Aabe dhalay mid ka
mid ahaa dadkii lagu tuuray xeebaha yemen oo ka codsaday maamulka Puntland inay
dhagar qabayaasha soo qabtaan.
Cabdi Xasan Cali | Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Kuulow Cabdi abokor oo ah aabe dhalay marxuun la oran jiray Aweys Kuulow oo ka
mid ahaa dadkii sida naxariis darada ahayd loogu tuuray xeebaha dalka yemen
ayaa maanta isagoo lahadlayaa saxaafadda waxuu maamulka puntland ka codsadey in
lasoo qabto kuwa sida bahalnimada ah dadka maatada ah ugu haligay xeebaha,
Kuulow oo ay ka muuqatay murugo aad udaran sitayna sawirka wiilkiisa 23 jirka
ahaa ayaa yiri,reer bariyow soomaali way istaqaan oo waa taqaaniin
badmaaxayaasha iyo doonta oo waa dadkiina hebel iyo hebel baad utaqaaniin ee
kuwaas intay dadkayaga waxay lacag haysteen ka furteen dabadeedna ku tuuray
gunta hoosee badda,ee fadlan ha u hiilinina dulmiwadayaashii noo keena aanu la
tiigsano sharciga islaamkee,war dowladda aad sheeganaysaan ma afka baarkiisa
ayuu yiri isagoo qaylinaya Kuulow Cabdi Abokor.
Kuulow oo ka waramayay sababaha geeyay
wiilkiisa ayaa yiri wiilkayga Aweys waxuu ahaa murug maal ka shaqaysta
farsamada looxaanta(NIJAAR) caanna wuu ka ahaa magaalada udhashay ee
Afgooye,balse muddo hadda laga joogo bil iyo bar ayaa gabar aan dhalay oo ka
mid ahayd dadkii mareykanku ka qaadeen xeryaha qaxootiga ee keenya ayaa waxay
usoo dirtay lacag 1000 doolara kuna tiri layn baan kuu hagaajinayaaye imow
wadanka Yemen,marka lacagtii 500$tuugadaas(Doon wadayaasha) ayaa ka qaadatay
inta kalena jid marbuu ugu talagalay,wixii koofur ka dhacayay wali ma aanu arag
dad ganacsato isku sheegaya oo dadka intay furtaan haddana xasuuqaya ee waxaanu
arki jirnay mooryaan isbaaro utaal oo laga beyro,laakiin kuwa doonyaha iyo
xeebaha ka qawlaysta waa amuur cusub ayuu yiri aabahaas curadkiisii ku waayay
xasuuqi ka dhacay dhawaan xeebaha yemen oo dad doomalay soomaaliyeed intay
dadka lacag tahriib ah ka qaataan haddana xeebta ku turaya
Waxaa laxaqiijiyay in badi dadkii ku haligmay dhacdadaas naxdinta leh ay u
badnaayeen dad udhashay koofurta soomaaliya oo doonayay inay galaan dalka yemen
iyagoo rajeynayay inay helaan nolosha ay ku noolyihiin mid udhaanta,balse mid
kamid ah dadkii ka badbaaday aafadaas ayaa yiri war janno idinkama soo horeysee
aamina minankiina.
Cabdi Xasan Cali | Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku
saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|