay soo jeediyeen in qodobada qaarkood gebi ahaan la bedelo

Iyadoo aan la gaarin xilligii loo codeynaayay & wakhtiga ay kooxuhu gudbinaayeen dhaliilahooda ku aadan Axdiga Cusub. Waxaana la sheegay in uusan shalay qorshuhu ku jirin in shir la qabto waxaana la sheegay in sidii kii 5-tii Bishii hore shir deg deg ah loo qabtay ayna hoolna joogaan dad taageeryalaa ah oo ku oorinaaya cidii wax ka sheegtay Axdiga, waxaana dhacday in qaa ka mid ah Hogaamiyayaasha Group 8 &

Al-Xaaji Muuse Suudi & qaar ka mid ah bulshada rayidka ah ay banaanka ka isaga bexeen shirkaasi kadib markii ay arkeen buugaasi waxaana dhacday in shirkaasi xitaa uu kala qeybsanaan u kala dhex dhigo Guddiga farsamada ee IGAD

Iyadoo wakiilka Jabuuti uu isaga baxay shirka, waxaana lagu wadaa in maanta la qabto shirkii shalay baaqday iyadoo aan la xalin khilaaf! kii shalay la isku mari waayey taasina waxay keentay in maantana uu shirkii baaqdo dadka indh indheeyo arrimaha siyaasadda ee soomaaliyaa ayaa u arka in uu shirkan siiba socon kari waa sida hadalka loo dhiggaye

-----------------------------------
Dhoodi Danwaa
Radio Xoriyo,08 Aug,2003

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD