SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAME
MAGAALADA BOORAMA OO LOO BEDELAY XAFLADAHA AROOSYADA MAALINTII GELINKA HORE


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

Magaalada Boorama ayaa xafladaha arrosyada iyo kuwa kale ee gaarka loo beddelay in la qabto gelinka hore ee maalinnimada kaddib markii ay soo bateen ama ay xoogeysteen shiidka lagu hayo xafladahaasi.

Tobannaan baabuur ah ayaa gelinka hore la isasoo dabageliyaa si waalidiinta isweydiisanaya gabdhuhu ay u helaan fursad ay kaga badbaadaan shiidka dhallinyarada wiilasha oo waayadan dambe kala dareeriyey ama rabshado ka riday xaflado aroos ama kuwa gaar ah oo ay ka mid yihiin dhalashooyinka,dabaaldegyada iyo casumadahaba.

Shiidkaasi waxa uu sababay in xitaa huteelada iyo guryaha aadka loo ilaalinayo ee lagu qabanayo xafladahaasi uu ka badbaadi waayaan,gaar ahaanna wakhtiyada la keeno guntimaha iyo jaadka loo bixinayo farxadaha meherka wiilasha iyo gabdhaha. Labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ayaa Boorama waxa ka socday in subaxdii la isweydiisto gabdhaha ama la qabsado xafladaha gaarka ah ee ay! leeyihiin dadweynuhu. Waxaana dhacday in xaflado aroos oo la qabtay dhawaanta shiidkaasi kala dareeriyey xafladahaana loosoo raray magaalooyinka kale sida gebilay iyo Hargeysa.

Dhallinyaradan shiidka geysanaysa oo aan lahayn ujeeddo gaar ah ayaa qaarkood ay yihiin kuwa kasoo jeeda qoysaska ugu dhaqaalaha badan leh, ama iska leh meherado.lamana garanayo sababta ku kallifaysa shiidkaasi oo dhagax ay u adeegsanayaan.

SOO DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Ka soo xigtay:- HAATUFNEWS , HARGEISA, SOMALILAND.

 

E-MAIL: diridhaba2001@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan


DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD