Soomaalidu Federaal Ma Qaadan Kartaa?
Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com
I I D H
E H
|
|
Waxaa dhici karta in qoraalo fara badan oo lagaga hadlayo federal-ka aad
aqrisatay,amaba aad dulmartay, hase ahaatee sadarada ugu horeeya marka
aad mareyso,aad go,aan satay in aad qoraalka sii wado, amaba aad joojiso.
Waxaa soomaalida ka hadashay federaalku ay u badnaayeen labo kooxood,
oo HAA iyo MAYA la yiraahdo, qoraa kastaa oo aad aragtaana labadaa oraah
ayuu hoos imaanayaa, waxaana dhacda in goobaha badankood looga doodo
amaba la isu daliishado aragtida ay qoraan dadweynaha somaliyeed.
Waxaan jeclahay in aan sheego doodaheyga ku saleysan somalidu
federaal ma qaadan kartaa, mana tahay wax maanta loo baahan yahay,
maxaase soomaaliya federaal loogu dooranayaa, maadaama federaal
loogu talagay dad kala duwan [diin ahaan, midab ahaan, luqad ahaan]
FEDERAAL: Xukuumadii Maxamed Siad Barre aya abuurtay dareenka ah in
madaxa uu ka noolaado wadanka oo dhan, cid walbaana ay ku tagri fasho
hantida wadanka, dhammaan gobolada dalkana la iska iloobo, hadaanan
dil iyo dhac loo geysanba.Isticmaalka qabaailada iyo isu hubeyntoodana
waa mida dhibta soomaalidu ay soomartay loo aaneeyn karo, ilaa iyo maantana
cabsidaii kala gashay qabaa'ilada soomaaliyeed xalkeeda loo fadhiyo.
FEDERAAL: Dagaalkii sokeeye ee uu wadanka somaliya soo maray ayaa
sababay in uu wadanku kala xirmo, taasina ma aha mid soomaalida
lagu qasbay, ee waa mid ay iyadu isku qasbeen. Halkaa waxaa ka abuurmay
nidaam gaar ah oo federaal aanan waxba dhaamin, taasina waxaa la oran
karaa waa waxa sababay in uu yimaado maanta dareenka ah ismaamul
hoose oo ay goboladu yeeshaan, maadaama ay ka go'een gobolada intoodii kale.
FEDERAAL: Waxaa badanaa la arkaa qabaailada soomaalida oo hadba ururka
ay sameeysanayaan dheeli tir qabiil ku sameeya, waxaa badanaaba dhacda in
awood qeybsashada si kastaba haku timaadee lagu saleeyo qabaailada somalida
Hadaan tusaale u soo qaadano shirkii carta iyo kan haatan loo fadhiyo ee Mbeghati
in wax qeybsashadu ay sal ahaan tahay qabiil, waxaana sida lagu wado dhici
doonta in maamulkii carta lagu dhisay uu asal ahaan u noqday qabiil, awalna ay
qabiilo kala duwan oo isu yimid ay ahaayeen.
FEDERAAL: Yaa balan qaadi kara in a madaxweyne african ah oo awalba sida uu
ku soo baxay ilaahay og yahay, xilka loo dhiibaayi uu si wanaagsan uga dego, yaase
aamini kara qatarta ka dhalan karta awooda wadanka oo hal meel la isugu geeyaa
waxa ka dhalan kara oo tagri fal ah. Tusaalena waxaa kuugu filan in aad cabdiqasim
ku qaadato, oo laga fur furi la'yahay xilkii awalba dhinaa ee carta loogu soo dhiibay.
Hadaad dooneyso qasaare kaa lamid ah, iyo dictator dambe, qaladkii dhacay ee 21-kii
sano wadanku ficii kaga haray aanu dib ugu laabano, gees ka gees dhaqaalaha iyo
nabadgelyada wadanka aanu hal nin gacanta u wada gelino, nin walboowna nasiibkaa.
FEDERAAL: hadaba waxaa ay ila tahay in aan kuu soo koobo waxa uu federaal yahay
hadaadba qoraalka halkiisa hoose soo gaartay, hadaad garaneyso waa barwaqo,
hadii kalese, waxaan ku soo koobayaa saddex qeybood oo yar yar.
1- FEDERAALISM Hadii ay jiraan dowlado horay u dhisnaa oo doonaya sababo
dhaqaale amaba nabad gelyo awgeed in ay dhulka isu fyrtaan awooda
wadankana qebsadaan, si aaney qatar uga iman dibeda iyo gudahaba.
Arinkaan qasare iyo wanaagba waa yeelan karaa, tusaale ahaan YEMEN
oo uu heshiisku sidaa ahaa, balse YEMENtii kale ay xoog u sheegatay. Dhinaca
wanaaga waa european uninon
2- FEDERAALISM Dad iyagu qowmiyado u kala nool, oo diin ahaan, luqad ahaan,
amaba midab ahaan kala duwan, oo lagaga baqayo in ay isku tuntaan, xaqdarese
ka dhacdo.Waxaa badanaa awooda laga dhigaa power-sharing sida Bosnia iyo goobo
badan oo aduunka kamid ah. waxaa badanaaba dhici kataa in soomaalida halkaan
ay ka soo geli karto sababta federaalka loo hadal hayo,maadaama kala duwanaan
shaha qabiilku uu yahay mid lamid ah midabka amaba dhaqanka amaba luqadaha.
Macnuhu maaha in soomaalidu ay kala duwan tahay, hase ahaatee maadaama kala
duwanaanshaba ay jirto, oo goob walbaa ay ka muuqato kala duwanaan shaha ayaa
dhici karta in aduun weynuhu xal u arkay, in soomaalida wax loo kala saaro. U Fiirso
waxa kala hadlaya waa inaga soomaali ahaan, waxa dehxdooda isu xulufeysanaya
waa isla soomaalida, oo qabiil walbaa kii lidka uu ku ahaa uu u raadsnayo saaxiib
uu kaga hortago.
3- FEDRAALISM Wadan dalkiisu iyo dadkiisuba isku af diin iyo midabba yahay
oo xal nabad gelyo loo waayey, loogana cabsi qabo in ay naftooda wax is yeeleeyaan
deriskoodana wax yeeleeyaan, sida Germanay, oo iyadu laba loo sii kala qeybiyey
maadaama dagaal galkoodu uu ahaa mid qasaare badan keenay, iyo wadamada ku
xeeran oo iyana ka baqay in ay soo marto xukuumad taas la mid ah oo awooda
wadankaba gacanta ku ridata sida ay doontana ka yeesha. waxaa taariikh aad
u fog ay yurub ku nooleed nidaam u dhigma midka ay soomaalidu maanta ku jirto,
waxaana dadku badana wada garanayaa dagaaladii sokeeye ee soo maray mareykanka
kuwaas oo kalifay naf iyo maalba waloow soomaaliya ay wax uun ku kala gedisnaayeen.
FEDERAAL: hadaba anigu waxaan qabaa in la tijaabiyo federalis-ka, aanan lagu deg degin
xukuumad hal madax leh oo qasaaraheedu uu noqon karo 50%. waxaan qoraalkeygan ku
soo geba gebeynayaa in wixii qalad ah oo iga dhacay laga raali ahaado, lana isoo xasuusiyo
si aan raali gelin uga baxsho hadii ayba jirto.
Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com
nabadgelyo iyo is aragti dambe oo xiiso leh
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|