SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MAANDEEQ MA AH NEEF GEELA EE WAA ERAY SOMALI AH OO KA KOOBAN LABA ERAY OO ISRAACSAN

mahamud samatar  samatarapt@yahoo.com

KAAH

 Waad Nabad

Addoon Hal(Cabdul Waaxid) waxa uu caddeeyay in uu af Carabiga iyo af Ingriisga si fiican u yaqaan , cid kula murantaana aanay jirin, mar uu jawaab ka bixinayay erayga Qaamuus ee uu hal qabsaday qoraaga Caynte. Waxa se uu muujiyayay Addoon Hal in uu ka qaawan yahay af Somaliga markii uu ku macneeyay Maandeeq neef geela.

Erayga Maandeeq waa eray af Somali ah oo ka kooban laba eray MAAN iyo DEEQ, Maan waxa uu ka dhigan yahay , miyirka, maskaxda , fikirka iyo niyadda. Deeq waxa uu ka dhigan yahay , filaanshaha iyo siinta.

Waxa ay Somalidu magaca Maandeeq u bixisaa , waxa ay oogu jecl yihiin , ha ahaato, hal, gabadha ay ku curtaan, baabuurkooga, dukaankooga, shaqadooda, beertooda, sacooga, ridooda iyo Gobanimadooda ama Madax banaanidooda.

Sababta ay Somalidu ugu bixiyaan magacan, Maandeeq, waxa ay ugu jecelyihiin ayaa ah iyaga oo ku jiray dhibaato ama rafaad ayaa nasiib wanaag ay dhacdaa in mar ay ka baxaan rafaadkii ama dhibaatadii , kadib marka ay dhalaan gabadh, dukaan furtaan, hal u dhasho ama beertuba u baxdo ayaa ay markaa u bixiyaan shaygaa ama waxaa ay heleen ee dhibaatada iyo rafaadkii ka saaray, MAANDEEQ.

Maandeeq makaa macnaheegu waxa weeyi way na deeqday , way na baahi tirtay, gumaysiguu baanu ka baxnay, gaajadii baanu ka baxnay, rafaadkii baanu ka baxnay, lugayskii baanu ka raysanay , waanu madaxbanaanahay iyo XOR baanu nahay,ee ma aha neef geela iyo dhultoona.

Markii aan anigu ku halqabasaday Maandeeq ma aan raadinayn nin hashayda Maandeeq ii raaca iyo dhul aan u bixiyo Maandeeq. Maandeeq anigu waxa aan ula jeeday ama ku maldahay xornimada iyo madaxbanaanida.

Waxa jirtay in aan idhi ama ku qoray qoraal hore ," Inta ay Maandeeq u dabran tahay saan madoobaha uga daray seetadii saan caddaalaha waxba yaan loo dabaal degin". Taas oo aan ula jeeday gumaystihii caddaa waxa badalay kalidii taliya saan maddow oo ka xun kii caddaa, ahna madaxbaanidii ay wadamada Afrika ka heleen gumaystihii caddaa qiimo kuma fadhido ee yaan loo dabaal dagin. Odhaahdaas oo uu Addoon Hal u macnaystay in aan dhulkii Afrika ama Somalia kala magac dhigay Hal geela. Talabaad Somalidu ma dabarto mana seetayso Hasha, waxa aan caddee lahaa in dabarku ka daran yahay seetada.

Wadankasta oo addunkan jiraa waxa uu leeyahay shay ama astaan u gaara oo qiimo wayn ugu fadhiya, sida wabiga, badda, roobka , dhirta ama xoolaha , taas oo marka ay abwaanadoodu ka hadlyaan madaxbanaanidooda , ha ahaato hees ama gabay ay ku hal qabsadaan astaantaas, sida ay Somalidu ugu hal qabsato geela, roobka, meel barwaaqo ah iyo jacaylba marka ay gobanimadooda ka hadlayaan.

Addon Hal, wadaaku waxa uu iloobay in Nabi Maxamad iyo nabiyaddii kale ay ahaayeen xoola raacto, la mida geel jiraha uu Addoon Hal ka dhigay in uu dadka kale ka liito, waxa kale oo uu baal maray in aabihii ama awawyaashii ay lahaayeen ama dhaqan jireen. Waxa uu garan waayay in Somali badan oo geel jire ahaan jirtay dhakhtaro yihiin maanta, iyo in aanu geel jiruhu dooran inuu geela raaco ay se ku qasabtay dantu, badanaaba dhlinta geela raacdaa ma ah kuwa geela leh , ee waxay ay u raacaan dadka leh geel , taas oo laga yaabo in ninkii dhalinta ah walidkii dhintay ama ka tagay , naftuna ku qasabtay in uu geel raaco.

Geelu waa hantida ugu qiimaha badan ee ay Somali lahaan jirtay , imikana ay nolosha Somalidu badanaa ku xidhantahay xoolaha , sida geela, looda iyo adhiga , lafdhabarna u dhaqaalaha Somalida , marka la dhoofiyo, miyi iyo magaalaba.

Aniga shaqsi ahaan dhulka waxa igala qiima wayn madaxbaanida, aan u madaxbanaan ahay ra'yigayga anoon cidna ama dawlad ka baqayn, hadii uu Ilaahay iga abuuray dhulka meelwal oo joogana waa ii dhul ha ahaato qurbe ama dalkaygiiba oo kolba meesha aan joogo unbaa la igu aasi marka aan dhinto. Dhulka aan u dhashay haddii aanan madaxbanaani ama xornimo ku haysan , ii ma ah meel Maankaykii Deeqday.

Kalidood taliyeyaasha adduunka ayaa marka ay laynayaan dad xaqooda doonaya ayaa waxa ay sabab uga dhigaan dhulkeenii baa la goosanayaa , qaranimaddii baa la baabi nayaa , si ay daka u layaan, dadka ama nolosha dadka waxa ka la wayn dhulka.

Nabadeey

mahamud samatar  samatarapt@yahoo.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 1, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD