Muran Xoogan oo ka jira Dooda Axdiga Federaalka Jamhuuriyada
Soomaaliya ee Shirka Nabadaynta Soomaalida Kenya.
Canab Mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com
shirka
nabadaynta soomaalida ee ka soconaya dalka kenya ayaa maalinba maalinta ka
dambaysa galaya marxalad cusub.maalintii shalay ahayd ayaa la dhaariyay oday
dhaqameed gaarayay 50-60 kuwaas oo ka kala socday beelaha soomaaliyeed qaar
tirada guud ee is diiwaan galisay ayaa ahayd 103 balse aan soo wada xaadirin
dhamaantood iyadoo qaar ka mid ah ugaasyada ay diideen in ay dhaartaan iy
ayagoo sheegay in ay sax yihiin.
Dooda Axdiga federaalka ah oo lagu waday in
maanta la bilaabo ayaa baaqatay sababo la xiriira muran ka dhashay
siyaasiyiinta qaarkood oo ka maqnaa madasha shirka.qaar ka mid ah siyaasiyiinta
ayaa soo jeediyay in la sugo inta kale ee maqan iyadoo arintaas lagu kala
qaybsamay balse gudiga farsamada igad ayaa go,aansaday in dib loo dhigo ilaaa
inta uu dhamaanayo murankan.gollaha SRRC da ayaa ku hajabay in ay shirka ka
baxayaan shir gooni ah oo ay yeesheen kuna tilmanay ka maqnaanshaha shirka
siyaasiyiinta kale mid aan xal raadis ahayn.hadii shirku sidaan kusii socdana
ay iskaga baxayaan gabigiis, gudoomiyaha shirka kiplagad oo la kulmay gollahaas
ayaa sheegay in barri dib loo guda gali doono dooda axdiga cidii qabta doodna
ay ka sheegaan madasha shirka si loo wada xaliyo.
G8,(sideeda hogaamiye oo) shirkii dooda maanta
banaanka ka joogay ayaa sheegay aan lala socodsiin isla markaana aan wax
tixgalin ah lasiinin iyadoo lala socdosiiyay sida ay ku warameen qaybaha kale.
inta badan ergada shirka ayaa u badan
taageerayaasha SRRC dad badan ayaa ku macneeyay hadii la galo dooda dastuurka
in qodobada ay diidan yihiin dhinacyada kale looga shuban karo maadaama la
raacayo go,aanka ergada ku sugan madasha shirka kadib marka cod loo qaado.
moliid macaane oo ka hadlayay xafladii qanyare
ayaa maalin sheegay in jabuuti ay dhashay dowlada kmg ah itoobiyana SRRC ay
dhashay balse G8 aanay jirin cid dhashay.
Dooda axdiga oo si weyn loo sugay waayadan
ayaa dhowr jeer baaqatay,chaterkan cusub oo ah kii shanaad ayay soo baxayaan
dhaliilo badan oo la xiriira diyaarintisa iyadoo ilaa hada ay isweydiinayaan
dad badan cida soo gudbisay maadaama lawada diiday afartii kale ee ka horeysay
oo ay soo kala diyaariyeen hogaamiyayasha,gudigii A/B iyo prof.Abdi Ismail
Samatar.
Canab Mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com
somalitalk/kenya.
-dhammad-
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
Idaajaa oo Qoraal
Taariikhi ah Kasoo Saaray Federaalnimada Soomaaliya
Axmed Faarax Cali "Idaajaa" ayaa qoraal kasoo
saaray ujeedada
Guji...
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|