SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Jaaliyaddanoo idiin Jadbeysan, Soo dhawaada Jaallayaalow !

(Ku socota ardayda Somaliyeed ee waqoyiga America isaga imanaya)

 

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

Ceynte@comcast.net 

Aug 8, 2003

 

Todobaad qura ayaa naga xiga shir caalami ah oo aan noociisa oo kale hore loo arag oo eey soo qaban qaabiyeen ururka ardayda Somaliyeed ee Minnesota (MSSU) laguna marti galiyey dhamaan ardayda Somaliyeed ee ku kala firirsan dacallada Mareykanka iyo Canada.

Shirkan waxaa looga gol leeyahay in lagu abuuro "jiritaan mideysan" oo eey leeyihiin ardayda Somaliyed ee woqooyiga America, lagana yaabo inuu u biyo shubto jiritaan eey ku midaysan yihiin ardayda Somaliyeed ee caalamka oo dhan ku firirsan.

Maxeey horta ardaydu isu mideynayaan ?

Qofkiin baa laga yaabaa inuu is heybiyo tolow maxeey ardaydu isu mideynayaan ? Ma urur siyaasadeed beey dhisi rabaan ? Mise mid bulsho ? Ma koox gooni ah ayeey taageeri doonaan mise ? Ma shirka Mbghati baa hawo ka gashay ? Haddaba jawaabta eey su'aalaha noocan ahi leedahay waa mid fudud oo misana yara adag. Dabcan ardaydu ma doonayaan ineey urur S hebel hebl la yiraahdo oo siyaasi ah aasaasaan. Xaashaa lillaah ! Timirtii horeba dab loo waa. Ururka ardayda Somaliyeed ee Minnesota oo ah mid kamid ah kuwa ugu firfircoon ururada ardayeed iyo bulshadeedba ayaa runtii hogaanka hor boodaya eey ku dhaqaaqeen tallaabo wax ku ool leh, markii eey go'aansadeen ineey isu keenaan arday xambaarsan maskax la ceegaagta aqoon iyo xikmad. Shaqsiyan waxaan aaminsanahay in ardaydu eey yihiin - intooda badan - maskaxda ugu caafimaadka badan ee ku dhex jirta shacabka Somaliyeed. Ardaydu dhab ahaan wexeey isku dayi karaan is bedde! l siyaasadeed/bulshadeed hadii eey sidan ku sii socdaan. Aan u soo laabto muhimmada eey ardaydu isu shirinayaan. Muhimmadu waxa weeye ineey isku dayaan ineey ifiyeen habeyn lagu sameeyo ardayda Somaliyeed ee woqooyiga America ee dayacan. Muhimmadu waxa weeyaan ineey helaan jiil isku duuban oo isku fikir, maskax, mabda'a iyo mustaqbal ah. Diyaarna u ah ineey horkacaan shacabkan indhaha la'a oo eey horboodayaan kuwa jaahilnimo la indha la'a iyaguna !

Mahad Celin iyo Bogaadin

Mahad oo idili wexeey u sugnaatay eebihii suura galka ka dhigay in arday Somaliyeedi shiraan. Marka labaad, waxaa mahad aan la soo koobi karin leh guddiga ka arrimiya ururka ardayda Somaliyeed ee Minnesota (MSSU) oo si aan ka daalid laheyn isku howlay suura galinta kulanka la filayo todobaadka soo socda. Guddiga hadda talada haya iyo kuwii ka horeeyeyba wexeey jaaliyada Minnesota iyo midda caalamka ku kala firirsan ee Somaliyeed-ba u muujiyeen hanaan aan hore loogu arag Somaliyadii hore. Hannaankaas oo ku qotoma; Is faham, is xushmeyn, dood cilmiyeed aan gacan ka hadal ku lamaaneyn & midda ugu wax ku oolka badan oo ah; deeqo waxbarasho oo eey shilimaan eey ardayda Minnesota iska uruuriyeen lagu waxbaro ardayda ugu bidhaanka iyo aqoonta wanaagsan ee Jaamacadaha Xamar, Boosaaso, Hargeysa iyo Camuud ! Yaa salaam. Ma laga filayey ineey sidaas isu xilqaamaan 20-jirro ku dhaqan dhul gaalo ? Wexeey ila tahay in lab! aatan jirradanu garwaaqsadeen masuuliyad xumada eey muujiyeen konton jirrada adeeradood iyo abtiyaashood ah ee isku dilaya Somaliya.

Kulanka Ardayda Soomaaliyeed ee W/Ameerika

Maalinta: Sabti August 16, 2003

Waqtiga: 10 a.m - 3 p.m

Goobta: 321 19th Ave. S. UNiversity of Minnesota, Minneapolis MN 55455

MAP: Khariidada halkan ka eeg

Akhbaar dheeraad ah: Kala xiriir
Cali Bulxan: 651.335.2594
Saafiyo Yaasiin: 651.491.1002
Cali Kofiro: 612.770.2620
Email: mssu@mssu.net
URL:
http://www.mssu.net/News/index.html

Ardayda Minnesota wexeey horeba u hirgaliyeen jawi is faham ah oo ka dhex jira jaaliyadda gobolka. wexeey abaabuleen shirar looga dooday arrimo marxali ah oo dadka iyo dalkaba udub dhexaad u ahaa. Wexeey kor u qaadeen magaca jaaliyadda loo maleeyey ineey lamid noqoneyso midda madowga waddankan, iyagoo muujiyey ineey dowr la taaban karo ka ciyaari karaan waaxyaha jaamacadda ee kala duwan. Sida; Sports-ka, aqoon isweydaarsiga, shaqooyinka iskaa wax u qabsiga ah IWM. Ardaydu wexeey soo saareen jiil gabdho ah oo wax la qeybsan kara wiilasha, isla markaana hogaamin kara qoys Somaliyeed oo Muslin ah. Marka eeysan waxba qaban ardaydu, wexeey suura galiyeen in shirarka iyo doodaha muhiimka lala soo beegsado hoolalka jaamacadda, laguna falanqeeyo arrimo dhaxal gal ah. Lagaba yaabee in Somaliyi maalin maalmaha kamid ah eey ku heshiiyaan hool ku yaal! Minnesota oo arday hore soo hagaajiyeen.

Mahad aan taa ka liidan waxaa leh Jaaliyadda Somaliyeed ee gobolkan, gaar ahaan ganacsatada iyo aqoon yahannada oo si hagar la'aan ah ula xusul duuba dadaalka eey wadaan ardadu. Taa mid lamid ah waxaa leh warbaahinta Somaliyeed ee gobolkan oo iyana qeyb libaax leh ka qaadata suura galinta kulamada eey soo abaabulaan ardaydu.

Waxaa la filayaa ineey natiijooyin wax ku ool leh ka soo baxaan shirka labada maalmood socon doona oo eey arday badan oo Somaliyeedi ku kulmi doonaan. Ugu yaraan, waa mid eey Somali kale marti galisay, aanan socon doonin 11 bilood.

Wixii faahfaahin ah ee la xiriira shirka todobaadka soo socda, fadlan booqo bogga eey ardada Minnesota ku leeyihiin shabakadda caalamiga ah ee Internetka  http://www.mssu.net/News/index.html

Ardayda Somaliyeed, hogaamiyayaasha mustaqbalka.

C/raxman Ceynte
School of Journalism & Mass Communications
University of Minnesota
ceynte@comcast.net


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD