SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Soomaalida Sweden iyo u codeynta lacagta EURO-da,

Qaybta 2 aad

Waxaan qeybtii hore ee maqaalkan kaga soo faaloonay qaybo ka mid ah aragtida kala gedisan ee ay qabaan dadka u ololeeya in Sweden qaadato lacagta euro-da iyo kuwa diidan. Waxaan ka soo hadalnay qodobka ugu weyn ee dadka diidan lacagta euroda ay cuskadaan, kaasoo ah kaalinta bangiga dhexe ee Sweden uu yeelan doono. Waxaan horey u soo sheegnay in qolooyinkan euroda raacsani ay ku doodeen inuu jiro hab kale oo bedeli kara kaalinta bangiga dhexe ee dhumeysa. Haddaba arintaas ayaan kaga hadli doonaa qormadeenaan soo socota.

Kaalinta dowlada iyo barlamaanka

Kolkii laga hadlayo maamulka lacagaha ( monetary policy), waxa ay u gaartahay sidaan horey u xusnayba Bangiga dhexe. Dowladuna xaq uma laha iney faragelin ku sameyso, maxaa yeelay bangiga dhexe wuu ka madax banaan yahay siyaasada wadanka. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in aaney saameyn ku yeelan shaqada bangiga hadba xisbigii wadanka qabsada. Balse dowladu waxay isticmaashaa qaab kale, kaasoo u suurto geliya inay marna xakameyn karto marna dar-dar gelin karto dhaqaalaha. Nidaamkaas waxaa la yiraahdaa ( fiscal policy) ama nidaamka cashuuraha iyo maalgelinta. Habkani wuxuu u shaqeeyaa sida soo socota:

Haddii ay dowladu aragto in dhaqaalihii wadanka uu hoos u sii dhacayo, waxaa ay qaadaa talaabooyin ay ku kobcineyso dhaqaaalaha. Badanaaba labada fursadood ee u furani waxaa weeye in cashuurta la yareeyo ( tax reduction) ama dowladu ay khrashka ay isticmaaleyso kordhiso ( increase of government spending).

Tan dhimista cashuuraha waxaa ay dowladu uga gol leedahay in dadka sgaqaalaha caadiga ah iyo shirkaduhuba ay lacag badani u soo harto kolkii ay cashuurta bixiyaan. lacagtaas dadweynaha caadiga ahi waxaa ay ku isticmaalayaan nolol maalmeedkooda, shirkaduhuna waxaa ay u isticmaalayaan maal gelin, taas oo mar kale dhaqaalihii hoos u dhacsanaa dardar gelin karta. Sidaas si la mid ah haddii dhaqaaluhu aad u soconayo oo laga baqo in sicir barar dhaco, waxaa ay dowladu ku dadaashaa in dhaqalaha la xakameeyo si aan arintaasi u dhicin. Maxaa yeelay sicirbararku khatar weyn ayuu dhaqaalaha ku yahay.waxaana ay dhaqaala yahanadu yiraahdaan sicirbararku waa kansarka dhaqaalaha. Haddaba kolkii xaaladu sidan dame tahay waxaa ay dowladu kordhisaa cashuurihii, waxaana ay yareysaa maalgelintii iyo kharashkii kale ee dowlada. Taasoo keenta in xowligii dhaqaalaha uu hoos u dhaco.

Kolkii laga hadlayo dowlada oo kharashkeeda kordhisa waxaa looga jeedaa iyadoo ay dowladu bilowdo maal gelino kala duwan sida in iskoolo, cisbitaalo iyo waxii la halmaala la dhiso. Howlaha noocaas ah waxaa shaqo ka helaya dad badan oo cashuur iyo kharashka kale ee bulshada bixin doona. Arintaas oo iyana kobcineysa dhaqaalaha.

Kolkii la leeyahay dowladu kharashkeeda ayey yareyneysaana waxaa loola jeedaa iyadoo dowladu aaney sameyn wax maalgelin weyn ah oo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha saameyn ku yeelan kara.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudan in aan wax ka sheegno , in nidaamkani uu aad uga dhib badan yahay, saameyntiisuna ka gaabiso, midkii hore ee ahaa nidaamka lacagaha ( monetary policy). In uu qaabkani dhib badnaado waxaa keenay iyadoo laga yaabo in dowladu ka kooban tahay dhowr xisbi oo kala aragti duwan, ama in aaney dowladu haynin lacag intaas le eg oo dhaqaalaha dardar gelin karta. In kastoo qolooyinka u ololeynaaya in lacagta euro-da la qaato ay ku adkeysanayaan in habkani si toos ah u bedeli karo kaalintii bangiga dhexe, haddana waxaa cad in aanu habkani u dhib yareyn sida ay u sheegayaan. Waxyalaha kale ee lagu muransanyahay iyo gabagabada maqaalkanba waxaan kaga hadli doonaa qeybteena 3 aad. haddii alaha awooda lihi raali ka noqdo.

Qaybtii 1aad... GUJI halkan..

MAHADSANIDIN

Qore: C/risaaq Maxamed Xuseen
University of Gävle- Sweden

habdirisak@hotmail.com

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD