SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

  Bayaanka furitaanka Xarunta Imaam Al Bukhaari

ee wacyi galinta iyo horumarinta bulshada

Waxaa laga furay magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 11/06/1424H – 08/08/2003 Xarun wacyi galin iyo horumarineed oo loogu magac daray Imaam Al Bukhaari. Xafladdii furitaankana waxaa ka soo qayb galay Dalladda culimada, Dalladaha waxbarshada, Ururrada samafalka ee Islaamiga ah, Aqoonyahannada, Odayaasha, ganacsatada iyo dadwayne kale oo fara badan.

Ujeeddooyinka loo aasaasay Xaruntaan waxaa ugu muhiimsan inay ka qayb qaadato: Barashada iyo faafinta diinta islaamka, Sare u qaadista aqoonta iyo wacyiga bulshada, Xallinta dhibaatooyinka haysta bulshada, Wax ka qabadka iyo ka hortagga munkaraadka & dhaqamada xun xun ee ku dhex faafay bulshada, Inay Xaruntaani hoy u noqoto sama jeclaha Soomaaliyeed gaar ahaan aqoon yahanka & indheer garadka.

Hawlaha ay qaban doonto Xaruntaani waxaa ka mid ah:

MA DEGAN TAHAY XAMAR, MA U BAAHANTAHAY INTERNET.... LA XIRIIR RASMITEL.... GUJI

1- Qabashada Muxaadarooyin iyo dood cilmiyeedyo lagu falanqaynayo qadiyadaha ummadda.

2- Qabashada Seminaarro Sharci ah oo sare loogu qaadayo aqoonta diineed ee bulshada.

3- Qabashada seminaarro wacyi galineed iyo kuwo lagu hirgalinayo tababarro xirfadeed oo kala duwan sida: caafimaad, dawaar, kumbuyuutar, barbaarinta ilmaha, cunta karin iwm.

4- In laga dhex sameeyo xaruntaan Mac-had lagu barto diinta, laguna diyaariyo culumo iyo ducaad. 5- Qabanqaabinta wufuud ka kooban Culumo, Odayaal, siyaasiyiin iyo aqoon gaarrayaal kale oo ugu ambabaxa gobollada dalka dacwo, wacyi galin iyo u kuurgalidda xaaladda ay ku sugan tahay bulshada Soomaaliyeed. 6- Qabanqaabinta shirar lagu gorfaynayo hagaajinta bulshada iyo xal u helidda mashaakilkeeda. 7- Marti galinta xafladaha guurka, aroosyada iwm.

Xaruntaan waxaa lagu aasaasay tabarrucaad ay iska aruuruyeen dadwaynaha daggan magaaladaan Muqdisho, Waxaana kala qayb qaatay qaar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa daggan gaar ahaan walaalaha Qolka Somali islamic Ahlu sunnah waljamaacah center ee Paltalk-ga. Waxaa xusid mudan in lacagta lagu hirgaliyay Xaruntaan ay 85% in ka badan bixiyeen gabdhaha Soomaaliyeed, sidaa darteed waxay xaruntu shaqadeeda ku bilaabaysaa inay u qabato seminaar wacyigalin ah 500 oo gabdhood oo ka mid ah gabdhaha wax ku barta jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Ka dibna waxaa loo furi doonaa seminaar kaa la mid ah gabdhaha kale fasaxa ka dib.

Gabagabdii waxay Xaruntu ugu baaqaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ka qayb qaataan fidinta & hirgalinta shareecada iyo baahinta Xarumaha noocaan oo kale ah iyagoo ku tashanaya waxa Rabbi siiyay oo ah Aqoon, maskax & maalba, ayna tusaale ka dhigtaan hirgalinta Xaruntaan.

Guddoomiyaha Xarunta Al Imaam Al Bukhaari: Sh. Maxamuud Sh. Axmed Xasan

(Abuu shayba)

WAXAA SOO TEBIYEY

Abuukar yaasiin abuukarsom@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD