Sheekh
Yaasiin oo leh: xabad joojin maye ayadoon loo aargudin Abuushanab.
Ahmed-haadi |
haadi30@hotmail.com
Waxuu sheegay Sheekh Ahmed Yaasin oo ah
hogaamiyiha ruuxiga ee ururka islaamiga ee Al-xamaas: ururkiisa inuusan
aqbaleyn cadaadis iyo xabad joojin dambe oo lalagalo ciidamada gumeysiga ee
Yahuuda illaa marka hore jawaab laga bixiyo aargoosi ah dilkii Ismaciil Abuu
Shanab.
Waxuu sheekhu intaa ku sii lifaaqay Yahuuda
haddey dil sameeyso anaguna dil ayaa sameeyneynaa, haddey wax burburiso inana
waxbaan burburineynaa, dagaalkana joojin meyno ilaa aan ka helno guul ama
shahiidnimo.
Waxaa kaloo uu sheekha tilmaamay ineysan jirin
wax lacag ah oo dibada u taalo hogaamiyayaasha ururka Al-xamaas, hadalkaan
dambe waxuu jawaab u yahay Mareykanka sheegidiisi inuu xayiraad ku soo rogay
lacagaha dibada u taalo hogaamiyaasha ururka Xamaas.
Mareykanka oo dabagal ku hayo 6 urur oo
isalaami ah.
Tuhun kagalay inay
xiriir la leeyihiin Al-qaacida ayaa waxuu sababay in dawlada Mareykanka
dabadhigo ciidamadeeda sirdoonka si ay ugu kuurgalaan dhaqdhaqaaqa iyo
waxqabadka urudaas, arinkaasna waxaa carabaabay mas’uuliyin sarsaro oo katirsan
maamulka dawlada Mareykanka iyo Yuruba.
Waxuu intaa
raaciyay mas’uul ka tirsan ciidanka sirdoonka ee Mareykanka in ujeeda hadda
tahay ogaashada qorshayaasha iyo nidaamka ururadaas.
Mas’uul saro oo
katirsan dawlada Mareykanka codsadayna inaan magaciisa la baahin ayaa waxuu
yiri: Haddii aad xibnaha uruka horay u qaqabatid, waxaad lumini fursad ah inaad
heshid macluumaad aad muhiim u ah iyo inaad ogaatid dadka xiriirka laleh.
Waxaan ka sooxigtay Islamonline.net
Ahmed-haadi |
haadi30@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|