SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Kooxda Carta÷2+Kooxda SRRC÷2+Kooxda G8÷2=Kooxda Mbagathi =Kooxda Cusub EE Triboli

Wq. Abdallah Moallim Mahamud 

Moallem10@hotmail.com 

July 30, 2003 

 

KAAH

 

Waa ilaaheey mahadiis in mar kale ay Soomaali ka badbaaday dabin ay u qooleen Dowladaha deriska la ah iyaga oo kaashanayo kursi doon iyo doqon aan garan halka ay ku jirto danta guud ee Soomaaliyeed iyo tan gaar ahaaneed ee uu leeyahay shaqsi walba oo Soomaliya. Shirka Mbagathi waa kuftin kale iyo kici waa ku timid ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka horeeyay shirar kale oo shirkan uga duwanaa oo kaliya makaanka lagu qabtay oo geddigood ku dhamaaday fashil iyo shimbirayahow heesa , waxaa iyagana shirarkaas ka horeeyay ridintaanki rejiimki ina Siyaad madaxda ka ahaa iyo asbaabihi keenay in uu nidaamkaas ku dhamaado foolxumo Soomali oo dhan la degtay iyo dhicidiisi keddib oo ay bilowdeen dagaala abaabulan oo faraha looga gubtay isla markaana uu ku daatay dhiig fara badan oo Soomaaliyeed ,dagaaladaas ragga abuuray oo horboodayay waxay doonayeen in dalka uu ku socdo mid la mid ah nidaamki uu hogaaminayay Madaxweyna Maxamed Siyaad Barre oo ahaa in Qabiil kaliya gacanta ku dhigo ilaha dhaqaalaha iyo hogaanka sare ee dalka iyo in Soomaalida inteeda kale ahaato kuwa loo taliyo oo aan tala ku lahayn hogaanka sare ee dalkooda taana waa lagu hungoobay ,waxaa iyadana weli lagu guda jiraa tan iyo saddex iyo toban sanno ka hor ilaa haddeer dagaaladaas dibaatooyinki laga dhaxlay iyo dowlad la'aan iyo in aan weli lagu raad joogin helitaanka dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay tiirarkeedana yihiin alla ka cabsi, caddaalad iyo sinaan.

Soomaali Maanta waxay u baahantahay hogaamiya gacanta qabta kana soo saara mugdiga islamarkaasna la yimaado dhaqanki uu hogaamiyayaasha Soomaliyeed kaga soo saari lahaa bohosha ay ku jiraan oo salkeeda lagu wada indha beelay, Soomaali waxay u baahantahay in dadweynaha iyagana gartaan in ay danta guud ku jirto dabagalka hogaamiya ku sifoobay hufnaan dhinac walba leh ama ugu yaraan maanta ka tarjumi karo baahida loo qabo ka bixitaanka kala danbayn la'aanta saameysay waddanka oo dhan haba ugu dartnaatee Caasumadda Soomaliya Muqdisha

Xaqiiqada maanta mar kale na hortaal waa in ay weli hogaamiyayaasha Soomaliyeed aynan ka qaangaarin siyaasadooda ah garasha la'aanta in uu dadweynaha Soomaliyeed kaliya uu yahay cidda xaq u leh taageerida, ogalaanshaha iyo diidmadeedaba dowlad alla dowladi lagu soo dhiso dibadda iyo gudahaba ,waxaa iyadana xaqiiqa ah in hogaamiyayaasha Soomaaliyeed weli ku jiraan hurda dheer oo caqligooda u diiday in uu arko qaranka Soomaaliyeed marki la wiiqay in dadweynaha qola walbo horboodayo mid ugu maqan waxa loogu yeero fulinta fikirka iyo danaha taageerayaashiisa . waxaa kale oo raggan dareenkooda ka maqan in dadweynaha Soomaaliyeed maanta kala bah-dilanyahay iyo in hogaamiya walba marki ay tolkiisa aqbalaan siyaasad aynan ku taageersanayn hogaamiyayaasha kale ee Soomaaliyeed in ay hortaalo in aynan aqbalaynin reeraha kale ee Somaaliyeed oo qola kasta ku daba taagan mid u aqriya cadowtooyada ay u hayaan reer hebel iyo hogaamiyahooda waa keddib kolkuu dareenka hogaamiyahaas is taabsiiyo arrin uu ku taamayay in uu ku guuleysto in looga baxay ,taa waxaa dheer jiritaanka ayagana hogaamiyayaal sidoodaba dhaan raac ah oo goor walba ku tiirsanaado hogaamiyihi ay u arkaan in uu yahay kii ay ka heli lahaayeen wasiir haddii la waayana aanan marnana laga weynayn wasiir ku xigeen iyadoo weliba laga yaabo qaar ka mid ah hogaamiyayaashan dhaanraaca ah in aynan ogayn in ay gacantooda ku jirto mid ka mid ah furayaasha ugu muhimsan ee xalka arrimaha murugsan ee ummadda Soomaaliyeed.

In yar gadaal ugu noqo taariikhda iyo goobti uu ka dhacay shirki Carta iyo ka qeybgalayaashiisa waxaad arkaysaa in maanta ay joogaan Shirka Soomaaliweyn uga socdo gogasha taal xerada doofaareey ee Mbagathi ergooyin badan iyo hogaamiyayaal ka qeybgalay shirki Carta markaana idaacadaha la iska arko iyo kuwa maqalkaba u sheegi jiray in shirka Carta guuleysanayo lagana maarmi doono qabqablayaasha dagaalka, wadankana uu heli doono dowlad loo dhan yahay, Soomaali weyn maanta waa ka dheregsan tahay halka ay maanta mareyso natiijooyinki ka soo baxay shirki Carta iyo in uu waddanka iyo dadkaba ku soo kordhiyay dhibaatooyin hor leh iyo kala qeybsanaan xagga fikirka ah oo ku baahay dadweynaha Soomaliyeed iyo hogaamiyayaasha horboodayo dhexdooda. Waa arrin la yaab leh hogaamiyayaashi sidaa nagu lahaa shirki Catre in ay maantana shirkan ka leeyihiin hadalki iyo mid ka sii qurux badan , hilmaan hadal kuma jiro isla hogaamiyayaashaas qaar ka mid ah ayaa marki ay xamar dib ugu soo noqotay dowladdi ka soo baxday gogasha Carta oo ay garbaha u ahaayeen adduunka u sheegay maalmo keddib in ay DKM(waa kooxda Carta) ka leexatay heshiisyadi lagu gaaray Carta, arrinta sidaa ay wax u sheegayaan ma aha ee waa uun kaliya in hogaamiyahan marki gogashaa Carta la joogay uu ku riyoonayay in ay qeyb ahaan u soo gaari doonto qeyb libaax ,marki riyadiiina ay noqonweysay riwaayadi uu soo aqristay ayuu ku dhaqaaqay in uu isaga balanki ka baxo ilayn dhinaca kalaba waa hogaanka reer Cartee waxaa loo soo meeriyay riwaayad kale oo ka duwan tii ay ku riyoonayen kuwa kale ee gogashaa la qalqaaliyay in ay wax uun ka soo baxaan, isla haddeerna wuxuu ku jiraa riyo kale iyo shirkan ayaa kii hore ka fiican oo aad wax ka helaysaa, haba sheegin raggan taladaba uguma jirto waddankan aan mar kale dhidibada u aasno maamul mideeyo ummadda Soomaaliyeed , dadkeenana gaarsiiyo nabad balaaran ee lagu nasto laguna nasteexeeyo.

Shirka Mbagathi kama duwana Shirki Carta waa marka laga reebo oo kaliya kala duwanaashada goobta lagu dhigayo iyo tababarayaasha(coach) kala wato labadan koox ee kala lahaa u khidmeynta Shirki Carta iyo kan Mbagathi hadda ka socda, shirka Mbagathi, qabashadiisa iyo mira ka dhalintiisa wuxuu ka unkamay Dhisida Uururka la magac baxay SRRC oo ay dowladda Itoobiya ugu tala gashay in ay u adeegsato burburinta iyo kala daadinti guulhihi u soo hoyday kooxda Carta iyo koojkooda oo ay Dowladda Itoobiya u arkeysay in dowladaas ka soo if baxday degmada Carta ee dalka Jabuuti in ay ka hor imaaneyso masaalixa ay iyada isu tustay in ay laga maarmaan tahay in ay ku lahaato dalka Soomaaliya dowladi mustaqbalka dhow iyo midka fogba ka ambaqaado, Itoobiya waa ku guuleysatay arintaa oo ay kaalma kaga heshay Madaxweynihi DKM Cabduqaasim Salaad Xasan oo aan isaga marin wadda mideyn karto umaadda Soomaaliyeed loogana hortegi karo dowladaha damaca kaga jiro in ay gacan ku yeeshaan tala siinta iyo ku amar ku taagleynta dowladdi dalka soomaliya ka curato.

Shirka Mbagathi uga socda Somaaliweyn waa ka hoseeyaa shirki Carta oo natiijooyinki ka soo baxay burburintooda laga shaqeeyay keddib marki uu guuleystay loona adeegsaday SRRC oo iyada hadda shirkan ku leh gacan xoogan ,SRRC waa kala furfurantay oo shirkan iskuduubnaan kuma imaan waxaana kala reebay asbaaba ay ka mid yihiin kala duwanaashaha damaca awood doon ee ku kala jiray hogaamiyayaashi ku mideysanaa kooxdan ,guushi ay shirkan kala soo hoydaana waa haddii uu ku dhamaado sidi ay Itoobiya ugu talagashay ilayn Soomali kuma dhamee, waxaa goor dhow kooxdan magaceeda uu noqon doonaa kooxda Mbagathi sugayo koox aan weli loo waqlalin, magacna aan la bixin laakin aan aniga u saadaaliyay in uu magaceeda noqon doono kooxda Triboli loona diyaarinayo ka hortaga in aynan anbaqaadin dowlad ku sheega loo joogo Mbagathi in lagu soo dhoodhoobo.

Kooxda Mbagaathi kama danbayn doonto wax badan kooxda Carta ,koox alla kooxdi lagu dhiso damac gaar ah iyo faragelin shisheeya wuxuu dhameedkeeda ku danbeeyn doonaa mugdigi ay kaga idlaatay kooxihi kaga horeeyay dhaqankan sidi SNA(Salbalaar),SSA(Soodare),SRRC, kooxda Carta , kooxda Mbagaathi oo hadda u mashxaradayso maritaanka waddadi kooxihi ka horeeyay ay ku danbeeyeen iyo kooxda fooda nagu soo heyso oo aan magac la bixin laakin aan aniga u bixiyay si ku meel gaar ah kooxda Triboli looguna tala galay horjoogsiga wax loogu yeeri doono danaha kooxda Mbagathi

Gegebo iyo soo koobida qaabxumida fikirka siyaasadeed ee kooxahan aan kor ku soo xusnay iyo dhibaatada ay ummadda Soomaaliyeed la dul joogaan waxaa lama huraan ah in aan farta ku fiiqno xalka in uu ku jiro in koox walba garwaaqsato nin walba oo xaqiisa hela maahine in aan xal lagu gaareyn riya ka soo unkantay nin kaliya, koox ama dowladaha ku jahwareersan raadinta dano aan ka shaqeyneynin danaha waddanka Soomaaliyeed iyo dadkiisa oo mid ah.

Soomaaliweyn qool ka sameysan hogaamiyayaal dhiigmiirata ah ayaa qoorta loo galiyay sidi koorti lagu ilaalinayaay geela, waxaasa nasiib wanaaga ah in ay jirto fashil iyo habacsanaaan xag alleh uga timid hogaamiyayaasha lagu tiriyo in ay iyaga yahiin dhab ahaan kuwa hortaagan danaha Soomaalida, muddana loo adeegsanayay ka shaqeynta kala daadinta mideysnaanta ummadda Soomaaliyeed ee lagu doonayay welina lagu doonayo in uu dhamaado maqal danbe ee taariikheed oo ah waxaa jiro geeska africa dowlad Soomaaliyeed oo qawi ah dowrna ku leh habsami u socodka nolasha ka jirto geeska africa iyo africaba.

Kooxda Carta÷2+Kooxda SRRC÷2+Kooxda G8÷2=Kooxda Mbagathi =Kooxda Cusub EE Triboli=Xukun Jaceyl lagu Waashay=Dagaal Hor leh= Somaali Baabe'eeda

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

QORAALADII HORE EE ABDALLAH MOALLIM


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD