Gaajada waxaa kale oo la yiraahdaa ”baahi”,
haddii ay rafaad iyo silic kale weheliyaanna waxaa la dhahaa ”diihaal”. Waa
ereyo aan fasiraad inooka baahnayn, maxaa yeelay waxaaba iska yar qof soomaali
ah oo aan gaajo ama dhibaato xun la soo saxariirin. Adduunka meelo ka mid ah,
sida dalalka reer galbeedka, lagama yaqaan hoobal caan ah oo gaajada uu
maqaalkaani ka hadli doono la ildaran, laakiin taariikhda soomaalida lama arag
hoobal soomaali ah oo xayaato nuuraysa ku nool.
Xagga haybadda iyo xagga duruufahaba
waxay hooballada soomaalidu roonaayeen intii aan dowladnimokusheegta la
samaysan ee ay dadku xoolodhqatada u badnaayeen.
Inta aynaan baahida hooballada
soomaalida shakhsiyaddooda iyo noloshooda luufluufisay ka faalloon ayeynu
xoogaa bidhaaminaynaa macnaha uu ereyga hoobal leeyahay. Waxyaalaha lagu
luuqiyo ama miisaanka iyo habdhaca leh dadka dareenka gaarka ah u leh, oo sida
gaar ah u dhedhemin kara, ayaa hooballo lagu tilmaami karaa, wuxuuna qofka
hoobalka ahi jecel yahay in uu ka shaqeeyo wax ku saabsan hirarka hadalka iyo
hirarka wax yaalaha la islahelo, sida sacabka iyo wixii kale oo la tumo, ama
waxyaalaha lagu luuqiyo sida maansooyinka.
Qofka uu dareenka hoobalnimadu ku jiraa
wuxuu kale oo karti dheeraad ah u yeelan karaa arrimo laxamada iyo luuqaha ka
baxsan, oo haddii ay labo qof meel hadal ka wada jeediyaan wuxuu dareemi karaa
midka uu codkiisu xagga mugga, xagga jejebinta iyo xagga haraaciga ku fiican
yahay. Halkaas waxaa ka cad in hadalka caadiga ahi xataa uu qaababka codaynta
iyo hoobinta ku kala tayo iyo xallad badan yahay.
Waxaa jira hadallo badan oo ereyga
”hoobal” ku saabsan, oo dadkeennii hore laga sheego, waxaynuna hadda
isdeeqsiinaynaa mar uu ereygaasi ku jiro gabay uu tiriyey nin mabda’ adkaa oo
uu magaciisu aad ugu faafay geyiga soomaalidu degaan. Waa Cali-Dhuux Aadan!
Inta aynaan arrimaha Cali-Dhuux iyo
gabayga uu ereyga ”hoobal” u jiro gudagelin ayeynu xusaynaa in ay ummadda
soomaalidu hagar weyn ka galeen gabyaagaan oo runtii ahaa nin xagga
aragtidheerida iyo xagga kal-adayga aad uga duwanaa dadkii la xilliga ahaa oo
wax laga hayo dhammaantood. Marka aynu dhammaantood leenahay waxaynu uga
jeednaa intii ay asaga isku mowduucyada ka maansoon jireen, waayo waxaa jira
dad aysan asaga isku jadwal ahayn.
Sababta gabyaagaan looga garan waayey
dadka uusan la heerka ahayn waxaa laga yaabaa in ay tahay aragtigaabni iyo
caaqnimo bulshadeenna dilootey, waxaa kale oo laga yaabaa in ay jiraan
xaasidnimo iyo cuqdado aan qofkii karti sare leh loo qiri karin ama lala
tartansiiyo dad uusan sina ula sinnayn.
Aniga oo dabeecadaha noocaan ah dadka
kula yaabban ayaan maalin dhaweyd waxaan furay bog ka mid ah bogagga internetka,
waxaana daaray waraysi lala yeeshay askariga Puntland u nabaaddiinoxira, oo wax
laga weydiinayey arrimo ay ka mid ahayd sababtii asaga oo kacaankii horay u
xiray oo mucaarad hubaysan kula jirey uu xabsi ugu tuuray Mingistu oo uu dagaal
horay u dhexmaray Maxamed Siyaad. Jawaabtii uu su’aashaas ka bixiyey ayuu ku
daray hadal la moodo in uu jawaab u yahay sababta Cali-Dhuux loo hagraday,
wuxuuna hadalku ahaa: ”Ninna ma uu jecla nin kal adag oo mabda’ ku socda!”.
Cali-Dhuux wuxuu ahaa nin qur’aanka
Alle aad u jecel, waxayna taasi ku kalliftay in uu xaruntii Daraawiishta u
xerayso, hase yeesho ee wuxuu xertaas ka baxay markii uu arkay in aan meesha
qur’aan iyo aqoon lagu hayn ee in geel la dhaco la isugu gashaanbuursanayey.
Hadalladii markii uu xarunta ka tegey
afka Cali-Dhuux laga maqlay waxaa ka mid ahaa: ”Intii aan nin iga liita geel u
dhici lahaa maan naftayda u dhaco?!”. Hadalkaasi wuxuu ahaa baraarujin uu Cali
Aadan soomaalida uga digayey kaboqaadnimada iyo in ay dadku qof burcad ah u
shaqeeyaan ayaga oo isu qaba in ay fiican yihiin, oo ay diinta ku suubban
yihiin. Waxaa laga yaabaa haddii uu Cali noolaan lahaa markii uu shirkii Carta
socdey in uu oran lahaa:
-
Carta iyo wixii raacay iyo, muran
carruur baa leh
-
Caqli foolxun ina Geellihii,
camaqsanaa baa leh
Digniintii uu maalintaas Cali-Dhuux
soomaalida siiyey ilaa maanta ma ay fahmin, waayo waxaa ku shaqaysta oo ay
difaacaan hoggaamiyeyaal sidii Maxamed Cabdulle Xassan dhiigga waddaniyiinta
bannaystay, oo hantida soomaalida booba, laakiin laga yaabo in ay xagga
afxumada ku dhaamaan, waayo ilaa hadda ma aanan maqal qabqable soomaaliyeed oo
hadalladiisii oo kale banii’aadan kula dhiirrada. Asaguna hal wax ayuu ku
dhaamey dagaal-oogayaasha maanta jooga qaarkood, maxaa yeelay gobolka Jubbada
hoose lo’dii ku dhaqnayd wuxuu Cabdiqaasim Salaad Xassan badankeedii dhoofiyey
intii uu haystey dekadda Kismaanyo. Lo’da keli ah meeshaas lagama dhoofiyo ee
xoolaha kale oo dhan waxaa la saaraa badda, laakiin xayawaanka dhaddig oo uu
Cabdiqaasim marsadaas ka daabulo waxaa ugu badan lo’. Xoolaha nool waxaa ka
daran dhirta inta dhuxusha laga dhigo sida degdegta ah loo xaalufiyey, oo uusan
Cabdiqaasim quraca iyo geedaha la midka ah ku ekaanin ee uu canbaha xataa dabka
qabadsiiyo.
Maxamed Cabdulle Xassan xoolaha waa uu
dhici jirey ee ma uu dhoofin jirin, dhir iyo degaan uu xaalufiyeyna taariikhda
laguma hayo, laakiin wuxuu laayey soomaali ku soo labajibbaaranta intii ay
Cabdiqaasim iyo kuwa la midka ahi xasuuqeen. Isla markaas xagga kufsiga dumarka
waa uu ku dhaamey kuwaas, waayo koofurta soomaaliya waxaa muddadii danbe ka
jirey kufsi si nacasnimo ah Afgooye, Marka, Baraawe, Kismaanyo, Baydhabo iyo
Baardheere loogu mabay oo ay xataa wadaaddada qaarkood raalli ka yihiin, waayo
waxay taageeraan nimanka fufsigaas dhallinyarada qooqan u fasaxay, oo uu ka mid
yahay Cabdiqaasim Salaad Xassan, oo ah karbuuno ay bateriga ku guraan Ismaaciil
Cumar Geelle iyo dalalka carbaha qaarkood sida Masar.
Ina Cabdulle Xassan iyo
dagaal-oogeyaashaas casriga ah in aynu isku dhererinno maqaalku kuma uu
saabsana, ee waxaa inala galay dadnimada suubban oo uu Cali-Dhuux ilaahay u
mannaystay. Kartiyaha dheeraadka ah oo abwaankaasi waa ay ka baaxad weyn yihiin
in qoraal yar lagu taxo, oo waxay soomaalidu u baahan yihiin in loo soo
bandhigo buug weyn oo lagaga boganayo baaritaan ku saabsan in uu Cali-Dhuux
ahaa dayax soomaali u soo baxay, oo ilaa uu dhacay ay bulshadu indhaha isku
haysteen iyo iftiin aan sidii habboonayd looga faa’iidaysan.
Hadda danteennu waxay ahayd in aynu
maqaalka u cuskanno ereyo muujinaya in uu Cali-Dhuux ahaa halyey ay sharaftiisu
ka weynayd in uu cunto ka fakaro ama u xisho. Ereyadaas oo ay kalmadda ”hoobal”
ku milan tahay wuxuu abwaanku yiri:
-
Mar haddaan hiyiga soor ku xiro, waan
halwanayaaye.
-
Dabadeedna waa la i horayn, Halac
sidiisiiye
-
Haweenkiyo carruurtaa i oran, haadun
baa yimide.
-
Waa la igu wada hooballayn, heesta
dhaantada’e.
”Hiyiga” wuxuu ka wadaa ”qalbiga”,
soorna wuxuu uga jeedaa ”cunto”, halwasho wuxuu uga jeedaa ”dhacdhac”. Ereyga
”haadun” waxaa laga yaabaa in ay dadka qaarkood ”haatuf” ku beddelaan, laakiin
runtu ”haadun” bay u dhow dahay, waana ”qof ama dad aan risaaqad uu ku xasilo
heli karin”. Ereyga maqaalka hoggaaminaya ee ”hoobal” halkaas ayuu Cali-Dhuux
geliyey, waxaana la moodaa in uu maskaxdiisa kaga jirey meesha uu hadda
maskaxda soomaalida kaga jiro oo ah ”qof hees qaada”.
Sidaas uu Cali-Dhuux uga taxaddarayey
oo uga digtoonaa in uu qalbigiisa wax la cuno raaciyo ma ay la wada qabeen
dadkii xilliyadii hore maansoon jirey? Maya, hase yeesho ee in aynu cuntojacayl
dad hore lagu eedeeyey baarno qoraalkaan ulama aynu jeedno, waxaynuna ereyada
Cali-Dhuux u soo xiganney in aynu helno hadal duug ah oo kalmadda ”hoobal”
xanbaarsan iyo in aynu halkaas ka garannay in waagii hore hoobalkii ama odaygii
cunto baadigoobkeed u warwareega heeso lagu dhalliilayo lagu hooballayn jirey.
Gaajada hooballada soomaalidu waxay aad
u soo shaacbaxday waagii uu kacaanku soomaalida ku mashquuliyey heesaha, siiba
sannadihii danbe oo uu kacaanku wareersanaa. Muusigga keli ah xilligaas
shacabka laguma mashquulin, ee qaxii Sabbalaale iyo Kuturwaarrey laftiisu wuxuu
ahaa madaddaalo, laakiin waxaa ka sii madaddaalo badnaa aasitaankii qabiilka,
oo shacabka la xiri jirey haddii afkooda magac qabiil laga maqlo. Agow oo
ciidamada Hangash iyo Koofiyadcas isku beel qur ah bay ka koobnaayeene.
Ololihii farta soomaaliga xataa mashquulin baa ku jirtey, laakiin wuxuu ahaa
wixii ugu roonaa oo shacabka lagu maaweeliyey, waxaase mashquulkii ugu weynaa
la gaarey markii hardida lagu bilaabay maamulkii Xayle Maryan si shacabka loo
illowsiiyo wax kasta, isla markaas saraakiisha intooda la neceb yahay dagaalka
dhexdiisa loogu soo warjeefo. Hugunkii dagaalkaas waxaa loogu gabbaday in wixii
karti lahaa ciidan iyo rayidba dhiiggii socdey dhiiggooda lagu daray, si loo
kala gaasiro dadka ay ka suurowdo in ay xukuumadda dhalliilaan.
Heeshuhu waxay kacaanka ka caawin
jireen marinhabaabinta iyo handaddaada dadka, waxayna ayaga iyo dagaalkii
Mingistu lala galay ahaayeen labo maaweelo, hase ahaato ee dagaalku waa uu
cimrigaabnaa oo heesaha ayaa waxay ahaayeen biyo lagu rusheeyo habaaska
mucaaradka iyo baraarugga dadweynaha.
Inta aynaan noloshii hooballada miiska
soo saarin ayeynu sheegaynaa in ay magaalomadaxdii hore ee Soomaaliya xilligaas
ku noolaayeen labo kooxood oo yaab lahaa. Marka aynu ”labo kooxood” leenahay
waxaynu hooballada u aragnaa in ay isku koox ahaayeen maddaama ay isku xirfad
iyo isku xiiso yihiin. Kooxda kale ayaa hooballada ka nolol xumayd, oo waxay
ahaayeen dad rag iyo haween ka kooban oo ku noolaa xeebta liido.
Raggaas iyo dumarkaasi waxay ahaayeen
boqollaan u go’ay balwad oo meeshaas isugu uruursaday in ay balwaddooda,
sheekaysigooda iyo wixii kale oo ay rabaan ku gutaan.
Hal arrin ayey kooxdaasi kaga
fiicnaayeen hooballada waxayna ahayd in ay lahaayeen guddoomiye adag oo xagga
xoogga iyo xagga maamulka kooxdaba ahaa nin hawshiisa ka soo dhalaali karey.
Rootiga, khamrada iyo qaadka asaga ayaa magaalada uga soo gadi jirey, oo xagga
dhaqaalaha wuxuu ahaa nin aysan dadkiisu gaajo u le’an. Hantida ay dadkaasi ku
noolaayeen waxay ka koobnayd dhac iyo shaxaad, waxaase laga yaabaa in meelo
kale oo aynaan ogayn wax ka soo geli jireen.
Aagga xeebta ah oo ay kooxdaasi
degganaayeen qofkii galaa in uu dhinto ayey u badnayd, waayo billaaweyaal iyo
qarshooyin bay haysteen. Dadkaasi nadaafad iyo afgobaadsi waa ay ka fogaayeen,
oo waxaa laga yaabey in meeshaas lagu arko dumar aan dhawr bilood firan oo
diracyo jeexjeexan keli ah qabey, kuwaas oo goomanka nabarro ku lahaa oo ay
caydu ka soo horraysey. Degaanka ay isku uruursadeen waxaa ka buuxey daasado
iyo dhalooyin, habeen iyo maalinna dadku ma ay seexan jirin ee yabaq baa ka
yeeri jirey.
Qaar kooxdaas ka mid ahi waxay ka soo
jeedeen qoysas madax ama maalqabeenno ah, laakiin waxay ku qanceen in ay
bulshadaas yaabka leh ku biiraan. Waxaa laga yaabaa xagga kharashka in cawino
laga heli jirey dad taajiriin ah oo ay eheladoodu kooxdaas ka mid ahaayeen.
Aad ayey kooxdaasi u mashquulsanaayeen,
dhibaatooyinka dalka ka jirey ayaana dhankooda ka haysatey. Kacaan iyo
kacaandiid mid ay ahaayeen lama garan karin, waxaase kacaan ahaa hooballada
badankooda. Kooxda hooballadu kooxo ayey u kala baxdey, laakiin innaga hal koox
bay inoo yihiin, oo noloshooda iyo gaajadooda guud ayuu maqaalku ku saabsan
yahay.
Akhristuhu waa in uu qalbiga ku hayo in
aynu horay u soo fasirnay waxaa uu hoobal yahay, maxaa yeelay waxaa jirta
aragti liidata oo ah in uu ”hoobal” yahay qofkii hees ku luuqiya, qofka heesta
allifana ”abwaan” la yiraaho. Aragtidaasi waa male aan macne ku salaysnayn!
Abwaan waxaa la dhahaa ruux waayo arag ah oo dad gaar ah dhaqankood aad u
yaqaan. Waxay soomaalida qaarkood moodaan in uu abwaan kastaa maanso tirin karo
ama uu qof kasta oo maanso hal-abuuri karaa abwaan yahay. Aragtidaasi waxay la
mid tahay in qof kasta oo isbaaro burcadnimo dhigtaa uu siyaasi yahay.
La iskuma hayo in uu qofkii codka
heesaha ka xareedin karaa magaca ”hoobal” qaadan karo, laakiin ”abwaan” iyo
”mu’allif” ama ”hal-abuure” waa ay kala duwan yihiin. Qofku abwaan waa uu noqon
karaa asaga oo mu’allif ah, balse labada erey waa ay kala macne geddisan yihiin.
Hooballadii hore oo reermiyiga ahaa
xagga nolosha waxay la mid ahaayeen dadkii ay la noolaayeen. Kama ay xayaato
liidan bulshada, kamana ay nolol sarrayn, ee sida dadka caadiga ah ayey sabool
iyo tanaad u dhexeeyeen, mana ay jirin hanti gaar ah oo hoobalnimo lagu helo ee
markii ay dadka madaddaaliyaan ama kiciyaan ayey danohooda raacan jireen.
Saaqidnimo ama dawdarnimo ay danohooda illaawaanna ummadda kagama ay duwanayn,
mana ay jirin hoobballo sida xertii meel isku uruursada ama ay ka muuqdeen
calaamado iyo duruufo ay dadka kaga soocanaayeen.
Xilligii uu gumaysigu dalka joogey
waxaa dhaqankaas iska beddeley xoogaa, siiba ayaamihii ugu danbeeyey. Xagga
siyaasadda guud waxaa la yiraahdaa ”Dalka Soomaaliya dhammaantiis wuxuu soo
maray gumaysi”, hase ahaato ee runtii gumaysigu meelo gaar ah ayuu toos u
maamushay, waxaase jira dhul badan oo uusan wax gumaysi ahi ku habsan, oo aysan
dadka degaa kaba warqabin in uu gumaysi dalka soo galay.
Waxyaalihii uu gumaysigu dalka keenay
waxaa ka mid ahaa khamro badan oo lagu soo fatahay magaalooyinkii ay
gumaysteyaashu caasimadaha ka dhigteen iyo meelihii ay ciidamada gumaysigu ku
xeraysnaayeen. Dhulalkii ay ka dhawaayeen ciidamadii Daraawiish oo uu samaystay
Maxamed Cabdulle Xassan khamrada lagama aqoon, sidaas awgeed waxaa la oran
karaa faa’iidooyinka yaryar oo uu ina Cabdulle Xassan soomaalida u soo jiidey
waa in uu meelihii joogey iyo inta ka shishaysa ka horeeyey khamradii iyo
qaadkii faraha badnaa, oo ay ummadda inteeda kale la dawakhsanaayeen. ”Shay la
helay” ayaa khamrada looga baxshey magaalooyinkii woqooyi iyo koofur ka
asaasmay kuwa ugu waaweynaa.
”Shay la helay” iyo qaadku meelihii ay
ku bateen waxaa ka abuurmay hooballo saaqidiin ah oo intay jaadka afka ka
buuxsadaan khamro isaga dejin jirey. Hoonalnimada awal waxaa lagu cayaari jirey
sacab iyo durbaanno dhaqan, laakiin markii uu gumaysigu ”Shay la helay” dalka
ku soo afuufay wuxuu ku garabwadey qalab ay hooballadu kaga raysteen haamihii
iyo sacabkii, oo waxaa heesaha loo helay muusig iyo alaabo kale.
”Talo isuma kaa sheegto” ayey
soomaalidu ku maahmaahdaa, oo hooballadii waxay gafeen in ay dadka heesaha ka
dhegaysta lacag ay ku noolaadaan ka qaadaan. Sidii hore ayey bilaash ugu
raaxeeyeen dadkii dhegaystayaasha ahaa, taasina waxay keentay in hooballadu ay
qaadka iyo khamrada shaxaad ku helaan. Gaajo iyo baryo ayey hooballadaas
casriga ahi ku noolaayeen, laakiin waxaa bulshada ku soo kordhay xiisaha loo
qabey hooballaynta iyo heesaha.
Si kasta oo ay dadka hooballaynta
xiiseeyaa u soo bateen waxba iskama ay beddelin duruufihii gaajada oo ay
hooballadu u liiteen. Hurdo fiican hooballadu ma ay seexan jirin oo sida badan
qaad ay shaxaad ku heleen baa afka ugu jirey, waxayna siteen daasado iyo
dhalooyin ay ka cabbayeen ”Shay la helay”.
Waxaa samaysmay hooballo aan timaha
shanlaysan oo aan dharka dhaqan, isla markaasna aan sida badan qubaysan. Har
iyo habeen waxaa socdey afar arrimood oo kala ahaa hees, muusig, qaad iyo ”Shay
la helay”. Ganacsatada siiba kuwa makhaayadaha leh ayaa isu xilqaami jirey in
aysan hooballada gaajo naftu uga bixin ama aysan qaad iyo khamro waayin,
hooballaduna waxay ahaayeen dad adduunka ugu jecel xiisahooda oo aan jiif
fiican iyo haybad kale midna u soo jeedin.
Taariikhda hooballada halkan laguma soo
koobi karo, laakiin kacaankii baa wuxuu hooballada u qaabbilay si la mid ah
sidii qaxootigii Joguslaafiya looga qaabbilay dalka Jarmalka. Ekis Carwo oo ku
till caasimaddii xukuumaddaas waxaa lagu xereeyey hooballo badan oo aan
xilligii uu qaadku mamcuuca ahaa haddii uu xeradooda galo laga badageli jirin.
Hooballada dhammaantood Ekis Carwo kuma
ay noolayn, laakiin 90% intii oggolaanshaha la siiyey halkaas ayey u hoyan
jireen. Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu la yaabo ereyga ”oggolaansho”,
laakiin wuxuu hadalku ku kooban yahay sidii siyaasiyiin badan siyaasadda looga
mamnuucay ayaa hal-abuurro badan looga mamnuucay in afkooda laga maqlo wax ay
allifeen. Oggolaanshaha iyo mamnuucu waxay sida badan cuskanaayeen hab qabiil,
oo kacaanka hadafkiisa iyo xeerkiisu qabyaalad buu ahaa.
Meesha dadkaasi ku xeraysnaayeen qofkii
galaa wuxuu u malayn karey in uu inta dalkii ka dhoofay ummadu kale u galay,
waxaase yaab leh shakhsiyaadka sidaas u nolol ku foolxumaa ay ahaayeen kuwa ugu
magacdheer ummadda soomaaliyeed oo ay carruuraha miyiga joogaa xataa
magacyadooda wada yaqaanneen.
Xagga degaanka kacaanka ayaa meeshaas
ku xereeyey, isla markaas xagga duruufaha kale hoobbaladu waxay ku jireen
rafaad adduun. Waxyaalaha ay dadka ku madaddaaliyaan waxay isugu jireen heeso
run ahaantii ay sida loo qaado u guulaysteen marka la eego aqoontooda iyo
taariikhnololeedkooda, laakiin waxaa yaab lahaa sida ay u liiteen riwaayada ay
dadkaasi soo bandhigeen. U malayn mayo in ay adduunka ka dhaceen riwaayado ka
talo xun kuwii ay dadkaasi abuureen oo ay jileen. Haddii la damco in wax laga
sheego dhalliilihii riwaayadhaas waxaa lala mid noqonayaa qof dhooqo ama
duddumo mayraya oo raba in uu nadiifiyo!
Sababta keentay in ay sidaas u
xumaayeen riwaayaduhu waxaa laga yaabaa in ay siyaasad ahayd, oo dadkii idanka
haystey ay ahaayeen dad aan fakrad farshaxan weyn leh qaabin karin. Waxaa kale
oo laga yaabaa in ay aqoondarro iyo horumar la’aan ahayd.
Maqaalku xagga gaajada ayuu ku saabsan
yahay, ee baaritaan xalladda khuseeya ma uu aha, waxaynu hadda ugu nasanaynaa
qiso yar oo ka turjumaysa gaajada haysey hooballada iyo xaqdarrada lagu hayey.
1973 ayey dhawr nin oo hooballada ka mid ahi waxay jeclaysteen in ay
madaxweynaha maalin la qadeeyaan, oo ayaga oo la jooga sawir laga wada qaado.
Dadka qaar baa iska jecel in la arko
ayaga oo la sawiran qof madax ah ama caan ah, laakiin kuwaasi waa dadka aan
fiilasoofiyiinta ahayn.
Nin ay madaxweynaha isku shushuban
jireen bay hooballadaasi markii ay soo tashadeen waxay ku yiraahdeen ”Saaxiibow
madaxweynaha naga waastee”. Ninkaas iima cadda in uu Idaajaa ahaa iyo in uu
Shareeco ahaa, laakiin kolley Maxamed Siyaad waa uu oggolaaday dalabkii yaabka
lahaa oo ka yimid Ekis Carwo.
Muddo dheer ka dib ayada oo
wadaqadayntaas loo ballamay loo fadhiyey ayuu Maxamed Siyaad wuxuu ka
sheekeeyey sheeko uu ula jeedey in lagu qoslo. Shakhsi ahaan wuxuu Maxamed
Siyaad ahaa nin aad u jecel in hadal kasta oo afkiisa ka soo baxa loo bogo oo
ama la qoslo ama la qiiroodo. Sheekadu waxay ku beegantay markii ay hooballadu
qadadii afka saareen. Dadkii meeshaas joogey badankoodii qosolkii uu
madaxweynuhu rabey bay la dhixdhix yiraahdeen, waxaanse qoslin labo ama saddex
uu ka mid ahaa mudane Maxamed-Hadraawi Ibraahim.
Raggaas aan qoslini waxay dabadeed
sheegeen in aysan qosol la’aanta xumaan uga jeedin, ee ay sheekada madaxweynuhu
ku soo beegantay mar uu qaarkood afka hilib uga buuxey, qaarna aysan sheeko u
oollin ee ay risaaqadda hortooda taal qalbiga ku hayeen. Si kastaba ha ahaato
ee in aysan raggaasi qoslini waxay u soo jiiddey xabsi dheer, oo tusaale ahaan
waxaa Hadraawi lagu xiray Qansaxdheere.
In kasta oo Hadraawi gardarradaas
foosha xun lagu xiray, oo sidaas loo dulmiyey haddana markii uu xabsiga ka soo
baxay madaxweynuhu raalligelin ayuu u sameeyey. Waxaa la yaab leh in ay Faarax
Gololey iyo Hadraawi xabsigaas ka dib la siiyey fursad ay sidii ay rabaan
kacaanka wax uga sheegi kareen, oo aan la xiri jirin. Xataa waxay Hadraawi iyo
saaxiibbadiis maansooyin isku maagmaageen kuwo aad kacaan u ahaa oo xukuumadda
difaacayey. Markaas ayaa waxaa cabbaar socdey heeso aan dhibaato u soo jiidin
raggii tiriyey, oo uu qofkii kacaanka yaqiin la yaabi karo in sidaas kacaanka
loo duray oo uu Siyaad iska saamaxay.
Markii heesahaas la tirinayey waxaa
bannaanada ka jirey mucaaraddo, laakiin Hadraawi uma uu baahnayn in uu debedaha
wax ka soo mucaarado, waayo waxaaba loo oggolaa in uu caasimadda dalka sidii uu
rabo wax uga dhalliilo. Isla markaas mucaaraddadu waxay ahaayeen qabaa’il oo
wuxuu sugayey inta uu qabiilkiisu mucaarad noqonayo, sidii bayna noqotay oo
markii uu qabiilkiisa tuhun mucaarad ka dareemay ayuu dalka Itoobiya u
tallaabay.
-
”Haddaanan haddaanan
-
Hargaysa xoraynin”
Ayuu Hadraawi dhaar ku bilaabay markii
uu dalka ka baxay, waxaana si kaftan ah ugu jawaabey saaxiibbadiisii uu
caasimadda uga soo tegey, oo ay kala qabiilka ahaayeen. Ficilada iyo
qabyaaladdu soomaalida aad bay had iyo jeer u kala geeyaan, waana arrinta
asaaggood ka reebtay. Heestii dhaarta ahayd oo Hadraawi waxay saaxiibbadiis
kaga jawaabeen.
-
”Hadraawi Hadraawi
-
Adoo Harar jooga
-
Hargaysa xoraynta
-
Marduuf la hadaafka
-
Adoo halka joogoo
-
Kacaanka u heesa
-
Ayaa ka hagaagsan”
”Marduuf la hadaafka” waxay ula jeedeen
in uu Hadraawi Itoobiya qaad u doontay maddaama uu kacaanku jaadka joojiyey
xilliyadaas mar u dhaweyd. Macquul ma aha in uu qaad keli ah dalka uga baxay ee
haddii aysan meesha dacaayadi ku jirin waxaa cad in uu Hadraawi u hiillinayey
jabhaddii ay qabiilkiisu kacaanka kala horyimaadeen ee SNM.
Muddadii uu halkaas joogey wuxuu
tiriyey maansooyin uu beesha SNM ku dagaalgeliyey iyo kuwo uu ku garaacay
Maxamed Siyaad iyo kacaankiisii. Maansooyinka wuxuu ku daray dadkii dagaalkaas
galay intii wadnaha u ahayd magacyadoodii, gaar ahaan raggii beesha
dagaalladaas kaga geeriyoodey oo xulka ahaa.
Dabadeed wuxuu mudane Hadraawi
maansooyinkiisii oo dhan ku uruuriyey diiwaan magaciisa la yiraahdo ”Halkaraan”.
In kasta oo uu diwaanka humaaggiisu SNM yahay haddana wuxuu Hadraawi ku
guulaystey in aan marna afkiisa laga maqal magac qabiil. Maxamed Gacal Xaayow
iyo Hadraawi waa ay ka xishoodaan in ay maansooyinkooda magac qabiil ku daraan,
laakiin waxay ku kala duwan yihiin in uu Hadraawi si aan magacaabid ahayn
qabiilka u sheego.
Markii aan diiwaanka Halkaraan akhriyey
waxaan dareemayey in aan ku jiro bay’ad beel gaar ah, haddana marna magac
qabiil kuma arag. Aniga oo dareenkaas qaba ayaan nin maansooyinka xiiseeya
diiwaanka u dhiibey si uu maansooyinka u akhriyo, markii uu soo akhriyeyna
wuxuu asaga oo qoslaya sheegay in uu diiwaankii ka akhrisan waayey sida uu
Hadraawi ugu celceliyey magaca Togdheer, oo uu ii sheegay in uu qiyaastii boqol
meelood magacu diiwaanka ku soo noqnoqday!
Markii uu boqol igu yiri ayaan waxaan
soo xasuustay in uu tusbaxa lagu wardiyaa boqol iniinood iyo saddex raatib ka
kooban yahay. Wardigaasi kolleyba qabyaalad kama uu saan la’a, waayo
caasimaddii dalka diwaanka magaceedu uguma uu badna sida ay degmooyinka woqooyi
ugu badan yihiin, waayo ”Fal aan laabta jirin faro wax uga daran” ayey
soomaalidu ku maahmaahdaa. Isla markaas ikhyaarta dagaalladii kacaanka lala
galay ku geeriyoodey oo diiwaanka ku qorani waxay ka kooban yihiin beesha SNM
oo qur ah, waxaana liiskaas ragga geeriyoodey aha loola danlahaa in aysan
duugoobin godobtii ay beesha Hadraawi ka galeen qabiilooyinkii kacaanka ahaa.
Cabdulle Raage oo malaha ah ninka ikhyaarta casrigaan qabiilka ka gabya ugu
daran maansooyinkiisa aad buu ugu yar yahay magaca ”Shabeellada dhexe”.
Intii kacaanka la ridayey hooballadii
mucaaridka ama kacaanka u heellanaa dhammaantood wax weyn kama ay samayn
dhibaatada markii uu kacaankii dhintay beddeshey. Waxaa laga yaabaa in ay dadku
ku qanceen in ay beelohoodii kacaankii iska cayriyeen oo ay degmooyinkoodii u
xoraysteen sidii Hadraawi ugu dhaartay in uu xaggooda xoreeyo, taasina ay ku
filan tahay oo aysan wax kale ka maqnayn.
Arrintaas oo jirtey ayaa waxaa
beryahaan laga sharqamiyey saddex hoobal oo dalka iyo debedaha ka wada olole ay
nabayn ku tilaameen. Hadraawi iyo Baxsan waxaa laga sheegaa in ay dalkii
safarro nabadeed ku kala bixiyeen, halka ay Maryan Mursal dalka Australia ku
marayso socdaal nabadayn ah. In ay nabadda saddexdaas abwaan wax ka tari karaan
iyo in kale lama yaqaan, laakiin in ereyga ”nabad” la sheegsheego ayaaba iska
fiican maddaama loo baahan yahay.
Socdaallada Baxsan iyo Maryan Mursal oo
nabadaynta ku saabsan lagama sheegin laanta afka soomaaliga ee BBC, hase ahaato
ee safarka Hadraawi waxay laantu maalin kasta sheegaysey intii uu ku jirey
Kismaanyo iyo Beledweyne dhexdooda, markii uu xagga bari Hiiraan u dhaafayna
way joojiyeen in ay sheegaan hadba halka uu marayo.
Haddaba su’aashu waxay tahay ”Maxay BBC
u qarisay socdaallada Baxsan iyo Maryan Mursal oo ay aad ugu buunbuunisay
safarka Hadraawi intii uu ku jirey Jubbada hoose iyo Hiiraan dhexdooda?”.
Jawaabtu waa ay fuddahay oo waxaa BBC ka shaqeeya labo nin oo ay Hadraawi
saaxiibbo yihiin, waana Axmed Hassan Cuuke iyo Cabdisalaan Hereri. Sidaas
darteed laantu waa meel kasiino (casino) ah oo ay saaxiibbadu isku ballansadaan
ee socdaal nabadeed in la baahiyo ujeeddada labadaas weriye ma ay aha.
”Bartiyaqaan bari uma koroddo” ayey
soomaalidu ku maahmaahaan, oo dadku in ay socdaallada nabadaynta u kala eexdaan
waa xin iyo xamaasad aan gobannimo ahayn. Waxaa jirta qiso eex ku saabsan oo
waa hore Soomaaliya ka dhacday. Garoonkii ugu weynaa oo dalka ayaa waxaa lagu
qabtay cayaaraha gobollada, waxaana weriyeha cayaaraha sheegaya ahaa Axmed
Xassan Cuuke. Markii ay cayaaruhu soo gaareen in ay gobolkii uu weriyuhu ka
yimid iyo gobol kale wada cayaaraan ayey meeshii ceebi ka dhacday. Waxaa
kubbaddii in uu gooldhaliyo u dhawaadey wiil ka mid ahaa kooxdii ay Cuuke isku
gobolka ahaayeen, wuxuuna Cuuke asaga oo makarafoonkii afka ku haya yiri:
”Annagaa wadanna, annaga ayaa wadanna!”. Xataa wiilkii goolka dhalin lahaa ayaa
naxay, waxaana dhacday fadeexad ka darnayd midda uu maanta Cuuke sameeyey oo ku
saabsan in uu u kala eexday abwaannada iyo hooballada sameeyey socdaallada
nabadaynta. Ceebtaas ka dib ayuu Maxamed Siyaad wuxuu Cuuke ku yiri: ”Maandhow
bal mar danbe wax gobollada kala duwan iyo tartan ku saabsan ha sheegin, ee
aniga weriye gaar ah ii noqo oo meeshii aan aado ii raac, wax kastana sidii aan
rabo u sheeg”.
Socdaalka Hadraawi dano daban oo ay
eexdaasi ka mid tahay ayaa lagu gaarey. Ugu horrayntii danihiisa gaarka ah ayuu
wax uun ka faa’iidey, oo wuxuu iska soo marmaray ganacsato iyo ururro magaciisa
ayiin, wuxuuna cagta mariyey meelo badan oo uusan Cali-Dhuux cagta mariyeen.
Midda kale asaga oo niyadda ku hayey in
uu Qansaxdheere aado ayey taageerayaasha Cabdiqaasim Salaad waxay u afduubeen
Kismaanyo. Wuxuu magaalladaas Cabdiqaasim horay ugu qabsaday malayshiyo
qabiilkiisa ah, oo uu u fasaxay in ay kufsadaan dumarka ka dhashay beelihii
degaanka weligood ku dhaqnaa. Xasuuqa, dhaca iyo kusiga Kismaanyo keli ah
Cabdiqaasim kuma uu sameeyo ee Marka, Baraawe iyo meelo kale oo badan ayuu ku
habsadey oo uu ka adkaaday beelihii ku dhaqnaa. Soomaalidu waxay ku maahmaahaan:
”Maroodi inta uu geedaha ka gooyo maroorkiisa ayey ka go’an tahay”.
Weriye nagnagle ah oo BBC warar eex ah
u soo tebiya, oo kufsigaas iyo dhibaatooyinkaas Cabdiqaasim ku taageera ayaa
markii Hadraawi Kismaanyo loo afduuday raacay si uu uga beensheego xaaladda ay
ku sugan yihiin maxastii iyo shacabkii ka dhashay beelaha uu Cabdiqaasim ka
xoog batay oo uu ku amarkutaagleeyo.
Beelaha uu jaalle Cabdiqaasim Salaad
dhiiggooda, maalkooda iyo karaamadooda xalaalaystay waxay Hadraawi ku eedeeyaan
in uu digasho ula jeedey socdaalka uu ku dultamashleeyey ayaga oo kufsi iyo
toogasho muddo dheer lagu hayey. Waxaa kale oo ay beelahaasi ka hadlaan wararka
beenta ah oo ay Cabdiqaasim iyo Xassan Bariiso ku bannaysteen socdaalka loogu
magacdaray nabadaynta, laakiin ay maxasta halkaan lagu silciyaa u bixiyeen
sodaalkii digashada.
In dadka maansooda oo aan awoodda
lahayn la iska eedeeyo, oo haddii ay dhacdhac yar sameeyaan uurka wax loogu
qaado waa laga qurxoon yahay. ”Miskiin baa misko la fuulo leh” ayey Soomaalidu
ku maahmaahaan, oo in Hadraawi la eedeeyaa waa in aysan beelaha koofurta
Soomaaliya lagu dulmiyaa awoodin in ay Xassan Bariiso iyo Cabdiqaasim Salaad oo
ah raggii kufsiga iyo dilka ula bareeray iska dulqaadaan ee ay xamanayaan
hoobal gaajaysan, oo reer Burco ah!