SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RADIO LASCAANOD
Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in Hay'adaha QM ay gobolka ka hawlgalaan iyagoo hoos yimaada P/L

ISHA: Radio Lascaanod

Shir jaraa`id oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Sool

"Hawlaha degaanka Sool waxay marayaan halkii ugu xaasaasisanayd maadaama ay waqtigani dadku ay u bislaadeen inay la qabsadaan hawlaha maamulka" sidaana waxa yidhi gudoomiyaha gobolka Sool Ibraahin Jaamac Daad oo ka hadlayey shir jaraa`id oo uu ku qabtay xarunta maamulka gobolka Sool ee Laascaanood.

Gudoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday maamulkiisa iyo waxyaabihii u qabsoomay, isagoo xusay inay wax badan ka fuliyeen dhinacyo badan sida xasilinta iyo ilaalintsa xuduudaha gobolka oo marar badan ay ka dhici jireen xadgudubyo soo noqnoqda.

Waxa kale oo uu sheegay inay jiraan waqtigani hawlo aad u xaasaasi ah oo ka socda magaalada Laascaanood kuwaasi oo lagu kicinayo maamulka gobolka si loola jaan qaado habab maamuleedka casriga ah.

Mar wax laga wediiyey wax qabad la`aanta dhinaca arimaha bulshada ayuu sheegay inay taasi tahay mid dhab ah waxana loo baahday ayuu yidhi hawli in sida ay u kala sarayso loo fuliyo, iyadoo banaanku dayacan yahay buu yidhi guduhu wuu adkaanayaa sidii wax looga qaban lahaa.

Ibraahin waxa uu sheegay in dhowaan la bilaabay nadiifinta degaanka taasina waa ka kow wax qabadka arimaha bulshada, hadana waxaa la bilaabayaa in wax laga qabto dhinacyada kale ee dayaacada loo filaayo.

Mar wax laga weydiiyey waxa ay ku wada hadleen isaga iyo qaar ka mid ah hay`addaha deeqda bixiya oo dhowaan dhinaca Hargeysa kaga yimi magaaladda Laascaanood ayaa waxa uu sheegay inay ka codsadeen iyaqoo wata magaca QM (Qaramada Midoobey) ay imaan karaan gobolka Kana madax banaan sida uu sheegay kuwa isugu yeedha Somaliland.

Waxa ay noo balan qaadeen ayuu yidhi in ay wax qabad dhab ah u hayaan dadka degaankan maadaama ay ka bexeen labadii maamul iyo labadii ciidan ee iska soo horjeedey waxana uu cadeeyey buu yidhi in uu la shaqayn doono maamulka Puntland.

Hay`addaha caalamiga ayaa waxay horey uga cudurdaarteen inay yimaadaan gobolka Sool iyagoo taasi ku macneeyey dhul aan xasiloonayn waxaase taasi daahfur ku sameeyey hay`adda Hallo Trust oo mudo sadex bilooda hawlo miino saara ka wadey degaanka Laascaanood.

Madaxa bariga Afrika ee Hallo Trust Mr.Hou ayaa waxa uu dhowaan sheegay in gobolkani uu ka mid yahay dhulka ugu amaanka badan Soomaaliya, waxana uu xusay inaanu garanayn waxa dhabta ah ee hay`addaha ka hortaagan gobolka.

Gobolka waxa taniyo 1993dii ku sugnaa hayad laga leeyehey dalka Norway oo lagu magcaabo NPA taasi oo iyadu mudo dheer ka shaqaynaysey gobolka.

Hay`addani waxay hawlo badan ka soo qabatay dhul aad u badan oo ay ka mid yihiin Sool, Sanaag iyo gobolka Cayn in kasta oo ay dad badani ku dhaliilaan inay ka gaabisay hawlo badan oo ay fulin lahayd

Radio Laascaanood
www.radiolascaanod.com
Laascaanood. Sool.

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

Faafin: SomaliTalk.com | August 31, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD