Laga soo bilaabo sannadkii 1991 18 May,
ammintaasi oo ku beegnayd wakhtigii xorriyadda iyo madaxbanaanida Somaliland ka
bildhaantay dhamaan cariga Somaliland koonfur ilaa beri, galbeed ilaa waqooyi,
waxaa Dalkani yar ee curdinka ah oo la soo darsay xaalado kala duwan oo
siyaasadeed, dhaqaale, iyo weliba cadawadeed, Waxaa Mahad leh ilaahay subxanahu
watacalaye iyo wax garadka iyo cuqaasha Somaliland ee xeeriyey ammin wal oo
cakiran oo la soo gudboonatay bulshada Somaliland, waxaa Mahadleh kuwii ka
shaqeeyey ee gaadhsiiyey Somaliland maanta heerkan ay marayso, balse waxaa
maanta dalkeena ku soo foodyeeshay masiibo siyaasadeed oo hadaan si wada jir ah
looga hor tegin si ba,an u curyaamin doonta qaranimadii iyo madaxbanaanidii
aynu sheeganaynay, Mudanayaasha iyo Marwooyinka kor ku xusanow, daraasad
balaadhan oo aan shakhsiyan ku sameeyey fiiro gaar ahaaneed ayaan waxaan
ogaaday haddii aan xal deg deg ah loo hellin arrimahan soo socda in laga yaabo
Somaliland ay hoosta u gas! ho Haadan aan meel looga baxa jirin, waxaanan si
deg deg ah oo naxariisleh uga codsanaya dhamaan xubanaha aan kor ku xusay iyaga
oo tixraacaya qoraalkani in ay si wada jir ah wax uga qabtaan hawlahan hoos ku
qoran:-
1. Laga soo bilaabo doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee
muranka badani ka dhashay waxaa dalka ka muuqda dayaacad farabadan oo khusaysa
siyaasadda arrimaha gudaha, waxaa dawladda uu madaxda ka yahay Daahir Riyaale
Kaahin ay siweyn oo aan soo noqosho lahayn ugu guul daraysatay si weyna u
dayacday dhamaan gobolada Beriga jamhuuriyadda Somaliland (Sool iyo Sanaag beri,
Awdal), taasi oo horseeday in Gudoomiyaha Maamul goboleedka Puntland Cabdilaahi
Yuusuf Axmed ku dhawaaqo khariirad cusub oo la horgeeyey midawga europe,
xarunta arrimaha dibadda ee maraykanka (U.S State Department), iyo weliba
Ururka Midawga Africa, waxaan daliil dheerad ah arrintaasi uga dhiganaya
shirqool siyaasadeed oo loo mijaxaabeyey lana doonayo in lagu khiyaameyo
shacbiga Somaliland
DALIIL
Ka hor intii aynaan gelin doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
ayaa Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin wuxuu safar ugu ambabaxay Gobolada Beriga
Somaliland, safarkaasi oo aan ujeedo gun dheer wadan run ahaantiina aanay wada
xajood ka yeelan si weyna loola socodsiinin xubnaha ay khusayso ha ahaato
golaha baarlamanka ama guurtida eh, wuxuu Riyaale socodkiisase sidaad badankiin
la socoteen ku tegay xarunta gobolka Sool ee Laas Canood, halkaasi oo wixii ka
dhacay la oga, hadaba waxaa isweydiin mudan maxaa Madaxweyne Riyaale ku
kellifay Safarkaasi aan Nidaamka siyaasadeed lahayn ee dhaliyey qalalaasaha,
Sida illo lagu kalsoonyahay aan ka hellay waxaa jiray sir dahsoon oo u
dhexaysay Md. Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweynaha Jibout Ismaciil Cumar
Geelle Batal, ujeedada ka danbaysayna ay ahayd in lagu wiiqo rajada siyaasadeed
ee gobolada beriga Somaliland lana doonayey in la tuso caalamka in aanay
goboladaasi raali ka ahayn gooni isu taaggga jamhuuriyadda Somalilan! d.
Maxaa ku Kelifay Madaxweyne Riyaale Booqashada Gobolada Beri?
Waxaa hubaal ah in Madaxweyne Riyaale uu awoodi karaayey inuu ku tego
goboladaasi safar nabadeed oo si xushmad iyo karamada Somaliland ku jirto loogu
soo dhawayn lahaa goboladaasi, taasi oo ay si weyn ula socdaan dhamaan xubnaha
ay khusayso hawshaasi ha noqdaan odayaal dhaqameedka, golaha guurtida, ama
golaha Baarlamanka eh, balse taasi waa la gees maray, waxaanu madaxweyne
Riyaale jeexay mugdi cusub oo coladeed oo la dhex geliyey bulshada reer
Somaliland ee reer Sool iyo Somaliland ta kale, iyada oo dhegaha caalamkana la
maqashiyey ceeb aan sal iyo raad toona lahayn.
Iyada oo taasi laga duulayo waxaan si aan gabasho lahayn ugu cadaynaya
dhamaan xubnaha kor ku xusan in ay tallaabo deg deg ah ka qaadan siyaasadda
arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku socota xawli hoose oo aan
meel laga qabto la heli doonin.
2. Laga soo bilaabo Markii maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ku
dhawaaqday in xisbiga Udub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Riyaale ku guulaystay
doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday, wuxuu madaxweynahu isaga oo
miyirkiisa iyo maankiisuba degenyahay ku dhawaaqay in uu samayn doono dawlad uu
ugu yeedhay Mid tayo badan, naxariis badan, aamina badan balse Mudanayasha iyo
marwooyinka kor ku xusanow ma isweydiiseen halkay ku danbaysay dawladaasi, mana
isweydiin kartaan awood intee le,eg ayey u leedahay inay ka midho dhasho hawsha
balaadhan ee culus ee qaranka sugaysa
HALKAY KU DANBAYSAY DAWLADDII TAYADA BADNAYD
Waxaa iska soo daba dhacay xaadirin balaadhan oo loo soo bandhigay bulshada
Somaliland iyada oo loogu yeedhayo inay noqon doonan gadh hayeenada Wasaaradaha
ragaadsan ee Somaliland, Wasiir walba waxaa keenay oo gacanta soo qabtay Oday
danayste ah, suldaan beeled, iyo ololeeye u daacad ahaa xisbigga Udub, Waxaa
runtii maskax badan ku soo dhacday niyad jab badan iyo inay bulsho badani afka
iyo gacanta isa saaran, xukuumadda uu Riyaale ku dhawaaqay waa tii ugu tirada
badnayd ee abadan soo marta Jamhuuriyadda Somaliland waa tii ugu aqoonta yarayd
marka laga reebo dhawr xubnood oo golaha wasaaradda ka mid ah oo iyaguna hadda
qaarkood looga qaaday hawlahii ay qaranka u hayeen iyaga oo maamul xumida u
daacad noqon waayey, runtii Mudanayaasha qiimaha iyo qaayaha mudanle ee kor ku
xusanaw hadda bulshadu idinka ayey idin sugaysa, idinka ayaa la idinka
dhursugaya idinka ayaa waajib idinku tahay inaad go,aan ka qaada taan waxan ay
bulshadu arkayso, haddii aad ku guuldaraysataanna wa! xaa hubaal ah in qaran
bur bur uu dhici doono taasi oo runtii adkaan doonta sida looga soo kabto.
3. Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay maraysa
wakhtigii ay ugu fiicnayd balse waxaa cakirni iyo foolxumo weyn ku noqday
siyaasadda arrimaha gudaha oo uu Riyaale iyo xubnaha ku xeerani ay curyaamiyeen,
waxaa dhawaan guddi qareeno ah oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda ee
Dalka Koonfur afrika
ay soo saareen qarar tallo ah oo ay u jeediyeen dawlado
badan oo afrikan ah iyo weliba golaha amaanka ee qaramada midoobay in haddii
Somaliland aan la aqoonsan ay keeni doonto cuqubo laxaadleh.
Waxaa isaguna socda shir sida la sheego lagu heshiisinayo kooxaha Soomalida
ee taasi oo qayb ka mid ah beesha africa inagu caadidinayso inaynu shirkaasi ka
qayb galno, waxa safka hore kaga jira dawladaha sida ba,an u doonaya in
Somaliland ay burburto Jamhuuriyadda Jibouti iyo regime ka ka taliya ee ina
geelle batal,
TALLO IYO WERGELIN
Waxaan Mudanayaasha iyo Marwooyinka kor ku xusanow idinku wergelinaya
idinkulana tallinaya in maamulka Jibouti laga soo saaro qararaar loo dhanyahay
oo lagu canbaaraynayo siyaasadda Maamulka jibouti ee ku salaysan Somaliland
loona sheego in ina Geelle Batal uu gacanta ka qaado Siyaasadda arrimaha gudaha
ee Somaliland haddii kale uu faraha kaga guban doono.
Guntii iyo gabagabadii ayaan si deg deg ah oo naxariis badan waxaan uga
codsanaya xubnaha kor ku xusan in qoraalkani si xushmadleh loo tixgeliyo
bulshada Somaliland ee la ragaadinayana laga hortago masiibada siyaasadeed ee
ku soo foodleh ee madaxweyne Riyaale iyo xukumadiisu ku mu,maradaynayso haddii
taasi la waayo waxaan mudanayaal/ Mawrooyin idiin caddaynaya in ay yaraan
doonto rajadii laga qabay qaran muuqda oo ka midha dhalla beriga fog ee
cidhifka geeska afrika oo la yidhaahdo Somaliland ayna dhabawbi doonto riyada
cadawgeena inagu xeeran.