Kufsi iyo isbaaro!
Ali Shire jama
sharmaake@hotmail.com
Ka
dib markii la khaarajiyey madaxwenihii sharciga ahaa, ee Soomaaliya
Cabdirshiid Cali Sharmaake waxay Soomaalidii u kala miirantay
qabaa’illo. Waxaa laga yaabaa in dadka meesha dheer wax ka arkaa ay la
yaabaan marka aan leeyahay waxaa kala miirmay Soomaalida, iyaga oo leh:
”Oo soo awalba ma kala soocneyn, yaa
isku daray?.”
Maku khilaafsani culumada qabta in ay
soomaalidu waligeedba kala qoqobneyd, ee waxaan cuskanayaa
taariikhiidii qarankii soomaalida lagu hodey iyaga oo aan dhaqan iyo
cilmi midna ula hayn. Waa hubaal in labadii ”miskiin”( Aaden -Cadde iyo
Cabdirshiid) aysan waxba ka qaban siyaasadii guracneyd, ee gumeystuhu
korka ka saysaamay si ay ugu hoobtaan soomaalida diiday in ay reer
yurub xukumaan. Laakiin labada ”miskiin” ma ay geysan kufsi iyo xasuuq
sida
Siyaad Barre iyo kuwii ka soo baxay Soomaaliya meelaha aan ka
ahayn Puntland iyo Somaliland sanadahaan danbe.”Miskiimadu” cidna xoog
kuma aysan qabsan ee waxay hor boodayeen soomaali xadrayneysa oo aan
aqoon meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaanba, laakiin Siyaad Barre
ayaa xoog gardara ah ula yimid qabaa’iladii soomaaliyeed, oo waligoodba
xorta ahaa.
Xoogshiigadkiisii waxaa lagaga
jawaabay ”qaniiyo qaniinyaa kaa fujisa” oo reer waliba waxuu soo
aruursaday waxuu awood uu heli karey si ay uga takhalusaan, ninka
horarkaa, oo maalkoodii iyo awoodoodiiba maalin cad ka marooqsaday.
Dagaalkii lala galay kacaanka waxuu ku
bilowday labo nooc oo kala ahaa sidaan:
1: Qabiil la rabey la gumaado oo ka
dibna buntukh u qaatay kacaankii.
2: Qabaa’ilka kale oo kacaanka xulufo
lahaa, laakiin kolkii danbe ay kiciyeen tolkaas la rabey in la
ciribtiro.
Sida ku xusan qodobka labaad waxaa
dhamaan loo adeegsadey tol weynihii kale ee soomaaliyeed in ay fuliyaan
gumaadka hal qabiil oo iyaga awalba dhulka la wadaagey. Reerkaas la
isugu tagey waxay waxgarad
koodii u guntadeen in ay meesha ka
saaraan isbahaysiga qabiillada kale ay xaqdarada dartood isugu
kaashadeen. Taasna waxay ka gaareen guulo waaweyn, ka dib markii ay soo
baxeen ururo badan oo dhaaranaya kacaankii u dhashay in uu meesha ka
sooro hal tol oo aan midab,af iyo caqiido mid kaga duwaneyn kuwa ay
dariska la yihiin.
Tolalkii soomaaliyeed ee dariska ahaa
kama aysan gaarin, mana loo ogoolaan in ay aayahooda ka tashadaan, ka
dib geeridii Sharmaake. Tashigaas oo lagu macneyn karo in uu ku
saabsanaa in qabaa’illada soomaaliyeed qarankii la isku hodey ”miskiin”
kale u dhiibtaan amase lagu kala tago, oo reer walbaa ayaayihiisa
gaarkaa ka tashado
Markii tolkii soomaaliyeed ka
guuleysteen Siyaad Barre oo loo hanweynaa in lugu dhaqaaqo wadatashigii
Barre qulqulatada galiyey, ayaa qabaa’ilkii qaar mid ah waxay u ban
baxeen wax ka yaabiyey xataa kacaankii Alle xishoodka ka qaaday,
arinkaas oo ahaa in kufsiga kooras loo galo, in bililiqada iyo
isbaarado u noqdeen ayaayihii ay higsanayeen.
Cawimo kor loogu qaadayo tayada dilka,
isbaarada, bililiqada iyo kufsigu waxaa ku yaboohay Ismaaciil Cumar
Geelle oo soo abaabuley kooxdii Carta oo ka nasri darneyd Barre iyo
saaxiibadiisii kufsiga iyo xasuuqa ka dhaxalay. Geelle kali kuma ahayn
dhiiri galinta kufsiga iyo isbaarada, ee waxaa xoolo badan ku khasirey
wadamada carabta. Waxaa kale oo barnaamij dhiiri galinta kufsiga mid
ahayd faaniin uu hogaaminayey Maxmed Ibraahim ”Hadraawi” booqasho ku
soo kala bixiyay goobaha ay ka socdaan dilka iyo kufsigu. BBC:na waxaa
si toos looga xayeesiiyey in tuugtu iyo kufsadayaashu u tilaabaan
xuduuda shabeelaha hoose iyo jubbooyinka. Kolkii Cabdiqaasim iyo
saaxiibadood ay kufsiga iyo bililiqada ka wadeen Somaliland Hadraawi
waxuu buur dheer u foolay in uu ka dalfiyo daqaradii ku foorarey reer
tolkiis, laakiin waxaa arin laga xishooda ah in markii ay xumaantii uu
kula dagaalay u wareejiyeen koonfurta Soomaaliya uu Hadraawi booqashu
kal iyo laab ah ugu tagey kuna soo soo dhiiri galiyey in ay halkaas
shaqada ka sii wadaan ka dibna uu kuwa laga roon yahay ugu sheekeeyey:
”Waxaan wadaa barnaamij nabad gelyo
ah.”.
Kuwa kufsiga wadaa awlaba waxay
ahaayeen gacantii midig ee kacaanku wax ku goosan jirey, laakiin kolkii
ay arkeen in uu geeriyoodey ay cuneen sidii waraabihii intii hooyadiis
jiratey cunista ugu dhaqaaqay.
Kooxda kufsiga iyo isbaarada oo ay
waayahaan danbe Cabdiqaasim kooxdiisu hogaanka u haysey waxaa hubaal ah
in ay yihiin kacaankii oo aan haysan ciidamo rigli ah oo ka amar qaata,
laakiin su’aashu waxay tahay kooxda Cabdiqaasim ma rabeen in ay helaan
ciidamo nabada suga? Shaki kuma jiro in waxmagaratadu ay “haa” la soo
boodi lahaayeen, laakiin runtu waxay tahay in muraadkoodo ahaa lacago
la soo baryo iyo in jigooyin been ah la sheegto, ciidamadii booliska
loo qori lahaana waxaa lagu sii dhiiri galiyey kufsigoodii iyo
isbaaradooda si aysan iyaga ugu soo jeesan. Xoogaagii ciidanka ahaa oo
loogu talo galay in carabta lagu khaldo si inta loo tuso si lacaga
looga qaato waxay u huleeleen guryahoodii inta ay qoryahoodii suuqa ka
sii gateen ka dib kolkiii mushaar la siin waayey.
Kooxda Carta go’aankooda ugu weyn
waxuu ahaa in laga bilaabo kufsiga iyo bililiqa Puntland iyo
Somaliland. Taas waa ay ku guul dareysteen, laakiin waxay daradii si
fiican ula heleen koonfurta dalka oo ay dib ugu soo cesheen dhibtii ay
meelaha qaarkood ka baxeen wax yar ka hor intaan Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle dhambaallo casumaad ah dirin kuwii madaxweyne Maxamed Siyaad
Barre silingaha kaga siibey shaqsiyada.
Waxii ugu darnaa ee ka dhacay dhulka
nabadaa ee Soomaaliya waxay ahayd kolkii qaar ka mid ah shacabka reer
puntland kooxdii Carta ay ka yaboohsadeen in dhulkooda laga hirgaliyo
kufsiga iyo isbaarada.Waa yaabe xaggee lagu arkay ummad u heelan kufsi
iyo isbaaro?.Laakiin reer somaliland dhabarka ay u jeediyeen, waxaana
qofkii caqli leh oran lahaa: ”Maxaa laga helayaa in koox burcad ah oo
Ilaahay ka furatay loogu geeyo canshuuraha Puntland iyo Somaliland
Mogadishu?.”
Lacagahii laga soo tuugsaday
carabahaba waxuu Cabdiqaasim ku dhistay xaafad loo yaqaan Tuulo-
Cabdiqaasim waxuuna diidey in lagu dayactiro dhismayaashii qarankii
Somaaliya, laakiin waxaa jira hal guri la dayactiray oo xarun u ahaan
jirtey ciidamadii N.S-ta ee soomaalida Siyaad ku caddaabi jirey,
sartaas oo ka dib uu bililiqastay hogaamihaya cadiifada badan ee Muuse
Suudi Yalaxow.
Ninkii faaliyahaa waxuu yiri:
”Hashu maankeygii gadaye ma masaar bay
liqday” Haddaba soomaalida koonfurtu maankayagii gadee maxay liqeen?
Ilaa qiyaamaha maxaa lagu jiraayaa kufsi, bililiqo, isbaaro-dhigasho
iyo madaxweyne been ah oo guriga uu dagen yahay xataa aan xukumin?
Maxaase tolka go’ay ee Somaliland loogu yeerayaa ma waxaa la leeyahay
kufsiga ka soo qaybgala maxayse reer Puntland ka sugayaan ummad ay ugu
badiso isbaaro iyo kufsi may ayaayahooda ka tashadaan oo sida tolka
dariska la ah ku dhawaaqaan in ay yihiin dal madaxbanaan.? Runtii waxaa
amaan mudan dadka reer Puntland iyo Somaliland si ay dadkooda ugu
badbaadiyeen dilka kufsiga, dhaca,bililiqada, afduubka, madaxweyne been
iyo isbaarada. Laakiin waxaa haboon si loogu waaro nabadaas in laga
dheeraado isku dhac ka dhex dhaca labada maamul, taas oo ay wadaan reer
Somaliland. Sidaan horeyba u sheegey ummada soomaaliyeed waa qabaa’il
midba iskiis u madaxbanaan yahay, haddaan wax isku darsiga lagu
hishiina reerna reer dawlad uma noqon karo xiligaan. Waxaan runtii
shaki ku jirin in aan ab iyo isir ka dhaxayn tolka Waqooyi-Galbeed,
Saaxil iyo Togdheer iyo tolka Sool Saanaag iyo Cayn aan ka ahayn hablo
mar mar lakal mehersado. In tolku indho u yahay soomaalida waxaad ka
garan kartaa koonfurta Mudug kama tirsana Puntland, reer puntland ma
sheegtaan dhul aysan isir ahaan u la hayn sida reer somaliland isugu
dhajiyaan Sool, Sanaag iyo Cayn si aysan noolaan karin gobolladaas
la’aantood. Maahan in aan ka wado in ay soomaalidu dab kala qaadan,
laakiin waxaad moodaa in wali la dabakhayo falasfadii Maxamed Siyaad
Barre oo ahayd ha la xabaalo qabiilka misana isagu ahaa midka ugu
horeeya ee ku dhaqma. Dooda ugu weyn oo reer somaliland cuskadaan waa
niman ingiriis ah baa halkaan hilib uga qaadan jirey askartoodii Yemen
fadhidey iyo xiddid baan nahay, laakiin reer puntland doodoodu waa
dhulka anngaa leh. Maxmed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariistee wareysi
uu BBC siiyey waxuu yiri:
”Dad la iskuma haysto ee waxaa la isku
khilaafsan yahay dhul.”.
Cigaal waxuu halmaamay in dadka iyo
dhulku is leeyihiin, laakiin waxaa laga yaabaa in doodiisu ahayd sidii
tii Joma Kenyatahii Kenya madaxda ka ahaan jirey oo ahayd::
Reer NFD (Norhtern frontier District)
ha loo qaxiyo dhanka Soomaaliya haddii ay Soomaaliya deyn weydo
sheegashada gobolka soomaalida ee waqooyiga Kenya.”
Waxaa dhacda in xilliyada qaarkood uu
geeljirihu geela isku darsado, kolkii ay waayo badan wada socdaana dib
ay ukala soocdaan mar labaad geelii, laakiin kala soocidaas waxaysan
farxad galin kuwa aan isku kalsooneyn oo u qaata nin raggii saaxiibada
ahaa kala tageen waxaana loogu laab qaboojiyaa:
”Raggu sidaas kuma kala tagine is
dajiya.”
Haddaba reer somaliland ha
xaqiiqsadeen in aan sidaas lagu kala tagin ee macnuhu yahay in tolku
dhulkii kala soocday sida geeljiruhuba geela ulka soocday.
Guul waxaa lagu gaari karaa in tol
kastaa aamino dhulkiisa ama ha u yaraado ama ha u weynaadee. Ismaaciil
Cumar Geellaha dhamaan soomaali mooraduugeyba dhulka uu xukumaa ma
weyna. Arinka la yaabka leh waxaa waaye in maantay soomaalida joogta
qof ku doodayo reer kale dhulkiis, taasna waxaa ka imaan kara oo kaliya
kufsiga ka jira koonfurta Soomaaliya.
Sanadahaan waxaa soo ifbaxaya doodo ku
saabasan dhulka lama kalalaha, waxaa doodaas aad buunbuuninayey
Cabdiqaasim Salaad Xassan oo ka murugeysan in magaalada reerkiisu
xoogga ku haysto ee Marka laga saaro.Waxaa kaloo jira rag ay ka mid
yihiin Cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo waxgaradka soomaaliyeed ku
maadsadaan meesha uu wax ka cuquuleynayaan. Maantey waxuu Cabdirisaaq u
joogaa shirka Nairobi in uu rati duruf ah diro.Hadda ka horna waxuu
kala ahaa idaacadaha adduunka:
”Waxaa i doortey raggayaga maxaddaada”
Oo uu ka wadey kooxdii tuugada ahayd ee Ina Cumar Geelle soomaalida ku
haligey. Waxuu ahaa Cabdirisaaq kii ka qaatay Cabdiqaasim jigadii
bahdilka ahayd.oo lagu magacaabay hanti isu celinta. Cabdirisaaq ma
fahamin in Carta loo dhisay in lagu xalaaleysto hantidda dad weynaha
soomaaliyeed mid kalana lagu helo.
Sanadkaan 2003 waxaa lagu diirsaday
doodo wanaagsan oo soo karaar qaatay, doodahaas oo ku saabsan in
federaalka lagu dhaqo Soomaaliya. Federaalku waxuu tiir adag ka noqon
karaa waxyaabaha looga bixi karo kala shakiga iyo is aamin xumida ku
gaamurtay gayiga soomaalida.Kuwa ku doodaya federaalku waxuu keenayaa
halagaag waxaa ka hoos baxday in soomaalidu dabeecad ahaanba federaal u
sameysan yihiin, marka laga eego qaabka ay u fakarayaan iyo juquraafi
ahaanba. Haddaba waa in dhamaan qabaa’ilka soomaaliyeed loo raraa
hilaaca ka billig yiri dhanka federaalka, tolkii aan u guuri karina waa
in loo gaadiid celiyaa,waase hadduu ku qanacsan yahay sahanka federaaka
soo arkay.Federaalku waxuu kaloo ka mid noqon karaa waxyaabha looga bix
karo kufsiga iyo isbaarada. Kuwa moodaya in ay ku khasaarayaan
federaalka waxay ku mar marsiinyo ka dhigtaan in ay dhib badan tahay
sidii federaalka loo samameyn lahaa. Madaxa Carta Cabdiqaasim Salaad
Xassan waxuuba aaminsan yahay arin layaab leh oo ah in haddii federaal
la sheego uu macnihiisu yahay isku dir qabaa’il iyo in aan dhulka
lakala lahayn..
Qaabka loo sameynayo federaalka waxaad
moodaa in uuba iska cabiran yahay waana sidaan:
1: Puntland oo ka kooban:
- Sool,
- Sanaag
- Nugaal
- Cayn
- Bari
- Mudug
- Galbeedka -Galgaduud
2: Somaliland oo ka kooban:
- Waqooyi-Galbeed
- Awdal
- Togdheer.
- Saaxil
3: Midland oo ka kooban:
- Banaadir
- Hiiraan
- Shabeellaha Dhexe
- Galgaduud
- Koonfurta Mudug.
4: Riverland oo ka kooban:
- Bay
- Bakool
- Shabeelaha Hoose
5: Jubbaland oo ka kooban:
- Gedo
- Jubbada Dhexe
- Jubbada Hoose.
Tolkii raba in soomaalidu wada
noolaato waan in uu aaminaa in ay jiraan tol ay daris yihiin ka dibna
uu xuduuda xaqdhawro, kufsiga iyo isbaarada ka fogaado.
Ali Shire jama
sharmaake@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afee: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|