SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 Somali National Peace Reconciliation Conference

Civil Society

August 30, 2003

Ujeedo: Jiha wareerinta ay wadaan koox yar oo ka tirsanaan jirtay bulshada madaniga ee shirka dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta Soomaaliyeed.

5tii Luulyo go’aankii taariikhiga ahaa ka dib koox yar oo ka tirsanaan jirtay bulshada-rayidka oo ay is bahaysteen kuwo iyagana ka fallaagoobay, qaybo kale oo shirka, iyagana aad u yar, ay soo dirayaan hay’ado ajnabi ah, oo Nairoobi fadhigoodu yahay, kuna dhaarsan shirkan inay fashiliyaan, ayaa wada olole iyo musannow looga gunleeyay in lagu horjoogsado rabitaanka shirwaynaha iyo kan ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan aad uga xunnahay in wargayska Kulmiye, 25kii Agosto uu ku muujiyay hiilloo uu kooxdaa fallaagowday ku taageerayo, markuu daabacay in Gandi iyo Caasho Xaaji Cilmi isu caleemo saareen xiriiriyaasha ururrada bulshada. Annagu mar waliba waan ogayn in labadaa qof, madaxnimo-jacalku maasheeyay, a fulinayaan qorshaha NOVIB oo shirkan lagu carqaladaynyo.

Waxaan sidaa awgeed caddaynaynaa arrimaha soo socda:

    1. 6 qof oo bulshada rayidka ijmaaceeda ku caasiyay kuma hadli karaan 80ka qof oo hartay oo shirkan ayidsan.

    2. Bulshada rayidka ah, ee shirkan Mbagathi, guddigeeda fulintu, oo qaybo dhowr ah leh, wuxuu ku suganyahay madasha shirka waana midaysanyahay. Dad magaalada deggan oo danaysi NGO isu urursaday kana faa’idaystay burburka dalka, waxba kama qaadi karaan, waxay ku calwasaadayaanna tixgelin ma mudna.

    3. Go’aankii 5tii July wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo xalaal ah, lagamana yeelayo in koox yar ay qalloociso.

    4. Waxaa yaabka yaabkii ah in kooxdan qaylinaysa (baroortuna orgiga ka wayn) ay fahmi la’yihiin 11 bilood miisaank awoodda shirwaynahan. Nabadda Soomaaliya (gobollada koonfu-reed) waxay 13 sano u laalantahay loollanka ka dhexeeya kooxaha hubaysan, oo gobollo iyo degmooyin ka taliya. Ma aha duubab dhaqameedyo waxa is haysta, ama hub isugu darban ku dagaallankiisa. Sidaa awgeed caqligal ma aha dadka hubaysan awoodda ha laga xayuubiyo. Waxaan shaki lahayn in shirku fashilmayo haddii si farsamo iyo xirrib leh loo oggolaan’in culayska ay leeyihiin hoggaamiyaasha kooxuhu. Duubabku mar walba waa kuwii nabadda taageersanaa dartooduna uma burburi karo shirka.

    5. Ururrada bulshadu, oo qayb ka ah shirka, way la midoobi karaan qaybaha shirka haddii laysku afgarto arrin dan u ah qaranka iyo nabadda guud. Haddii kale waxaa jabaysa midnimada shirka. Aragtidayada, bulshada rayidka ah shirkan joogta laguma carbin inay xaq iyo xaq-darro la loollamaan kooxaha hubaysan. Waana inay ku “milmaan” tashiga khayrka u leh dalka. Haddii kooxdan xussan hay’adaha ka dambeeya u xilsaareen inay shirkan ku noqdaan “laf mergi gashay” waxaan IGAD ka codsanaynaa in shirka laga saaro, si looga badbaadsho. Hadday rabaan teendhada shirka dibadda ha kaga soo kale.

    6. Kooxaha hubaysan markii Eldoret loogu yeeray waxaa la siiyay dowr hormuudnimo (Leadership) iyo sharcinimo (Legitimacy), haatanna lagama xayuubin karo. Kuwa ku celceliya Berlin baa duubab lagu ictiraafay in dhulka isticmarka ku wareejiyaan waxay qadfayaan duubabka, illayn waa hafrid iyo daliilnimo lagu nabayo. Hayeeshee, miisaanka awoodda ka jirta Soomaaliya ma tii waagii Berlin baa, markasoo warmo lagu hubaysnaa?

    7. Ujeeddada ka dambaysa shirka ha la dheereeyo, si dib-u-heshiisiin iyo u dhammaan loo helo, waa basar la doonayo in shirka lagu wiiqo, ergooyinkuna lagu himmojebiyo, si ay ukala dareeraan, 11 bilood ka dib.

    8. Arrimaha dadka shirka carqaladdaynaya ay buurta ka dhigayaan waa wax kama jiraan, sida:

    (a) Qodob axdiga oo lagu cilaaqtamo faa’ido ma laha, waxaa un lagu horjoogsanayaa nabadda Haddaan rabno inaan dadkeenna wax u tarno waa inaan joojinna asraartan milgo lahayn;

    (b) Iska horkeenka la rabo inay isku dhacaan odeyaasha iyo hoggaamiyaasha. Arrintuba waa mid beeled si fudud loo xallin karo;

    (c) Soomaalidu waxay sugaysaa nabad, lagumana doodi karo inay sharci tahay iyo in kale. Xalli baa la raadinayaa, xujo lama rabo.

    9. Kooxdan xussan waxay dibnaha ka yiraahdaan shirka ayaan taageersannahay, haddana si bareer ah waxay ka shaqaynayaan siduu ku fashilmi lahaa. Waxaa qarkood hal hays u ah “intii gacan ku-dhiigleyaal xukun gacanta loo gelinlahaa shirku ha dumo”. Qof ay siri karaanna ma jiro.

    10. Ugu dambayntii kooxdan shirkan dhibka ku haysa waxaan leennahay waa digniine shirkan faraha kala baxa, haddaad diiddan maantana taagtiin berrina tabartiin, cawaaqibxunana u darbanaada. Shirkanna xagtiimo ma gaarsiin kartaan.

Warqad kale ayaa xigta.

Dr. Ibrahim Maalim Mohamed
Senior Social Policy & Planning Advisor

Emailka waxaa loo sii marin karaa: muriidigulf@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | August 31, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD