Max’ed Cali Max’uud (Kooshin)
“Marka waxaan is iri si looga gudbo arrintan ku taxaluqda qabiilka armey
fiicnaan laheyd in qabaa’ilka waaweyn in la yiraa iska nasta”
Su’aal. Ka waran xaalada uu haatan shirku
marayo.?
Kooshin: Shirka sidda aad la socotid wuxuu
marayaa heer gabogabo ah, waadna iska garaneysaa arrini marka ay timaado meesha
ugu dambeysa, waxyaabo badan oo caqabada ahi waa ay iska imaan karaan waxaanse
qabaa shirku in uu guuleysan doono Insha ALLAAH, rajada aan ka qabo in uu
shirku guuleystana aad bey u weyn tahay oo waa 100%.
Su’aal.
Waa maxay sababaha shirka loo hakiyay baad isleedahay.?
Kooshin :
Sababta loo hakiyay waxaa weeyaan xubno ka tirsan qeybaha loo baahan yahay in
ay nabada ka wada qeybgalaan ayaa in yar ka biyo diiday qodobo ka mid ah
dastuurka, kadibna waxaa la isku afgartay oo nimankaan International community
la yiraa ay qolada IGAD u soo gudbisay kadibna IGAD ay soo marisay
hoggaamiyayaasha siyaasada & ergada in nimankaa la siiyo waqti gaaban oo 10
berri ka yar si dadkii shirka ka baxay oo uu C/qaasim ka mid ahaana wafdi loogu
diro, looguna qanciyo oo laga codsado in uu shirka ka soo qeybgalo, sidoo
kalena rag kale oo uu ka mid yahay Muuse Suudi oo iyagana wax ka biyo didsan in
ay shirka ku soo noqdaan, wixii ay tabanayaana ay shirka dhexdiisa kaga hadlaan,
dhibaatada ummada Soomaaliyeed haysatana ay u arkaan sidda ummada kale ee
Soomaaliyeed u arkeyso taas oo ah wax ay kooxi dooneyso in laga hormariyo
dantii guud.
Su’aal .
Ma fileysaa in hakadkan shirka loo soo galay loogag gudbi karo si sahal ah.?
Kooshin :
In shirka ilaa guul laga gaaro aan lagu kala tegeyn hadduu ALLE idmo waxaa
balanqaadkaa bixiyay dowladaha shirka maamulaya, waayo sidda aad la socoto
Soomaali gogosha ma aysan dhigin oo waxaa gogosha dhigay dowladaha Afrika oo u
xilsaaray arrinta Soomaaliya ururka la yiraa IGAD isla markaana ay IGAD u
xilsaartay seddexda dowladood oo la yiraa safka hore (front line states) waxa
shirka maalgelintiisa bixinayay-na waxey ahaayeen International community-ga oo
ay ka mid yihiin dowladha yurubta midowday J/Carabta, Mareykanka & dowlado gaar
gaar ah, hadaba nimanka shirkan dhigay & kuwo qarashka ku bixiyay waxey
balanqaadeen in aan lagu kala tegeyn ilaa shirkani guul laga gaaro, laakiin
arrin baa rahman taas oo ah in beesha caalamku arrintii ay u arkaan in ay gar
tahay ileyn Soomaalidii iyaga ayaa u gar qaadayee aaqirka waxey noqon doontaa
in markaasi loo bandhigo Soomaalida in ay cod (Vote) qaadaan oo dhicii loo
badan yahay la raaco, beesha caalamkuna uu ku qanco in ay arrintaasi Legitimacy
leedahay, dee markaa intii laga bato waxey ku qasbanaan doontaa sidda
adduunyada caado ka ah in ay u hoggaansamaan dhinaca inta badan.
I I D H
E H
|
|
Su’aal:
Waxaad sheegtay in aad tahay musharax jagada madaxweynenimada shirka marka waa
maxay qorshaha aad sidatid ee lagugu dooranayo.?
Kooshin:
Anigu waxaan isku dayayaa haddii ILLAAHEY idmo in aan jagadaasi u istaago,
waana ku jira liiska ragga tirada badan oo sharaxan, igamana ah anigu dad baa
is sharaxaye adiguna is sharax qorshe xooggan oo waqti dheer ah oo haddii
ILLAAHEY idmo mira dhal noqon kara hadduu fulo ayaan anigu wataa, marka ugu
horeysa sidda aad la socotaan dadkii Soomaaliyeed waxaa lagu fujin waayay oo
dhibaato ku noqday qabiil oo qabiilkaas baa loo qeybiyay ummadii Soomaaliyeed
oo waxaa la yiri afar qabiil oo waaweyn &bar ayaa wax lagu qeybsanayaa, marka
4-ta qabiil oo waaweyn mid ka mid ah haddii uu xukunka qabto kuwii kale ee
seddexda ahaa oran mayaan mid ka mid ah ayaa xukunkii qabtaye aan gacan siino
oo waxey u qaadanayaan in laga adkaaday waxeyna galayaan is adkeyn, waxaana
dhacda in si dabacsan oo lilaahi ay ula shaqeyn waayaan, isla markaana qabiilka
xukunka qabta waxa jira dad badan oo dagaaladii sokeeye ay saameeyeen oo waxaad
arkeysaa in nin waliba ay daba socdaan dad tiro badan kuwaasoo leh haddii aad
xukunka qabatid dhibaatadii na gaartay ayaan ka soo kabaneynaa, wixii
aanmudanay intii aan u dagaalameynay in aan jagadaa ku saarnana waa dushaada
halkaana waxaa ku lumaya wixii ummada Soomaaliyeed u dhexeeyay in ay dhibaato
noqoto in ummada loo qeybiyo ama loo xaqsooro, marka waxaan ku fekeray aniga oo
marka Soomaali la eego ka dhashay qabiilka la siiyay qoondada 5-ta ah marka
waxaan is iri si looga gudbo arrintan ku taxaluqda qabiilka armey fiicnaan
laheyd in qabaa’ilka waaweyn la yiraa iska nasta oo dad waxgarad ah oo caalamka
la socon kara oo cadaalad sameyn kara, Islaam ah oo aan qabiil ku fekereyn isla
markaana aaney daba yaaceyn ummado tiro badan armey xukunka qabtaan oo ummadii
la kala fadhiisiyaa oo duruus la baraa dadka kani sidda ay ku hagaagi lahaayeen
adduunyadana ula mid noqon lahaayeen wadankoodana uga howl geli lahaayeen,
marka haddii ILLAAHEY igu guuleeyo jagadaasi waxaan qorsheynayaa in aan isugu
yeero ciidamadii Soomaaliya madaxdeedii sida jananadii & saraakiishii sare ee
ciidamada oo dhan kadibna aanu degno meel magaalada ka baxsan, waxaana markaa
kadib saraakiisha aanu weydiin doonaa suuratagalnimada sidda dalka lagu qaban
karo, talaabada xigta-na waxey noqon doontaa in aan diyaarino ciidan Soomaali
oo dhan ka kooban oo isku dheelitiran resource-ga la helayana aan xagaa xooga
saarno, haddii aan ciidamadaa sameyntooda la xaqiijina waxaa la sameynayo oo
dhan hadal bey noqneysaa, markaa kadib ayaanu codsan doonaa ciidamo caalami ah
oo nagala qeyb qaata siddii aan dadka hubka ugu dhigi laheyn, waxaana
ciidankaasi aan u diyaarin doonaa una howlgelin doonaa si ka hufan qabiil & nin
jeceleysi sharciga keliyana uu na kala hagayo, waxaan kaloo hirgelin doonaa
dastuur halka laga aqriyo, anaga oo u hirgelin doona sidda uu yahay ciddii uu
dembi saarayana lagu qaado ciddii kale-na sidda uu qabo looga tixraaco, waxaan
kaloo dooneynaa in 18-kii gobol ee ay dowladdii hore ka tagtay in qeyraadkii
dalka soo gala wixii ka soo hara dowladda dhexe & ciidamada oo ah wax la isla
ogyahay in gobolada 18-ka ah ee dalka in si siman loogu qeybiyo oo lala
kaashado dib u dhiska & soo nooleynta hay’adihii dowliga isla markaana aan
lacag cadaan ah nina loo gelin oo waxa la sameynaya ay noqoto projects aad
looga taxadaray.
Su’aal:
Rajadaada in aad guuleysato intee bey la egtahay.?
Kooshin:
ILLAAHEY baa ku shaqo leh taa oo ciddii uu is
yiraa waa u garatay weeyaan, dad badan baanu is aragnay oo badidood ay u
riyaaqeen barnaamijkeyga, wax aniga kuleyl ah ama dhibaato ah oo aan aheyn
dalkaaga u gargaar oo u shaqee, burrito ILLAAHEY hortiisa awooda shaqsiga ah ee
ILLAAHEY ku siiyay maxaad ummadaada muslimkaa oo siddaa u baaba’san ugu adeegi
weyday weeye aniga moltibeyshinka ugu weyn ee aan wataa haddii aanan markaa
helina wax dhibaal ahi ma ahan, waxaana balanqaadayaa in cid kasta oo ku
guuleysata si sharci ah in aan la shaqeynayo
Waxaa waraysiga qaaday:
Mr.Adam (Howle)
adabdulle@hotmail.com
Canada
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|