SOMALI PEACE RALLY
Galkacyo, Somalia, 17 August 2003
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M8/1273/2003
Sannad-Guuro Dilkii Suldaan Hurre, fartoo Cabdillahi ku fiiqan
|
Gaalkacyo (SPR), Agoosto 17, 2003: Waxaa dad badani
ogsoonyihiin in 17kii Agoosto 2002 uu ka dhacay dil toogasho tuuldada Kala-Bayr
ee Gobolka Nugaal, halkaas oo lagu toogtay Suldaan Ahmed Maxamed Huure. Waxaa
maantai ku aaddan sannad guuradii 1aad ee dilkii Suldaan qaali ah oo dadka
intii
taqiin iyo intii looga warramay ay aad uga xumaadeen sida foosha xun ee uu ku
dhintay iyo sida aan ciduna isugu lurin in la qabto gacan ku dhiiglihii toogtay
iyo ciddii ka dambaysay midna.
Waxaa dadkii goobjoogga ahaa qirayaan in meeshii Suldaanka lagu dilay uu joogay
Col. Abdullahi Yusuf Ahmed oo wata ciidan aad u hubaysan. Si lama filaan ah
ayaa Kornaylka iyo gaariga Suldaanku isaga horyimaadeen, ka diba waxaa
Cabdillahi ka daba diray Suldaan labo gaari oo tekniko ah, ayagoo
muddo gaaban gaaray gaarigii Suldaanka. Suldaanku markuu gaarigiisi ka soo
dagay ayaa askari ilaalada Cabdillaahi ka tirani baas ku kala jeexay.
Waxaa Somali iyo addunkuba isha ku hayeen waxa Cabdullaahi ka samayn doono
dilka ninkaas ay xagga siyaasadda aad isaga soo horjeedeen. Waxa in badani
maleynaysay ayaa rumoobay oo ah in Cabdillaahi isku lurin in xitaa la soo qaado
dillkii Suldaanka caanka ku ahaa dhallinyaro-nimo aqoon madani iyo mid
diineed, codkarnimo iyo dhiirranaan. – malaha waa inta ay odayga isku
qoonsadeen.
Dhammaadkii bishii September 2002 waxaa idaacadda BBC-da, laanta Afsomaliga
Cabdullahi ku inkiray inuusan wax ka ogayn jooginna meeshii lagu dilay Suldan
Hurre. Waxaa Cabdillaahi adduunka oo dhan u sheegay in Puntland leedahay nidaam
iyo sharci lana baarayo ciddii dishay Suldaanka, oo uu markii u horreeyey qiray
inuu yahay Suldaan, meesha afhayeennadiisu oran jiraan wuxuu ahaa nin shufto ah
ee dariiqyada xirta (bandit).
Waxaa SPR ballan-qaadaysaa inaan qaddiyadda Suldaan
Hurre sahalkaas ku dhammanayn ilaa la helo ciddii dishay Suldaankaas qaaliga
ahaa, loona ciqaabo gacan ku dhiiglaha iyo ciddii soo dirtayba. Waxaa sidoo
kale SPR mar kale Somalida iyo adduunka u sheegaysaa in Cabdillahi Yusuf yahay
eedaysanaha 1aad ee dilka Suldaan Hurre, sidaasna loo arko. Ka hadal la'aanta
iyo qarinta ciddi dishay, joogista meeshii Suldaanka lagu dilay iyo
inkiraaddiisi BBC, isku dayid inuu lacag la siiyo xigtadii Suldaanka, iyo hore
uga takhalusid siyaasiyiin ay ishayeen iyo wax badan oo la mid ah ayaa si
buuxda farta ugu fiiqaya Kornaylka. (SPR)
sprally@hotmail.com
__________________________
SOMALI PEACE RALLY
Galkacyo, Somalia, 17 August 2003
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M8/1273/2003
The 1st anniversary of Sultan Hurre's killing - All finger pointed at Col.
Abdullahi
Galkacio (SPR), August 17, 2003 - Somali Peace Rally - It is commonly known
that today is the
first anniversary of the assassination of Sultan Hurre, a respected Sultan
gunned down at Kalabayr, Nugal region, Somalia.. The broad daylight killing of
the respected Sultan, whose death was lamented by all those who knew or heard
of him, was not even investigated, let alone apprehending his murder
and accomplice(s).
Witnesses at the location of the murder have reported that Col. Abdullahi was
in the vicinity of the location of the crime. The Colonel's armed convoy bumped
into the Sultan's car unknowingly. A moment later, the Col. sent two "technicals"
after the Sultan's car. When his militia reached Kalabayr, the Sultan was
getting down from his car. One of the Colonels bodyguards shot the Sultan
point-blank, without further ado, according to several reliable sources.
The Somalis and the world have carefully been watching what the Colonel would
do about the assassination of his political opponent. The result, thus far,
confirmed the suspicions already in the air – that Abdullahi will not even lift
a finger to shed a light on the horrendous killing of this Sultan
known for his youthfulness, religious as well as academic knowledge,
articulation and courage, probably these qualities were a concern for the
Colonel.
In late September 2002, the BBC, Somali program, interviewed Col. Abdullahi and
asked him about the death of the Sultan. He denied that he was at the location
of the killing, and he emphasized that Puntland has a system in place, and the
culprit will face the justice after a due investigation. Surprisingly, it was
the first time and that he addressed the late Sultan with his right title and
said Sultan Hurre, while his spokesman used to call the Sultan a bandit.
SPR is demanding not less than what the Colonel promised which is the upholding
of the justice. We promise the question of "who killed Sultan Hurre" will be
around for many years to come until justice prevails and the culprits pay a
price for this callous killing of the respected leader. In the meantime, SPR
considers Col. Abdullahi Yusuf Ahmed the prime suspect in this case. His denial
of absence from the scene of the crime, which is utterly untrue, his attempts
to buy out people related to the Sultan, and
his failure to shed a light on the case, and last but least, the Colonel's
record of eliminating his previous political opponents, all support our
credence that Abdullahi is the prime suspect in Sultan Hurre's
assassination. He should be brought to justice (SPR).
sprally@hotmail.com
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|