SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
BAAQ KU WAJAHAN SHIRKA KOOXAHA SOOMAALIYEED EE KENYA

Dalladda culimada soomaaliyeed:

Markay arkeen marxaladda adag ee uu marayo dalka, xalkii mushkiladda soomaaliduna ay noqotay mid daba dheeraatay, marba marka ka dambaysana meel halis ah ka sii deganayso, markay arkeen khilaafka sii xoogaystay ee kooxaha ku shirayo dalka Kenya – akhristayna qaybo ka mid ah qoraalka Axdiga doodaha kulul dhaliyay, iyagoo ogsoon mas’uuliyadda weyn ee ka saaran dalka iyo diinta yihiinna kuwa ugu mudan ka qayb qaadashada xallinta mushkiladda ummadda soomaaliyeed.

waxaa lagama maarmaan noqotay in la caddeeyo mowqifka dhabta ah ee dalladda culimadu ka taagantahay shirka Kenya ka socda iyo qodobbo ka mid ah Axdi qarameedka la diyaarinayo iyadoo qoraallo horena uga soo saartay arimaha ku saabsan shirka , sidaa darteed waxay ka soo saareen dalladda culimada soomaaliyeed qodobadan soo socda:-

(1) Arimaha nidaamka fedaraalka :-

Mar haddii aan lahayn Asbaabaha kallifa fedaraalka oo ah khilaaf diini iyo dal, ummadda soomaaliyeedna ka midaysantahay diinta ,afka , dalka isla markaana shacabka laga qaadin afti ku saabsan arrinka fedaraalka , kana dhalan karto nidaamkaas isku qabsi xuduud iyo kala go’ hor leh kaasoo abuuri kara colaad cusub , waxaan ka soo horjeednaa nidaamka fedaraalka ee lagu qoray Axdiga qarameedka , ummadda soomaaliyeedna waxaan u aragnaa inaysan dani ugu jirin , aqbalina Karin .

(2) Luqadda :-

Maadaama ummadda soomaaliyeed tahay muslim 100% luqdda carabiguna tahay tii diinteeda iyo ummadnimadeedu ku salaysnayd,waxaan aragnaa in luqada rasmiga ah ee ummaddan leedahay tahay carabi iyo soomaali iyadoon loo kala qaadin may iyo maxaatiri , maxaa yeelay ummad walba waxay leedahay lahjado badan iyo luqado rasmi ah sida waddammada Kenya iyo Ethyopia waxay leeyihiin lahjado badan oo ay ku hadlaan ummadahoodu, hadana luqada rasmiga ah ee labadaas dal waa sawaaxili iyo axmaari .

waxaan kaloo u aragnaa kala saaridda afka soomaaliga inay tahay shirqool la iskaga horkeenayo ummadda, dhexdeedana looga abuurayo xurgufo iyo tartan xaga Afka ah .

(3) Xuduudaha;-

sida la ogsoon yahay xuduudaha hadda jira ee ay la leedahay soomaalidu wadamada Kenya iyo etoobiya waa kuwo isticmaarku sameeyay oo ah xuduud beenaad , mana jirto dawlad soomaaliyeed iyo dastuur hore oo ictiraafay xuduudaas ,welina kama aysan heshiin ummadda soomaaliyeed iyo dawladahaasi

sidaa darteed ma banana xuduudahaas in la ictiraafo oo lagu qoro Axdiga inta umadaha isku khilaafsani ka heshiinayaan .

(4) Kala saarida diinta iyo dawladda

Diinta islaamku waa diin loogu tala galay dunida oo dhan inay hagto qodob kasta oo nolosha bini aadamka ku saabsanna waxay u samaysay bar naamij iyo xeer lagu saleeyo waxayna ka hadashay arimaha banii aadamku u baahanyahay oo dhan iyadoo loo kala saarin arrimo dawladeed iyo arimo kale, sidaa darteed diinta islaamku ma qabto shaqana kuma laha oraahda oranaysa diin iyo dawlad hala kala saaro waana fikrad reer galbeed oo islaamkana raad ku lahayn .

(5) Tala soo jeedin ku wajahan shirka Kenya:

marka hore waxaan u aragnaa shirka ka socda Kenya inuu yahay shir ka marin habaabay wadada saxa ah soomaalida meesha la isugu keenayna aysan ahayn kuwii ummadda matali lahaa mana aha kuwo u madax bannaan go’aan qaadashada , shirkana waxaa hagaya dawlado ummadda soomaaliyeed ay ka dhexaysay colaad soo jireen ah oo diin iyo dalba ku salaysan , inay garsoore ka noqdaan ,arrimaha soomaalida iyo dib heshiisiintooda waxaan u aragnaa inay la mid tahay israa’iil oo xalka mushkiladda carbeed looga dhigay garsoore .

Hadaba waxaan soo jeedinaynaa haddii aan nahay dalladda culimada ;-

- in shirka loo wareejiyo dal kale oo aan soomaalida ka dhaxayn khilaaf diineed iyo mid dhul toona , soomaalidana loo madax baneeyo guddoonka shirka iyo qaabka ay ka dhiganayaan sharciga iyo xeerka ay isku xukumayaan , waxaan kaloo dadwaynaha soomaaliyeed u caddaynaynaa inaysan jirin cid culimada soomaaliyeed u matalysa shirka mbagathi ee Kenya , raga ka hadlay qalabka war baahinta taariikhdu markay ahayd 19/8/2oo3 , ee magaca culimada sheeganayay waxyaabaha ammaanta ah ee ay shirka ! iyo dastuurkiisa ka sheegeen raabidada culimadu lama qabto waxayna u aragtaa iney meel ka dhac ku tahay diinta islaamka iyo sharafta culimada , ra’yigaasina waa mid iyaga u gaar ah .

- waxaan ummadda soomaaliyeed dhammaan ugu baaqaynaa inay Alle u towbad keenaan cadowgoodana isla fahmaan meelna uga soo wada jeestaan ,ogaadaana in dantoodu ku jirto ilaalinta midnimadooda iyo wada jirkooda diinta islaamku farayso, khilaafkoodana si islaamnimo ah ku xalliyaan kana dhigtaan garsoore kitaabka Alle iyo sunnadii nabi maxamed nabad gelyo iyo na! xariis dushiisa ha ahaatee

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA DALLADDA CULIMADA SOOMAALIYEED -MUQDISHO - SOOMAALIYA

Sh.NUUR BAARUUD GURXAN

26/6/1424

m24/8/2003

Waxaa qoraalkaan maanta la soo gaarsiiyey
Abuukar yaasiin |   abuukarsom@hotmail.com
SomaliTalk.com | Muqdisho, Soomaaliya

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD