SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Xarunta Ibnu Baaz ee Dacwada iyo Hanuuninta

Muqdisho – Somalia

Siminaarka Wacyigalinta aradayda Jaamacadaha & Dugsiyada sare

Sannadka 1424H/ 2003

Bayaankii gabagabada seminaarka

KAAH

Waxaa maanta oo Sabti ah 02/08/2003 lagu soo gabagabeeyay Xarunta Ibnu Baaz seminaar aqoon kororsi iyo wacyigalineed oo socday laba todobaad 19-31/07/2003 ayna ka soo qayb galeen 450 ka mid ah ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Seminaarkaan oo ay ujeeddadiisu ahayd :

1- Sare u qaadidda aqoonta & wacyiga ardayda, lana dareensiiyo doorka ardaydu ku leeyihiin badbaadinta iyo horumarinta bulshada.

2- In lagu baraarujiyo ardayda qadiyadaha ummaddooda, loogana digo hagardaamooyinka cadawga ummadda.

3- Inay ardaydu fasaxooda uga faa’iidaystaan wixii anfacaya naftooda, ayna ka badbaadaan dhibaatooyinka firaaqadu u geysan karto.

4- Inay ardaydu is bartaan isuna kaashadaan kheyrka iyo ka hortagga xumaanta.

Waxay ardaydu ku qaateen duruus kala duwan oo ay ka mid tahay: Kaalinta dhalinyarada Islaamka, Taariikhda iyo ilbaxnimada Islaamka, Caqiidada Ahlu sunnaha, Dhibaatooyinka Qabyaaladda, iyo Duullaanka milatari & maskaxeed ee lagu hayo Muslimiinta.

Siminaarkan waxaa casharo ka bixiyay 11 macalin oo isugu jira macalimiinta jaamacadaha, macaahidda iyo kuwa kale oo aqoon dheeraad ah u leh maadooyinkii ay soo jeediyeen.

Intii uu seminaarku socday waxay ardaydu qabteen hawlo isugu jira cilmi baarisyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Mashaakilka dhalinyarada haysta iyo xalkeeda, Waxyaalaha bulshadeenna dhibka ku haya (Qaatka & Shaneemooyinka), Xaaladda caafimaad ee Muqdisho iyo Warbixino ku saabsan dunida muslimka. Waxaa intaa dheeraa tartanno aqooneed oo dhexmarayay ardayda maalin kasta intii seminaarku socday. Sidoo kale waxaa lagagala socday casharada seminaarka qalabka Interntka oo ay ka dhageysanyeen dadka Soomaaliyeed ee wadamada dibadda ku nool.

RASMITEL SOOMAALIYA
Waa shirkad bixisa Internetka oo xarunteedu tahay Muqdisho, wadada hawlwadaag ee soo booqo maanta.... Guji.Halkan..

Xafladdii Xiritaankana oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf kala ah: Culimada Soomaliyed, Waalidiinta ardayda, Hay’adaha Islaamiga iyo Warbaahinta magaalada Muqdisho ayay Xaruntu gudoonsiisay aradaydii ku guuleysatay imtixaankii iyo tartannadii kala duwanaa abaal marinno dhiirrigalin ah.

Seminaarkaan oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee sannadahaan lagu qabto Soomaaliya waxay ardaydu uga faa’iidaysteen sidii loogu talagalay gaar ahaan dhinacyada: Aqoonta, Isbarashada, Isku kalsoonaanta iyo dareenka masuuliyadeed ee kaga aadan ummaddooda .

Waxaan u mahad celinaynaa dhammaan dadkii ka qayb qaadatay qabashada seminaarka gaar ahaan macalimiintii sida hagar la’aanta ah u bixiyay duruusta iyo casharada.

Gabagabadii Xarunta Ibnu Baaz waxay ugu baaqaysaa dhammaan dadka jecel wanaaga ummadda ee ay ka mid yihiin: Ururrada Islaamiga ah, Ururrada samafalka, Jaamacadaha iyo Dalladaha waxbarashada inay u qabtaan ardayda iyo dhalinyarada kaleba seminaaro aqoon korodhsi & wacyigalin ah gaar ahaan xilliyada fasaxa iyagoo la kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada. Xaruntanina waxay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato barnaamijkaas.

Maamulka Xarunta Ibnu Baaz
02/08/2003

SIDOO KALANA

waxaa eey siminaaradan ka socdaan maraakizta xamar ee kale sida MARKAZKA (MUCAAD BIN JABAL) oo isaguna ey kasocdaan laba SIMINAAR oo kala ah mid wiilasha ah iyo mid gabdhaha ah ayadoo kan wiilasha ey ka faaiideysanayaan ilaa in ka badan 50-wiil halka gabdhahana ey ka faaideysanayaan in ku dhaw 70-gabdhood waxaana muuqata in maraakiztaan eey soo nooleeyeen BARAARUGA dadka soomaaleeyd ee kunool magaalda muqdisho oo ku baarugay barashada diinta islaamka iyo waliba kor u qaadida aqoonta umada soomaaliyeed ayadoo eey dadku aad u xiiseynayaan wax qabadka iyo barnaamijta MARAAKIZTAAN

W.D.Abuukay Yaasiin Xaaji daahir
abuukarsom@hotmail.com

SomaliTalk | Muqdisho Soomaaliya


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD