SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Waftigii nabadeynta ee uu hogaaminayey Abwaan Hadraawi oo si fiican loogu soo dhaweeyey Laascaanood

Qore:

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

waxaa maanta magaalada Laascaanood soo gaadhay waftigii nabadaynta ee uu hogaaminayey Maxmed Ibraahim Warsame Hadraawi, waftigaas oo si balaadhan oo aad loo soo agaasimay laagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood.

Hadaraawi ayaa dadweynaha magaalada Laascaanood kala hadlay fagaaraha ka soo horjeeda saldhiga booliska ee degmada Laascaanood,halkaas oo uu ka soo jeediyey hadalo aad u qiiro geliyey dadweynaha magaalada Laascaanood ,gaar ahaan markuu ku dhawaaqay in uu Soomaaliya oo mid ah aamin san yahay, OO MIDEYSAN.

waxakale oo uu sheegay in uu safarkiisan go'aan saday in uu ku soo gabagabeeyo gobolka sool ,oo ah meeshii ay xundhurtiisu taalay ehelkiisuna ku nool yihiin.

waxa kale oo fagaarahaas ka hadlay jiif Caaqil Cabdi Jaamac Cabdi Bile oo isaguna ku hadlaayey magaca cuqaasha deegaanka ,isago oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin waftigan nabadeynta ee gobolka soo gaadhay,wuxuuna intaasi ku daray in ay taageerayaan nabadeynta ay wadaan waftigani, Sulub Cali Gaas oo ah Gudoomiye ku xigeenta Gobolka ee maamul goboleedka Puntland ayaa isaguna waftigaasi ku soo dhaweeyey fagaaraha .

waxakale oo halkaasi ka hadlay abawaan Mustafe Shiikh Cilmi oo isaguna goobtaasi ka tiriyey gabay aad u qiiro badanaa oo ka hadalayey nabadeynta.

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay maki xaaji banaadir oo isaguna halkaasi ka tiriyey maanso dadweyna aad u xiiso gelisay.

Abwaanka caanka ah ee Jaamac Kadiye Cilmi ayaa isaguna fagaaraha ka jeediye gabay aad u qiimo badanaa .

laguna soo gabagabeeyey xafladii balaadhnay.

abwaanka iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa saaka aroornnimadii lagaga hortagey meel magaalada u jirta 50km, halkaas oo dadweyn aad u tirobadan iyo gawaadhi gaadhaysa tobonaan lagu soo dhaweeyey ,markii danbena magaalada badhtamaheedi sifiican loogu sacabo tumay.

abwaanka iyo waftiga uu hogaaminay oo ay ka mid yihiin ,abwaaniin badan oo caan ahi waxaa ka mid ah.

Mustafe Shiikh Cilmi, Maki Xaaji Banaadir, C/qaadi C. Shube , Cabdi Muxumed Amiin.

abwaaniintan ayaa waxa ay aad ula yaabeen sida ay magaalada Laascaanood u fiday horumarkana u gaadhay iyadoo qaar ka mid ah abwaaniintay ay ugu danbeysay mudo aad u fog.

 

waxaa soo diyaariyey
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2003

Qoraalkii hore ee Caddaani.... Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD