Shaydaanku ma quusto waa Jawaabtii
Shaydaanku ma
qubaystaa?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahadleh, dadkana
kala siiya maskax iyo maan ay ku gartaan meeshii ay midigta saari lahaayeen.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Qoraaga leh maqaalkaas aan
u jawaabayo wuxuu ka midyahay kuwa ugu Afsoomaali aqoonsan xagga ereyada iyo
qoraalka labadaba dadka aan qoraalladooda arkay. Waxaan rabaa inaan soo
qaato dhibco muhiim ah oo aan kala soo baxay maqaalkiisa:
- 1. Jees-jees diineed
- 2. Miisaankiisa oo ah
adduunyo iyo hodantinimo
- 3. Dhibaatada
Soomaaliya oo uu u tiiriyey gudniinka
- 4. Xaasaska
Soomaaliyeed oon helin guur raaxo leh
- 5. Qodobbada dastuurka
oo uu qaar qaadan la’yahay
- 6. Itoobiya oo aan laga
maarmayn
- 7. Shaydaanka iyo
Soomaalida oo aan qubayska ku fiicnayn
- 8. Korinta iyo anshaxa
ilmaha Soomaaliyeed oo la halleeyey.
1-“Duq gaboobay iyo
wiil yar baa loo dadaa hadale, diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa
saarteene”. Wuxuu sheekada ku bilaabay haddii dhibta Soomaaliya la
iswaydiiyo waxaa dhici karta in ay wadaado dhahaan waa diintii oo laga
tagay. Arrintaas isagu waa kasoo horjeedaa. Waxaan ugu tagaynaa
qodobka labaad haddii Ilaah idmo. Qofba wax buu ka baqaa bal aan
aragno ninka uu taageero wuxuu ka yiri BBC-da markii la waydiiyey
haddii madaxweyne loo doorto wuxuu samayn doono. Wuxuu yiri ciidamo
shisheeye ayaan keenayaa ilayn dowlad ay wadaado ka xoog badanyihiin
dowlad ma noqonaysee! “War diin nacaybka ma isu dardaarmeen?”
Nin Ilaahay ku
ibtileeyey inuu tago Alle-bariga/sabta ayaa markii iriddii loo diiday
wuxuu soo qaatay jaranjaro/sallaan ka dibna darbigii ku soo fuulay.
Ninkii guriga lahaa baa yiri war miyaadan Ilaah ka baqayn maxaad
xaaskayga iyo gabdhahayga ugu soo baxday adoo darbi soo fuulaya?
Ninkii wuxuu yiri “Laqad calimta maa lanaa fii banaatika min xaqqin wa
innaka lataclamu maa nuriid” wuxuu akhriyey aayaddii Qoomu Luud ku
lahaayeen Nabi Luud (CS) gabdhahaaga dan kama lihin oo waa taqaan
waxaan rabno. Isna sidii buu yiri oo wuxuu leeyahay anigu gabdhahaaga
xijaabkooda iyo la’aantooda makala jecli waadna taqaan waxaan rabo (oo
ah Alle-bariga/sabta). Ninkii inta qoslay buu yiri soo deg oo wax cun.
Marka kornaylka kursi baa u geeyey inuu diinta saas u naco. Ninkaana
isna diin nacayb baa ka keenaysa inuu nagula wareegto waxaan islahayn.
2-Horumarka iyo
dhibaatada inaysan diin ku xirnayn wuxuu u daliishaday in waddamo
badan oon muslim lahayn ama ku yaryihiin barwaaqo yihiin sida Japan
sidoo kale haddii gaalnimo iyo fusqi dhib keeno, Jarmalka ayuu ku
dhici lahaa. Dooddiisa wuxuu ku adkeeyey in ay waddamo muslim ah iyo
kuwo gaalo ahi qani yihiin halka kuwo kale oo muslim iyo gaalaba lihi
ay fuquro yihiin. Miisaankiisa wanaagu waa qofkii rooti haysta.
Tusaalaha uu soo qaatay wuxuu micno samaynkaraa markii diimaha halkaas
la iska dhigo mid muslim iyo mid kalaba.
3- Isagoo soo
xiganaya Dr Sabriye Dirir wuxuu yiri dhibta Soomaaliya haysata waa
gudniinka dumarka. Waxaan filayaa inuu ka wado kan Fircooniga ah.
Horta gudniinka dumarku waa sunno. Kan Fircoonigaa inuu dhib leeyahay
oo yahay wax aad u qaab daran waan wada ognahay. Dadka bilaabay in
gudniinkaas ka dheereeyaan gabdhahooda waxaa ugu badan dadka diin leh
oo isagu u yaqaan dad aan diinta fahmin. Hadduu ka hadli lahaa dhibta
uu leeyahay cidna kama daboqaadateen laakiin wuxuu diiday in xagga
diinta naloo ka yimid oo wuxuu qabaa in xalku uu yahay gudniinka oo
wax laga qabto. Dib baan ka sheegayaa inuu yiri xilo Soomaaliyeed
xaraarad ma leh.
Wuxuu xussay in
dagaalka dhamaan la’ uu ka yimid gabdhahaas la ciqaabay. Waa tahay
waxaan qoraaga iyo Dr Sabriye oo ku hadal qabsaday waydiinaynaa waxaan
naqaan waddamo aan gabdhahooda la gudin oo Afrikaan nala ah oo
sameeyey dagaal ka qaab daran kan Soomaalida waa Burundi iyo Ruwanda.
Yaase gabhaha Liberia guday? Marka maxaa kugu watay inaad tiraahdo
odayo dhaqameedyada haloo guuriyo Tanzanian iyo African kale? Miyeysan
Afrikaankii saas isu dagaalin? Miyaadaan ogyan in dadka aad la
hadlaysaa yihiin dad waxgarad ah oo bur iyo biyo ukala saari kara
waxaad la soo shirtagtay.
4- Xaasaska
Soomaaliyeed iyo guur raaxo leh oo kala abaaday. Muslimiin ahaan waan
kuu qirnay in gudniinka Fircooniga ahi dhibaato balaaran leeyahay
laakiin lammaanaha Soomaaliyeed dhib dheeraad ah oo haysata ma jirin.
Mararka qaarkood dhib ay qabaan bulshada qaarkeed ayaa dadka kale
anfaca. Runtii dhibaatada dumarka Soomaaliyeed haysata si bay noo
anfacday oo ah kartida aad ku sheegtay in ay u qumaan kumaankun qoys
oo aabbe la’aan ah. Waxaad arkaysaa haweenay Soomaaliyeed oo sagaal
carruur ah wadata oo aan nin la socon in ay waddan qurbe ah u soo
haajirto. Waliba waxaa intaas dheer in ay ilmo koris iyo tabcasho
gasho oo dadkeedii Soomaaliya joogay anfacdo. Halka ay yartahay
haweenay waddan kale ah oo dhibta saas ah ka bixi karta.
Ilaah mahadi ha ka
gaarto. Waxaa fiicnaynd in uu Qoraagu tago iskuulada qurbaha iyo
meelaha xawilaadda laga diro inta dumar ah ee u tafoxaydan ilmo koris
iyo ehel kalkaalid. Marka Insha-Allaahu dumarkii meel naga soo saaree,
waa in aabbayaasha iyo hooyooyinku gabdhahooda ka daayaan gudniinka
Fircooniga ah oo waxaa jira mid sunno ah oon dhib lahayn.
5- Qodobbada
dastuurka wuxuu ka saluugay kan dhahaya madaxweynuhu naag ajnabi ah ma
guursan karo! Nin baa mar la waydiiyey waxa uu Qur’aanka ka yaqaan?
Wuxuu yiri Qur’aankii oo dhan waa la i iloowsiiyey aayaddan maahee
“Aatinaa qadaa’anaa” ee ku jirtay Suurat Al-Kahf oo uu Nabi Muuse (CS)
khaadimkiisii ku lahaa noo keen qadadeenii safarkeenaan waxaan kala
kulanay daal. Marka wuxuu si nuxur la’aan ah ugu dheeraaday gudniinka.
6- Itoobiya oo aan
laga maarmi karin. Dadka Itoobiya neceb wuxuu ku sheegay dadka Carta
taageera ama kuwii C/hi Yuusuf ku xasuuqay Bari iyagoo Itoobiya ka
urunaya taageerada ay siiyo C/hi. C/hi ma Axmed Guray buu soo gaaray?
Waxaa dhici karta inuu yiraahdo Axmed Guray Soomaali ma ahayn. Markuu
Ina Gahayr lahaa:
- WALLEE ama gufaacada
ka qaday gu’ga la eegaayo
- WALLEE ama Guhaaadoow waxaan geysto lala
yaabye
- Gacmahayga jeeraan
sidii Guray ku ciil beelo
- Ama aan gaal madow
Harar ku dilo Giiba laga noole.
Ina Gahayr wuxuu u
arkayey Amxaarada cadow iyo inuu iska jeclaa inuu mar dhib gaarsiiyo.
Saarkii Carays ee maqaalkaygii hore arag.Ka hor 1977 markii la
qaadi jiray:
- Diqsi malagi galay
baa fuud kulul dabaashay
- Markuu dalaq
yiraahdaa nolol ugu dambaysay
- Waa naga dardaarane
ayaa u diga Amxaarada.
- Nin abeeso koriyoow
adigaa u aayine
- Axdi ma laha
Xabashidu lagu aaminaaye.
Yaa markaas C/hi
necbaa oo dartiis Amxaarada u nacay? Waxaad kaloo tiri sida Maraykan
iyo reer Galbeed loogu baahanyahay ayaa Amxaarada loogu baahanyahay?
Reer Galbeedka in caawimo laga helo ayaad xustay laakiin Itoobiya waxa
looga baahanyahay maad xussin. Ma hub baa mise daaffi?
7- Shaydaanka
qubayskiisa iyo qubays la’aantiisa waxaan u daynay fiiloosuufiyiinta.
Waxaan idiin haynaa su’aal kale oo Soomaalidayada wareerisay oo ah
sagaaradu biyaha ma cabtaa mise ma cabto? Maxaad Soomaalida dad aan
qubaysan ugu sheegtay? Maqaalkii Saddaam-yadii Soomaaliya waxaan ku
sheegay in Soomaalidu marti ay arrimahooda ka yihiin. Qoraagu wuxuu
waayey kalsooni uu ku cabbiro qubayska Soomaalida markaasuu wuxuu noo
soo qaatay war nin Masaari ah laga sheegay!
Horta dani waa seeto
oo wixii aan lahayn qof laguma eedeeyo. Waxaan u badnayn reer miyi oo
meelaha qaarkood biyuhu ku yaraayeen laakiin waxa caado ahayd mar
kasta ooy biyo arkaan inay qubaysan jireen. Dadka Soomaalida ee
magaalooyinka jooga waxay ka mid yihiin dadka ugu qubays iyo nadaafad
fiican. Waxaa arrintaas lagu arkaa markii la yimid waddamo leh xilli
dheer oo qaboow. Waxaa fiicnayd qoraagu inuu u tago dhakhaatiirta
khaaska ah ee ay Soomaalida qurbaha joogtaa leeyihiin. Waxaa la
ogsoonyahay inay yihiin dadka ugu nadaafad badan adduunka. Waa dhici
kartaa in laga labis qurxoonyahay maxaa yeelay waa dad dan yar ah oo
waxay helaan u dira waddankii. Xittaa kuwa jaadka cuna intooda badan
qubayska way ku fiicanyihiin marka laga reebo dad yar oo wareersan.
Mararka qaarkood
marka la dacaayadaynayo gabdhaha dibadaha jooga ee lagu xanto inay
meelaha socsocdaan in ay yihiin kuwo ay dadka ajnabiga ahi ku sheegaan
kuwo raqiis ah oo nadiif ah. Marka aqoonta aan u leeyahay dadka
Soomaaliyeed darteed waxa ay ku fiicanyihiinba waxaa la arkaa qubayska.
Ilmaha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan waxaa loo yaqaan lulumo oo
waxay jecelyihiin in ay biyaha iskaga jiraan.
Waxaa iigu yaab
badnayd markii uu sheegay in qab-qablayaasha kornayl C/hi ka soo
horjeeda ayna qubayska ku fiicnayn! Wuxuu arrintaas ka soo xigtay
ninkii Masriga ahaa. Masrigaasi wuxuu sheegay in dadkaasi wasakhlayaal
yihiin kaddib markii dhowr jeer loo kuurgalay iyagoo Qaahira jooga.
Masrigaas wuxuu Soomaaliya ku sheegay inaysan qubaysan markuu arki
jiray kuleetiga shaarkooda oo sida surka awrta tawaad leh. Qofku
hadduu dhidido iyadoo qoraxi jirto ma la orankaraa maanta maad soo
qubaysan? Teeda kale waxaa buuxay dad Soomaaliyeed oon xittaa hal
shaati oo fiican lahayn iskaa labo iyo wax ka badane. Iskuulka waxaan
lix beri ku aadi jirnay hal shaati oo cad. Miyuusan kuleetiga
shaatigaasi wasakh yeelanayn xittaa haddaad subax kasto qubaysato?
Waxaasi cilmi baaris ma ahan. Qolyaha yaqaan “statistics” waxay ugu
yeeraan “biased” oo ah mid dhinac loo xagliyey oo aan la aqbalin.
8-Run ahaantii
nolashii qalafsanayd ee miyugu wali ka dhammaan Soomaaliya. Waa run oo
waalid badan oo Soomaaliyeed baa ilmaha kula hadla erayo qaab daran,
si aan habboonayna u koriya. Laakiin markaad fiiriso diinta Islaamka
oo la rabay inay dhaqan noo noqoto ayaa xal u haysa arrintaas. Waxaa
jira Xaddiis saxiix ah oo uu noo sheegay Anas Binu Maalik (RC) oo 10
sano Nabiga (SCW) u khidmaynayey wuxuu sheegay inuusan waligiis Nabigu
(SCW) uusan canaanan. Ma oran wuxuu khalday maxaad saa u yeeli wayday.
Xaddiis kaloo saxiix ah wuxuu Nabigu (SCW) diiday inuu markhaati ka
noqdo in Nucmaan Binu Bashiir uu aabbihiis siiyo hibo uusan ilmaha
kale siin. Markii Nabigu (SCW) ogaaday in uu ku kali yeelay ayuu yiri
markhaati kama noqonayo isagoo ugu daray ma jeceshahay in ay kuligood
baari kuu noqdaan? Bashiir (RC) wuxuu yiri haa dabadeedna Nabigu wuxuu
yiri ha samayn.
Waxaa kaloo jirta in
Nabigu (SCW) arkay haweenay ilmaheeda u balanqaaday wax. Nabigu (SCW)
wuxuu yiri haddaadan ka dhabayn been baad sheegtay. Qoraagu wuxuu
xusay nin kale oo u dhashay Newzealand oo uu soo xigtay. Qoraaga
waxaad mooddaa in uu noogu yeerayo sida ay reer Galbeedku u ababiyaan
ilmahooda. Ka warrama Soomaalaay haddii Ciidda dheh udhxiyada ay
muslimiinta adduunka oo dhami ay ilmahooda been u sheegaan? Waxaa la
ogyahay in inta badan kiristaanka adduunka ku dhaqan oo gaaraya 2
bilyani ay ilmahooda been u sheegaan maalin ay sheegaan in ay diin
ahaan qiimo u leedahay waa maalinta Christmas-ka . Waalidiinta ilmaha
ayaa inta ilmaha usoo gada hadiyad ayey ilmaha horay u seexshaan
habaynkaas dabadeedna subixii waxay siiyaan hadiyadda iyagoo leh waxaa
idiin keenay Santa Claus oo ah Father Christmas.
Bal fiiri qoysaska
muslimiinta iyo kuwo reer Galbeedka. Reer Galbeedka uu falsafooda noo
soo bandhigayo waxaad arkaysaa in marka ilmuhu waynaado la dhaho sidii
dhurwaayadii adna Alle ayaad leedahay ana Alle. Waxaa dhici karta qof
iyo waalidkiis ay isku magaalo ku noolyihiin in ay sanadkii mar is
arkaan amaba ay is dagaalaan oo ayna dib dambe usu arag. Marka diinta
Ilaah ayaa xal noo ah.
WABILAAHI TOWFIIQ.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|