SOOMAALI-NIMADU MAXAY LA QIIMA TAHAY MAANTA?
Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com
I I D H
E H
|
|
Waxaan badanaa aqriyaa qoraalo badan oo ka
tarjumaya dareenka qoraaga, amaba duruufo markaa jira oo uu doonayo in uu
qoraagu sida uu isagu u arko uu bayaansho. Waxaa badanaa dhacda in qoraalka
qoraagu uu dheeraado, aqrintiisana ay dadku ka caajisaan, hadaba waxaa is
weydiin leh, maxaa ay soomaalidu qortaa?, maxaase dheereeyey qoraalka ay kaga
hadlayaan aragtidooda?.
Hadaan isku dayo in aan ka jawaabo su’aalahan anoo jeclaan lahaa in aan arko
qoraal keygan ka duwan oo arintan oo kale ka hadlaya, ayaan hadana jecleystay
in aan cabiro waxa iiga dhex muuqday inta badan qoraalada soomaalida.
A: Dagaal xagga saxaafada ah, oo xoogiisa looga gol leeyahay in aqrintiisa lala
yimaado goobaha fadhi ku dirirka loo yaqaan, oo ay baryahan dambe masaajidadu
ku soo darsameen. Arintaan ayaa badanaa dhacda in lagu cabiro dareen laga yaabo
in qoruhu keligii qabo, amaba uu ka soo uruuurshay goobaha noocaas ah, isaga oo
doonaya in uu kaga hortago dareen kale oo ka soo horjeeda midka uu markaa
qoruhu aaminsan yahay.
Tusaale ahaan: waxaa qoraalada noocaan ahi ay u badan yihiin kuwa lagaga
hadlayo shirarka soomaalida, amaba shirarka gaarka ah ee u socda kooxaha
soomaalida, amaba wax walbaa oo shir qabiil sal ku leh. Ka daa mooyee sidanna
ku day laga helo qoraalada noocaan ah, sababtana waxaan ku macneeyey in ay
tahay oo keli ah xasadnimo, iyo rabitaan aanan lala rabin reerka shiraya, amaba
kooxaha shiraya, amaba soomaalida isu timid in ay ka miro dhashaan shirka amaba
wada hadalada ay isugu yimaadeen.
B: Nafis, amaba iska saarid dareen qofka ku raagay oo uu la’aa meel uu ku sii
daayo qeybtan oo ah mid la macno ah oohinta qofta laga keeno loona daayo inta
uu ka dhameysanayo, si uusan u hig-higleyn, mar qurana u nafiso. Waxaa hadaba
yaab leh qoraalkaan oo ah midka ugu dheer uguna yaabka badan, ayaa badanaa ku
bilaawda tusaale iyo hadal qurxoon, iyada oo xumaan intii la adeegsan karo oo
idil la isugu keeno qoraalka, tan oo badanaa kalifta in qofka qoraalkaa aqriya
uu badanaa yahay mid inta badan amaba 100% la aragti ah qoraaga.
Tusaale ahaan: Waxaa hada ka hor dhacday meel masaajid ah ayaa laga hadal hayey
qabiil kamid ah qabaailada soomaalida, iyada oo weliba lagu sigatay in diintaba
laga saaro marka la fiirsho waxyaabaha xumaanta ah ee qabiilkaa laga soo
uruurshay. Inyar kadib ayaa waxaa yimid nin u dhasahy qabiilkii la caayayey oo
lagag baqay in uu maqlayey hadalkii meesha laga lahaa. Raga hadalheyntaa waday
ayaa u badnaa kuwo u dhexeeya da’aada 50 iyo wixii ka sareeya. Waxaa isla
markiiba bilowday in qabiilkii la caayayey laga sheekeeyo wax alaale iyo wixii
wanaag ahaa oo la heli karo in laga sheego., si loo shaki baxsho ninkii yimid
ee lagaga cabsi qabay in uu wax uun ka maqlay hadaladii reerkiisa lagu
najaaseeyey ee hore.
C: Mid nuxur leh oo dardaaran wata aadna u gaaban welibana miisaaman, qoraalka
noocaan ah ayaa badanaaba labo dhinac oo is feer socda u qoran isaga oo uu
qoraagu mar walbaa muujinayo tusaalooyin is feer socda oo xasuusin iyo door
gelin u badan.
Tusaale: waxa aan u soo qaadan karaa qoraalkii ugu dambeeyey ee Mr Abdirizak
hagi Hussein oo ah ra’iisul wasaarihii soomaaliye xiligii dowladii rayidka uu
kula hadlayey odayaasha dhaqanka ee laga filayo in ay dhawaan soo xulaan raga
soomaalliyeed ee laga soo xuli doona madasha shirka soomaalida uga socda
mbeghati oo ah duleedka magaalada Nairobi ee wadankaasi kenya. Qoraalka noocaan
ah oo ah dhambaal nooca loo yaqaan ayaa hadana muujinaya doorshada hortaala
odayaasha soomaaliyeed ee dhaqanka iyaga oo la xasuusiyey dhibkii umadu soo
martay, iyo waxa laga sugayo maanta.
Hadaba gabo-gebo ahaan waxaan jeclaan lahaa dhammaan dadka wax qoraayi in ay
isku dayaan ilaa iyo inta ay awoodaan in ay muujiyaan waxa ay doonayaan,
sababta ay u doonayaan, iyo waxa ay diidan yihiin, iyo sababta ay u diidan
yihiin iyo badalka ay hayaan oo ay is leeyihiin halagu bedelo, maadama laga
fiicanyahay wax uun iska diidista micno la’aanta ah. Qofka aad ugu tala gashay
qoraalkaagu in uu gaaro, waa in uu ka heli karaa wax fikirka uu qabo la mid
noqda, amaba wax ka bedeli kara, waxaase nasiib daro ah in qoraal qoraagu uu
saacado dul fadhiyey, dhowrjeerna ku noq noqday sixitaankiisa in uu noqdo lama
qaataan, amaba qoraalka dadka laga qoray la yaqaan, cida loo qorayna la yaqaan,
inta dhexese ay iska banaantahay tahay.
WANAAG IYO WADAN INSHA ALLAH
Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com
»
Soomaalidu Federaal
Ma Qaadan Kartaa [A.Gulleed]
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|