SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

 CUDURKA AIDS

Gabay Waxa curiyay; Axmed-Assad Xaaji Maxamed | Ahmedy98@yahoo.com

Gabaygan waxaa curiyay Axmed-Assad Xaaji Maxamed, markii ay taariikhdu ahayd badhtamaha sanadkankan aynu ku jirno ee 2003. Ujeedada ugu wayn ee gabaygan uu abwaanku u alifay waxay tahay, (B) inuu bulshada Soomaaliyeed dareenkooda u soo jeediyo inuu cudurka HIV/AIDS yahay cudur dillaa ah oo aan dawo-sugan lahayn. (T) in ay muhiim tahay in laga gaashaanto cudurkan. (J) inuu Soomalida dareensiiyo in la soo xaqiijiyay in cudurkani si ba'an ugu faafayo bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku joogtaba.

Akhris Wacan:

Africankii wuu ciillan yahay, cayn kastuu yahaye
Madawgii col baa lagu saliday, iyo calwosaade
Calool xumiyo murugaa u taal, curadadoodiiye
Waxse jira culays soo kordhayoo, oo calaamo lehe
Dhiishaan la culin waayaduu, camadh dalooshaaye
Cudur aan dawo lahayni waa, cadawga koobaade
Ka-u-culus, caqiibana u daran caawa bal aan dhawro!

Cudur waliba waxa lagu gartaa, caynad gooni ahe
Aidsku cidii uu ku dhaco, looma caal helo'e
Calaamado u gaaraa jiree, cudurka laayaan ah
Cududaha gacmaha iyo jidhkuu, cabudh u diidaaye
Cammankuu dhilaa oo indhuhuu, caad ku dhaliyaaye
Caabiga jidhkuu kaa dillaa, dhiiga kiisa cadde
Calool shuban qofkii uu ku rido, waaw cawo la'aane
Markaad caato noqotaa ayuu, cawda kuu jariye
Tiibeeyna wuxuu caan ku yahay, inuu casuumaaye
Caynaka oof- wareen, kuu u helo wuu cadilayaaye!

Cudurkani Etoobiyuu u jaray, caynka iyo bayda
Cudurkani Masaakuu ka dhigay, meel cidiba joogin
Cudurkani Suweetana caruur, wada agoomeeye
Nairobi cidi inaanay hadhin, caarada u saarye
Cududii Haraare shaqada, ciida hoos mariye
Cilmi daalibkii iyo barbaar, cuunkii hore gooye
Waa coomir aan kuu naxayn, oo cajaa'ib ahe
Naga caabi eeboow, adaan ku cuskanaynaaye!

Cidhba-gooyeheer macalimiin, aan cisiga siinin
Cutubyadii saraakiil ahayd, ciidamadii laayay
Cawaankiyo midkii duurka jiray, kaan cafiyahaynin
Waa masiibo caalami ahoon, ciddina moogayne
Cunsur midabka kuma raadsadiyo, caynad gooni ahe
Cadaaniyo madow kii kastaba wuu cawaraayaaye
Caruusha iyo Herer iyo taniyo, carriga Soomaalba
Carro-edeg Turkiga illaa Dhakaar, caadi ugu faafye
Qofkiise caawa taa diidayoow caamo baad tahaye
Cidina Aids, kama caaganee, caalaha u sheega!

Soomaalidu ciqaabkii horay, la cadilaayeene
Cuduradii horiyo gaajadii, kama cabaadayne
Yaxaaskaa cidida fiiqanyee, cunaha buuraaya
Cadiinta iyo beerkiyo wadnaha, kaan cadnaba dhaafin
Cilladan soo baxdaa nooga daran, cunuqyadii yaalle
Inuu caynadeenaba jaraan, ka cabsanaayaaye
Weligiin caqliga suuban iyo garasho yay ciirrin
Cilmiga raacda, sharaftoo camiran caadadana dhawra!

Cusbataaladii nooma taal, daawo celisaaye
Dabiibkiisu welli maanu curan, caalamkoo idile
Culimo sayniskii waa hungoo, caalla'aad noqoye
Curaafka iyo sixiroolayaal, kala carawsiiye
Casiisoow adaan kuu cawdoon, kuu calaacalaye
Illaah caawimaan doonaynaa, caafimaad sugane
Waanagaa cirkii soo daynaye, madad nasoo caawi
Difaa- culus cawilo-khayr ah baan, kaa codsanaynaaye
Naga caymi, laayaha wakaa coomirkii fidaye!

Ciddii talo rabtaay toobadiyo, samaha caadaysta
Caafimaadka taladiisa raac, way ku caawimiye
Cirbadii qof lagu soo durana, ciddina yay qaadan
Casaan-dhiig dad haysugu dhawaan, yuu ku calaf-goyne
Cibaadada Illaah kaamil yeel, oo dadkana caawi
Waa furaha caadada macsidee haysku cunin qaadka
Sinadana, ka carar yaan ibleys cuudka kuu shidine!

Haddaadan caasi noqon ood guryaha, soo cag dhiganayso
Caarad dhuub daroogo ag-marayn, cayn kastooy tahayba
Ama caday, sakiin iyo gadh-xiir, oo cid-kale qaadan
Ama sidaad cawaan tahay jidhkaa, caanad ku xaraashin
Ama bahalo caan baxay habeen, caasha hore saarin
Ama lagugu shubin caabuqiyo, dhiig carqaladaysan
Ama calaf masiibaad ku helin oo ku calalyeeya
Inaad caymataa, baa dhacdee sahama caadayso!


Waxa Gabagan curiyay; Axmed-Assad Xaaji Maxamed
Fadlan, wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji
Email:
Ahmedy98@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2003   | Updated: Aug 31, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afee: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD