SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 MAXAA KAAGA MUUQDA BOGAGGA INTERNETKA?

Abdullahi Gulled Ali
abdullahigulled@hotmail.com

Waxaa in badan muuqata dadaalka badan ee ay bogagga internetka ee ay somalidu maamusho ay hayaan, iyada oo in yar mooyee badankoodu ka shaqeeyaan danaha soomaalida, faafiyana aragti aan in badan ka fogeyn mida dadweynaha ay matalayaan amab ay ka dhasheen ee soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale badanaaba qoraalada lagu daabaco bogagga badankood in ay yihiin kuwo, aanan ku qorneyn luqad amaba af aanan aheyn kan somalida, waloow taas ceeb ayan aheyn, balse ay tahay dadaal dheeraad ah ee ay muujiyeen soomalida, maadaama service-ka ay hayaan loogu talagalay allmost somalida oo keli ah.

Waxaa maamulida bogagga internetka afsomaligu uu ku soo baxo badankood ku yar luqada professional journalism-ka, waloow soomaalidu in badan ayan u baahneyn luqada noocaas, maadaama ay yihiin oral society amaba dad afka warka isku gaarsiiya. Sidaa awgeed ayaa bogag koobani ay isku dayeen in ay dhinac dhigaan wareysiyo maqal ah si dadka iyagu xiiseeya maqalka ay uga bogtaan, iyo kuwa weliba qoraalada lagu daabaco bogagga qaarkood u arka in ay yihiin kuwo la iska abuurtay.

In somalida aanan hal miisaan la wada saarin, dhagoole iyo indhoole, iyo mid aanan waxba aqrin, iyo mid mutacalim ahba, waa waxa ka maqan in ay ka dhex muuqdaan bogagga internetka ee dadaalka muujinaya. Waxaa cad xaga dhaqaalaha lagu maamulo bogagga qaarkood in ay ku yaryihiin, taasina ay kalifto in ayan wax horumar ah sameyn bogagga qaarkood iyada oo ay muuqato in ay gabeen rajadii aheyd in ay mudi cayiman meel cayiman ku gaaraan, waxqabadkooduna uu ku koobnaaday oo keli ah qoraal,qoraal,qoraal iyo weliba qoraal aad ka garaneyso caajis amaba niyad jab.

In bogaggu ay ku soo baxaan luqadaha shisheeye sida Englishka amaba luqada carabiga oo ay soomaalidu si xoogan ugu xirantahay, ahna mid qiimo badan ugu fadhida danaha shacabkeena somaliyeed, iyo barashada diintayadaba, ayaa ah kuwo meesha ka maqan, Waxaa sidoo kale muhiim ah in aduun-weynuhu ogaado waxa ka jira wadankeena, iyo dadka ku nool hab nololeedkooda, iyo waxa ay ku fakarayaanba.

Isku maqnaanta somalida ayaa hadaba ka muuqata bogagga internetka hadaad guud ahaan fiiriso, sababta arintaa keentayna waa tartanka xaga saxaafada ee ka dhexeeya bulshada somaliyeed iyada oo maanta reer walbaaba yeeshay bog ay ku muujiyaan afkaartooda, iyo dareenka ay ka qabaan bulshada ay markaasi dan wadaaga yihiin, iyo kuwa ay tartanka iyo isxulufeysiga ka jira wadankii isaga soo horjeedaanba. Marka laga reebo labadan qeybood ee hoos kuqoran.

A: Bogagga ka hadla arimaha diinta, looguna talagalay ka faa’ideysashada amaba barashada diinta, si dadku ay si shalan u helaan inta badan aqoonta diineed ay u baahan yihiin. Bogaggan oo haba yaraatee badankood aanan lagu daabicin wararka iyo qoraalada soomaalidu ay isugu jawaabayaan, ayaa ah kuwo aad waxtarkooda loo dareemayo, marka loo fiirsho ula jeedadii loo furay. Bogaggan ayaa u badan kuwo private ah amaba loogu magac daray qof isagu xaga diinta magac ku leh.

B: Bogagga iyana lidka ku ah kuwa aanu sare ku soo sheegnay oo ah kuwa faafiya heesaha, iyo waxyaabaha maaweelada ah ayaa iyana aanan loogu tala gelin gudbinta wararka iyo qoraalada, maadaama dadka halkaa imanaya ayaan u soo doonan wax war ah haba yaraatee. Bogaggan ayaa iyana ka magac duwan kuwa guud ee magacyada gobolada amaba somalinimada ah sita. Waxaa badanaaba iyana lagu tilmaami karaa kuwo cadadka booqanayaa ay runtii aad u badanyihiin, marka loo eego tayadooda.

Waxaan jeclaan lahaa in horumarka daabacaada bogagga internetku uu noqdo mid si xoogleh ku socda, marka loo fiirsho horumarinta xaga luqada, iyo xiriirka caalamka aanu ku noolnahay. Dhinaca caruurta soomaalida ee qurbaha ku dhashana kaalintooda laga siiyo bogaggan iska batay oo awalba lagu qadiyey. Aqristoow uma danlihi hal halka bog ee isagu iskii isu xilsaaray, balse waxaan jeclaan lahaa in maaweelinta dhalaankuna ay noqoto mid bogaggeena laga arki karo. Tusaale ahaan dhaqaatiirtu ma laha bogagg u qaas ah oo kaga sheekeynayaan horumarka laga gaaray xaga caafimaadka, iyo talobixinta ku haboon dhibaatooyinka somalida ka heysata xaga caafimaadka. Dadka somalida laga yaqaan xaga taariikhda wadanka iyo waxyaabaha keydka gala iyana daryeel gaar ah ma heystaam, oo waxaad maqleysaa oday somaliyeed oo lagu leeyahay boqolkii buu kor udhaafay cid wax kareebtayna ma jiraan.

Hadaba qoraalkeygan oo ah mid baaris iyo baraarujin isugu jira waxaan ka codsanayaa cid kastaa oo aqrisata qoraalkan in ay taladeeda ka dhiibato, oo aanay ka fiirin xaga criticism-ka amaba kritikada. Sababta oo ah waa wax ina wada taabaneysa hadaadan muhiim u raga iyo hadaad u aragtaba.

Wadan iyo nabad Insha allah

Walaalkin

Abdullahi Gulled Ali
abdullahigulled@hotmail.com

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD