SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Wararka Ogaadeenya 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Sanad guurada 19aad ee ka soo wareegtay aas aaska JWXO oo laga xusay inta
    badan caalamka.
  • Ø Dagaalo dhex maray Ciidanka Gumaysiga Itoobiya iyo Ciidanka Wwadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.
  • Ø Madaxda sare ee Itoobiya oo loodiiday in ay wadanka dibada uga baxaan.
  • Ø 270 Macalimiinta Itoobiya ka mid ah oo shaqadii laga eryay.
  • Ø 27 Xaakin oo iskaga tagay Shaqadii ay u hayeen Xukuumada Itoobiya.
  • Ø Wasiirkii hawlaha guud iyo guryeenta Itoobiya oo shaqadii laga eryay.
  • Ø Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadanayno xus loo sameeyay 19 guurada ka soo wareegtay aas aaskii Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya Iyo suugaan halgameed.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Sanad guurada 19aad ee ka soo wareegtay aas aaska JWXO oo laga xusay inta
badan caalamka.

Xus balaadhan oo loogu dabaaldagayo sanad guurada 19 ee ka soo wareegtay aa aaskii jabhada wadaniga xoreeynta ogaadeenya, ayaa lagu qabtay Ogaadeenya
iyo guud ahaanba wadamada dibada ee ay ka jiraan jaaliyadaha Ogaadeenya.


Shacabka Ogaadeenya ee ku nool Gobolada iyo dagmooyinka ayaa isugu hanbaleeynayay Sanadguurada 19aad ee ka soo wareegtay markii udub dhexaadka
loo taagay JWXO, oo ah mida u halganta madaxbanaanida Shacabka Dulman ee ku
jira gacanta gumaysiga Itoobiya.

Inkasta oo cadaadis xoogle uu saaranyahay Shacabka ku nool gudaha ogaadeenya
hadana waxaad meelo badan ka arkaysay dadka oo isugu tahniyadeeynaya
geesinimada iyo adkaysiga ay muujiyeen ciidamada Xoreeynta ogaadeenya, oo ka
dhaariyay ciidamada gumaysiga Itoobiya in ay si nabadgalyo ah ugu nastaan
ciida ogaadeenya kuna abuuray khalkhal iyo jahawareer gilgilay xukunka sii
dhacaya ee ka taliya Addis Ababa.

Sidaas oo kale waxaa dhamaanba laga xusay maalintan taariikhiga ah wadamada dibada ee ay ku noolyihiin dadka ka soo haajiray gacanta aan naxariista laheeyn ee gumaysiga Itoobiya. Meelaha
sidaway looga xusay waxaa ka mid ah yurub, Ameerika, Ustralia, wadamada Carabta iyo Afrikaba.

Halkan hoosana waxaad ka akhrisan kartaan Laba dhanbaal oo nalooga soo kala tiray magaalada Londen iyo Kobenhegan.

Xaflad Lagu Maamusey Asaaskii JWXO oo lagu qabtay Koobenheegan


Kobenheegan 16 Aug.(ONA). Waxaa maalintii Sabatida 16 Aug. 2003 lagu qabtay
magaalada Koobenheegan ee Caasimada dalka Denmark xaflad lagu
maamuuseyey Sanad-guurada 19aad ee ka soo wareegtey Asaaskii JWXO oo dhidibada loo taagay 15 Aug. 1984.

Xafladaas oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Ogadenia ee wanka Denmark, waxaa ka soo qaybgalay dadweye fara badan oo sigu jira qaybaha kala duwan ee bulshada. waxaa musaabadaa hadalo xogbixin iyo sooyaalkii taariikheed ee halgana shacbiga Ogadenia ee geesiga ka soo jeediyey Madax ka mida ah hogganka JWXO Masuusliyiinta Unuga, guddiga Jaaliyada, cumulimada iyo odeyada.

Masuuliyiintaa halkaas ka hadashay waxay ku dheeraadeen xaalada uu ku suganyaha shacbiga Ogadenia ee dhaqan dhaqaale, heerka uu marayo halganka xaq u dirirka ee ay hagayso JWXO iyo guud ahaan jawiga siyaasiga ah ee ka jira gobolka G/Afrika. Masuuliyiintii halkaas ka hadashay oo ay ka mid yihiin C/hi colaad iyo Ileeye ayaa si xoogan u tibaaxay in la kordhiyo dadaalka halganaka, si laysaga tuuro heeryada Gumeysiga Hadhaaga ah ee Itoobiya.

Xafladdii sanadaguurada 19aad ee JWXO ee London.

London 16 Augost 2003 (ONA) habeenkii Sabtida waxaa magaalada London ee carriga Ingiriisiga lagu qabtay xaflad wayn oo lagu maamuusayay sanadguuradii 19aad ee ka soo wareegtay asaaskii Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, taasoo uu soo qabnqaabiyay Unugga JWXO ee London.

Xafladdaas, oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan, waxaa lagu tilmaamay inay ahayd mid si wayn loogu guulaystay, isla markaan laga gaadhay ujeeddadii laga lahaa.

Xafladda, oo qabnqaabadeeda lagu jiray in ka badan laba bilood, waxay isugu jirtay labo qaybood. Qaybtii hore ee lagu furay waxaa lagu soo qaatay khudbado iyo xogbixino kala duwan oo la xidhiidha sababta munsaabaddan loo qabtay iyo dhibaatada guud ahaan lagu hayo shabiga soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan.

Furitaankii xafladda waxaaa madashada hadalka lagu soo dhaweeyay madaxwaynaha Jabhadda Waddniga Xoraynta Ogadenya Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, kaasoo markii hore salaan iyo bogaadin u soo jeediyay dadwaynihiin xafladdaas ka soo qayb galay oo dhawr boqol oo qof lagu qiyaasay.

Ka dibna wuxuu hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay dadwaynaha soomaalida Ogadenya, meel kastoo ay joogaan, wuxuuna u rejeeyay inay sanadkan sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo gobanimo. Madaxwaynuhu wuxuu dadwaynaha xogbixin kooban ka siiyay sababta ay JWXO ugu jirto dagaalka ay kaga soo horjeeddo xukuumada gumaysiga ah ee Itoobiya, wuxuuna sheegay in dagaalka gobanimo doonku uu soconayo ilaa guusha kama dembaysta ah laga gaadho.

Madaxwaynuhu wuxuu dadwaynaha ku baraarujiyay in taageerada lagu gaadhi karo oo kaliya in gacan la siiyo ururka xaq u dirirka ah ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

Markii ay dhammaatay khudbaddii madaxwaynuhu waxaa madashii lagu soo dhaweeyay wiil yar oo lagu magacaabo C/raxiim Cismaan iyo gabadh yar oo iyadana lagu magacaabo Nasro Sh. Xuseen, kuwaasoo halkaas si darardoorri ah uga soo jeediyay hadal afka ingiriisiga ku qoran oo daaha ka rogaya qaybo ka mid ah dhibatooyin faraha badan ee gumaysiga Itoobiya uu ku hayo shacbiga soomaaliyeed ee Ogadenya.

Hadalka ay labadaas carruurta hai halkaas k asoo jeediyeen wuxuu si wayn u dhaqaajiyay dubaaqa dhammaan dadwaynihii xalay xafladdaas ka soo qayb galay, waxaan kala joogsan waayay sacabkii iyo bogaadintii loo jeedinayay labadaas carruurta ah markii ay hadalkooda dhammeeyeen. Waxaa si gaar indhaha dadwaynaha u soo jiitay labbiska ay ku labbisnayd gabadha yar oo ka samaysna calanka Ogadenya.

Intaas ka dib waxaa madasha lagu soo dhaweeyay koox gabdho iyo wiilal isugu jira oo qaaday heestii calanka Ogadenya, kuwaasoo iyaga laftoodu ku labbsinaa dhar aad u qanciyay dadwaynihii munaasabaddaas ka soo qayb galay.

Ka dibna waxaa la gud-galay dhacdooyinkii kale ee munaasabaddaas lagu soo qaatay, waxaana ugu horreeyay googoos si wayn looga soo shaqeeyay oo daaha ka rogayay siyaasada ay Itoobiya kula dhaqanto shacbiga Ogadenya.

Googooska waxaa curiyay abwaan Maxamaed Macallin, waxaana jilidda ka qayb qaatay xubnaha Unugga JWXO ee London, kuwaasoo ay dad badani is/wayddiinayeen meesha ay ku soo barteen qaabk wax loo jilo.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay fannaaniin caan ah oo soomaali ah, waxaana ka mid ahaa Maxamed Cumar Jaango, Faynuus Sh. Daahir, C/Nuur Allaale, Joogle, Fu’aad Yare, C/Khaaliq Xaaji Siraad, C/Salaan Wajaale, Deeq Cabdi Deeqow, Prince Mahed, Nimco Dareen, Cabdi Nuur Jaas iyo Jaamac Yare.

Guud ahaan waxay xafladdaasi si wayn u qancisay dhammaan dadkii ka soo qayb galay iyo Unugga JWXO ee Londo oo isagu soo qabanqaabiyay. Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada Cismaan Beddal oo aan ka waraysanay arrintaas, wuxuu yidhi: Xafladdu waxay u dhacday qaabkii aan ugu talagalnay, waxaanan ka gaadhnay natiijadii aan ka filaynay.

Xafladdan oo la filayo inay noqoto xafladihii nooceeda ahee ee ugu sarreeyay, waxay dadwaynaha ku dhaqan magaalada London xalay ku beertay dareen hor-leh oo ku aaddan dhibaatada ka jirta Ogadenya, taasoo iyadoo qaab sugaaneed la adeegsanayo si waafi ah loogu soo bandhigay, sidaas darted waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato kicinta waciyga iyo dareenka dadwaynaha ku dhaqan Ingiriiska iyo guud ahaanba dadwaynaha kale ee la filayo inay filin ahaan u fiirasdaan.


Dagaalo dhex maray Ciidanka Gumaysiga Itoobiya iyo Ciidanka Wwadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.

5/8/03 ayaa waxuu dagaal ku dhex maray Nusdariiqa Ciidamada cadawga
Itoobiya iyo ciidamada Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya. Dagaalkaas ayaa waxaa
ciidamada cadawga lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 askari oo kale.

Iska hor,imaadkan labada dhinac dhex maray ayaa waxuu ka mid yahay
dagaalada joogtada ah ee ay ciidamada xoreeynta ogaadeenya ku doonayaan
madax banaanida shacabka Ogaadeenya.

Isla 5/8/03 waxay ciidamada cadawga Itoobiya ee ku caanabaxay xaqdarada iyo dulmigu ka taxaabteen Galadiid oo ka tirsan Gobolka Qoraxay 2 nin oo lakala yiraahdo xassan Musbaax iyo C/Nuur Maxamed
Siyaad. Labadaas nin ayaan la ogeeyn meel ay ciidamada Itoobiya geeyeen,
waxaana walwal laga qabaa xaalada noloshooda. Wararku waxay intaas ku
darayaan in ayna jirin wax sabab ah oo nimankaas ay ciidamada cadawgu u
taxaabteen balse waxaa la sheegay in lagu ee deeyay in ay niyad fiican u
hayaan dhaqdhaqaaqa Gobonimo doonka Xoreeynta Ogaadeenya.


Madaxda sare ee Itoobiya oo loodiiday in ay wadanka dibada uga baxaan.

Warar aanu ka helay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya amar uu soo
saaray kaligii taliye Zenaawi oo uu ku cadaynayo in ayna masuuliyiinta
Itoobiya wadanka dibada uga bixi karin mudo Laba Bilood ah, marka laga reebo
9 Xubnood oo uu si gaar ah u magacaabay kana tirsan maamulkiisa.

Talaabadan ayaa waxay ka danbeeysay baxsiga badan ee ay baxsanayaan madaxda wadamada
dibada loogu diro shaqada. Soo saarista amarkan xayiraya masuuliyiinta ayaa
waxuu ka cadheeysiiyay masuuliyiin farabadan oo u arkay in mudnaan gooni ah
la siinayo qaar ka mid ah maamulka sare ee isku hawsha haya.

Baryahan danbaba waxaa maamulka Itoobiya ka jiray kooxaysi iyo iska hor, imaadyo
muujinaya figrado iska soo horjeeda. Si kastabase ha ahaatee waxaa muuqata
calaamadihii lagu yaqaanay xukun wakhtigiisii dhamaaday oo burburaya.

270 Macalimiinta Itoobiya ka mid ah oo shaqadii laga eryay.


warar aanu ka soo xiganay Wakaaldda wararka ee Ogadeniya ayaa waxay
sheegayaan in shaqadii laga eryay 270 macalin oo wax ka dhigi jirtay Gobolka
koonfurta Itoobiya. Ururka macalimiinta Itoobiya oo dhawaan magaalada Adis
Ababa Shir ku qabtay ayaa waxuu xukuumada ku eedeeyay in lagu qasbayo
macalimiinta waxyaabo kabaxsan shaqadooda iyo tuhmo loo saaro in ay ka soo
horjedaan taliska gacanta ku haya talada Itoobiya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in macalimiinta looga tuhun qabo in ay taageersan yihiin figradihii
madaxwaynihii hore ee uururka macalimiinta Dr. Taye oo aad uga soo horjeeday
siyaasada guracan ee lagula dhaqmayo shucuubta ku hoosnool Xukunka Itoobiya
iyo darxumada ka muuqata guud ahaanba shacabka.

27 Xaakin oo iskaga tagay Shaqadii ay u hayeen Xukuumada Itoobiya.


Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya, in uu ku
dhawaaqay Madaxwaynaha Maxakamada sare ee Itoobiya Dhaseleyn Barhe in ay
shaqada iskaga tageen mudo ka yar Laba Sano 27 Xaakin oo ka mid ahaa 55
Xaakin ee ay Maxakamada sare ee Itoobiya laheeyd, taas oo ka badan kala
badha garsoorayaasha Maxakamad sare ee Itoobiya.

Inkas oo uu Barhe sheegay in ay dadkaasi iskood shaqada uga tageen, hadana warar lagu kasoonyahay oo
aanu ka helay qaar ka mid ah maamulka Maxakamad sare ee Itoobiya ayaa
sheegaya in ay xaakinadaasi shaqada ka tageen kadib markay u madax
banaanaan waayeen gudashada waajibaadkooda, xukuumada Itoobiyana ay ku
qasabtay in ay fuliyaan xukuno sharciga kasoo horjeeda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xaakinadaas dabagal lagu sameeyay kadib markay diideen in ay
sharciga ka talabsadaan oo ay ku shaqeeyaan siyaasada guracan ee maamulka Melis Zenaawi.

Wasiirkii hawlaha guud iyo guryeenta Itoobiya oo shaqadii laga eryay.


Waxaa shaqadii wasaarada hawlaha guud si rasmi ah looga qaaday Weredewold
Wolde oo ahaa wasiirkii wasaaradaas.

Wasiirakan oo horay u ahaan jiray wasiirka cadaalada ee dalka Itoobiya ayaa mudo laga joogo 2 Bilood shaqada laga joojiyay, isaga oo aan loo sheegin wax sabab ah, waxaana lagu amray in
uu gurigiisa joogo, balse waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay shaqa ka erigiisa mudo laga joogo Todobaad, iyadoo loo qaybiyay dhamaan wasaaradaha warqad lagu cadeeyaynayo shaqo ka erigiisa.

Amarkan uu kaligii taliye Zenaawi shaqada kaga eryay wasiirkan ayaan dadbadan yaab ku noqonin maadaama looga bartay in uu shaqada ka eryo dadka uu u arko in ay ka soo horjeedaan xukunkiisa guracan.

Radio Xoriyo

19.08.003

Dhoodi Danwaa.

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD