Maxaad Ku Garan Kartaa Doqonka
Abdirizak Musanaf |
musanaf@hotmail.com
Waligaa ma kala hubsatey inaad doqon tahay iyo
inkale? Ma xanaaqdaa marka qof si ulakasa kuugula dhiirrado doqonyohow amase
doqonyahay? Doqonnimadu waa erey caan ah hasayeeshee waligaa ma iswaydiisey
maxay yihiin astaamaha aad ku garan karto qofka doqoka ah?
Qoraalkaan oo kooban waxaad kaga bogan doontaa
su’aalo badan oo in badan naftaadu hore isu waydiisey.
Hadaba intaanan bilaabin waxaan kasii
afeenayaa labo arrimood
1: In ujeedadu aysan ahayn in lagu maadsado oo
kaliya
2: In daraasadani ay tahay calaamado la arkey
in doqomadu u badan yihiin sidaa darteed aan qofkastoo lagu arko lagu tilaami
Karin inuu doqon yahay.
Qeexidda doqonnimada.
Afka soomaaliga ereygaani wuxuu ku yahay
dhimanaansho, siloonaan, amase qof ka hooseeya heerkii garaadka qofka caadiga
laga malayn karey.
Inkastoo uusan jirin miisaan qofwalba lasaaro
si loo ogaado heerka garaadkiisa hadana waxaa la wada ogsoon yahay in dadku ugu
kala sareeyo xaga garaadka iyo caqliga sida xidigaha iyo dhulku u kala
sareeyaan.
Dadku marka dhankaan laga eego wuxuu u qayb
samaa sadex qaybood
i. Qayb markii la arkey dhaqankooda iyo sida
ay arimaha u maamulaan amase wax soojeedintooda la gartey inay yihiin dad
heerka garaadkoodu sareeyo waxaa loo aqoonsadey diricyo
ii. Qayb markii la arkey ayagana dhaqankooda
ayagana loo aqoonsadey inay yihiin dadka caadiga ah waana sida dadku u badan
yahay amase la yiraahdo qofkani dadkiisuu ku jiraa.
iii. Qayb markii la arkey muuqaalkooda amase
sida ay fikradooda u cabiraan amase astaamahooda kale la arkey in heerkoodu ka
hooseeyo dadka caadiga ah isla markaana loo aqoonsadey doqomo.
Hadaba qaybtan ugu dambeysaa waa mida loo
yaqaan doqomada inkastoo hadaba cadadkoodu yar yahay hadana waxaa jira in badan
oo astoomahooda kamida inay ka muuqdaan dadka caadiga ah waxaa dhici karta in
qofku leeyahay hal sifo doqonnimo amase wax ka badan qof walibana inta ay
sifaadkaasi ku badan yihiin ayuu doqonnimada u dhow yahay.
Doqonnimada laf ahaanteeda waxaa loo kala
saaraa qaybo badan oo waa heerar badan oo sii kala liita waxaa jira tan
soomaalidu u taqaan duufleey oo doqonnimadeedu iska muuqato iyo kuwo dadka aan
aqoon ka qarsoomi kara laakiin qofkii bartaa uu garan karo sidoo kale waxaa
jira dareen leey oo laga wado qof cidkasta moodaaya inay isaga xamanayaan ama
isaga u danleeyihiin sidaa darteed dadkoo dhan waa lacol iyo daableey oo laga
wado in doqonku dagaal badan yahay.
Sidaa darteed inta badan waxaan xooga saarayaa
calaamadaha aad ku garan karto doqonta qarsoon astaamahaas intooda badan si
guud ayaan u taabanayaa insha allaahu.
Astaamaha Doqonnimada
Calaamadahan lama oran karo qofka tilmaamaya
wuxuu fara galinayaa abuuristii alle labo sababood awgood tan koowaad
qoraalkani kaliya waa kawaramid tilmaamahan sida loo arkey tankale anigu kuma
doodayo qofwalba oo laga helo inuu doqon yahay laakiin waa sida ay u badan
yihiin hadaba calaamadihii waa kuwan.
Astaamaha doqonku waxay u qayb samaan labo
qaybood qayb muuqaalka laga garan karo iyo qayb dhaqanka iyo ficilladiisa laga
garan karo marka labadan qaybood sida ay u kala horeeyaan ayaan wax uga
tilmaameynaa.
Astaamaha xaga muuqaalka.
Calaamadaha muuqaalka oo badan waxaa ugu wayn
isu miisaanaan la’aan ama isu dheellitiraan la’aan xaga jirka ah waxaa laga
wadaa in sidii abuurista alle looga bartey ee ahayd isu dheelli tiraan uu ka
duwan yahay.
Tusaalayaal.
Qof dheer ama baaxad wayn oo aad u madax yar
sidoo kale madaxoo si xad-dhaaf ah u wayn amase daamankaa aad u balbalaaran
amase.
In qofka dhaguhu aad u yaryar yihiin sidoo
kale in labada dhagood ama midood aad u wayn tahay amase aad uu u fara
gaagaaban yahay amase faraha suulasha cagaha aad u dheerdheer yihiin heer aan
caadi ahayn.
Xaga socodka wuxuu caan ku yahay inuu
hamagsado hamagsigu waa qof marka uu soconayo laga garanayo maahsanaan.
In qofku uusan qoor lahayn sur lahayn oo surku
garbaha ku malaasan yahay amase wajigu si xad-dhaaf ah u wareegsan yahay (sida
qaraha) amase in timaha ilaa garbaha uu ku leeyahay timaha madaxu meel kuma
joogaan ilaa garabka waa iska taxan yihiin.
In qofku uu caydhareer badan yahay amase si
aad ah u kala daadsan yahay.
In indhaha jeexooda xaga dhafoorka aad ugu
jeexan yahay dilaaca indhaha aad ayuu usii jeexan yahay xaga dhafoorka.
Qofka doqonka ah waxaadan kaloo ku garan waayn
waligiis waxaa ka muuqda daryeel la’aan sida inuusan nadiif ahayn xaga dharka
waa wasakh waxaa ku baxa cidiyaha ama timaha ama macaday sado.
Astaamaha xaga hadalka iyo dhaqanka
Astaamahaan oo badan waxaad ku garan kartaa
tusaalayaashaan.
Doqomada iska muuqda waxaa kamida hadal loo
yaqaan afqabaluus waa hadal hooseeya sida inuu aad u isticmaalo bax ama qof
wayn ayuu ku oranayaa futada day.
In qofku socod badan yahay yacni meel kuma
hansan karo intaad halkaan fadhido sodon jeer ayuu xagiyo xaga kuu dhaafayaa oo
kusoo galayaa sidoo kale markuu soconayo aad ayuu u milicsi badan yahay xaguu
fiirinayaa oo xaga fiirinayaa mararka qaarkood intuu istaago ayuu gadaal
fiirinayaa aad u jaleecid badan yahay.
Xaga cagaha rays-magaadho malaha cagta qaybta
dhulka ladhigo oo siman malaha qaybta godan oo aan dhulka taaban.
Waxaa ka mida inuusan wax raxmad ah lahayn wax
uu jecel yahay majiraan ilmaha caruurta ah hadii uu arko waa kala jabinayaa
waxaan macno lahayn dartood ama cidkasta oo uu ka awood roon yahay.
Waxaa kamida layaab badnaan waxaan macno
lahayn hadaad u sheegto waa dhanqaxayaa oo afkaa yaab dartii lakala tagaya
hadaad rabto inaad qof doqonnimo ka tijaabiso sheeko been ah oo aan jirin ama
aan macno lahayn uga sheekee haduu aqbalo oo ladhoco oo aad ugu qoslo waa
calaamad doqon haduu danayn waayo sheekadana waa qof fiican sidoo kale haduusan
wax muhiim ah markaad u sheegayso danayn waa calaamad doqon.
Waxaa kamida hadal badnaan gaar ahaan waxaan
dani ugu jirin
Sidoo kale inuu cidwalba ku kalsoon yahay qof
uusan aqoon waa isaga kalsoon yahay sidoo kale kama fiirsado natiijada shay
walba waxa uu samaynayo waxa ka dhalan kara kafakari mayo.
Sidoo kale inuusan wax aqoon ah lahayn amase
inuu aad u jawaab ku dhaqso badan yahay.
Waxaa kamida sida uu ugu farxo amaanta beenta
ah hadaan wax been ah ku amaanto aad ayuu ugu farxayaa oo islawaynaanayaa oo u
qaadan waayayaa halka qofka fiican markaad wax beena ku amaanto uu ku oranayo
war waxaas iga jooji run maahee.
Waxaa kamida qosolka oo si xad-dhaaf ah uu ula
dhoco sida dameeraha ayuu ugu dhufanayaa sidoo kale doqomada waxaa kamida kuwo
aan sifiican u qoslin wuxuu oranayaa ixxi oo kaliya, inuu iska caroodo isagoon
waxba cidi u gaysan sirta oo uu faafiyo wararka oo si waalan ugu dhexdhoco
dadka xun xun oo waligiiis ku dhexjiro inuusan kala aqoon cadowgiisa iyo
saaxiibkiis inuu wax ku bixiyo waxaan macna ku jirin inuu marwalba isu haysto
inuu dadka ugu caqli badan yahay inuusan wax walba oo maskaxdiisa ku soo dhaca
ceshan Karin waa ku hadlayaa.
Waxaa kamida xishood la’aan iyo inuusan ka
gabban wax fuulxun inuu ummadda horteeda ku sameeyo isagoon ka xishoonayn
doqonka hadaad kafogaato oo goyso waa murugoonayaa hadaad usoo dhawaato oo
xariiriso wuxuu ku moodayaa inaad daba ordayso oo waa ku yasayaa waa kugu
kadsoomayaa hadaad u dulqaadato dushuu kaaga baxayaa hadaad wax foolxun ku
samaysana waa kuu dulqaadanayaa oo malahan dareenkii xanaaqa sidoo kale hadaad
wanaag u samayso wuxuu moodayaa inuu xaq kuugu leehayay oo waa ku xumaynayaa
waxaa kaloo kamida inuu dadka ku ceebeeyo waxa uu isaguba sameeyo.
Calaamaad guud oo doqonnimo
Calaamadahaan waa calaamado doqon laakiin
dadka caadiga ahna ku badan
Waxaa kamida dagdagga fudaydka qallafsanaanta
islawaynida faajirnimada dhoohnaanta khayaanada gardarada dayaca maahsanaanta
istusnimada kibirka markuu hanti helo kibirka markuu faqriyana quusashada
markuu wax waydiisto ku ilxaaxinta dareen la’aanta dhiiranaanta hororsiga
gadaalka-garashada iyo fahan la’aanta.
Hadaad calaamadahaan hal iyo waxka badan isku
aragto waxaan kugula talinayaa inaadan markiiba doqon ismoodin sababtoo ah
waxaan sheegey in dadka caadiga ahba laga heli karo calaamadahaan amase in qof
fiican uu yeelan karo qaar kamida calaamadahaan.
Waxaa la isku raacsan yahay in fulaynimadu
aysan kamid ahayn calaamadaha doqonka sidoo kale ishii-qaate nimada sidoo kale
bakhayl nimada calaamadahaan ma fiicna laakiin astaamo doqon laguma tilmaami
karo.
Waligaa Halla saaxiibin doqon
Waligaa hala saaxiibin doqon sababtoo ah
waxaad ogaataa inuu yahay qofka ugu horeeya oo ku waxyeellayn doona waa cadow
aadan ogayn ama cadowgaaga ayuu kuu shirqoolayaa mararka qaarkood asagoo raba
inuu wax kutaro ayuu ku waxyeellaynayaa.waxaa lagu maahmaahaa saaxiibkii aan
caqli lahayn waa cadow xattaa hala fariisan waligaa waxaad kaloo ogaataa
inaadan waligaa doqon ka aargoosan Karin sababtoo ah adugu kuma dhiirran kartid
waxa uu ku dhiirran karo sidaa darteed waligaa ha u caroon waa qof dhiman.
You can feedback to
musanaf@hotmail.com
By Abdirizak Musanaf
»
Cudurdaar Ha Bixiyo: Qoraaga Soomaali-nimada maxay..."
[Musanaf]
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2003
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|