USC = Ururkii Saaciday C/laahi
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Aug 7, 2003
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Nin baa la sheegay
cadaabtaba waxaa ii keenay geerida. Dadka reer Waqoogyi Bari, “Puntland”
waxay kornaylka u haystaan teedkii lagu xiray Ya’-Juuj Wama’-Juuj oo wuxuu
ugu bootteeyaa waxaan idin ka hortaagnahay dadkaas mooryaanta ah oo waxay
arkaan diiranaya. Runtii waxa ka dhacaya Xamar markaad u fiirsato waxaad
isleedahay wax baa ka jira. Maalin walba waxaa Xamar la aliffaa ciqaab cusub.
Kufsigii iyo dilkii caadiga ahaa markii laga daalay waxaa soo baxay afduubyo
iyo in dadka sidii xoolihii ama raashinkii la miisaamo. Waxaa qiyaamihii ku
dhacay dadkii ka yimid bulshooyinka aan hubaysnayn. Waxaa hadda soo baxay in
dilkii caadiga ahaa laga talo baxay oo dadka jirkooda la googoosto isagoo
nool oo ay iibsadaan ama ciqaab ahaan u sameeyaan. Waxaa maalmahan la
sheegayaa xubno qof oo lagu arkayo barxadaha sida midda Tarabuunka.
Waxaa taas ka daran waxaad
la soo shirtagteen madax tiro badan oo wada Mooryaan ah. Xaggee caqligii
idin ka aaday? Miyeydaan dad ahayn? Seed C/laahi u asaagsanaysaan? C/hi
dhulka intaas le’eg kaligiis baa horbooda. Wuxuu idinka idin ka haystaa
taageerayaal. Xukunkii qabate xabbadna maydaan samayn aan ka ahayn xulufo
hor leh iyo xaq-darro. “ Fa ayna tad-habuun”? War xaggeed u socotaan.
Kiinii hadla C/laahi buu
dhibco siin! Muuse Suudi waydiiya waxa badnaantu u tartay Oramada?
“Timahiinu isku dhan uma xiirmaan”. Wallaahi meesha C/hi ku fiicanyahay inuu
xukumo waa Xamar ma ahan Puntland maxaa yeelay Puntland waxay fiicnayd
intaan C/hi madax-goboleed laga dhigin waana la ogaa nabadii taalay iyo in
la hadal hayey in Boosaaso shir lagu qabto.
Taageerada ay reer Puntland
C/hi taageereen ma ahan mid jacayl ka ah ee waxay rabaan mar inuu Xamar ka
aado oo uu madaxweyne noqdo si uu dhibkiisa ugala dheeraado ilayn madaxweyne
Soomaaliyeed xukunkiisu magaalo madax ma dhaafee. Waxaad mooddaa inay
qabsatay qiso laga sheeko boqor muslim ahaa oo booqday magaalada Basra.
Dadkii waxay uga dacwoodeen waaligooda inuu ka beddelo. Boqorkii wuxuu yiri
war waaligaan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu caddaalad badan madaxdayda ee
haysta. Dadkii intay baqeen ayey iska aamuseen laakiin nin baa yiri boqoroow
xaq darro ha samayn. Boqorkii isagoo xanaaqsan buu yiri maxaad ka waddaa?
Ninkii wuxuu yiri dhulka aad xukunto oo dhan baa xaq kugu leh marka ninkan
caaddilka ah caddaaladiisa dadkoo dhan u qaybi oo magaalo kale u beddel.
Boqorkii inta qoslay buu ka beddelay. Hadda waxaad mooddaa in ay reer
Puntland inta Zenawi u dacwoodeen ay leeyihiin Zenawiyoow kornaylku waa ka
sarreeya nin gobol xukuma ee waxaad samaysaa ninkaan Soomaaliya oo dhan u
dhiib.
Waxaan ogaaday inaydaan wax
meesha ku hayn markaan arkay website-yo soo gashay sawir ay ka muuqdaan
Kiplagat, Dan-jiraha Itoobiya iyo C/hi oo wada hadlaya meel dad badan
dhoobbanyahay. Waxay ku sheegeen faq! Maxay micno samaynaysaa niman dariiq
dadkoo dhami u jeedo ku kaftamay? Yaase u diidaya inay meeshay rabaan ku
kulmaan? Sheekadii reer Ciraaq yeysan idin ku dhicin ee ahayd inay C/hi Binu
Cumar (RC) waydiiyeen in marada ay gaarto dhiigga kaneecadu lagu tukan karo?
C/hi Binu Cumar (RC) wuu la yaabay wuxuu yiri Ehlu-Baytii baad dhisheen
markaasaad dhiig kaneeco i waydiinaysaan. Marka isku xishooda oo wax ka
qabta Xamar. Benaadir baad xallin waydeen. Idinkii baa is dhinac ordayee
seed rabtaan inaad C/hi wax ula qaybsataan.
Ma aragteen qof ay C/hi is
xigaan oo isaga haysta? Aniga koow. Yaa kale? Run ahaantii C/hi dadka
taageersan waa yaryihiin laakiin adinka markay arkeen baa dad badani C/hi
garab istaageen iyagoo idin ka cararaya. Gar bay u leeyihiin inay saas
yeelaan.
Barwaaqada iyo lacagta
Xamar taal ma taal Soomaaliya inteeda kale. Inta goori goor tahay ma keensan
kartaan hal qof oo idin matala? Xittaa labo? Kornaylku nasiib badanaa!
Madaxdii Muqdiho aragnaye ka warama shacabka?
Nin badda ka shaqaysanjiray
baa qolyo muslimiin ah oo madax ahaa dulmiyeen kaddibna wuxuu soo aaday
Sheekh la yiraahdo Maalik Binu Diinaar inuu kala hadlo nimankaas dhaca usoo
jeestay. Maalik waa ka yeelay maxaa yeelay qofkii qof u shafeeco qaadi kara
waa inuu uyeelaa. Madaxdii markay Maalik arkeen bay u qaadan waayeen. Waxay
dhaheen Maalikoow maanta maxaa naga kaa soo galay? Wax kasta oo ay tahay
waan kuu yeelaynaa. Maalik wuxuu yiri ninkaan usii daaya doontiisa. Waxay
dhaheen waan yeelaynaa ee noo ducee. Maalik wuxuu yiri kumaankun baa idin
habaaraya marka ma umalaynaysaan in hal nin ducadii la aqbalayo oo aan
kumaankun la aqbalayn? Wuxuu ogaa dulmigooda iyo in ay makhluuq badan
dulmiyeen marka waa ogyahay in ducada qofka la dulmiyey aan wax kale lala
simi karin.
C/hi af iyo addinba la
isugu dar xittaa la habaar laakiin waxaan u malaynayaa qolyaha aan hubka
haysan ee Koonfurta ayaa ducadoodu kacaysaa. Marka C/hi Ilaah oo qabta
maahee ma arko sansaan ay reer Muqdisho uga hortagi karaan.
Soomaaliya waxaan
samaysanay falsafado maahmaahyo laga dhigay oo tusinaya in wixii horay u
dhacay aan dib loogu noqon iyo in dadka qaarkiis ay wax iyagu iska haystaan.
Qisada qaarkeed baa qaab daran laakiin waxaan uga danleenahay in
falsafadahaas wax laga qabto:
Raad arooryo dib looma
qaado
Miro barde canyayuub baa
loo liqaa
Oraahahaan/maahmaahyahaan
waxaa loo isticmaali karaa qofkii shaksi ahaan dambi kaa galay inaad cafiso
oo aadan dib u raacin laakiin qof diintii, dalkii iyo dadkii dhibkiisa usoo
taagan inaad tiraahdid waan cafin ama khaladkiisa ma fiirinayo waa khalad.
Waxaa kaloo la sheegaa in gabar yari ay aragtay hooyadeed iyo macallinkii
dugsiga oo gogol dhaaf sameeyey, in ay subuxii markay yeersanaysay ay
macallinkii ku tiri: macalin waxaad fashayba fashaye “ wa infaatakum”.
Macallinkii isna wuxuu yiri: sheeg-sheeg badaneey, shaydaan inantiisay
“shay’un min azwaajikum”. Waxaa dhici karta in ay sheekadaan aliffeen dad
macalliinta ceebaysanaya ama dacaayad diinta ka fidinaya laakiin danta aan
ka leenahay maahan ceebayn. Halkaas waxaa kala soo bixi karnaa dhow
waxyaalood:
1. Dhaqanka
Soomaaliyeed oo ay sahal tahay is-dhexgalka ragga iyo dumarka ilaa
maantadan. Way sahlantahay in dhibaato meesha ka timaado.
2. Soomaalidii hore oo
diinta jeclayd, mararka qaarkoodna ay macalimiinta dugsiyada iyo
kitaab-gaablayaashu ay ka faa’iidaystaan iyagoo si xeeladaysan u
farsamaysanaya.
3. Caqliga gabadhii
yarayd iyo inaysan haysan meel kale oo ay ciirsato oo ay Qur’aan ka
barato, waxayna ku sabirtay in ay ninka noocaas ah wax ka barato.
4. Gabadhaa yar oo
garanaysay khaladkaas la galay.
5. Soomaalidii hore oo
dambi kasta oo ay galaan wali jeclaa diinta halka maanta dadka xukunku
madax maray ay dadka hortiisa ka dhalleeceeyaan diinta iyo dadkeeda. Bal
arka haweenaydaas gabadheeda u diraysa macallinkaas inuu diin baro.
6. Macalinkaas oo calan
lahaa oo ogaa inuusan ardadiisa waayi karin wax kasta oo uu sameeyo.
Hadda shacabka Soomaaliyeed
ee raali ka ah shirka Kenya iyo kuwo isku sheegay bulshada rayidka ah ee
meesha jooga waxay ka dhiganyihiin gabadhaas yartaa ee aan haysan meel kale
oo ay ka loox-jiidato. Waxaad mooddaa inay leeyihiin qab-qablayaaloow waxaad
fasheenba fashee maxaad kaloo noo haysaan.
Dadka USC ahaan jiray ee
hadda la leeyahay waxay dabo ordayaan kornaylka waxay ka dhiganyihiin sidii
ninkii ka xanaaqay gabyaagii Khaliif Sh. Maxamuud markuu reer Waqooyi ku
lahaa;
Wallee ama magaalada
Berbera dhiigu muluclee
Ama sidii muwaashiga ratiga
mayro lagu saarye
Waxaa dhibsday arrintaa
gabyaa kale oo la oranjiray Dharbaaxo Jaan oo tiriyey gabay uu ku ammaanayo
Maxamed Siyaad. Waa la ogaa wixii ka dhacay.
Ma dhici kartaa in
Mooryaanta loo baxsado? Ma dhici kartaa waxay faleenba falee in maanta
shirqoolkaas ummaddii Soomaali loo maleegayo iyo dastuurka Itoobiya samaysay
ay naga badbaadshaan? Kolay anigu kalsooni kuma qabo USC laakiin arrintu waa
tan Rabbi.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|