Minneapolis: Shirkii Ardayda Soomaaliyeed ee
Woqooyiga Ameerika oo Si Weyn Looga Soo Qaybgalay
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Aug 16
Dhegeyso Qayb kamid ah hadal xigmadeed majaajilo ah...
Qaar kamid ah Ardayda Caawa kasoo qaybgashay
shirka |
Shir weyne aad loo soo agaasimey oo ay ka qayb
qaateen ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha ka dhigta Woqooyiga Amerika (Canada
& USA) iyo UK ayaa maanta lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka
Minnesota, USA.
Ardayda kulankaas martida u ahaa waxay ka kala
yimaadeen Ohio, Wisconsin, Georgia, Oregon, Arizona, Nashville oo ka
tirsan Maraykanka, London, UK iyo Kitchener oo katirsan Gobolka Ontario ee
dalka Canada. Waxayna marti u ahaayeen ardayda Jaamacadaha ka dhigta gobolka
Minnesota.
Shirka oo kubilaabmay jawi aad u deggan,
waxaad ardayda wajiyadooda ka arkeysey farxad ay u riyaaqsan yihiin tirada
ardayda ah ee soo camirtay qol-weynaha kamid ah qolalka shirarka ee Jaamacada
Minnesota.
Shirka oo socdey 10:00 subaxnimo ila 3:30
galabnimo waxaa war-bixino kasoo jeediyey arday meteleyey gobolada ay ka
yimaadeen, kuwaas oo ka xog-waramay heerka wax-barasho ee ardayda Soomaaliyeed
ee gobolaas kala duwan wax ka barta.
Marka la isku soo duubo hadaladii ardayda kala
duwan ay soo jeedeyeen wuxuu isugu soo biyo shubanayey hadalka ah "Tirada
ardayda Soomaaliyeed ee barta tacliinta sare uma dhigmaan tirada Soomaalida
kunool Qurbaha". Tusaale ahaan Soomaalida ku dhaqan Nashville waxaa lagu
qiyaasay 4000 qof, waxaana waxbasho heer jaamacadeed ka dhigta 40 arday.
Sidoo kale Soomaalida Boston oo lagu qiyaasay 5000 waxaa heer jamacadeed ka
dhigtay 60 arday. Halkaas waxaad uga tusaale qaadan kartaa in tiro aad u yar oo Soomaali ah ay
sii wataan wax-barasho heer Jaamacadeed ah. Ardayda Soomaaliyeed ee kulanka
joogey waxay ku niyad samaayeen in arintaas wax laga qaban karo haddii lasii
wado xiriirka isku xiran ee ardayda qurbaha, isla markaasna la isweydaarsado
daraasaadka iyo macluumaadka, iyo in la baaro waxa qabaqada ku ah ardayda
Soomaaliyeed ee iska hor taagi kara in ay heer jaamacadeed gaaraan.
Midig: Cabdalle Yuusuf Maxamed, Maxamud
Wardheere, Maxamed Yuusuf Maxamed: Waa laba arday oo kamid ah ardayda reer
Portland, Oregon oo lataagan Wardheere.
Ardayda Soomaaliyeed ee Oregon waxaa lagala xiriiri karaa:
www.clcbank.org |
"Aad ayaan ugu faraxsanahay in ardayda iyo
dhallinyaradu ay Soomaalida hogaanka u qabtaan oo na ururiyaan" sidaas waxaa ii
sheegay Maxamuud Nuur Wardheere oo aan si gooni ah wax uga weydiiyey sida uu
arko kulankan maadaama uu kamid ahaa dadkii daawadayaasha ka ahaa sida ay
ardaydu barnaamijka ku wadeen.
Qado iyo Salaadii duhurka oo loo qaatay
biririf kaddib ayaa mar kale kulankii la isugu soo laabtay, waxaana markaas la
soo ban dhigay filim gaaban oo ka koobnaa laba qaybood oo ku saabsanaa xaalada
Soomaalida iyo qaybta kale oo ahayd aasaaskii ururka ardayda Soomaaliyeed ee
Minnesota iyo wax qabadkoodii.
Filimka oo muujiyey sawiro laga soo qaaday
Soomaali aad u tabaalaysan, meydad dhabta lagu sido, wiilal qoryo beebe ah wata,
rafaad ka muuqda ubad Soomaaliyeed (waa sawiro u muuqdey kuwii berigii dagaalak
baydhabo ay ugu biirtay abaartu), iyo shimbir cad oo afka kuwadey caleen oo ay
kuqoran tahay NABAD.
Hadaladii filimka waxaa kamid ahaa: Dalkeenee
waa uu burburay, ummadda Soomaaliyeed waxaa soo gaarey dhacdooyin kala duwan,
umadii Soomaaliyeed waxay noqotay sida tusbax la furay oo caalamka loo kala
dareeriyey, dadka Soomaaliyeed waxaa qabsatay ilaa haddana haysata gaajo, dil,
rafaad, nafaqo darro, cuduro iyo daaawo la'aan, waxaa taas ka sii daran tuugo,
dhac iyo afduub joogto ah, waxaadna maalin kasta maqleysaa dhibaato aad
isleedahay ileyn tani weli Soomaali way u harsanayd, waxaad maqleysaa dad
Soomaali ah ayaa iyagoo tahriibaya bahaladu meel cidla'a ah ku cuneen, ama
dooni la degtey ama biyo la'aan u dhintay ayaga oo lugaynaya.
Guud ahaan umada Soomaaliyeed waxaa haysata
nabad la'aan, shaqo la'aan, caddaalad la'aan iwm oo ay usii dheer tahay rajo
la'aan, ayaa filimku kusii daray. Sida aan ogsoonahay dagaalkii ahlig aahaa ka
bacdi umadii Soomaaliyeed waxay u kala firdhadeen daafaha dunida, qaarna waxay
weli kujiraan xeryaha qaxootiga oo ay ku haysato rafaad aysan horay u arag.
Intii soo gashay qurbaha weli dhibku sidaas kagama harin, wadamada dibada ah
Soomaalidu kuma laha safaarado danahooda u dooda, Soomaalidu ma haysato
jaaliyad midaysan, Soomaalida qurbaha oo ubadkoodii la kulmeen dhaqamo xunxun
oo Soomaalidu horay uga xishoon jireen. Waxaa xusid mudan Soomaalida oo ku
faani jirtey in ay yihiin dad isku diin, af iyo dhaqan ah oo ay haatan taasi
khatar ku jirto. Waxaa dhibaatada Soomaalida qurbaha haysata lagu soo koobi
karaa mid-nimo la'aan iyo isku duubni la'aan. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa
waxay is weydiinayaan sidii loo soo celin lahaa mid nimadii iyo walaal
tinimadii Soomaaliyeed, waxa keliya oo maanta la oran karo Soomaalida rajo ayey
gelin karaan waa ardayda Soomaaliyeed oo isku duubmata meel kasta oo ay
caalamka ka joogaan. Marka aan isku duubano oo midayno codkeena ayaan dadkeena
iyo dalkeena wax u qaban karaa.
Waa Ceynte oo soo dhexgalay sawirka. |
Filimka qaybtiisa labaad waxay xog-waran ka
bixisay Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo ahaa ururkii martida loo
ahaa, waxana filimka qaybtiisa labaad ku bilaabatay: Ururka ardayda
Soomaaliyeed ee Minnesota oo loo yaqaan (MSSU) waxaa la asaasay sannadkii 1998.
Waxa kale oo filimku ka sheekeeyey waxyaabaha uu ururku qabto sida in uu
caawimaad u fidiyo ardayda ku cusub jaamacada, iyo in uu ururku ku dadaalo
sidii la isugu keeni lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka, waxa uu
ururku qaban qaabiyaa shirar iyo aqoon isweydaarsiyo iyo dood cilmiyeed-yo.
Waxa kale oo filimku xaqiijiyey in ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota ay
laba arday (wiil iyo gabar) deeq waxbarsho sanadkan kusiiyeen dalkii, waxana ay
sheegeen in ay taageeraan Jaamacadaha Muqdisho, hargeysa, Boosaaso iyo Boorame.
Bidix: Wiil, Aabihii iyo hooyadiis oo ka
doodaya waxa uu jaamacada ku baran lahaa: waa qayb kamid ah majaajilada ee
halkan ka dhegeyso |
Kaddib waxaa ardaydu soo ban dhigeen majaajilo
ay ugu talo galeen in ay dadka Soomaaliyeed ku fahamsiiyaan sida ay muhiimka u
tahay in qofka lagu qiimeeyo waxa uu baranayo. Waxa majaajiladaasi muujineysey
in marka ardaygu uu waalidka u yimaado oo ku dheho waxaan baranayaa cilmi
noocaan ah in laga yaabo in waalidkii ay ku diidaan in uu noocaas barto ayagoo
u aanaynaya in aan kaas lacagi ku jirin. Arintan oo ay ardaydu ku muujiyeen in
ay haboon tahay in ardagu ka baaraan dego waxa uu baranayo oo uu yaqaan naf
ahaan tiisa waxa uu baranayo. [
Dhegeyso Qayb kamid ah majaajiladii] [Waa sheeko dhex mareysa Oday,
xaaskiisa iyo wiilkooda oo jaamacada helay dhegeyso]
Waxa kale oo majaajiladu muujisay in ay jiraan
dhallinyaro soomaaliyeed oo u dhaqmaya sida ciyaal "siyaha" ayagoo magacooda
soo gaabinaya sida "LII" oo laga wado "LIIBAAN" (ama AB oo laga wado ABDI...).
"CIYAAL SIYAHA ama ZIO" (taasi waa magacii Xamar looga aqoon jirey laakiin
Maraykan waxaa looga yaqaan "ciyaal YOO" (ama YAW)". Hadaba waxaa majaajiladu
muujisay in dhallintaas aysan badanaa ganayan waxa ay baranayaan ayagoo been ku
faana cilmi aysan lahayn ama maadooyin aysan baran, taas oo ay yiraahdeen waxaa
loo baahan yahay in qofku uu noqdo mid og xaqiiqada. Waa in qofku uu "Maskaxda
buuxsadaa, isla markaana buuxsadaa warqadaha lagu dhameystiro jaamacada" sidaas
waxaa yiri arday kamid ah ardaydii majaajilada matalayey.
Qayb kamid ah ardaydii majaajilada dhigtay |
Waxaan majaajiladu muujin in qaar kamid ah
gabdhaha Soomaaliyeed ee qurbaha jooga ay ku lebistaan dharka dhaqamo shisheeye.
Waxaase malaha taas kaafiday hadalkii filimka oo sheegay in Soomaalida oo ku
faani jirtey hal diin, af iyo "dhaqan" ay taasi halis kujirto. Waxaa kale oo
dhaqanka kasoo hor maray luqada oo dhallinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku gaarey
15 jir ay ku adag tahay in ay fahmaan luqada Soomaaliga. "malaha tani waa
mowduuca dooda soo socota ee ardayda Soomaaliyeed". Waxaana xusid mudan in
arday ka socdey Ardayda Soomaalida UK uu xusay laba kelmedood oo ahaa: Ku-dhex-milmidda
iyo dhex-galka, taas oo uu yiri ma ahan in aan dadka ku milano anagoo ka
tegeyna dhaqankeenii iyo diinteenii, balse waa in aan dhex-galaa inagoo wadana
asluubteenii suubanayd, isla markaasna xafidaneyna diinteena iyo hideheena.
Waxa kale oo majaajiladu muujisay ardayga og
ama yaqaan waxa uu baranayo in uu si dhaqso ah wax barashadiisa u dhamaysanayo.
Taas oo ay in badan oo dadkii madasha soo camiray u riyaaqeen kaddib markii
ardaygii arintaas metelayey uu yiri "anigu reer baadiye ayaan ahaanjirey oo
waxaan ahay nin ad-adag oo yaqaan waxa uu rabo".
Si kastaba ha ahaatee kulanka ardayda
Soomaaliyeed ee ka dhacay Minneapolis wuxuu ahaa mid tusaale fiican u noqon
kara gebi ahaan ardayda da'da yar ee ku dhaqan daafaha dunida sidii ay isugu
duubnaan lahaayeen, isla mar ahaantaasna u ilaashan lahaayeen dhaqankooda,
afkooda iyo diintooda.
Qiyaas in aad ku laabatid Soomaaliya, oo
markaas lagaaga tarjumo ayeeyadaa iyo awoowahaa, hadaba inta aysan taasi kugu
dhicin hadda sii baro Af-Soomaaliga.
Shirkii oo La isugu soo Laabtay
Dr. Maxamed Diiriye |
Intaas shirkii kuma dhammaan ee markii ay
saacadu soo gaartey 3:30 galabnimo ayaa madashii loo sheegay in shirka la isugu
soo laaban doono 7:00 galabnimo. Markii waqtigii ballanta la gaarey ayaa loo
fariistay casho, markii laga soo faaruqaynay waxaa la tukadey salaadii makhrib
oo ku aadan 8:30 xilliga Minneapolis. Markaas ayaa shirkii mar-kale si rasmi ah
loo furay, waxaana lagu soo dhoweeyey Dr. Maxamed Diiriye oo ah dhakhtar
Soomaaliyeed oo aad looga yaqaan Minneapolis.
Dr. Maxamed waxa uu durbadiiba xusay in marka
uu dadka la hadlayo uu aad isaga ilaaliyo in uu luqada Soomaaliga ku barxo
luqada Ingiriisiga, laakiin maadaama uu caawa la hadlayo ardaydii Soomaaliyeed
oo wada garanaya luqadaas laga yaabo in uu adeegsado kelmedo laf-ingiriisiah.
Afeeftaas gaaban kaddib waxa uu Dr. Maxamed sheegay in haddii qofka ay
luqadiisu ka lunto uu luminaayo xiriirka jiilal ku xiriirsanaa qofkaas, halkaas
oo uu ku tusaalaynayey ardaydu in aysan lumin luqadooda.
Dr. Maxamed waxa uu xusay in uu dalka
Maraykanka uu yimid bishii Abriil ee sannadkii 1983dii waxana uu sheegay in
waagaas ay Maraykanka joogeen lix arday oo keliya oo heer jaamacadeed ah,
sidaas daraadeed ayuu yiri nasiib ayaad leedihiin maadaama aad caawa halkan
tirada intaas le'eg ku fadhidaan idinkoo dhiganaya wax barasho heer jaamacadeed.
Wuxuuna markaas ardaydii ku guubaabiyey in aysan fursadaas qaaliga ah lumin.
C/Risaq Cabdi: MSSU
Guuleed Cali: Boston
cabdalle Yusuf: Oregon
C/Risaaq: Xiriiriye shirka |
Waxa uu Dr. Maxamed ardaydii ku guubaabiyey in
ay yeeshaan yool ay higsanayaan, waxana uu yiri noloshu wax macne ah ma lahan
haddii aan qofku waxba higsanayn. Taas asagoo aad ugu xeel dheeraaday waxa uu
yiri "Nolol ma wadi kartid haddii aadan yool lahayn, waana in yoolkaasi uusan
ahayn mid adiga kugu kooban ee uu yahay mid aad dadka wax ugu qabaneysid
markaas ayaad xor noqoneysaa". Waxa uu xusuusiyey ayaada quraanka ee xustay in
haddii aad qof noolaysid ay la mid tahay adigoo bini aadamka oo dhan nooleeyey.
Taas oo uu ku tusayey in marka aad ku dadaashid inaad dadka wax u qabatid aad
guulaysaneysid.
Dr. Maxamed waxa uu dhallinyaradii madasha
xusuusiyey in cudurka ugu weyn ee Soomaalida dib u dhigay uu yahay qabyaalada,
waxana uu ku adkeeyey in rasuulkeenii Muxamed (SCW) wixii u horeeyey ee uu la
dagaalamay ay ahayd qabyaalada, sida qabaa'ilkii Aws iyo Khasraj iyo reer
qureysh oo xataa nolol ku aasi jirey gabdhaha. Marka waa in aad ka xorowdaan
qabyaalada ayuu yiri, waxana uu ku daray "Haddii maanta adigoo heer jaamacadeed
ah aad weli caadifad u haysid qabyaalad, waad khasaartay".
Waxa kale oo uu markale Dr. Maxamed Diiriye
ardayda tusaaleeyey qiimaha ay leedahayd wax-barashadu, asagoo taas ka
hadlayana waxa uu yiri wixii ugu horeeyey ee Rasuulkeena Muxamed (SCW) loo
waxyoodey waxa ay ahayd "IQRA" (akhri) - taas oo ku tusineysa in cilmigu yahay
bilowga nolosha bini-aadamka, marka waa in aad wax barataan ayuu yiri, waana in
aad dhegeysataan nafsadiina, "Allah amina, naftiinana aamina, wixii aad awood u
leedihiin oo sharciga iyo damiirka waafaqsana qabsada" ayuu ku adkeeyey.
Hadalkii Dr.Maxamed aad ayaa loogu riyaaqay,
waxaana goor dambe madasha laga sheegay in uu u guurayo Afrika taas oo ay
ardaydu ayagoo guuritaanka uu ka guurayo Minnesota ka xun, maadama uu mar kasta
garab taagnaa, hadana waxa ay ugu duceeyeen meel kasta oo uu maro in Allah ku
badbaadiyo.
Kaddib waxaa shirkii bilaabay dooda xeer cusub
oo lagu wadi doono ardayda Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerika. Ugu horayntiina
waxaa xeerka ay soo dejiyeen ardayda Minnesota akhriyey madaxweynaha ururka
ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota, C/Risaaq Cabdi. Kaddib waxa doodii la
wareegey Guuleed Cali Shiikh-doon oo ah arday ka socdey ururka ardayda
Soomaaliyeed ee Boston. Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey Cabdalle Yuusuf
Maxamed oo ka socdey ardayda gobolka Oregon. Kaddib waqtiga oo gabaabsi noqday
ayaa lagu balamay Axada (10:00 subaxnimo) in la isugu soo laabto, taas oo ah
ballanta ardayda u qorshaysnayd in shirkani uu socdo labada maalmood ee Sabtida
iyo Axada. Sidaas ayaa caawa markii ay saacadu ahayd 10:15 pm uu xiriiriyihi
shirka, C/Risaaq, kusoo gabagabeeyey shirkii asagoo dhehaya "waa in aad
ogaataan in ay jiraan arday Soomaaliyeed oo sannadka oo dhan Jaamacada
Soomaaliya kaga dhigan kara $400 ayna sugayaan taageradiina iyo in aad
qaadataan ficil aad wax ugu qabaneysaan".
Haddii aad macluumaad uga baahataan ardayda
Soomaaliyeed ee Minnesota waxaa lagala xiriiri karaa:
Cali Bulxan: 651.335.2594
Saafiyo Yaasiin: 651.491.1002
Cali Kofiro: 612.770.2620
Email: mssu@mssu.net
Waxaa
qoraalkaan isku soo dubaridey:
Maxamed Cali
Minneapolis, MN, USA
somalitalk@hotmail.com
Shirkii hore ee Ardayda
Soomaaliyeed ee Minnesota.... Guji...
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|