SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Maxamed Gees ma is Casiley Mase Xilka Waa Laga Xayuubiyey

August 19, 2003

VIRUS KA SOO FIDAYA NORWAY iyo SPAIN
Email SomaliTalk kasoo gaartey Trendmicro oo ah khubaro cilmiga Viruska ayaa sheegtay in Virus lagu magcaabo WORM_SOBIG.F uu kasoo fidayo dalalka Norway iyo Spain waxana uu Viruskaasi soo raacayaa emailka, sidaas daraadeed haddii aad heshid email aad ka shakidid iska masax... Faahfaahin... GUji

VIRUS KASOO FIDAYA Japan, Taiwan, iyo  Singapore.
Sidoo kale trendmicro waxay shalay soo werisey virus lagu magcaabo WORM_MSBLAST.D oo kasoo fidaya dalalka Japan, Taiwan, and Singapore Faahfaahin... GUJI

Warar kala duwan oo soo gaarey SomaliTalk ayaa sheegay in wasiirkii hore ee Wasaaradda Khayraadka Baddaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland, Maxamed Siciid Maxamed Gees uu jagada ka fariistay ee aan laga xayuubin, arintaas oo ka duwan sida lagu shaaciyey warbaahinta. Weli xaqiiqada warkani ma cada maadaama aysan jirin wax war ah oo faahfahsan oo kasoo baxay dhanka wasiirka.

Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay in arinta warka lagu shaaciyey warbaahinta Somaliland ay tahay mid majare habaabin ah oo xaqiiqada laga leexinayey warka oo ahaa in wasiirku is casiley kaddib markii uu Daahir Riyaale ku khilaafay arin la xiriirta xeer hoosaad u dhexeeya laba qoys oo wada dega degaankaas.

Wasiirka oo lagu soo waramay in uu xilkii wareejiyey, ma jiraan war uu si cad arintaas uga soo saaray.

Sida ku cad qoraalada kusoo baxay saxaafada Somaliland, waxaa wareegto lagu soo saaray in madaxweynuhu uu xilkii ka wareejiyey wasiirka [eeg warkii shalay ee hoos kuqoran].

Waxaa warkaas SomaliTalk soo gaarsiiyey ilo xog-ogaal ah | Aug 19, 2003

<><><>WARKII HORE EE XIL KA QAADISTA WASIIRKA HOOS KA AKHRI<><><>

Daahir Rayaale oo Jagadii Ka xayuubiyey Wasiirkii Kalluunka oo ay Cigaal aad isugu Dhowaayeen

SomaliTalk.com | Boorame, Awdal | Aug 18

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Sida maanta lagu shaaciyey Jaraa'idka Somaliland, waxaa Axadii (Aug 17) uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin jagadii ka xayuubiyey Maxamed Siciid Maxamed  oo ku magac dheer Gees oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Baddaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland.

Mudane Gees waxaa lagu tilmaamaa nin ay aad isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, taas oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladaas hore.

Ilaa hadda lama oga sababta jagada looga qaaday mudane Gees, mana jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay maamulka Riyaale oo qeexaya sababta jago ka qaadista wasiirka aadka looga yaqaaney Somaliland.

Maxamed Siciid Maxamed Gees waxaa lagu tirin jirey wasiirada ugu caansanaa dawlada Riyaale. Waxaana soo baxaya warar sheegaya in arimo xagga wada shaqayn la'aan ah ay soo kala dhex galeen madaxweynaha iyo wasiirkiisa oo uu sababataas awgeed uu madaxweynuhu jagada uga xayuubiyey Gees.

Qore: MM. Boorame, Awdal
Afeef: Qoraagu wuxuu weydiistey in aan magaciisa la sheegin.

 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 18, 2003

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

Minneapolis: Xalay oo Markale la isugu soo Laabtay shirkii Ardayda
iyo maanta oo Axad ah oo shirku kasii socon doono Jaamacada Minnesota: warbixintii shalay iyo xalay iyo hadalkii Dr. Maxamed Diiriye... Guji... Aug 17

Wafti Kasocda Jaamacada Boosaaso oo Kusii Jeeda Asutralia
Waxaa fatigaas Australia uga sii horeeya wafti kale oo uu hogaaminayo wasiirka Waxbarashada Puntland, waxayna.... Guji.. Aug 16

 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD