Sidaanu wada ogsoonahay Somaaliya waxay lahaan jirtey
maamulo dawladeed oo kale duwanaa kuwo shibil ahaa iyo mid militeri ku dhisneyd
intaba waxaa madax ka wada ahaa haraagiii xiligii gumaysiga xirfadaha kala
duwan ugu shaqayn jirey ciidamadii gumaysiga, kuwaas oo u kala qaybsamay kuwa
ay dani ugu jirto:-
(1) In dadku soo doortaan ilaa heer degmo madaxdooda
sidii dowlihii shibilka ahaa ee Adaan cade iyo Abdirashiid. taasoo saamaxaysay
in degmo waliba hesho nidaam ay ku doorato maamulkeeda kulana xisaabtanto
dowlada dhexe barnaamijyadeeda horimarineeed xag dhaqaale iyo xag kaleba.
(2) In dalku noqdo mid leh dawlad dhexe oo militari ah
maamulkuna sare uga yimaado dadka. taasoo saamaxaysay in degmo waliba uu
maamulo maaamul aaan degaan ahaan degmadaa shaqo ku laheyn una hayn wax lexo
jeclo ah horumarkeeda inuu lunsado wixii ka soo baxay oo dhaqaale ah iyo wixii
ay ka heli laheyd khasnada dhexe intaas uun meeeha u jooga, ahna midka dhaliyay
in dakii soomaaaiyeed inay ridaaaan xukunkaa milatariga ah kana horyimaadaan
waxa ala wixii damacsan in ay dib ugu xukumaan nidaamkaas.
Waa Noocee Dagaalka sokeeye ee Somaliya?
Waxgaradka soomaliyeed sida ay wada ogsoon yihiin
dagaalka soomaliya ka dhacay waxaa uu lahaa horseedayaal ama abaabulayaal kala
siyaasad duwan oo laakiin kala miisaan badan:-
(1) Kuwo kowaad waxay ahaayeen saraakiil dooneysay inay
iyana jaanis xukun militari helaan oo ay dib ugu xukumaan soomaaliya. qoladan
waxay adeegsatey oo ay dagaalka ku magacawday hadba sidii ay beelahooda uga
heli lahaayeen ciidan, inta badan waxay jeclaayeen inay dagaal ku qabsadaan oo
aysan umada u ogalaan in wada tahsi umdu yeelan si aan nidaam shibil ah mar
dambe dalka uga dhalan.
(2) kuwa labaadna waxay ahaaayeen haraagii xukuumadihii
rayadka ahaa ee lixdameeyadii iyaguna waxay damac sanaayeen inay dib usoo
ceshadaaan nidaamkoodii militarigu ka inqilaabey1969kii. qoladaan waxay
adeegsatay odayaal dhaqameed yadii la xiliga ahaa ee uu caburiyay taliskii
militariga ahaa inta badana dagaalada waa ay ka soo horjeeedeen, waxayna ku
dadaali jireen in umada somaliyeed ay goboladooda maamulo u samaystaan kalana
tahsadaan odey dhaqameeyadooda markaana la isku imaado.
(3) kuwan sedexaadna oo ah qolada ugu awooda badan
waxay ahaayeen Bulshada soomaaliyeed oo dhibsaday nidaamkii keligii telisnimada
ahaa oo ay aad u dhibsadeen maamulada dusha dowladu uga keeni jirtey
deegamadooda kuwaasoo degaan walba kula dhaqmi jirey qeybiyo xukun. dagaaalka
ugu xooga badan waxaa uu ka yimi bulshada soomaaliyeed waxaana lagu magacaabay
(GO HOME WAR) - (GURIGAAGI AAD) kaasoo macno weyn xambaarsanaa asaasna u ahaa
dagaalka sokeeye ee ka dhacay somaliya ilaa hadana ka socda meelo badan oo aan
weli laga qaadan GO HOME ka oo ay joogaan dad diidan inay guryahoodi dib ugu
noqdaan oo ay maamulo ka soo samaystaan markaas umada soomaliyeed si xaqa
maamulka ula qaybsadaan maskax doodana ka saaaran nidaamkii isku dulnoolashaha
oo taliskii siyaad bare oo kale inaanu somaali kusoo noqon doonin.
Runtii dagaalka sokeeye ee soomaliya waxaa lagu qeexay
uuuna yahay mid ku salaysan GO HOME WAR waxaa kuu cadayn kara dagaalku markii
uu bilowday xiligii SSDF, SNM USC, SPM, RRA….iwm. intuba waxa asaas u ahaa in
deegaamadoodu GO HOME ka hirgalo kana samaysmo maamul u cuntama degaamadooda.
Dagaalkii ugu weynaa ee Muqdishana markii uu dhacay
waxaa GO HOME ka si fudud u qaatey ooo gobolodoodii aadey bulshadii gobalada
Waqooyi Galbeed ee muqdisha ku sugnayd waxaana ku sii xigsadey bulshadii
gobollada Waqoooyi Bari intoodii Muqdisha ku sugneyd halkaasoo ay degaamadoodi
maamulo ka samaysteen nabadna ay ka jirtey 11 kii sano ee ugu dambeysay ilaa
haatana ay sugayaan inta gobolada koonfureed GO HOME ku si buuxda uga
hirgaleyso.
Meelaha ay nabadu aysan weli ka jirin waa Gobollada
Banaadir, Shabeelada Hoose, Jubada dhexe, Jubada hoose waana gobolada ay
joogaan weli dadka diidan inay gobollodoodii dib ugu laabtaan una ogolaadan
dadka ay dulsaarka ku yinhiin inay maamul u samaystaan degamadooda iyaguna
degaankoodii ay ka soo samaystaan. Taas oo asaas u ah in ay shaqeyn waayaan
dekadii xamar iyo garoonkii caalimaga aahaa ee Muqdisha loona la yahay kalsooni
lagu furo looguna sameeyo maalmul ka kooban deegaamada koonfureed oo isku
kalsooon.
Maanta Maxaa Xal u Noqonkara Soomaliya
Runtii qofkastoo waxgarad ah oo soomaliyeed lana socda
xaqiiqda soomaliya maanta haysata waa uu garan karaa in ummada ay axal ugu
jirto in salka hoose ay haboontahay in laga soo askumo dawladnimada soomaliyeed
ilaa heer degmo ama tuuulaba ay maamulada kasoo bilabaan, Beel walibana ay
iimansato deeganka ay xaqa u leedahy ayna tahay mida kaliya oo lagu heli karaa
Dawlad loo wada dhan yahay lana wada aamini karo.
Xalku waxaa uu noqonayaa in Soomaliya ay Hesho Maamul
dhexe oo federaal ah goboladuna ay yeeshaan maamul goboleedyo ku salaysan
deegaankooda horumarintiisa iyo ka qayb qaadashada awooda horumarimneed ee
dawlada dhexe ee federaalka ah. Runtiii waa sida keliya ay soomaaali uga
badbaadi karto marin habawgan siyaasadeed ee lagu radinayo dawlad u shaqeysa
sidii tii hore e Militeriga ku dhisneyd dalkoo dhana ka dhigtay magaalo qura
iyo talis qura oo diktaytarnimo wax ku maamula.
Xaqiiqdii ma sahalana samaynta Federaalku waxay u
baahantahay in la wada raadiyo loona soo wada jeesto lana wada abuuro qaaab
siyaasadeed oo lagu dhaqan geliyo sidii uu ku iman lahaa, lana doorta Maamul
federaal oo ku meel gaara oo ummada somaliyeed u jeeexa wadadii ay ku dhalan
lahayd Dawlad Federaal ah oo xaq u xukunta geyiga soomaliyeeed cidii howshaa
gacanta haatan ku haysana lagu taageeero baa kuligeeen inoo habooon maanta.
Wabilaahi Tawfiiiq
Eng. Ahmed M. Waharey
Skaraborg Sweden
eng_waharey@hotmail.com