“Federal”-nimada Soomaaliya waa arrin fidhrada
ka fog oo ah feer iyo faro-laab.
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahadleh,
Abuuraha dhaaman. Nabad-gelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Soomaalida kaliya ayaa laga
hayaa sharci ay qab-qablayaal iyo cadow keeneen oo ay “professors, doctors”
iyo qorayaal ku raaceen jacayl ay qowlaysatadaas u qabaan ama isku-qolo ay
yihiin darteed.
Waxaan mar raadiyoow
Muqdisho ka dhagaystay barnaamij ay dhihi jireen ila-qosol in mar arday ku
jira imtixaan Juqraafi ah oo qishaya uu soo dul istaagay macallinkii
waardiyeynayey. Kaddib ardeygii aad buu u dhididay oo wuxuu is yiri waraaqda
imtixaanka ayaa lagaa qaadi doona ama dhibco ayaa lagaa jaran. Macallinkii
markuu arkay dhididka ka baxaya ardayga ayuu waydiiyey waxa ku dhacay?
Ardaygii wuxuu ku yiri macallinkii dhul-baraha ayaan marayaa!
Hadda dad badan oo
shahaadooyinkaas haysta ayaa is-xiijinnaya oo ka hadlaya in “federalism”
Soomaaliya dan u yahay oo la xamaasaysan qab-qablahooda. Waxaa gubaya waa
khiyaamo iyo caaqnimo laakiin yaa ka yeelaya? Qaarkood waxaa arkaysaa iyagoo
noo sharaxaya “federalism” markaasay waqtigii naga qaadeen. Qolo kale ayaa
jirta oo nacayb ay u qabaan qoraa ama dad kale ay ku khasabtay in ay
“federalism”-ka qiil u baar-baaraan laakiin waxay ku fiicnayd in ay si kale
arrinta u abbaaraan.
Mowduucu waa inuu noqdaa
Soomaaliya iyo “federalism”. Run ahaantii aniga iigama duwana sidii iyadoo
diinta Soomaaliyeed laga hadlayo haddii qof dhaho waxaa mudan in laga hadlo
diinta Yuhuuda maxaa yeelay qofku waa ka hadli karaa diin Yuhuud laakiin
marka diinta Soomaalida laga hadlayo, Islaamka, wax boos ah halkaas ugama
furna. Marka haddaan rabno inaan wax ka ogaanno “federalism” waxaan aadi
karnaa jaamacado ama waxaan akhrisan karnaa waxa laga qoray oo qaabab badan
loo soo gudbiyey.
Horta “federal”-nimadu dal
waynaan iyo dad badnaan looma shardiyo. Fiiri haddaad rabtid Canada iyo
Switzerland. Marka Soomaaliya laga hadlayo waxaan ku mitaali karnaa sidii
“state” ka mid ah Maraykanka dheh California. Hargeysa iyo Xamar ka dhig
Sandiego iyo Sanfarasisco. Ogaada dadka ku nool state-kaas 4-jeer ayey ka
badanyihiin Soomaalida laakiin Soomaaliya way ka dhul-wayntahay State-kaas
in ka yar labo-laab marka la hadlayo Koonfur iyo Waqooyi oo kaliya. Haddii
labadaas magaalo ama magaalooyinka gobolkaas ay is dagaalaan ma oran karaa
waa in “federal”-nimo kale loola yimaado? “Aqoonyahannada ayaan waydiinaynaa”
ama dheh Soomaaliya waa qayb ka mid ah qaybaha ay ka koobantahay Switzerland
sida qaybta Jarmalka ku hadasha oo ay Zuruch ku jirto.
Bal aan la hadlo dadka
caadiga ah ee Soomaaliyeed. “Federalism” goormay timaaddaa? Waxaan soo
qaadanayaa “federalism” ay Soomaalidu taqaan waa guurka. Waxaad arkaysaa
wiil barbaar ah oo hanti leh oo aan wali guursan iyo sidoo kale gabar inan
ah oo sidaas oo kale ah. Khasab ma ahan in labadaas qof is-guursadaan xittaa
khasab ma ahan in ayba guursadaan haddaysan ka baqayn inay xaaraan ku
dhacaan. Qof walba intuu rabo ayuu kaligiis ahaan u noolaan karaa. Waxaa u
fiican inay “federal” noqdaan oo ay is guursadaan si ay faa’iido badan u
helaan. Maxay tahay faa’iidadaas?
1. Ilaah oo isu abuuray
ragga iyo haweenka si ay u helaan wehel iyo naxariis.
2. Islaamka oo kasoo
horjeeda tafaraaruqa.
3. Mujtamaca oo
badanaya. Haddii lammaanahaas Ilaah ubad siiyo waxaa badanaya mucjamicii
iyagiina way faa’iideen.
4. Iyagoo dhaqaale u
baaqanayo oo waxaa ku filan labada qof hoygii midkood degenaa iyo
masruufkii ay gooni-gooni u cuni-jireen.
5. Waxay hadda helayaan
labo maskaxood oo ka fiican mid kali ah.
6. Waxaa ka faa’iidaya
martida iyo dadka kale oo aan iyaga ahayn iyo waxyaalo badan.
Soomaaliya ma ahan waddan
xornimo la siinayo. Waxay ahayd lammaanahaas laakiin waa la isqabtay oo
hadda way kala hijroodeen ama hal dalqad ayey isku fureen. Suurtogal ma
tahay lammaane kala carooday in la isku sii diro? Hadday ubad leeyihiin ma
la dhihi karaa waa in carruurta yar-yar ay kaligood is debberaan oo ay
waalidka ka madax-banaanaadaan iyagoon qaan-gaarin? Gobol kasta marka gooni
loo eego wuxuu Soomaali wayn u yahay cunug gu’ jir ah ama labo jir ama hadba
inta kheyraadkiisu yahay laakiin marna kali ahaantiis carruurnimo kama
baxsana. Anigu haddaan Mudug ka imid imisa jir ayey noqonaysaa? Waa
arrintaas waxa shirka Kenya ka soconaya iyo kuwii ka horeeyey loogu
magac-daray dib-u-heshiisiin. Bal inta nimankii shahaadooyinka la xiimayey
iyo kuwa suugaan-yahannada ah ee u ordaya “federal”-ka isu tagtaan meel
isugu keena dib-u-heshiin iyo “federalism”. Hadduu ahaan lahaa oo kaliya
shir heshiiseed waxaa dhici karta in laga wado aan ku heshiino “federalism”
laakiin eray dib ee ku jira dib-u-heshiin ayaa arrintaas diiday. Labadii
Jarmal ma “federalism” baa loogu yeeraa sidii walaalo hore sheegeen mise
dib-u-midoobid ama midoobid?
War wuxu caqli xumaa! Marka
laga hadlayo “federalism” waa in la helaa wax isu diyaar ah sidii wiilkii
iyo gabadhii oo kale iyagoon cidi isku khasbin. Tusaale ahaan usoo qaado
Switzerland. Waxaa halkaas ah seddex qaybood oo seddex af ku kala hadla.
Meeya waxa Soomaaliya raba inay “federal” noqdaan? Ma Laascaano iyo Garoowe?
Yaab badanaa! Waxaa Zenawi wado kama duwana sidii labo wiil oo dhalinyaro ah
oo midi kan kale ku dhaho waxaan kuu guurinayaa gabadhaan dhalo markaan
guursado. Haddaad i rumaysanwaydo fiiri qodobada 19 &88 ee Axdiga
ku-meel-gaarka ah. Aan qodobka 88-aad kusoo qoro halkan.
QODOB 88.0
“MAAMUL GOBOLEEDYADA JIRA
1.
Xukuumada iyo maamul goboleedyada jira waxay ka mid
noqonayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka ah.
2.
Dowladda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah waxay gacan
ka geysanayaan muddada ku meel gaarka ah sidi loo gaari lahaa maamul buuxa
oo federaal ah.
3.
Aasaasida maamulo gobol federaal in lagu dhamaystiro
labo (2) sano hore si loo hirgeliyo Axdiga Federaalka ee Ku Meel Gaarka
ah.
Gobolada aanu ka jirin
maamullo gobol waa in gacan laga siiyaa sidii looga dhisi lahaa xukuumado
federaal ah”.
Ufiirso qodobka 88-aad
numberkiisa seddexaad iyo qormada ka dambaysa oo oranaysa waa in la aasaasaa
maamul gobolleedyo “federal” ah waliba gacan lagu siiyaa kuwii aan lahayn!
Waa u jeeddaan in Axdigan meel kale laga soo guuriyey khaasatan Itoobiya oo
ka kooban qoowmiyado kala duwan. Marka “federalism” laga hadlayo waa in la
ogyahay waxa isku biiraya si xor ah. Islaamku wuxuu diidaa in lakala gato
waxyaalo aan gacanta dadka wax kala gadanaya ku jirin ama aan la aqoon
xittaa wuxuu diidaa miraha beeraha oo aan si fiican u bislaan in lakala gato.
Sidoo kale wuxuu diiday in qof kaa gado xoolo uurka ku jira ama aan wali
dhalan. Dadweynoow waad aragtaan khiyaamada la idin la rabo.
Suugaanta Soomaalida way ka
buuxdaa sida looga hortago wararka qashinka ah ee riyada ah ee xaqiiqda ka
fog. Waan xasuusanaa inay dhahaan markii Arraweelo ay raggii ku xirtay
xujjooyin adag oo la furiwaayey in uu halkaas joogay Oday-biiqay. Araweelo
waxay tiri waxaan rabaa dhig cirka iyo dhulka is haysata sida
qaansa-roobaada oo ay dadku u qabeen inay dhulka soo taabato oo ay badaha
biyaha ku shubto. Oday-biiqay wuxuu barbaartii u-sheegay inay keento wax
lagu cabbiro. Arraweelo waa iska aamustay. Marka qab-qablayaashu ma
oranwaayeen Zenawi gobollada aad sheegaysid hala aasaaso marka hore aasaas
dabadeedna aan isu nimaadno. Qofkii raba in isagoon cidi cambaarayn dabinka
ka baxo waa inuu saas yeelaa haddaad nin karmeed tahayna Zenawi si toos ah u
dhalleecee.
Dhowr qof baa ka hadashay
maqaal uu Axmed Faarax Cali Idaajaa ka qoray arrintaas. Sidoo kale Muuse
Suudi iyo C/Qaasim waxay sheegeen in meesha khiyaamo taal. Dadka nimankan
warkooda gaashaanka ku dhuftay waa labadii qaybood oo aan ka soo hadlay.
Kuwo qab-qablahooda qabiil ku raacay iyo kuwo iyaga shakhsi ahaan uga soo
horjeeda. Waxaan rabaa inaan ka la hadlo kuwa shakhsi ahaan uga soo horjeeda
maxaa yeelay kuwo hore ma istaahilaan in loo jawaabo.
Horta haddii qof ama axad
uu runta sheego lama diidi karo oo lama oran karo beenbaad sheegtay xittaa
haddii uu beenloow yahay ama dagaal-ooge. Qisadii Shaydaanka iyo Abuu-
Hurayra dhex martay xasuuso markii inta shaydaan iska soo dhigay nin uu
Abuu-Hurayra ku yiri isii daa wax kuu fiican baan kuu sheegin. Wuxuu u
sheegay inuu Aayad kursiga uu akhristo markuu seexanayo. Mar shiikh
Soomaaliyeed ka hadlayey in qab-qablayaashu is dhaami karaan ayuu xaddiiskan
ku sheegay taskiyo laakiin wuu ku gafay. Xaddiiskan taskiyo shaydaan la
siiyey maahan waxaa laga qaadan karaa axad xuni uu wax run ah sheegi karo
iyadoon runtaas uu sheegay aysan wax ka bedelin waxa uu yahay. Nabigu wuxuu
Abuu Hurayra ku yiri “sadaqaka wahuwa kaduub” oo ah shaydaanku waa kuu
runsheegay laakiin waa beenaale xeel dheer. Nabigu (SCW) ma oran “kaadib”
wuxuu yiri “kaduub”. Marka Shaydaankii lama taskiyeyn bal waa la ceebeeyey.
Marka qab-qablihii dhaha
Itoobiya waa cadow, dastuurkaan waa khalad way run sheegeen laakiin wali waa
qab-qablayaal ilaa ay Ilaahood u toobad keenaan oo ay faraha kala baxaan
dhibka ay ku hayaan dadkooda. Eraygaa runta ah oo ay sheegeenna waxba uma
tarayo. Marka sidoo kale qofkii Idaajaa haysta waa u jawaabi karaa laakiin
wuxuu sheegay run bay ahayd.
Qab-qablayaasha diiday
dastuurkaas waa ku saxsanyihiin ee waxaad u baahantihiin inaad iskaga
tagtaan meesha. Kuwa kale ee labo-boglaynayana waa inay ku dhiirradaan inay
iskaga baxaan. Ogaada cid cid khasbi karta ma leh. Miyeydaan u jeedin
Maraykan oo aad aragteen waxa uu hub haysto inuu Ciraaq wax ka qaban
la’yahay. Marka ma jiro nin waddankaaga kugu gumaysan kara.
Waxaan kaloo maqlayey
qab-qable kale oo ay waraysanayso hornafrik oo la sheegay inuu Luuqadda
Carabiga ka soo horjeedo. Horta qofoowna ha isku dayin inaad Carabi iyo
Soomaali kala saartid intaan muslim nahay. Waan wada ognahay inaynaan si
fiican Carabi ugu hadli karin laakiin dadka Badankiisu akhrin karaan ama
qori karaan. Waxaan aaminsannahay in qab-qablahaa markii hooyadiis iyo
aabbihiis is-mehersanayeen la isticmaalay kalmado Carabi ah. Sidoo kale
wuxuu wataa magac Carabi ah. Marka waalidkiis hadday noolyihiin Ilaahay ha
xafido hadday dhinteena Allaha u naxariisto kama gaabin barbaarintiisa.
Dhowrkii daqiiqo oo la waraysanayey wuxuu ku hadlay erayadan Carabiga ah
laakiin isagu waa moogyahay:
Luuqad, diin, dastuur,
khilaaf, saxiix, wafdi, musharax, wakiil, laakiin, dacwad, muhiim, qabiil,
sharci, qancid, shakhsi, fashil, carqalad, munaasib, dowlad iyo nooc.
Waraysigaas waqtiga aan
maqaalkan qorayo isagoo maqal ah wuxuu ku jiraa website-kaas.
Gababagabo: Qofkii Soomaali
ah oo Diinta Islaamka jecel wuu jecelyahay Carabiga. Soomaalidii hore ma
ogalayn in dikri ama duco aan Carabi ahayn. Dhalinyaro aan iskuulka isla
dhiganjirnay waxay sheegi jireen in haddii dadka miyiga jooga aad u akhriso
nashiido Carabi ah ay Sheekh kuu qaadanayaan deedna si fiican kuu soorayaan.
Erayyada Carabiga oo ku jira Afsoomaaliga aad bay u badanyihiin markii caadi
loo hadlayo waa adagtahay in la iska ilaaliyo maxaa yeelay Afsoomaaligii bay
ka midnoqdeen. Marka sinaba looma kali saari karo. Waligay ma arag wax
Afcarabi isku khasba laakiin waa diin nacayb waxa ay qab-qablayaashu ula
ordayaan. Qodobka ah 15:9 intuu jiro wax Carabi wax ka qaadi kara ma jirto
mana jirto cid qodobkaas wax ka qaban karta oo aan ahayn Axadkii sameeyey.
Ilaahay baan dambi dhaaf ka waydiisanayaa Suuraddaas iyo Aayaddaas aan qodob
ku sheegay. Fiiriya Aayadda 9-aad ee Suurat Al-Xijri oo uu Allaah leeyahay
Annagaa soo dejinay dikriga/Qur’aanka annagaana Isaga xafidayna. Qur’aanku
intuu joogo Carabigu waa joogayaa. Marka qof walboow naftaada gaalnimo ka
ilaasho waxba Carabi kama qaadi kartide.
Mar hadday Soomaali horay u
tiri la jiifiyaana bannaan la yaab ma leh in “federalism”-ka ay dadyow
samaysteen ay dabo-gediyaan oo khiyaamo ay cinqilaab iyo feer iyo faro-laab
ku keeneen noogu sheegaan “federalism”.
Affeef haddaad aragtan
erayyo kale oo aan ahayn toddobadii laban-laabmi jiray oo aan labo-laabay
sida affeef halla yaabina. Anigu waxaan aaminsanahay in eray kasta oo
Soomaaliya laban-laabmi karo.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|