Madhibaan iyo Ajji
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahad leh, caalamiinta Rabbigood
ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Horta qofkii la dulmiyey in uu kor u
dhawaaqo oo af labadii furto si uu u sheegto dulmiga lagu hayo waa arrin
loogu garaabi karo, Ilaahayna waa u khaffiifiyey arrintaas sida ku cad
Suurat An-Nisaa. Waxaan kaloo ku faraxsanahay shirkii lagu qabtay Mineapolis
ee ahaa quursigu qiil ma leeyahay iyo maqaalo badan oo walaalkeen kusoo
qoray Somalitalk, waa C/Raxmaan Kaneece. Arrintu aamus way dhaaftay. C/Raxmaan
markuu ka hadlayey xalka arrintaas indhahuu farta ka gashay oo wuu helay
xalkii laakiin markuu ka hadlayo asalnimada iyo cidda saxda ah waxaad
mooddaa in uu isna wadaantiisa tuuranayo.
Si kastaba ha ahaattee waan naqaan micnaha
Madhibaan oo waa magac fiicane muxuu yahay Ajji? Kollay anigu ma aqaan
Soomaali ahaan. Marka hadduu Soomaali yahay waxaan noo sheegi doonaa dadka
Afsoomaaliga aad u yaqaan. Waxaan xasuustaa kalmad Carabi ah oo ficilkeedu
yahay “Ajja, ta’ujju. Markii dabka laga wado masdarkeedu waa “ ajjiijan”.
Haddii orod laga wado masdarku waa “ajjan”. Haddii hamzada la dheereeyo oo
la yiraahdo “aajja” oo biyaha la raaciyo waxay noqonaysaa biyahu waa
dhanaanaadeen (milix bay dhadhamayaan). “Ujjah” waxaa la yiraahdaa kulaylka
daran. Haddii la dhaho “ujjah” baa la maqlay waa marka dagaalka la is-dhexgalo
oo birta la isa-saaro.
Haddii Ajjigu halkaas laga keenay waa wax
dhibta loo tiiriyo. Waxaan xasuustaa iyadoo Madhibaanka holac lagu caayo.
Holacu ma kii dabkaa mise waa mid kale?
Sidii C/Raxmaan Kaneec xussay markaan
raac-raacay waxa dadkaas lagu yasso ma helin wax sabab ah oo dadkaas loogu
dowgalay bal dacaayaddaa qaarkeed waxay tusinaysaa caqligooda iyo sida ay
wax-garad u ahaayeen. Tusaale markii la yiri awoowgood baa bakhti cunay
waxaan ognahay qofku hadduu gaajo u dhimanayo waa inuu nafta bakhtiga ku
ceshaa waana ruqso Ilaah na siiyey. Imaamu Axmed baan filayaa inuu
aaminsanyahay in qofkii inta bakhti u yimaada cuniwaaya oo naftu gaajo uga
dhacdo inuu yahay ehlu-naar. Markii la yiri Ajjiga aabbahood bakhtigii buu
iska matajiyey. Yaa yiri hala is-matajiyo? Waa sheeko fiqiga ay culumadu ku
murmaan laakiin qofkii caqli leh wuxuu ogyahay in isla markiiba bakhtiga la
cunay uu jirka galayo. Marka haddii Ajjiga ama fuqahada qaba in la
ismatajiyo waxaan waydiinaynaa wixii la dheef-shiiday oo dhiiga galay muxuu
yahay xukunkeedu?
Tan labaad waxaa la sheegaa in qolyo kale
nasab-dhimad laga dhigay markay dileen ugaas. Waxaan naqaan ugaasyo badan oo
la dilay ee marka maa qofkii ugaas dilaba nasab-dhimad la dhigo? Dhowaanahan
waxaa jira ugaasyo la dilay.
Teeda kale waxaa la xussay in Ajji oo
bakhti iyo xaaraan cunid meel kastaba la taagan ayna waxba u dhimin. Waxay i
xasuusinaysaa mar uu nin naxwaha Carabiga ku dheereeya uu nin kale su’aalay
halka uu ku dambeeyey dameerkii hebel “Maa facala fulaanu biximaarihi”?
Ninkii dhalinta yaraa wuxuu is yiri ninkaas naxwaha yaqaan hadalka ku raac
makaasuu yiri “baacihi” isagoo ka wada wuu gaday. Ninkii Naxwaha yaqaanay
wuxuu yiri war dheh “baacahu”. Ninkii dhalinta yaraa wuxuu yiri maxaa adna
ba’daada ka dhigay mid wax hoos dhigta ana tayda mid wax godda?! Hadda waan
la yaabbannahay waxa dadka qaarkiis ay bakhti cunidda iyo ugaas dilku
nasab-dhimad ugu noqdeen, dadka qaarkiiska ayna wax udhimin. Ma sida ninkaas
dhalinta yar baan iskaga raacnay wax dad hore iska yiri oo ay dhici karto
inay ka lahaayeen dan khaas ah.
Xagga
xirfadda
Qur’aanka waxaa Ilaah ugu manno sheegtaa
sidii uu Nabi Daa’uud u baray duruucda dagaalka samayntooda. Waa arrin la
xiriirta birta iyo tumiddeeda. Ma sidii wiilkiisii Nabi Sulaymaan (CS) ayaa
Jinnigu u qaban jiray howshaas? Sida muuqata waa in uu isaga gacantiisa ku
qaban jiray maxaa yeelay waxaa tusaale loo soo qaataa marka qofku cuno wuxuu
gacantiisa ku shaqaystay sida dadka beeraha fala. Waa shaqooyinka haddaan la
dhexgelin wax xaaraan ah ugu xalaal-miirsan maxaa yeelay qofku wuxuu cunaa
dhididkiisa. Waxaa kaloo muslimiinta loo banneeyey waxa gaalada laga furto
oo ah qaniimada oo iyada lafteedu gacanta la xiriirta. Waxaa jira dheeraad
uu Ilaah Nabiga (SCW) siiyey waa waxa gaalada laga furto iyadoon dagaal
dhicin.
Diinta iyo Dhaqanka
“Labo dhaqan kala dheer”. Ma arag meel
Diinta Islaamku ku yassayso xirfaddaas qiimaha leh. Laakiin Carabtii markaas
joogtay iyo Soomaalidaba qofka xirfaddaas leh xagga xasabka wuu ka hooseeya
xirfadaha kale sida ganacsiga. Xattaa culumada fiqiga taqaan qaarkood saasay
qabaan waxayna u soo qaataan markay kufka guurka ka hadlayaan. Xaggey ka
keeneen? Annigu waxaan ku raacsanahay culimada qabta in kufku uu yahay
diinta. Marka Nabigu (SCW) xussay waxa haweenta lagu guursado wuxuu tiriyey
waxa dabciga Binu-Aadamku jecelyahay laakiin wuxuu ku taliyey in diinta la
tixgeliyo. Akhri Suurat Aala- Cimraan marka Allaah kaga hadlayo waxa dadka (raggu)
jecelyihiin wuxuu ku bilaabay haweenka, ilmaha, lacagaha dahabka iyo qalinka
ilaa dhamaadka aayadda. Xasabka iyo laandheeranimadu waxay ka yimaadaan
wiilal batay oo la baray inay geesanimo, deeqsinimo, dagaal-yahanimo iyo
waxgaradnimo la yimaadaan. Sidoo kale Xaddiiskii ahaa hadduu idiin yimaado
nin aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa raali ka tihiin uguuriya haddii kale
waxaa dhacaysa fidno iyo dhibaato wayn. Xaddiiskaas raawi ku jira ayaa wax
laga sheegaa laakiin waxaad mooddaa in xaddiiskaas uu xujo galo sida loo
isticmaalo darteed.
Kollay aniga xagayga waxaan is dhahaa
sababta keentay in Carabtu xirfaddaas dhibsato waxaa ka mid ah:
1. Dad danyar ah oo u badnaa addoon,
kuwo aan udhalan degaankaas ama aan Carab ahayn oo u badnaa shaqadaas.
2. Iyo iyadoo dadka xirfadaas lahaa
ayna badanaa lacag badan helin oo ayna maal-qabeeno noqon.
Dib udhaca ku yimid muslimiinta xaggee ka
yimid?
Culimada qaarkeed waxay ka biyo-diideen in
ay dhahaan xirfaddu qofka wax bay udhimaysaa waxaa la arkay markii
muslimiintii ka tageen farsamada gacanta maxaa yeelay waxay ka baqeen hadday
gacanta la galaan in ay ilmahooda la takooro ilayn dhaqanka Carabtaa saas
ahaa. Islaamku nina kuma khasbo wuxuu baranayo iyo waxa uu guursanayo midna
laakiin wuxuu bixiyaa waxa kheyrka ku jiro sida guurka oo uu sheego in
diinta xoogga la saaro. Kaddib markii Carabtii kheyrka badnayn ay mihnaddaa
ka baqeen waxay sancadii u wareegtay reer Galbeedka. Galbeedku waxay ka
faa’iideen cilmigii uu Islaamku keenay, kii ay muslimiintu ka soo turjumeen
Giriiga, Shiinaha, Hindiya iyo meelo kale.
Waxaan maqalnaa kacaankii sancada. Muxuu
yahay? Haddaad rabto dheh tiknoolajiyad (technology). Diyaaradahan,
maraakiibtan, gantaaladan, rasaasta, computer-adda, nukliyeerka ay
Maraykanka iyo Yuhuudu haystaan ma geel baa dhalay mise hooso iyo bir baa
laga keenay? Waligood Yuhuudu middaas Carabta waa kaga horreeyeen. Yuhuudda
oo Carabta u haysata dad aan xaddaarad lahayn marna bir-tumid kama tagin.
Waxaa dhici karta in ay ogaayeen qiimaheeda iyo iyagoo ogaa arrintii Nabi
Daa’uud. Qur’aanka kamaynaan faa’iidaysan sidii la rabay in looga
faa’iidaysto oo waan ka gaabinay kaddib markii uu qisadii Nabi Daa’uud la
xiriiriyey dagaalka iyo duruucda. Yuhuuddu waxay bir-falkinta ka barteen
Nabi Daa’uud (CS) waa kuwaas maanta falkinaya diyaaradaha la arkay iyo
kaarayaasha (tanks).
Muslimiintu waxay dhegaha ka furaysteen
amarradii Ilaahay markuu naffaray inaan diyaar-garoowno. Marka haddii fardo
la xussay waxaa la rabaa waqti kasta iyo qalabkiis.
Dhaqanka Carabta qaarkiis lama fahmayo
wuxuu ku salaysnaa. Waxaad arkaysaa in ay ilmahooda u naas-nuujin dalbi
jireen dad aad u hooseeya xagga xasabka sida ay iyaga la ahayd markaas.
Xattaa Suubbanihii (SCW) waxaa naas-nuujiyey haweeneey masaakiin ah. Waxaa
kale oo Nabigu (CSW) dhigay tusaale fiican markuu wiilkiisii Ibraahim (CS) u
geeyey inay nuujiso haweenay uu qabay tumaal. Yaa garanaya qof ka xasab iyo
nasab fiican Ibraahim Binu Kheyru khalqi-Allaah? Ibraahim iyo ninkaas
bir-tumaha ahaa waxaa dhexmaray xuquuq aad u qiimo badan oo aan ka dhicin
tan dhalashada meelo badan. Afkii Ibraahim ee shariifka ahaa wuxuu dhigay
naaskii haweenaydaas nasiibka leh ee hoos-joogtay ninkaas birta tuma.
Haddii kuf aan diinta ahayn jiro muxuu Nabi
Muxamed (SCW) uu ina eeddadiis, Zeynab uu ugu guuriyey Zayd? Sideese Nabigii
Ilaahay uguursaday haweenay uu nin xasabkiisu saas yahay horay u guursaday?
Muxuu Usaama Binu Zayd ugu guuriyey Faadumo Binti Qays oo Quraysh ahayd?
Meeyey kufka aan diinta ahayn?
Miyeydaan u jeedin sheekada Soomaalida ee
ah weelkiisa wax kuma cunayo ama midgaan gurigiis ma gelayo inay tahay
dhaqan qaab daran oo aanan garanayn meel ay ka keeneen. Haddaad ka
fiicantihiin Nabi Muxamed (SCW) iyo Ibraamih (CS) hala mucaamiloonina
Tumaalada! Ibraahim (CS) iyo ilmaha uu dhalay ninkaas birta tuma waxay
noqdeen walaalo.
Soomaalidu waa ka sii dareen oo waxaad
maqalaysaa iyadoo la isku caayayo gorayo ayuu cunaa! Nabigu wuxuu usheegay
in ay asxaabtiisu ay falaar/gamuun ganida bartaan isagoo leh gana/gama/tuura
aabbihiin Ismaaciil baa gani jiraye. Maanta madhibaanka waxaa lagu caayaa
shiish-wanaag. Marka waxaa iska keen dhexgalay samaantii iyo xumaantii.
Waxaa dhici karta in dad badani ku dagmeem
markii ay maqleen Xaddiiskii ahaa markii Nabigu (SCW) ka hadlayey qofkii la
fariista nin kiir afuufaya, waa meesha birta lagu tumo ee qiiqa iyo waxa la
gubayo ka soo baxayaan iyo ninka la fariista mid cadar/miski gadaya.
Xaddiiska lagama fahmayo in ninkii bir-tume ahi ceeb leeyahay ama inuu iska
dhaafo shaqadaas oo cadarle noqdo. Bir-tumuhu shaqadiisa waa u baahanyahay
sidoo kale bulshadu way u baahantahay shaqadiisa.
Dhakhaatiirta (pathologists) ee baara waxay
udhinteen dadka dhinta markay samaynayaan “post-mortem” waxaad la yaabaysaa
maydka ama bakhtiga ay gacanta kula jiraan. Qof aan howshaa shaqo ku lahayn
looma baahna inuu xaadiro halkaas waxa qurun iyo ur yaal darteed.
Dhakhaatiirtu laftoodu ma jecla waxa ay arkayaan laakiin waa shaqadoodii.
Marka dhakhaatiirtu waxay ka midyihiin dadka xirfaddooda aad loo tixgeliyo
xattaa Carabtu waa tixgelin jireen. Marka markii laga hadlayo urka iyo waxa
ka socda mayka oo xumaanta lagu mithaalo micnaha maahan dhakhtarkii baa xun.
Dulucdu xaddiisku waa in aadan tagin meel xumaan lagu hayo oo aadan dadka
xun-xun la saaxiibin oo aad la saaxiibto dadka wanaagsan oo khaladka kaa
saxaya oo aad ka faa’iidayso. Ninka kiirka afuufa wuxuu noqon karaa nin
fiican ama xun sidoo kalana cadarlaha.
Makaanigu markuu baabuurka furfurayo ha u
dhowaan oo darinta wasakhda badan ee uu baabuurta ku hoos galo hakula
fariisan maxaa yeelay waxaa kaasoo gaaraya olyo-buraahso iyo garaaso. Marka
makaanigu markuu shaqadiisa dhamaysto oo ka qubaysto isaga iyo olyo-buraasho
ama garaaso shuqul iskuma laha. Ninkaas bir-tumahaana waa sidoo kale.
Talo ku socota qorayaasha u doodaya dadkaas
dhiban
Looma baahna in aan isticmaalno maahmaahda
ah Rabbi ka baqid iyo rag iska celin meel mawada galaan. Waxaan arkay
walaalkeen oo tusaale u soo qaatay Carabtii hore iyo Nabi Ismaaciil (CS).
Waa sidaad sheegtay oo tafiirtii Nabi Ismaaciil waa la Carabeeyey laakiin
yaa ku yiri kala horaynta ayaa lagu kala sharaf badanyahay? Sidoo kale yaa
ku yiri ciddii dhulka Soomaaliyeed hor degtay baa cid kale ka sharaf badan?
Haddaan muslim-nahay Ilaah waa noo sheegay inaan Nabi Aadam iyo Xawaa ka
nimid oo xagga nasabku waa isku mid. Nabigu (CSW) markuu ka hadlayey xagga
xasabka wuxuu sheegay wax taqwo la xiriirto Ilayn Nabi Yuusuf (CS) buu ku
sheegay ninkii ugu xasab fiicnaa, Nabiyada uu kasoo farcamey darteed. Sidoo
kale wuxuu ku sheegay qofka dadka ugu taqwo badan baa ugu fiican. Marka ma
jirto cid Nabiyada ka taqwo badan waana sidaas waxa Nabi Yuusuf (CS)
sharaftaas ku helay.
Marka waxaad tiri Carabta kale ayaa ka soo
horaysay kana laandheeraysan. Sheegnay in Ismaaciil sharaf la meel noqday.
Waxaa la ogyahay in dadka qofka ugu fiicani yahay kan dadka anfaca. Xag diin
iyo adduun labadaba. Haddaadan diin lahayn wax waad anfaci kartaa laakiin
hadhow wax uma tarayso qofkaas. Miyaadan ogayn in Barakadii Ismaaciil iyo
hooyadii Ilaahay Carabtaas ku anfacay markii uu halkaas ka soo burqaday
Zamzamka? Hadday sababtiis baad iyo barwaaqo la helay oo Ilaahayna Nabi ka
dhigay ma wax la yaab leh baa inuu isaga iyo tafiirtiisa toosani noqdaan
hogaamiyayaal? Ilayn isagii anfaciisii baa ka batay kuwaas kalee. Marka in
Ismaaciil Shariif noqdo diinta iyo caqligu waa keenayaan maxaa yeelay xag
diin iyo adduunba waa anfacay dadkii halkaas joogay laakiin ilmihiisa ninkii
aabbihiis raaca waa shariif laakiin ninkii gaalnimo iyo xumaan u bareera waa
dad liita.
Sidoo kale Soomaalida kii Soomaaliya yimid
iyo kii ka sii horeeyey waxay kukala fiicnaan karaan Islaam-nimada iyo waxay
u qabtaan dadkooda iyo dalkooda. Waxaa kugu filnayd inaad tiraadho iyaga
waxaa ka buuxa geel-jirayaal aan Ilaah iyo addoomihiisa tixgelin. Marar
badan baan sheegay geelleey iyo geel-jirayaal isku mid ma ahan.
Talo ku socota dadka la yasso oo dulman
1. Sidii ay sheegeen qorayaashii
arrintan ka hadlay qaarkood waa in aad niyad adag la timaaddaan.
Maskaxdu waa cajaa’ib waa in uu qofku karti dheeraad ah la yimaado si
looga baxo dhibtaan samir iyo dulqaad baana la rabaa. Marka madaxiina
kor u qaada oo ha is oranina wax ma qaban kartaan.
2. Waa in diinta Ilaah loo noqdaa maxaa
yeelay iyadaa qofka ka dhigta shariif. Miyeydaan u jeedin in dad ashraaf
ah ama qaarkood sheegto ku qaraabtaan Xasan iyo Xuseen? Waayo? Waxay
ogyihiin in Soomaalidu muslim tahay oo dhinacaas laga soo galo. Waxaa la
rabay hadday ashraaf yihiin inaysan sadaqo qaadan.
3. Halka dadka qaar u doodaya dadka
dhibban ay si dadban ama si toos ah Islaamka u weeraraan iyagoo Carabta
usii maraya. Soow maynaan soo arag in haween la yasso ay nuujisay Nabi
Muxamed (SCW) isna uu wiilkiisa u geeyey inay nuujiso haween la yasso
sidoo kale. Waa kaas Islaamku oo dadka wuu isu soo dhaweeyaa.
4. Dadka la yasso markay niyad jabaan
waxay u leexdaan dhinaca shaqooyinka xun-xun iyo balwadda. Waxaad
arkaysaa in dumarkii u heesi jiray boqorradii muslimiinta ahaa u
badnaayeen dadka addoonta ahaa. Addoon markaan leenahay yeysan madaxaaga
kusoo dhicin dadka madoow oo kaliya. Marka heesaha ay joogto boqorradu
waxay jeclaayeen dumarka quruxda leh ee ka soo jeeda Yurub. Marka dadka
la yasso waa inay ka fogaadaan balwadaha noocaas ah. Runta aan usu
sheegno, fannaaniinta Soomaaliyeed waxaa aad uga dhex muuqday dadka la
yasso ama qabiil halagu yasso ama muuqaalkooda. Ajjiga waxaa fanka ku
biiri jiray midka faraha la qaadka ah ee dadkiisu ka caalwaayaan laakiin
waqtiyadii u dambeeyey fanku wuxuu noqday mihnad caadi ah. Marka waa
inay ka haraan heesaha iyo beladaas kale.
5. Waa in ay waqtigaan ka
faa’iidaystaan maxaa yeelay Ajjigu wuxuu sameeyey wax aan wali
taariikhda lagu maqal marka sheeko xariirtoodii socon mayso marka waa in
aad u halgantaan si cilmiyeysan sidii aad dadka ula mid noqon lahaydeen.
Talo ku socota qab-qablayaasha,
Odayo-dhaqameedyada cinwaan kuu rabo ha watto iyo ergooyinka kale
. Ilaahay ha noo dhaafo waxa dadkeenii
sameeyey laakiin waa in aan wax ka qabannaa dulmigaas jira oo aan
Ilaahay dadkaas uga baqnaa.
. Waxaan samaynay ma jirto cid samaysay
marka af-xumadii hore iyo sheeko-xariirtii hore in la joojiyo oo lagu
bedelo sidii arrimahaas loo tir-tiri lahaa.
. “In qab-qablayaasha iyo
oday-dhaqameedyadu ay guursadaan haween ka mid ah dadkaas la yasso”. Kii
da’ ah ha guursado haween la yasso oo da’ ah ama mid agoon haysata.
Sidoo kale kii dhalinyar ama xoog lihi ha guursado haween u dhiganta oo
dadkaas ah.
. Waxaa dhici karta in arrintaasi idiin
keento dambi dhaaf, dadkuna ku iloowo waxaad ka gasheen dadkiina iyo
diintiina.
. Haddii taa la yeelo waxa la xalin
karaa arrintaas habayn kaliya.
. Waxaa dhici karta in Ilaahay noogu
naxariisto arrintaas oo aan barwaaqo iyo baraare ka qaadno.
Cududaar
Waxaan shakki ku jirin in dadka diinta
yaqaan iyo dhalinyarada aqoonta lehi badankoodu ka soo horjeedaan dhibka
haysta dadkaas la yasso. Waxaa jira dad badan oo raba inay guursadaan
dadkaas la yasso iyagoo ku raacaya diin, qurux ama ka helid laakiin waxa
bannaanka looga maray waa ehelkiis iyo qaraabadiis. Waxaan sahlanayn in
qoffi uu hooyadiis, aabbihiis iyo ehelkiisa uga tago haweenay ama hadday
haween tahay nin ay rabto inay guursato. Waxaa taas ka sii daran inaad
waalidkaa iyo ehelkaa dambaajinayso ilayn waa ognahay dhaqanka Soomaaliyeed
oo ka raali noqon maayaan haddaad ku gacan sayrtid. Marka waa nalooku
garaabi karaa in aan ku bakhaylno waalidkeen iyo ehelkeen. Arrintaan ma ahan
arrin ay wadaado ama dhalinyaro oo kaliya wax ka qaban karaan. Arrintaan
waxay u baahantahay in wada jir wax looga qabto. Qaybtii culumada iyo
dhalinyaradu waa diyaar laakiin waxaa maqan qaybtii hogaamiyayaasha
siyaasada iyo dhaqanka. Hadday nimankaasi aqbalaan taladaas horay walaalo
iiga horeeyey usoo jeediyeen oo ah inuu mid kasta oo ka mid ah guursado
haweenkaas dayacan ee la yasso ilayn maanta haweenkii Soomaaliyeed oo dhan
baa dhibbane oo nimankii qabay aakhiro loo diray waxaa dhacaysa in dadkaas
la yasso ay dadkooda ka mid noqdaan waqti yar.
Waxaa kaloo fiican in shirarkii la sii wado
oo aan laga daalin sidii kii Maraykanka ka dhacay. Dadkeena wax yassana ka
waantoobo arrintaas. Waa in aan laga daalin sidii loo tirtiri lahaa
dhaqankaas qaabka daran ee aan la aqoon meel uu ku salaysanyahay.
Waxaa fiican sidoo kale in arrimahaan
muhiimka ah la gaarsiiyo dadkaas ergada ah ee Kenya fadhiya sidoo kalana
laga sheego BBC-da oo ay dadka badankiisu ku xiranyihiin.
Runtii waxaan ku faraxsanahay in dadka la
yasso ee joogi jiray degaankaan ka imid ay dhaameen kuwo laga sheego qaybo
badan oo Soomaaliya ka mid ah. Dadkii aan isku meesha degenayn dhibta ugu
wayn ee haysatay waxay ahayd looma guurin jirin lagaman aguursan jirin.
Iyada lafteeda ayaa ciqaab adduun ah laakiin waxay haysteen xorriyad kale oo
taam ah. Waxaa adkayd mararka qaarkood inaad kala garato dadkaas la yasso
iyo kuwa degaankaas. Waxay arrintaasi sababi jirtay inay guursadaan gabdho
Ajji ah iyagoo gabdhahaasi u qabaan in nimankani yihiin Ajji ay la degen
yihiin. Hadhow haddii dib laga ogaado waxa dadkaas la yasso loola gurman
jiray sidii qof ciddaas ah oo qof kale dambi ka galay. Waligood lama oran
jirin dhib baad noo soo jiiddeen laakiin waxaa lagu ammaani jiray talaabada
ay qaadeen. Mararka qaarkood waxaa dhici jirtay in dadkaas la yasso dartood
dagaal ba’an loo gali jiray.
Runtii waxaan xasuustaa cilladii aan
sheegay marka laga reebo in dadkaas la yasso ay ku faraxsanaayeen inay
degaankaas joogaan. Waxaan ka fahmi jiray inay waxyaalo badan raali ku
yihiin markaan wax ka samaysanayo waxaa dhici kartay haddaan u sheego ina-
ayahayga inay lacagta igu diidaan jacaylka iyo kalgacalka ay usu hayaan
bulshadaas darteed. Ogaada ma jirto bulsho aan laga helayn dad edeb daran oo
dadka dhibban dhiba.
Marka waxaan kula talinlahaa bulshadaas aan
sheegayo inay soo gabagabeeyaan dhibta lagu hayo dadkaas la yasso khaasatan
xagga guurka oo haddii hogaamiye dhaqameedyada horbooda degaankaas ay wax ka
qabtaan arrinta waxaa la gaarayaa horumar wax ku ool ah oo usoo hoyatey
dadkaa la yasso.
Fiiro gaar ah: waxaan aragnaa in qoraalka
saxda ah ee Ajji uusan ahayn Aji. Marka waxaa halkaa ka cad in xarafka J-du
labalaabmi karto. Fiiri maqaal aan ka qoray arrintaas oo ahaa sharcigee ka
yaal qoraalka Afsoomaaliga? Erayga Ajji wuu ku jiray erayada aan xussay.
Waxaad ka heli kartaa Somalitalk iyo website-yada kale.
WABILAAHI TOWFIIQ.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|