Soomaalida
Sweden iyo u coddeynta lacagta euro-da.
Qaybtii 3 aad
Qore: C/risaaq maxamed xuseen
University of Gavle-Sweden
habdirisak@hotmail.com
Faalo iyo Gabagabo
Qaybtii:
1aad |
2aad
Waxaan horay uga soo hadalay laba qaybood oo
ku saabsanaa habka ku biiritaanka lacagta-euroda ay u saamayn doonto dhaqaalaha
wadankan Sweden. Waxaan taabanay waxyaalaha ay ku kala doodayaan labada qaybood
ee arintan. Waa kuwa diidan lacagtaas euro-da iyo kuwa ogole. Waxaan si aad ah
uga hadalay kaalinta bangiga dhexe wakhtigan xaadirka ah iyo mida uu yeelan
doono haddii lacagta euro-da la qaato. Waxaan kaloo falanqaynay habka kale ee
dowladdu isticmaasho kolkii ay dooneyso iney dhaqaalaha dar-dar geliso ama
xakameyso. Habkaas oo ah kan lagu magacaabo ”fiscal policy”( faahfaahin ka
akhri qaybtii
2aad)
Qaybteenaan 3aad oo ah qaybta ugu dameysa
taxanihii aan kaga hadleyney ”Soomalida sweden iyo u coddeynta lacagta
euro-da” waxaan ku falanqayn doonaa arimaha kale ee doodu ka taagan
tahay iyo weliba faalo kooban oo gabagabo ah.
Arimaha kale ee qolyaha lacagtan u ololeeyaa
ay aad u hadal hayaan waxaa ka mid ah in shirkadaha ay lacag badan oo ay ku
bixin jireen isku bedelka lacagaha u baaqan doonto. Arintaasi waa arin run
ahaantii dhab ah walow ay aad u quseyso shirkadaha ganacsiga la leh wadamada
lacagta euro-da isticmaala. Balse kuwa mareykanka ama jabaanka ama wadamada
kale ganacsiga la leh faaěidadaas ma heli doonaan. Maxaa yeelay waxaa la
isticmaali doonaa sida badan dollar ama Yen ama lacago kale. Arinta kale ee
iyana badanaaba doodaha soo gasha waa iyadoo la leeyahay shirkaduhu waxa ay ka
badbaadayaan isbedbedelka badan ee ku dhaco lacagaha wax lagu kala iibsado.(
Exchange risk). Taas waxaa loola jeedaa hoos u dhaca sarifka lacagaha wax lagu
kala gataa badanaaba wuu isbedelaa, weliba isagoon isla socon oo maalinba
lacagi isbedeli karto. Taasi waxay keentaa iyadoo aaney shirkaduhu garan
kareynin inta sarifku noqon doono maalinta la bixinaayo lacagtii alaabtii horey
loo kala iibsadey.
Waxaa kaloo iyana aad loo soo qaataa, in
shirkadaha swedishu ay heli doonaan suuq aad uga weyn kan ay maanta haystaan.
Maxaa yeelay kolkii yurub hal lacag isticmaaleyso, waxaa weynaanayo suuqii
alaabta loo iibgeyn lahaa. Taasoo faa iido u noqon karta shirkadaha swedishka.
Suuqan weyn ee shirkadaha kala duwani ku jiraan wuxuu keenayaa tartan aad u
kulul oo dhexmaro shirkadahaasi. Arintaasi waxay ku khasbeysaa shirkad walba
iney alaabteedii hagaajiso( quality development). Haddii aaney taas sameyn
karina ay suuqa iskaga baxdo. Waxaa kaloo iyana macquul ah in tartankaas adagi
uu cadaadis saaro qiimihii alaabta lagu kala iibsan jirey, uuna sababo in
sicirka alaabtu uu hoos u dhaco. Iyadoo ay arintaas faaěido weyn u tahay dadka
caadiga ah ee wax iibsada (consumers).
Gabagabo
Isku soo wada duuboo, waxaa caddaan ah in
arintan dhinacii la aadaba ay saameyn inagu yeelan doonto hadii aynu nahay
soomaalida ku dhaqan wadankan. Maadaama ay saameyntaasi lama huraan tahay waxaa
loo baahan yahay inaan aad u fahamno oo aan weliba falanqeyno waxyaalaha laysku
haysto. Intaas ka dibna aan dhinac raacno: JA eller NeJ.(haa ama maya ) . Anigu
sidaan horey u xusay waxaan bartay cilmiga dhaqaalaha , waxaana jaamacad kaga
baxay ilaa mastrate ah wadankan isweden. Isgarabdhig, baaris iyo falanqeyn
badan ka dib waa ii cad yahay goŕankii aan qaadan lahaa kolkii doorashada loo
dareero 14ka-september. Balse ma doonayo inaan saameyn ku yeeshu qofka doonaya
inuu codeeeyo, ee waxan rabaa inaad gaarto goŕan aad soo bislaysay. Qofkii su
aal isagu qaba, ku saabsan arintaan doorashada iwm waa ila soo xiriiri karaa.
waxaa kaloo isna ila soo xiriiri karo qofkii waxuun mugdi kaga jiraan. Waan u
cadeyndoonaa waxii ilaahay naga solonsiiso.Insha allah
Mar kale waxaan ku xasuusinayaa akhristow in
dooda arintu laba qaybood tahay. waa dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasada.
Dhinaca dhaqaalaha waa midkii aan ka soo hadalay, kaasoo kolkii pluska- iyo
Miniska( Dhibta iyo dheefta) la isu tuuro lagu soo dhacayo, waxa
dhaqaalayahanadu ugu yeeraan ”Zero profit” ama faaidada iyo khasaaraha oo is le
ekaada.
Hadaba waxaa goaanka qofku gaari lahaa u
sahlayo kolkii u arintan dhaqaalaha ku lamaaniyo mida siyaasada. waxaa ay u
badan tahay hadii qofku uu sidaas yeelo in uu goaan uu ku qanco qaadan karo.
Bal aan u joogno waxa dadka Sweden ku dhaqani ay door bidaan 14-ka september.
Euro eller Krona. Euro ama karoon.
Qaybtii:
1aad |
2aad
Mahadsanidin
Qore: C/risaaq maxamed xuseen
University of Gavle-Sweden
habdirisak@hotmail.com
QORAALADII HORE
EE C/RISAAQ MAXAMED
|
Quraan
|
Siiro
|
Saxaabo
|
Salaat
| Zakaat
|
Halal
|
Hajj
|
isxisaabi
|
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|