Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen,
Tabliiqiina Xabsi, Tif-tif Amxaarana madaxweynanimo bay usoo taageen!
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
Akhristayaal waxaa mar soo
foodsaaray raashin iyo sonkor la’aan degmo ka mid ah gobolka Mudug 1980
iyadoo loo aanaynayo dagaalkii udhaxeeyey Itoobiya iyo xulufadeeda, SSDF iyo
taliskii Maxamed Siyaad. Mar kasta oo Injiyada la keeno sonkor iyo wixii la
mid ah ayaa waxaa habaynimo rarta oo iibsada dadka ushaqeeya injiyada iyo
saraakiisha degmadaas joogta. Markasta oo dadweynuhu waayaan sonkortii ayey
haweenku af labadii yeeraan iyagoo xattaa u dacwoonaya dadkii meesha mariyey.
Waxay ka soo saareen hal-ku- dhigyo ay ka mid ahaayeen:
-
Jawaan xalay tagay oo tub
dheer maray kiish u sidatooy
-
Marykay waydana war-wareegtooy
-
War aan loo dirin
wal-walaaqdooy
-
Iilka kii dhigay u
dacwootooy.
Ma garanayo in degmadaasi
hadaladaas iyagu lahaayeen iyo inay kasoo bowsadeen dad kale oo Soomaaliya
jooga. Akhristayaal waxaa i danqiyey oo aan aad uga naxay dhibtii laga
sheegay in doomo/doonyo dad ka qaaday gobolka Bari ay dadkii qaar ka mid ah
badda ku daadsheen. Waxaa kaloo murugo i gashay, indhahana ilmo ku soo
joojiyey mar uu aabbe, Kuuloow Cabi Abokor oo dhalay nin badda lagu tuuray
uu codsi u diray madaxda Puntland si ay arrintaas wax uga qabtaan.
Sidaan ognahay dadka la
dulmiyey waxaa ka suurtoowda inay af labadi yeeraan mararka qaarkoodna meelo
aan munaasib ahayn xal ka raadshaan. Ilaahay aabbahaas Soomaaliyeed samir ha
siiyo, wiilkiisii xaq-darrada lagu dilayna ha geeyo Fardoowsa. Waa kuma
hogaamiyaha Puntland ee uu u cabanayaa? Yaa haysta qaybta Booliiska ee
gobolka Bari? Waa kuwama kuwa doomaha leh ama ganacsatada qaarkood?
Hogaamiyaha Puntland waa
ninkii inta dad tahriib ah Gaalkacyo ku xir-xiray oo timihii ka xiiray ay
isaga iyo dad mutaclimiin isku sheegaya oo gobolka ka yimidi u
duubeen
cajalado video ah teleefishino uu Talyaanigu leeyahay. Wuxuu dukaamada
Gaalkacyo ku sheegay goobo ay argagixiso lacag siiso. Xijaabkii haweenkana
wuxuu ku sheegay inaysan diin ahayn ee inta tusay hablihii hobolada waaberi
yiri waa kuwaas waxaan dhaqan u leenahay. Anigu isaga lama yaabbani ee
waxaan layaabay miyuusan meesha joogin (Gaalkacyo) qof waxgarad ahi? Waxaa
intaas ka daran inuu waydiistay in Maraykanku B-52 iyo Stealth ku garaaco
goobo ka mid ah “Puntland”. Been-abuur lagu sameeyey dad musaafur ah oo
marti ku ah degaanka ka warrama? Yeey tahay qabiilka kale ee Soomaaliyeed oo
saas yeelay? Way jirtaa in Hargeysa waagii Ina Cigaal noolaa dad muslimiin
ah Amxaaro loo geeyey. Xamarna saasoo kale way ka dhacday dad loo afduubay
Amxaaro iyo Yuhuud laakiin musaafir caadi ah oo cidna dabo joogin wax sidaas
yeelay Gaalkacyo ayaa ka jirta.
Waxaa taas ka sii daran
waxaa dhowr jeer Gaalkacyo lagu xir-xiray dad tabliiq ah oo u socday inay
diin faafiyaan. Waa kuwama tabliiqu? Adduunka ma jirto meel tabliiqa far la
saaro xattaa Israel iyo USA maxaa yeelay way yaqaanaan inay yihiin dad
badankoodu aan diinta Islaamka si fiican u aqoon. Waxay ogyihiin in aysan
diinta Islaamka wax badan u qaban karin bal ay dhici karto inay wax udhimaan
aqoon darradooda darteed iyo iyagoo dayacay waqti ay wax ku baran kareen ama
xaasaskoodii iyo carruurtoodii meel cidlo ah uga soo dhaqaaqay. Waa
sababtaas waxa keentay in tabliiqa lagu arko safaariga Afrika ee duur-joogtu
ku badantahay ama Brazil ama Aqalka Cad hortiisa iyadoon cidina saas u
fiirin.
Dadka badda lagu tuuro iyo
dhimashada caykaas ah waxay ka mid tahay dhimashada ugu qaabka daran ee qof
ku dhacda. Waxaan ognahay in uu Islaamku dadka muslimiinta ah ee noocaas
udhinta u sheegay in ay helidoonaan naxariis gaara. Waxaa ka mid ah
geeridaas laga ducaysto dabka, guriga oo kugu duma, qofka oo biyo ku
harqisma/maanshooda, IWM. Xabbadda iyo seeftu waa arrin iska caadi ah oo
dadku ku faanaan Islaamka ka hor iyo ka dibba. Islaamka ka hor ceeb bay ku
ahayd in qofka hogaamiyaha ahi uu sariir iskaga dhinto khaasatan Carabaha oo
jeclaa in isagoo sharafta qabiilkiisa ilaalinaya uu dagaal ku dhinto. Tan
kale oo ah in qofka muslimku shahiid ku dhinto iyadu iswaydiin ma leh
laakiin Nabigu (SCW) wuxuu baray in muslimiintu Ilaah ka magangalaan
dhimashada teeda xun ee ay biyo-liqudu ka mid tahay. Marka maxaad ka
filaysaa qofkii qof muslim ah ku tuura bad oo uu halkaas ku dhinto? Sidoo
kale ka warran kuwa xukuma dadka degaankaas degen oo canshuurta ka qaata oo
aan wax ka qaban arrimahaas?
Waxaa jirta hay’ad ay u
bixiyeen PIS oo aan anigu u soo gaabiyo “Puntland/Public intimidation
services oo ah hay’adda cabsigelinta dadweynaha. Iyagu waxay dhahaan
“Puntland intelligence Services” oo ay ku sheegaan hay’adda sir-doonka ee
Puntland! May dhahaan hay’adda baadidoonka tabliiqa/Pakistaaniyiinta. Waa
hay’adda rabta in tabliiq Talaviv ama Texes wareega oo aan cidna saas
ufiirin ay xirideed ammaan uga helaan Maraykan. Waxaa nasiib darro ah in
markasta oo ay dhowr beri haystaanba la sii daayo. Yaa yiraahda sii daaya?
Hay’addan waxay ku soo caan-baxday oo xariga looga jaray xiridii nimankii
Carabta ahaa ee Boosaaso laga dhoofshay laakiin waa la soo ceshay oo waxaa
la yiri ka fiirsada waxaad la soo shirtagteen. Nimanka madaxda u ah
waligoodba may arag meel ciidan sirdoon ama booliis ka shaqeeyo. Maalmo ka
hor waataas Boosaaso lagu xir-xiray tabliiq. Dowlado shisheeye ayaa yiraahda
wixii musliim ah oo aad aragtaan noo xira. Waxay ku sifoobeen gabaygii Cali
Dhuux kulahaa:
Ceebta ugu darini waa
markay dad xirxiraan oo adduunku maqlo in la yiraahdo iska sii daaya kuwaasi
waa tabliiqe. Maxay ka dheefayaan ficilka caynkaas ah? C/hi baa madaxweyne
ku helaya!

C/Laahi Yuusuf Axmed |
Nin hooyadi qorrax u jiiday
aayadiis hoos ma hariyaa? Ma filayo in dadka doomahaas leh uu wax ka qaban
karo. Maahan markii ugu horaysay ee la maqlo in dad masaakiin ah badda lagu
daadiyo. Waxaa la sheegaa mararka qaarkood in ay bagaashka iyo alaabta
haystaan oo ay dadka daadiyaan marka ay doomuhu dhib lasoo kulmaan.
Kornaylku dadkaan waa dadkiisii. Waa doomaha lacagaha been-abuurka ah usoo
gasha Bari. Akhri wararka sheegaya in lacago been-abuur ah hadda Boosaaso la
soo gashay. Lacagaha been-abuurka ah waxaa xalaaleeya qabashada booliska
C/hi! Waxaad maqlaysaa bankiga ayaa lagu xareeyey! Bankigu ma xero booliis
baa? Yacnii dadkaas masaakiinta ah baa lagu ciyaarayaa. Waa dadka u dhoofsha
daroogada iyo waxyaalaha sharci darrada ah ee aan dadka kale loo ogolayn.
Ninka u qaabilsan Booliiskuna waa mid isaga usii adeega.
Ma umalaynaysaan in diin
iyo dadkeed nacaybkeed cidlo dhacayso oo uu C/hi madaxweyne ku helayo? Ma
filayo anigu laakiin waxaan u baqsanahay dadkeyga iyagoo waxaas arka aan wax
ka dhihi karin. Waxaad la yaabaysaa waxaad bilo ka hor uga digtay baad arkin
iyagoo ka qaylinaya. Waxaa jirtay in aan maqaalo badan uga hadlay xeradii
daraawiishta ee la rabay in la gato. Waxaan dadka u sheegay in aan deked iyo
jid midna loogu dhisayne hurdada ka kacaan. Haddaad maqlaysaa nin guddiga ku
jiray baa yiri lacagtii meel khaldan bay aaday! Media-yihii kornaylka u
shaqaynayeyna waxaad maqlaysaa iyagoo haddeer kooyey/yimid. Ma qaybtoodii
bay heliwaayeen? Waxaa la sheegaa in xabsiga la dhigay laakiin nasiib bay
lahaayeen haddaan loo xiirin oo aan la oran waxay xulufo la yihiin Al-Qaacida.
Ilaahay haku mahadiyeen inaysan musaafir ahayn.
Diin nacaybka
hogaamiyayaasha reer Puntland qabaan waa C/hi iyo
Moorgane waxay usoo jiiday
1. Diin nacayb dartiis
dadkaasi waxaa dusha ka fuulay dad dulli ah oo damiino ah.
2. In ay isku dhaceen dad
ehel ah oo colaada ka aloosan Kismaayo uu Moorgan mas’uul ka ahaa oo isku
diray qabiilooyinkii halkaas degenaa.
3. In ay khiyaamadii
Moorgan kusoo noqotay. Kaddib markay nin habaar qaba madax ka dhigteen uu
qolo kale qab-qablayaasheed Ilaah Kismaayo u sahlay. Qolyahaas cusub oo
waddanka argagixiso ku sheegaya lama arag. Waxaan taleefishanka BBC-da ama
kuwa kale ka fiirsaday Caato oo leh Xamar wax argagixiso ah ma joogaan waa
markii Kornaylku lahaa Puntland bay joogaan.
4. In ay lumiyeen
saaxibadii Bay iyo Bakool markay lakala safteen RRA.
5. In ay lumiyeen
saaxiibadoodii Xamar markii C/hi diin nacayb iyo Amxaaro keenid uu
sheegtay.
6. In uu ku diray
dadweynaha “Somaliland”.
7. Labadaas nin oo inay
colaad dadka u soo jiidaan maahee aan waligood khayr looga baran. Hadday
meesha sii joogaan waxaa la arkaa in Waqooyina ay Laascaano helaan, reer
Koonfurka kalana Gaalkacyo. Waana abaal-marinta dadka diin dagaal usoo
istaaga.
Dadka “Puntland” hadday
rabaan inay khaladkoodii hore saxaan waa inay iska dheereeyaan C/hi iyo
Moorgan oo aysan hor keenin meel Soomaali wax ku qaybsanayso. Kama wado
qab-qablayaashe kale waa fiicanyihiin laakiin ceeb ma ahan inuu qofku la
tasho dadkiisa. Arrintaan waa talo maxaa yeelay ma jiro qof muslim ah oo
muslimiin kale dhib la jecel iskaa daa dadkiisee.
Waxaa la leeyahay waxaa wax
lagu qaybsanayaa 4.5. Yaa C/hi iyo Moorgan dooranaya? Ka soo qaad 1 saami oo
uu qabiilkoodu leeyahay yaa ka dooranaya? Ma Tigree iska dhigaysa ergooyinka
qabiilada kale ayaa meesha joogta? Waa arrintii hashu maankayga gaddee ma
masaar bay liqday.
In akhlaaqda iyo
muslinimadu shaqayso waxaad ku garanaysaa wataas la qaabbilay Al-Xaaji
Maxamed Yaasiin-ka u tartamaya jagada madaxweynanimada oo ay qaabileen
isimadii shirka joogay oo dhan iyo waliba aqoonyahannadii qabiil kasta oo ay
yihiin. C/hi iyo Moorgan mala shiri karaan isimmada iyo aqoonyahannada dhan?
Waxaan shakki ku jirin inaysan la shiri karin.
Marka reer “Puntland”
waxaan idiin ka baqayey waad is-haysaan. Waxaad diirada saarteen la
dagaalanka diinta Ilaah ilaa aad gaarteen in tabliiqii idin ka baxsanwaayo
halka Soomaalida kale ay ku jirtay ganacsi, dhul-beerood qabsasho, degaan
aysan lahayn degid, IWM. Kama wado dhac baa diintu ogashahay laakiin intii
Diinta Ilaah lala dagaali lahaa waxaa ka dhibyar dhaca iyo boobka oo ay
Soomaalidu aad u taqaan. Shariftii bay C/hi iyo Moorgan naga qaadeen markii
ay nagu lammaaniyeen Amxaaro. Yaa arkay annagoo Amxaaro ammaana. Miyuusan
Khaliif Shiikh Maxamuud ahayn ninkii Amxaarada oo uu marti uyahay iska
dheereeyey markii la yiri calalada/maryaha ayaad u dhaqdaa oo uusan oran.
-
Ma martiyo Amxaarada
waqiis Habar Majeerteene
-
Hadday niman dagaal kala
mutaan kama macaashaane
-
Maashaa Allaahuye kufrigu
maaro naga waaye
-
Inaan gaalka (Xabashida)
madiidin u ahayn meelna uwada joogin
-
Ee aan ka maago siduu
bahalku (Maxamed Siyaad) kuu maalo
-
Mashaa’iikhda Eebiyo
Allaa ii markhaatiyahe.
Inkastoo Khaliif Sh.
Khaliif iyo SSDF ay marti Xabashida u ahaayeen laakiin wuu iska dheereeyey
in uu Xabashi ammaano wuxuuna ku sheegay kufri iyo gaalo. Hadda waxaan arkay
dad aan diin ku ogaa oo kornaylka ku raacay fikradii ahayd Xabashidu kuwii
hore maahan! Waxa igu khasbay talooyinka iyo baraarujinta dadkeyga taas ayey
ahayd. Waxaa waagu igu beryey markaan arkay maqaalkii Shaydaanku ma
qubaystaa. Wuxuu qoraagu xusay in wixii C/hi kasoo horjeeda ay xabashida
necebyihiin. Dadka fikradaas qaba waxay la midyihiin ninkii indhaha la’aa ee
uu Ilaah mar araga usoo ceshay oo arkay diiq oo isla markiiba indho belay.
Mar kasta oo wax la waydiiyo maroodiba ha ahaadee wuxuu dhahaa intee diiq ka
le’eg yahay. Marka waxay caqlisadeen C/hi oo la leeyahay sidii Jeneraalkii
Ruushka ahaa ee Afganistan qabtay 1980 ayaa Soomaaliya qabanaya! Haddaad
beentay mooddeen arag mid C/Risaaq Xaaji Xuseena ku sheegaya khaa’in iyo nin
Soomaaliya burbiriyey, C/hina u qaba halyeey. Run ahaantii labada nin waa ii
simanyihiin laakiin C/Risaaq waa cir, C/hina waa carro. Marka cir iyo ciid
intee isku jiraan? Wuxuu u qabaa in hadda ay ugu dhowdahay madaxweynanimo
markuu maqlay isagoo leh ciidamo shisheeye ayaan dalka keenin. dadkaan waa
naceebeeyeen oo caqli-xumo aan bulshooyinkaas lagu aqoon bay na badeen.
Talo ku socota dadka
“Puntland” laga soo xuli doono si ay u galaan baarlamaanka oo ay
madaxweynaha u doortaan.
Waan ogahay inaydaan lahayn
aad ku diiddaan in C/hi xulo xubnahaas haddii xusulkiisu xabaal ka
sarreeyana isagaa xulaya marka horta wuu idin dhaarin doonaa ee haka
yeelinina. Ilayn isagaa kitaabadii Towxiidka Gaalkacyo ka aruursaday, isagaa
xijaabkii dumarka diiday marka inuu Ilaah idin ku dhaarsho dow uma laha.
Teeda kale waxaad samaysateen diin kale waa dastuurkee marka iyadana haddaad
ku dhaarataan waa shirki kale.
Marka xubnuhuu doorto marka
ay codkooda siinayaan madaxweynihii la dooranayo waxaa u fiican inaysan C/hi
dooran arrimahan dartood:
1. C/hi cidna
madaxweynanimo udooranmayso oo 1- Saami oo qabiilkiisa ka dhaxeeya xattaa
kala-bar kama heli karo.
2. Meesha waxaa jooga dad
goob-joog ah waxaa yaal kaamarooyin taleefishinno oo maahan meel lagu
qarsoomayo marka qofkii is dhihi lahaa cid kuma aragtoow mar kale fekker.
3. Waxaa la idiin bixin
doonaa magac ah kuwii C/hi codka siiyey mana filiyo inuu madaxweyne
noqonayo marka faa’iido ayaa noogu jirta oo meel dambe oo arrinta
“Puntland” ama mid Soomaaliyeed loogu fadhiyo kama hadli doontaan marka la
arko karti iyo caqli darradiina.
4. Marka nin walboow
turubkaaga la ciyaar inta lagu dooranayo markii lagu doortana haddaad
tahay qof bini Aadam ah adaanba isaga dooranayan.
Gabagabo:
“talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola”. Haddii Ilaah idmo oo aan gaarno
waqtigaas waxa soo bixi doona qofkii riyoonaya oo saar qaba. Marka reer
Puntland-noow waxaa meel noo yaal ballan.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|