SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Sawirka Baasaboorka Canada oo Lagu Soo Rogey in aan La Dhoola Cadayn Karin

  • Khimaarka (scarves) Dumarka Muslimku xirtaan waa loo ogol yahay Baasaboorka Canada , laakiin lama ogola in gebi ahaanba wajiga la dedo (veils). Waxa kale oo la ogol yahay cimaamadda (Turbans).

"Dhoola Cadayn ma Jirto, Waxaan nahay Canadian"

Cinwaankaas wuxuu shalay (August 27, 2003) kusoo baxay wargeyska Globe and Mail oo kamid ah wargeysada ugu caansan dalka Canada, wargeyskaas oo qoraal ka qoray go'aankii dawlada Canada ee ahaa in aan sawir baasaboorka Canada ay ka reeban tahay dhoola cadayntu.

August 26, 2003  war kasoo baxay dawlada Canada ayaa shaaca ka qaaday in sawirka baasaboorka Canada uu noqdo mid aan wax dhoola cadayn ah lahayn, wana in uu noqdaa sawir uu qofku afka isku hayo, oo aan wajigiisa wax dhoolacadayn ah (smile) ka muuqan. Si qofku uu u helo Baasaboorka Canada waa in uu wajigisu uu toos u fiirinayaa camarada sawirka laga qaadayo (Yacni gees ama dhinac in loo jeesto lama ogola).

Suzanne Meunier, oo ah afhayeen u hadleysey xafiiska Passporada Canada waxay tiri Canada waxay arintaas u samaysay waa aqbalaad Canada aqbashay soo jeedin ka timid hay'adda ICAO (International Civil Aviation Organization) oo ah hay'd Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha diyaaradaha.


Kala bar oo bar kamid ah dumarka Soomaaliyeed ee Jooga USA (Virginia) waa dumar ay ragoodii ku dhinteen dagaaladii Soomaaliya, sidaas waxaa maanta qoray jariidada WashingtonPost.. Aug 28

Waxaa warku intaas ku daray in aan Sawirka Baasaboorka loo ogoayn ookiyaalashaasha madow ee indhaha qarinaya, waase la ogol yahay ookiyaalaha qofka dhakhtarku u qoray ee indhuhu ka dhex muuqanayaan.

Lama ogola Koofiyad. Sidoo kale lama ogola wax kasta oo bedelaya aqoonsiga madaxa qofka.

Khimaarka (scarves) Dumarka Muslimku xirtaan waa la ogol yahay , laakiin lama ogola  in gebi ahaanba wajiga la dedo (veils). Waxa kale oo la ogol yahay cimaamadda (Turbans).

Arintaas khimaarka la xiriirta xeerka cusub ee Canada waxa uu ka yiri: Waxaa ogolaansho loo sameeyey dadka diintooda ku dhaqma ee ay ka reebtay in ay madaxa qaawiyaan, laakiin lama ogola sawir uu gebi ahaanba qarsoon yahay sawirka wajiga ee qofku.

Hay'adda ICAO waxay wadaa qorshe ah in la hirgeliyo habka loo yaqaan "biometric security devices" ama "face-recognition scanners"  kaas oo ah in qofka mel kasta oo uu dunida ka tago lagu aqoon san karo wajigiisa (ama qalab yaal garoon kasta oo dunida ah uu qofkaas ku aqoon san doono wajiga). Sababtaas ayaa sawirada baasaboorka looga dhigayaa mid caalami.

Halkan ka Akhri dhammaan Xeerarka Laga Rabo Baasaboorka Canada...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 28, 2003 

ISHA: ppt.gc.ca *Sawirka ppt.gc.ca | Globe and Mail | ICAO


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD