12kii Agoosto, lurkii carte iyo C/qaimna xag sharci ahaan ayeey u dhamaatay
laakiin su'aasho
waa taariikhdu Carte halkee bay ka gali doontaa?
Anigu waxaan qabaa in Carte ay horayba u gashay taariikhdu, haboon tahayna in
lagu qoro buugga
rikoorada ee giiniyus sababaha soo socda darteed:-
1. Waa dawlad ku sheegii ugu beenta badneed ee dunida soo marta oo maleeshiyada
qabiilka
C/qaim ku sheegtay tii qaranka Somaliyeed.
2. Kooxdii magaca dawladnimada dhaawacday intii dunidu jirtay sida iyadoo
maanta
waxay yiraahdaan maalin ka dib beeniya hadana ka soo noqda , taas oo aad ka
garan kartid sida
ay u dhaqmi jireen intii ay ka bayacmushtarayeen magaca somaliyeed.
3. Wax dawlad la yiraahdo ee Somaliya soo maray tii ku baryoontantay in Itobiya
u saxiixdo dhulka
Somalida maqan .
4. Kooxdii dawlad aan jirin xoolo ku soo hela oo iskaba dhaaf wax kallee
hunguriyeeya in damaanad
ahaan lacag ugu qaataan hoteeladii dawladda ee burburay sida Jubba laakin
Liibiyada aan xisaabtamin
xataa aay diiday.
Gabogabadiina, Somalida oo dhan waxay isku raacsan yihiin in Beelaha USC ay
geysteen dhibkii ugu badnaa ee Somaliya ka dhacay inkastoo beelaha kalena ayan
maradoodu ayan cadeen sida waqooyiga oo
oo dagaalkii labaad ee ugu darnaa ka dhacay, PL oo iyaguna C/qasim uu madaxa
iskugu dhuftay iyo waliba Mirifle oo dhibkii loo geystau ku darsaday in ay
dagaalaan.
Sidaas oo ay tahay ayaa hadana Somalida + Mudulood waxay qabaan in garbkii
Ceydiid ay dadka oo dhan ay dambi ka galeen.
Haddaba, kooxdii dambiilayaasha lagu qiray ee Caydiid ayaa sheega in ayan
isku mid aheyn balse beesha
hoose ee C/qasim ay ahaayeen kuwii falay inta badan dambiyada ay galeen.
Marka soo ma oran karo, aniga oo fiirinay C/qasim iyo Cartaba in xaalkoodu uu
taagan yahay,
"Nin Ceyri Waligii Ceeb Kama Fogaadee Maantay u Darantee Xagee Baan Xuskadaa"
Jawaabtuna Waa Meelna...........
A.Dirir
burashadley@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan