JAWAAB: MAXAAD KU GARANKARTAA DOQONKA?
Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com
Somalida waxaa lagu tilmaami jiray bulsho aan xagga qoraalka iyo akhrinta toona
ku fiicnayn oo hadal wax isku gaarsiisa.(oral society), malaha middaas ayaana
sababtay in 5.30 PM ay dadku idaacadda
BBC-d u wada dhegtaagaan.
Qoraal la,aantii muddada dheer af Soomaaligu ku sugnaa iyo intooda badan oo aan
afafka shisheeye ku hadli karin ama qori jirin ayaan filayaa inay u sabab ahayd
wax qoris la'aanta Soomaalida. Intii qoraalka af soomaaliga ka dambaysay dadka
badankoodu maanay helin fursaddii iyo agabkii ay ku soo bandhigi lahaayeen
qoraaladooda iyo fikraddooda.
Hadaba soo ifbixii internet-ka ayaad moodaa inuu Soomaalida kacaan xgga qorista
ku dhaliyay oo ayba xarkihii goosteen.
Hadaba waxaa ayaan darro ah in akhyaar badan oo qoraaladooda lagu faafiyo
shabakadda internet-ka aanay u aabbo yeelin qoraalkooda oo uusan ahayn mid
macno weyn ku fadhiya una qalmin in waqti la isaga lumiyo akhrintiisa.
Ujeedada qoraalkaygu ma aha inaan ka hadlo Soomalida iyo qoraaladooda ee bal
aan abaaro bartilmaameedkayga.
Waxaan aad ula yaabay qoraal lagu daabacay boggan oo hal ku dhiggiisu ahaa
doqonka maxaa lagu gartaa
oo uu qorqay ninka lagu magaabay Musanaf.
Marka hore qoraalkaasi ma ahayn mid si cilmi ah uga tarjumacaya mawduuca uu
qaatay , waxaana muuqata in ay waxyaabo badani iskaga khaldanyihiin oo uu kala
saari la'yahay qoraagu.
Qoraagan oo maqaalkiisa ku sheegay inuu yahay daraasad uu soo bandhigayo ma aha
mid si cilmi ah ama xog baaritaan ku salaysan wax uga iftiiminaya waxa uu
qoraagu ku tilmaamay doqonimada
Hadaba inkastoonan ahayn dhaqtar dabeecadaha bai'aadanka , hab dhaqankooda iyo
heerka garaadkooda wax ka bartay hadana qof kastoo wax garad ahi waxa uu
dareemi karayaa in qoraalka ninkaasi uu gef weyn ku yahay abuurista Eebbe
afeefta iyo cudur daarka uu arintaas ka bixiyayna ma aha kuwo wax ka jiraan.
Fiiri sida uu hadalka u dhigay afeefta uu arintan ka bixiyay waxaanu qoray
sidan:- Calaamadahan lama aran karo qofka tilmaamayaa wuxuu fara gelinayaa
abuurista Alleh laba sababood awgood tan koowaad qoraalkani kaliya waa ka
waramid tilmaahan sida loo arkay tan kale anigu kuma doodayo qof walba oo lagu
helo inuu doqon yahay laakiin waa sida ay u badanyihiin.
Afeetaas waxa uu bixiyay qoraagu markii uu soo bandhigayay waxa uu ugu yeeray
astaamaha doqonimada, qofkii astaamahaas akhriyay wuu dareemi karaa in arintu
tahay jeejees iyo fara gelin abuurista Eebbe ama ka waramid keliya .
Qoraaga laftiisa oo digniino iyo su'aalo u soo
jeedinaya akhristaha ayaad moodaa in aanu fahansanayn waxa uu ka hadlayo ee uu
ku tilmaamay doqonimada.
Waxa uu aad uga sheekeeyay dadka xagga jirka iyo maskaxda naafada ka ah taasoo
ah wax aanay dadkaasi masuul ka ahayn ee ku timid abuurista Alleh.
Hadaba dadkaas dhimanaantooda maskaxeed iyo jireed( mental and physical
disability) ayaa ay keentaa cuduro ku dhaca ilmaha inta uu uurka ku jiro ama
dhalashada kadib taasoo sababta in koritaanka jirka ama maskaxda ama labadooda
oo is biirsaday ay gaabis noqdaan marka la barbar dhigo cunugga caafimaadka ku
dhasha.
Dadkaasi naafada ah(Handikap) ee uu qoraagu ku tilmaamay doqonada ayaa ah kuwo
maanta ay bulshada horumartay dadaal dheeraad ah ugu jiraan daryeelkooda halka
qoraagu inagu waaniyay in aynu ka dheeraano oo aynaan waxba ku darsan!
Dadkaas naafad ah waxaa loo sameeyay dugsiyo u gaar ah iyagoo xataa jaamacadaha
ka soo qalin jabiya qaarkoodna waa saynisyahano caan ah oo wax ka dhiga
jaamacadaha oo aad loo qadariyo.
Anigu fikrad ahaan waxaan qabaa marka doqonimada laga hadlayo in aanay dakaas
naafada ahi ee madaxu yaryahay ama weyn yahay ama sida dheeli tirla'aanta ah u
socda ee qoraagu tilmaamay in aanay marka horeba meesha soo galayn maadama ay
yihiin dad aan dhammayn Ilaahayna sidaas u gartay (disadvantage people).
Doqonimada waxaan ku tilmaami karaa qof uu ilaahay dhammaystiray xag jireed iyo
maskaxeed hase yeeshee aan caqligiisa iyo awooddiisa jireed u adeegsan sidii
haboonayd ee Ilaah faray ama bulshada uu ku dhex noolyahay raaliga kaga tahay.
Tusaale ahaan waxaan in badan maqalnaa qof lagu leeyahay waar waxan aad
samaynaysaa waa doqoniimo e iska dhaaf.
Akhristow waxaan ku xasuusinayaa inay jiraan dad badan oo bulshada ay ku dhex
noolyihiin ku tilmaamaan doqonno mana aha dadkaasi kuwo qalqalooca oo madax
weyn, iskuna malaasan oo garbaha timo ku leh sida qoraagu tilmaamay ee waa
shakhsiyaad caadi ah oo aan xag jir iyo maskax midna wax ka qabin, waxaana
jirta wasiiraddii dawladda ama dagaal oogayaasha hadda wadanka ka taliya
qaarkood in lagu tilmaamo doqoniimo malaha hab dhaqankooda darteed in kastoonan
rabin inaan magaabo.
Qofku haddii aanu sharaftiisa, ta qoyskiisa ama ubadkiisa dhawrin maxay tahay
doqonimada u dhiman?
Qofka Eebbe garasho siiyay aanse gudanin waajibaadka uu saaray isagoo og
aakhiro halka uu ku danbaynayo maxay tahay doqonimada u dhiman?
Anigu ma qabo inay jirto doqoniimo ka weyn haddii garashada uu Eebbe kugu
manaystay aanay kuu kala soocayn xumaanta iyo wanaaga oo aad sida duqsiga hadba
meel dalaq iska tiraahdo.
Waxaa kaloo uu qoraagu soo qaatay dad shakisan oo had jeer in iyaga wax laga
sheegayo moodaya taasina ma ah doqonimo ee waa xanuun xagga maskadda( paranoia)
oo la daweyn karo.
Ugu dambaysii waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa in qofku marka uu wax
qorayo uu aqoon u leeyahay waxa uu ka hadlayo haddii aanu aqoonteeda lahayna
isku dayo inuu baaritaan sameeyo oo uu soo ururiyo macluumaadkii hore looga
qoray mawduucaas haddii kale arinta waa ku galgalanayaa qoraalkiisuna wuxuu
noqonayaa ku tiri ku teen iyo sheeko baray.
WA BILLAHI TAWFIIQ
Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2003
»
GUULDARRADA DKMG AH
IYO DOORKII C/QAASIM
[Khaliil]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|