DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
|
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo : 05 Aug,2003
Warka madaxdiisii
-Shir ay Yeesheen Ururka Haweenka Ogaadeenya ee Australia
-Warbixin sanadeed kii Malese aad loo dhaliilay
-UNDP oo sheegtay in Itoobiya kamid tahay wadamada ugu horumarka yar aduunka.
-Shir qarsoodi ah oo ay yeesheen Jeneraalada Ciidanka Itoobiya iyo qaar kamid
xubnaha EPRDF
-Dalka Koonfur Africa oo Noqon Doona Hogaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta
Afrika,Somalia
-Wasiiro Tatirsan DKMG oo Kulaabtay Somalia
Warkii oo Fidsan
Haweenka Ogaadeenya ee Australia oo Shir Yeeshay
War Rasmi ah oo aanu ka soo Xiganay Wakaalada Wararka Ogaadeenya ONA,ayaa
Sheegaya in ay 03 Aug,2003 Shir isugu yimaadeen Ururka Haweenka Ogaadeenya
Magaalada Melbourne ee Wadanka Australia. Shirkaa Haweenka Ogadeniya yeesheen
waxaa Warbixin Dheer ugu soo jeediyay khadka Telfoonka Gud.Hogaanka Warfaafinta
Jwxo,Halgame Abdiqadir Sheikh Xasan Biixi Hirmooge,taas oo qiiro weyn galisay
dhamaan Xubnihii Warbixintaas dhagaysanayey. Kadib makrii uu Hogaanku ka haqab
tiray Xaalada Guud iyo Mida Gaar ahaaneed ee uu Halganku ku sugan yahay waxay
dhankooda ka waydiiyeen su,aalo ay u baahnaayeen in loo bayaamiyo iyadoo ugu
danbayntii si faah faahsan looga haqabtiray dhamaan Xaaladihii kala duwanaa eey
Hogaanka Waydiiyeen.Xubnihii Shirkaas ka soo qayb Galay
Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka Dhexe ee Gumeysiga Itoobiya oo Dhaliilay Warbixin
Sanadeedkii Raķisul Wasaarahooda
Xubno ka tirsan baarlamaanka dhexe ee Itoobiya ayaa si cad u dhaliilay ugana soo
horjeedsaday Warbixin-sanadeedkii Meles Zinaawi ee sanadkan uu soo hor dhigay
baarlamaanka Federaalka Ethiopia.Waxaa dareenka xubnaha baarlamaanka kiciyey
iyada oo aan laga warbixinin qodobo badan oo la xidhiidha hawlaha Qaranka siday
sheegeen iyo iyada oo lala yaabay in xubno tiro yar oo wisii! ro qudha loo
ogolaaday inay warbixin ka sii yaa baarlamaanka hawala ay u xilsaaraayeen. Waxaa
kale oo xubnaha barlmaanka ka cadheysiiyay warbixinta Zinaawi oo ay ku jirtey
shaqaalihii dawlada- Hoose ee Addisababa ee dhawaantan sabab la,aanta lagaga
eryey shaqada iyo adeegii bulshada ay u hayeen, kuwaas oo u badnaa Dhakhaatiir
iyo Macalimiin. Dhanka kale waxaa aad loogu eedeeyey kaligii taliye Zinaawi inuu
maamulada heer degmo kilil iyo Qaranba uu madaxa isugaliyo si maamulku u
murugsanaado.
Hayada Qaramada Midoobay ee UNDP-da oo Itoobiya Ku Tilmaantay mid ka Mida
Wadamada Dunida kuwa ugu Horumar Daran.
Warbixin ay soo saartay Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Aduunka
ee loo yaqaano UNDP bishii July 2003 , ayay ku sheegtey in ay Itoobiya kamid
tahay lixda waddan ee ugu liita aduunka xaga horumar, katid markii baadhitaan
lagu sameeyay 175 wadan oo ay Itoobiya kujirto, waxayna noqotay wadank! a 169
aad. Xeeldheereyaasha arimaha Itoobiya ayaa ku tilaamay sababaha dib u dhaca
Itoobiya kukeeney in ay tahay siyaasada gumeysiga, caddaadinta shucuubta iyo
maamul xumo la xidhiidha dhaqaalaha arimaha Bulshada iyo dagaalada joogtada ah
ee ay kula jirto qawmiyadaha la cadaadiyo iyo waliba dalalka dariska la,ah.
Saraakiil Sare oo Ka Tirsan Ururka Talada Itoobiya Haya ee EPRDF/TPLF oo Shir
Qarsoodi ah Yeeshay.
Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Itoobiyo iyo madax sar sare oo ka tirsan
EPRDF ayaa wada yeeshey shir qarsoodi ah oo ay kaga hadlayeen siyaada Meles iyo
sababaha uu u bixiyey dhul Itoobiya leedahay, Dhulkaas oo ahaa dhulbeereed hodan
ku ah waxsoosarka beeraha oo uu ku wareejiyey Suudaan.. Shirkan ayaa wuxuu
dhacay kadib markuu saacado uun ka sii maqanaa wadanka kaligii-taliye Meles
Zinaawi oo booqasho ugu ambabaxay dalal afrikan ah. Shirkan aya la
dareensanyahay in lagu diyaarinayay qorshe lid ku ah ma! amulka Meles,
haseyeeshee waxaa carqalasdeeyey gacanyaraha Meles Zanaawi Samoore Yoonis oo ah
talyaha ciidanka Itobiya.
Qorshaha Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee Wadamada Afrika iyo
Hogaamintooda
warar dheeraad ah oo ka soo baxayaan qorshaha Soomaaliya lagu keenayo ciidamo
nabad ilaalineed oo ka socda dalalka Midowga Afrika ayaa la sheegay inuu dalka
K/Afrika noqon doono Hogaanka Ciidamadaasi. K/Afrika oo Guddoomiye u ah Guddiga
Ammaanka u qaabilsan midowga Afrika ayaa aqbashay qorshahaasi, kadib markii ay
ka wada hadleen dalka Kenya, waxayna dowladda Kenya u dirtay dalkaasi
wakiilkeeda Soomaaliya u qaabilsan ahna guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta
Bathwell Kiplagat oo madaxda dalkaasi kala hadlay xaalada Soomaaliya, halka
shirku marayo iyo baahida jirta. Guddiga Afrika u qaabilsan ammaanka waxaa
guddoomiye ku xigeen ka ah Itoobiya, waxaana la ogyahay inay qorshaha ciidamada
nabad ilaalinta Soomaaliya lagu keenayo ugu horeeyaan dal! alka askarta ku
yaboohay oo ay kamid yihiin K/Afrika, Itoobiya iyo Kenya.
Xubno ka tirsan ergadii Dowladda KMG ah ee ka qeyb galeysay shirka dib u
Heshiisiinta Soomaalida ayaa ku soo laabtay Muqdisho iyagoo ka mid ahaa
taageerayaasha madaxweyne C/qaasim ee qaatay go,aanka ah inay ka baxaan shirka
Kenya.
Xubnahan oo uu hogaaminayay wasiirka lacagta dowladda KMG ah Cumar Xaashi Aadan
ayaa ahaa qeybtii labaad, waxaana la filayaa qeyb kale inay ku soo laabato
Muqdiso isla toddobaadkan. Xubnaha labada gole ee taageersan madaxweyne C/qaasim
ayuu shir uga furmayaa magaalada Muqdisho si ay go,aan uga gaadhaan xaalada DKMG-ah
oo xiligeedii dhamaaday iyo wixii ay kayeeli lahaayeen
Hay,adda Cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay inuu raashinku ka
dhammaan doono bi-sha Oktoobar Qaxooti Soomaali iyo Suudaan isugu jira oo
tiradoodu gaadhayso 130.000 ruux oo ku nool Bariga iyo Galbeedka Itoobiya.
Hay,addu waxay codsatay inay beesha caalamka iyo deeq bixiyeyaashu la soo
gaadhaan taageera dhaqaale oo lagu sii wado quudinta Qaxootigaasi, iyagoo
sheegay inay si degdeg ah ugu baahan yihiin lacag dhan 5, 300.000 oo dolarka
Mareyankanka ah, oo raashin kala duwan ;loogu soo iibiyo qaxootigaasi. Qaxooti
Soomaaliyeed oo dhan 3000 lana filayay inay dib ugu laabtaan Gobolada Waqooyi
Galbeed ayaa la sheegay inay waxyeelo u geysan karto arrintaasi kuwaasoo u
baahan in la siiyo raashin muddo ku filan iyo khidmo yar oo lacageed.
29.000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed ayaa weli ku jira Xerooyin Qaxooti oo ku yaala
Ogaadeenya, waxayna intooda badan doonayaan in dib loogu celiyo meelihii ay ka
soo qaxeen oo ah Waqooyiga Soomaaliya.
Guddiga Farsamada IGAD ee gacanta ku haya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
ee ka socda dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadalada la sii wadi
doono madaxweynaha dowladda KMG ah C/qaasim Salaad Xasan inkastoo uu shirka ka
baxay Arbacadii tegtay. Guddiga ayaa sheegay ina! y wafdi u soo diri doonaan
magaalada Muqdisho si ay ugu qanciyaan madaxweyne C/qaasim inuu shirka dib ugu
laabto, isla markaana ay socon doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin, waxayna sidoo
kale sheegeen in magaalada Hargeysa loo diri doono wafdi uu hogaaminayo wasiir
ku xigeenka arrimaha dibadda ee Kenya Jeph Omino. Somaliland oo tan iyo markii
shirka la bilaabay ka soo horjeeday inay wax lug ah ku yeelato ayaan wax rajo ah
laga qabin in lagu qanciyo ka qeyb galka shirka Kenya, halka madaxweyne C/qaasim
oo shuruudo ku xidhay dib ugu laa-bashadiisa shirka ay suuragal tahay in lagu
guuleysto in lagu celiyo shirka.
Guddoomiyaha shirka ahna wakiilka dowladda Kenya u qaabilsan Somalia Bathwel
Kiplagat oo tallaabooyin ku dhaqaaqay ayaa olole balaadhan oo aan hore loo arag
qaaday wixii ka dambeeyay markii uu shirka ka baxay madaxweyne C/qaasim iyadoo
dib u sixid soo bandhigid iyo qeybin lagu sameeyay Axdiga lagu muransanaa, isla
markaana qodobo badan oo ka mida kuwii lagu muransanaa d! ib loo saxay. Wafdiga
ayaa la filayaa inay dhamaadka toddobaadkan tagaan Hargeysa iyo Muqdisho.
Ergayga Dowlada Itoobiya u joogta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya
ayaa dagaal diblomaasiyadeed oo balaadhan ku haya madaxweyne C/qasim Salaad
Xasan wixii ka danbeeyay toddobaadkii hore markii uu ka baxay shirka Kenya.
Ergeyga Itoobiya u qa-abilsan Soomaaliya C/casiis Axmed ayaa shir jaraa,id ka
sheegay ereyo qalafsan oo uu ku weeraray madaxweyne C/qaasim, wuxuuna ku
tilmaamay inuu C/qaasim yahay nin aan xukumin inta badan DKMG-ah, isla markaana
maqnaanshihiisa aysan waxba u dhimeynin shirka. Waa shaqsi, waa iska bixi karaa.
DKMG ahna shirka way joogtaa, wax saameyn ah oo uu ku yeelan karo shir-kana ma
jirto ayuu yiri C/casiis Axmed, isagoo dhinaca kale beeniyay eedaha madaxwyne C/qaasim
u jeediyo dowladda Itoobiya. Dhinaca kale war jawa-ab u ah hadalada ka soo
yeedhay ergeyga Itoobiya ee shirka ayuu shalay so osaaray wasii-rka arrimaha
dibadda Dowladda KMG ah Yuusuf! Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo ku eedeeyay
safiirka Itoobiyaanka ah hadalada uu ku sheegay aflagaadada ee uu kula kacay
madaxweynaha dowladda KMG ah, wuxuuna intaas raaciyay in madaxweynayaasha IGAD
uu ka mid yahay C/qaasim Salaad oo aanay bannaaneyn in sida qof caadi ah looga
hadlo ama laga soo qaado. Yuusuf Dheeg wuxuu si weyn u canbaareeyay hab dhaqanka
Diblomaasiyadeed ee ergeyga Itoobiya wuxuuna si weyn u difaacay mowqifka
madaxweyne C/qaasim ee shirka.
Dhagaysta yaal warkii oo aad ka dhagaysanay seen
Radio Xoriyo Codkii Shcabka Ogadenia Caawa waa naga intaa.
Dhoodi Danwaa
Radio Xoriyo, 05 Aug,2003
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|