AJIGU
WAA GOB SABTUNA WAA GUN !!!!!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Soomaalidu waxay u kala baxdaa Aji iyo Sab ama
Jileec iyo Jareer. Ajigu waa dadka is sareysiiya Sabtuna waa dadka la liido.
Jileecii baa usii kala baxa Bilis iyo Boon oo ah inta Ajiga ah iyo inta Sabta
ah. Jareerkuna waa gooni oo dadka ay Soomaalidu ku caayaan Adoon. Waxaa kaloo
la isticmaalaa WAA GOB IYO WAA GUN oo laga wado Sareeye iyo Hooseeye ama Laan
dheere iyo Laan gaab. Markaa guud ahaan Soomaalidu waa Aji iyo Sab, sida ay
Soomaalidu ugu dhawaaqdaana waa AJI ee ma shidna mana loogu dhawaaqo AJJI.
Waxaa xusid mudan in la ogaado in magaca AJI
uu xambaarsanyahay Sareyn, Kibir iyo Isfatooshin halka magaca SAB-tuna lagu
sifeeyo Hooseyn, Dulinimo iyo Xaqirid. Magacan Aji waa magac soo jiray waa hore
oo lahaa sifada uu maanta ku leeyahay af soomaaliga. Waxaa xusid mudan in la
sheego in Dadkii hore ee deganaa Soomaaliya ay xiriir ganacsi iyo mid dhaqanba
la lahaayeen Bariga dhexe, Masaaridii hore, Beershiya, Hindiya, Shiinaha iyo
Beriga Fog. Haddaba waxaa haboon in macnaha magaca laga raadiyo intaas oo dhan
ee aan lagu koobnaan meel qudha, oo lasameeyo isbarbardhig luqadeed lana eego
inay jirto cid isticmaali jirtay magacaa Aji, macnihiisii iyo cid weli maanta
isticmaasha. Magacan waxaa laga isticmaali jirey wadamadii aanu xirrirka la
lahayn oo dhan isagoo xambaarsan isa sareysiin iyo weyneyn marka laga reebo
bariga dhexe oo uu markii danbe ugu yimid magac ahaan ka dibna ay dad yari ula
baxeen ilmahoodii. Waxaa weli laga helayaa Shaam iyo Masarba dad dhif ah oo
awoowayaashood lagu magacaabi jirey AJI, haddase aad uma badna. Laakiin weli
Bariga Fog wuxuu ka yahay magac lala baxo oo macnihiisu yahay Boqor, Sayid,
Sareeye iwm. Bal aanu isla eegno Tusaalayaashan:
1-Jasiiradii waayadii hore gnacsiga loo aadi
jirey laguna sii nasan jiray ee Okinawa qabqablayaashii dagaalka ee ka talin
jirey waxaa lagu magacaabi jirey AJI oo la macna ah Madaxya weyntii (Lords).
Waxaanu oran karnaa qabqablayaasheena dagaalku(WAR LORD) waa “SHAR AJI”,
maadaama Aji uu lamid yahay Lord, King iwm!
2-Magacii uu lahaa ninkii boqorka ahaa ee ka
talin jirey Brunei Islamka hortii oo la oran jirey SANG AJI oo ka soo jeeda
kutubta ku qoran Snaskrit ee Hinduga oo macnihiisu ahaa Boqorkii sareeyey ee
dhahirnaa(Reverend Monarch).
3-Waxaa xusid mudan ilaa maanta marka ay
carruurta ree Hindiya doonayaan inay yiraahdaan Ayeeyo waxay yiraahdaan AJI oo
ay ula jeedaaan tii wax walba garanasay, tiiweyneyd tii sharafta badnayd.
4-Dadka ku nool jasiirada SUMATRA ayaa iyagana
waxaa qabiilkooda la yiraahdaa AJI afkoodana waxaa la yiraahdaa AF AJI. Waa
meesha aanu maanta ka niraahno AF MAXAATIRI waayo waa af AJIGU sameystay
dhawaqiisa iyo ereyadiisa SAB-tiina ku qasbay halka afkii hore ee lagu hadli
jirey ay noo keydiyeen oo ay weli ku hadlaan DIGIL IYO MIRIF iyo QOWMIYADA
OROMADU!
5- Jasiirada JAVA oo magaca Aji wuxuu la micna
yahay Boqor
Waxaa laga garan karaa halkaa in Bariga fog
iyo Hindiyaba ay weli magacii u isticmaalaan sida maanta micnihiisu ka yahay
Soomaaliya. Laakiin Bariga dhexe wuu ka lumay oo waayadan lama baxaan, waxaan
isleeyahay maadaama uu yahay magac xambaarsan awood iyo sareyn iyo xaqirid in
caqiidada Islaamka uu ka hor imanayo oo uu sidaa ku suulay(Eebe ayaa Og).
Magacu wuu lumi karaa ama isticmaalkiisa ayaa jiilalka danbe ku yaraada sidii
Suubanaha Magaciisii aysan Carabtu ula bixi jirin laakiin uu ahaa magac
quruumihii hore ay labixi jireen(Mahmet, Ahmet, Hamada iwm), Laakiin markii
Suubanuhu dhashay ayuu soo shaacbaxay. Magaca Mohamed oo dhowr si u qoran ayaa
ku qornaa Kutubtii Injiil, Towreet iyo Kutubada Vedas ee Hinduga.
Bal ka fikir magaca Mohatma Gandhi?
Afafku waa isgalaan raad fogna way isaga
tagaan. Bal dhugo marka qofka reer Kuuriya uu leeyahay Mahadsanid wuxuu
oranayaa KHASMAY HAMIDA! Hamdi, Hamid, Hamud, Mohmud, Mohmed waa isku asal oo
waxay macneynayaan Mahad, Amaan iwm
Isbaanishku markuu ku salaamayo wuxuu oranayaa
OLA! oo ka soo jeeda ALLAH waayo waxaad ogtihiin in Islaamku haystay in ka
badan 800 sano ISBEYN, weliba waxay isticmaalaan magacyo badan sida Omar, Kabir,
Yasmin, Rauuf, Fatima iwm
Markaa layaab ma leh in magac hore oo qolo ka
dhintay qolo kale ay weli haysato waxay
ka mid tahay cajaaibta luqadu leedahay marka
loo sii dhaba galo iyo weliba adeegsida si loo helo taariikhda saxda ah ee
dadka aan qoraal lahayn sideenoo kale!
SAB waa magac la liido oo la hooseysiiyo
wuxuuna ka soo horjeedaa AJI oo ah magac sareeya oo la sharfo. Waxaa dadku
yiraahdaan waxay ka soo jeedaa kelimada SAB luqado ajnabi oo hor, sheegaysana
hooseyn(Sub) laakiin anigu weli iima cada oo ma haleelin. Waxaanse la yaabaa
maxay dadka qaar u yiraahdaan waxaan ka imid SAB ama ZAB iyagoo ula jeeda
ALLABARI! Ma waan soo baryootamayey miyaa!
GUN waa meesha ugu hooseysa ee shay leeyahay.
Maansada Soomaalidu isu mariso ayay aad uga buuxaan GUN, GOB, SAB, AJI, MIDGAAN,
TUMAAL, ABBAAN iwm waxaanad ka fahmi kartaa dhibaatada iyo xaqirida lagu hayo
dadkaa; tusaale kuugu filan
Sayidka oo u jawaabayey Cali Dhuux: “ADIGUNA
ABBAANOW MIDGAAN URAYA SOW MAAHID….” Micnaha waa Isbarbardhig:Xumaan, Qaabdarro
iwm = MIDGAAN
Waxaan la yaabaa sheekooyinka laga sheego
dibadaha ee ah in Soomaaligu uu maxkamad la tegayo qofkii liida ama
midabtakoora isagoo ku dacwoonaya wuxuu igu yidhi ADOON, MADOW, DAANYEER,WAXSHI
iwm kuna qaylinaya Xoriyadeydii iyo shaqsiyadaydii buu meel uga dhacay !
HADDII AAD AJIYOW DAREENTAY KULEYLKA AY
LEEDAHAY TAKOORIDU MAXAA KAA SI AH OO AAD WALAALKAA U TAKOORASAA!!!!!!!!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
QORAALADII HORE EE EELAY
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003
»
MADHIBAAN IYO AJJI:
JAWAAB QORAALADII EELAY [C/Waxid]
»
AJIGU WAA BINU QUREEYSH MADHIBANKUNA BINU..!!!!!
[Eelay]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|