SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

ETHIOPIA MA NINBAY RASSAAS MADAXA KAGA HAYSAA ?

Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

KAAH

Waxa caaddo u noqotay Somalida qaarkood , gaarahaan kuwa isku sheega siyaasiin ama waxa garad, in ay dhibaatada ka taagan dhulkooda ku ceebeeyaan dal aan habayaraatee wax shaqo ah ku lahayn dhibaatada iyo silica ay dadkooda badeen. Waxa ay Cabdul Qaasim iyo intii taageerasanayd kooxda Carta ku cambaareeyaan Ethiopia inaanay rabin in uu qaran Somaliyeed dhismo, taas oo sabab looga dhigo in ay Ethiopia taageerto kooxda SRRC, koodaas oo ay ku sheegaan in ay ka dambaysay bur burkii kooxda carta. Runtii waxa sabab u ahaa burburkii Carta sidii loo soo dhisay, ciddii dhistay iyo intii hogaaminsay.

Ta koobaad Carta waxa soo dhisay dhawladda Jabbbuuti oo dano gaara ka lahyd , dantaas oo ahayd , in ay Jabbuuti xidhiidh fiican la lahayd taliskii Siaad Barre , xidhhidhkaas oo ahaa mid daqaale iyo mid siyaasadeedba.Intii uu Siyaad Barre tala u hayay Somalia , ganacsatada Somaliland waxa ku qasbanaynd in ay wax kala soo dagaan dakadda Jabbuti, taas oo ay dawladda Jabuuti cashuur badani ka soo gali jirtay.

Ta labaad ee ay Jabuuti u dhistay Carta ayaa ahayd in ay cabsi kaga timid dhaqdhaqaaqii dimoqraadiga ahaa ee sida xawaaliga ah uga socday Somaliland oo ay istidhi , waxa uu saamayn ama kicin ururada mucaaridka ah iyo saxaafadda xorta ah.

Waxa aynu ognahay in hogaankii Carta iyo ragga ka muuqday ay u badnaayeen hadhaagii Siyaad Barre, waxana ka mid ahaa , Cabdul Qaasim, Xasan Abshir iyo Galaydh, Gaani iyo saraakiil badan, oo intuba taageeri jiray taliskii kacaanka, taas oo keentay in ay dadkii Carti u cuntomiwayday, hanana kari waayeen kalsoonidii ummadda, inkasta oo ay dadka reer Muqdisho taagnaayeen dawlad xun dawlad la' aan bay dhaantaa, dhibaatadii ku hobsatay awgeed.

Arinta labaa ee ay Carti u gaabisay ayaa ahayd , dagaaldii sookeeye ee ka dhacay Xamar kadib markii la soo dhisay dawladdii Cali Mahdi, sababta dagaalkaa keentayna ay ahayd la tashi la'aantii iyo ka soo qayb galin la'aantii ururkii USC ee uu Caydiid hogaaminayay, taas oo sii kala fogaysay, jufooyinka Caydiid iyo Cali Mahdi, keentayna in ay Carti taageero ka heliwayday jufaddii Cali Mahdi iyo jufooyin kaleba ee ka soo jeeda degaanka, taas oo ay Carti ugu muuqatay hadhaagii Siyaad oo soo gashaday shaadh beeleed iyo diin.

Hadaba haddii aan fiirino sida ay SRRC u saamasy kooda Carta , waa ta koobaade waxa aynu ognahay in ay ragga ugu cadcad SRRC ay yihiin , Xuseen Caydiid, Cabdilaahi Yusuf, Shaati Guduud iyo Morgan, oo intuba wada ah hogaamiye beeledyo iyo hogaamiye jufo (jilib) taageero buuxdana ka haysta beelahooda iyo jufooyinkooda,haddii aanay taas jirina ay bari hore kooxda Carti cagta marin lahayd.Dhawr jeer ayuu Galaydh sheegay ama ku qubadeeyay in ay ciidamada Carta ay cagta marin doonaan ciddii ka hortimaad , goortaas oo ahady mar ay isku dhaceen maleeshiyada Caydiid iyo kuwii carti. Waxa ka qarsoonayd Galaydh in ay maleeshiyda Carti ahayd oo kelya jufada Cabdul Qaasim, taas oo keentay in ay ka cadhoodaan beelwayntii Hawiye hadaladii ka soo yeedhay Galaydh iyo dagaaldii dhexmaray jufooyinkii Caydiid iyo Cabdi Qaasim, una arkeen in uu Galaydh yahay nin Shisheeye oo isku dilaya dad wada dhashay.

Arinta u wayn ee loo fasaxay Glaydh ayaa ahayd cadaadis kaga yimid Qaasim xagga beeshiisa, lana yidhi haddii aad wax ka qabanwaydo Galaydh iyo hadalada ka soo yeedhaya in ay kalsoonida kala noqonayaan, taas keentay in ina Glaydh la fasaxo, dagaaldii jufada Qaasim wadeena la joojiyo. Arinatani waxa ay mesha ka saaratay in la dhiso ciidamo Somali matala, halkaana ku koobtay in uu Cabdul Qaasim lahaado maleeshiyo ka kooban jufadiisa. Taas oo ah arinta u wayn ee Carti u jaan qaadiwayday ama uga socon wayday Xamar , oo habayaraatee aanay Ethiopia wax shaqo ah ku lahayan, se caado u noqotay Carta marmarsiiyo Ethiopia dusha laga saaro.

Waxa aynu ognahay in uu CabdiLaahi Yuusuf yahay hoogaamiye beeleed ama Harti isku qariya magaca Buntlaand, Koleneelku waxa uu taageero buuxda ka haystaa beeshiisa , carqaladda qudha ee uu keenay Carta waxa ay hayd taageerid la'aantii uu taageeri waayay. Waxa ay Carti isku dayday in ay xoog ku saarto Cabdilaahi dhaqaale badan way ku bixiyeen kala qaybinta Majeerteeniya mrkii ay taageen xogagii Jaamac Cali , inkasta oo ay suuroobi wayday. Carta ka hor ayuu Koleneelku la lahaa Ethiopia xidhiidh, kaas oo sii xoogaystay markii Carti isku dayday in ay qasto Majeerteeniya. Hadaba eedaynta kooxda Carta iyo taageera yaashooda ee Ethiopia ayaa ah wax aan sal lahayn, marka la eego fara galinta Carta ee Majeerteeniya.

Ehtiopia waxa ay taageertay Carta ka hor RRA iyo Shaati Guduud markii uu la dagaalamayay xoogaggii ku hayay dulmika dadkiisa , dhulka RRAdana xooga haystay taas oo ah wax Ethiopia loogu garaabo. RRAdu waa tii ka qayb gashay shirkii CARTA hase yeeshee dhibaatada iyo kala qaybinta kala kulantay, Taas sabab u dagaalada sokeeye ka socda Baydhabo khasaare wayna gaadhsiisay ummaddii halkaa daganayd.

Haddii aanay Caydiid, Cabdilaahi Yusuf, Moorgan iyo markii hore Shaati Guduud aany taageero ka haysan beelahooda ama jufooyinkooda , taageerida dhawrkan nin ee Ethiopia maxay taraysaa? Ethiopiase ma qoribay madaxa kaga haysaa oo leedahay haddii aad sidaa yeeliwadaan waan idin toogan? Jawaabtu waa maya , oo raggan waxa taaggeersan beelahooda iyo jufooyinkooda, haddii aanay taageeradaa haysana aanay Ethiopia taageerideedu waxba u ahayn. Markaa Ethiopia waxba yaan loo eed sheegan, ee bal dib iskugu noqda.

Runtii ka hor immaanshihii SRRC ee Carta waa wax loo garaabo , oo waxa ay ishortaageen in uu hadhaagii Siyaad wadanka iyo nabada afduubo haddii ay Ethiopia taageertay iyo haddii ka leba, marka Moorgan oo ku xidhan beeshiisa iyo Cabdulahii Yusuf laga reebo.

Haddii aynu nacaybka Ethiopia ku xidhayno Somaliland ayay taageertaa, runtii Ethiopia qaybo ka mida bulshada Somaliland markii uu xasuuqayay Siyaad Barre , waxa ay Ethiopia u qaabishay Qaxooti ahaan oo waa la soo dhaweeyay, halka ay Jabuuti iridaha

ka xidhatay, taageero ay u hayeen Siyaad Barre awgeed.

Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com

 QORAALADII HORE EE MAXAMUD SAMATAR

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 18, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD