SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Muqdisho Maxaa Kugu Dhacay?

M. Maxmuud Xuseen
Igala soo xidhiidh: coombeyare@yahoo.com 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Bismillaahi raxmaani Raxiimi

Salaamu Calaykum Waraxmatullah,

Maqaalkan la magac baxay "Muqdisho Maxaan Kugu Dhacay"? waxaan ugu talo galay in dadka walaalahay ah ee hada Muqdisho ku sugan iyo inta kale ee danaynaysa nabada iyo horumarka Soomaaliya aan dareensiiyo in xaalada magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay Soomaaliya inteeda kale oo ay tahay meel ay ku habsatay fawdo xididaysatay, lacagaysatay, gaamurtay oo u baahan in loo fahmo sida ay tahay. Iyo waliba inaan ku daro waxa aan xal u arko si looga baxo fawdadaas.

Muqdisho Maxaa Kugu Dhacay?

Muqdisho waxay ahaan jirtay caasumad ka mid ah caasumadaha aduunka ugu nabadgelyada badan, ugu nolosha jaban, ugu cimilada wacan, ugu bilicsan marka loo eego caasimadaha wadamada inala midka ah. Waxay ahayd magaalo Soomaali oo dhami muruq iyo maal waxay lahayd laysugu geeyey oo la oran karo waa laga eexday gobolada kale ee Soomaaliya marka laga hadlayo arimaha horumarinta. Waxay lahayd jidad waaweyn, suuqyo waaweyn, cusbaataalo casri ah, iskuulada iyo jaamacadaha dalka ee ugu badan uguna fiican, xeebo nadiif ah, hoteelo waaweyn, carwooyin aad u badan, maktabado aan lasoo koobi karin, dekad iyo airport caalami ah. Waxay ahayd muraayada Soomaaliya inteeda kale laga daawado, xarunta awooda dawlada, xarunta safaaradaha iyo diblomaasiyiinta caalamka, xarunta hay'adaha samafalka. waxay arintu gaadhay heer ay dadka reer miyiga ah ee cayaarta dhaantada loo yaqaan cayaara ku heesaan "ninkii Xamar tegey Xajj uma ! baahnee, xalwooy amba Xaaji baan ahay".

Markii dagaalkii sokeeye dhacay Muqdisho maadaama ay ahayd xaruntii awooda waxaa soo gaadhay khasaarihii ugu weynaa, waxaa la bililikhaystay waxkasta oo Soomaaliyi ku tabacday ama dhisatay 30 kii sano ee ay xorta ahayd iyo waliba wixii aynu gumeysiga ka dhaxalnay, ha noqoto hantidii shacabka iyo tii dawladaba. Laakiin nasiibdarada burburka iyo dagaalku Muqdisho kuma koobnayn ama gaar kuma ahayn ee waxay kala mid ahayd magaalooyin badan oo Soomaaliyeed sida Hargeysa, Burco, Kismaanyo, Baydhabo, Beledweyne iyo Gaalkacayo. Su'aashu hadaba waxa weeye Muqdisho maxay kaga duwan tahay magaalooyinkaa kale ee Soomaaliyeed ee dagaalku ku habsaday? Mase la oran karaa Muqdisho dagaalkii sokeeye wey kasoo kabatay?

Marka hore hadaba inteynaan su'aalahaas ka jawaabin waa inaan qeexnaa ama isla fahanaa goormaa la orankaraa magaalo dagaalkii sokeeye wey kasoo kabatay, maxaase lagu gartaa in magaalo dagaalkii sokeeye ay ka baxday. Hadaba marka laga eego sida aduunku maanta wax u qiimeeyo waxaa la oran karaa marka laga helo arimaha soo socda (1) waa in iska hor imaadyadii (hostilities) istaagaan ama joogsadaan. (2) waa in kooxihii dagaalamay heshiyaan ama kala adkaadaan. (4) waa in la abuuraa jawi nabadeed oo dadku is dhexmari karo ama is aamini karo (5) waa in nadaamkii iyo kala danbaytii lasoo celiyaa (6) waa in dibudhiskii la bilaabaa ama la guda galaa. Hadaba inagoo aan ka eexanayn caasimadeenii Muqdisho lixdaas arimood midna maka suurto gashay magaalooyinkii dagaaladu ka dheceen mise weli waa sidoodii? Sida hadaba la wada ogyahay marka laga reebo Kismaanyo iyo Baydhabo oo aan Muqdisho wax weyn ka duwaneyn, waxaa la orankaraa dham! aan magaalooyinkaasi iyo degaanada ay ku yaaliin waxay sameeyeen horumar weyn oo xagga nabada ah.

Dadaaladii Hore

Laakiin baadhitaan iyo u kuurgal kadib waxaan soo ogaaday in aanay arimahaas iyo wax u dhow toona weli ka hirgelin magaalada Muqdisho marka laga reebo arimaha soo socda:

(1) maxkamad islaami ah oo laga sameeyey qaybta Waqooyi ee uu waqtigaa xukumi jiray Cali Mahdi, maxkamadaas oo uu madax ka ahaa sh. Cali Dheere. Maxkamadaasi markii danbe wey iska baaba'day kadib markii dad badani ku kaceen oo khilaaf soo kala dhexgalay Sh. Cali iyo Cali Mahdi. (2) Dabayaaqadii sanadkii 1997 iyo horaantii 1998 shirkii Qaahira ka hor iyo kadib dawladaha Carabta oo ay hogaaminayso Masar waxay aad isugu dayeen bal iney mar uun Muqdisho maamul u sameeyaan, waxayna keeneen qalab boolis oo casri ah iyo kharashkii maamulkaasi u baahnaa oo ay balan qaadeen. Maamulkaasi wuu suurtoobi waayey kadib markii kooxaha muqdisho ku heshiin waayeey. (3) maxkamadihii Islaamiga ahaa ee meelo badan oo Muqdisho ka mid ah laga sameeyey sanadihii 1999 iyo 2000 oo runtii meelo badan oo magaalada ka mid ah aad loogu badbaaday, tuugo iyo budhcad badana umada ka qabtay. Maxkamadahaasi waxay shaqadii joojiyeen markii lasoo dhisay DKMG ee Car! ta lagu soo dhisay xilkii maxkamadahana dawladay ku wareejiyeen. (4) isku daygii u danbeeyey ee Muqdisho maamul loogu samaynayey wuxuu ahaa kii ay wadey dawladii Carta lagu soo dhisay. Waa lagu kala fekrad duwanaan karaa sababta maamulkani Xamar uga hirgeli waayey, waxaanse anigu u arkaa iney fashiliyeen dadka reer Muqdisho oo aad moodo iney fawdadii la qabsadeen oo aan dawladii si fiican ula shaqayn iyo weliba madaxda dawlada ka tirsan ee reer Muqdisho iyo hugaamiye kooxeedyada reer Muqdisho oo aan midna si dhab ah tixgelin weyn u siin arinta maamul u samaynta Muqdisho. Hadaba waxaa qofkastaa isweydiin karaa maxaa ka khaldan Muqdisho oo waxba uga shaqayn la'yihiin? Maxaase xal ah?

Sababaha Fawdada

Markaan u kuurgalay waxaan u arkaa in sabaha lagu soo koobi karo todobada arimood ee soo socda iney sabab u yihiin fawdada Muqdisho:

1) Marka hore sida Illaahay kor ahaaye uu Qu'aankiisa ku sheegay waxkasta oo inagu dhaca waxaa sabab u ah denbi iyo cisyaan iyo amarkiisa oo la khilaafay, taasina uma gaar aha Muqdisho ee waa bani Aadamka oo dhan.

2) Muqdisho waa magaalo weyn, xalkeeduna wuu ka adag yahay magaalooyinka yar yar oo deg deg lagu kala qabsan karo.

3) Muqdisho maaha magaalo qabiil gaari leeyahay ee waa caasimadii Soomaaliya, markaa majiro qabiil si gaar ah u daryeelaya ama u dhaqaaleynaya oo goofafka oo dhan iska leh.

4) Magaaladan waxay gacanta u gashay malayshiyooyin hubaysan oo isku qabiil ah laakiin aan meelkeliya amarka ka qaadan ama aan lahayn urur siyaasadeed oo midaysan oo ka danbeeya.

5) Inta badan hugaamiye kooxeedyada Muqdisho maaha siyaasiyiintii caadiga ahaa ee la arki jirey ee waa shakhsiyaad iska caadi ah oo magac ku yeeshay beeshooda dhexdeeda intii dagaalka sokeeye socday, dabadeed isu bedelay hugaamiye kooxeed aan cidina dooran cidina bedeli karin.

6) Kaalintii hogaanka dhaqanka oo meesha ka maqan, waayo Soomaaliya inteeda nabada ah waxaa suurto geliyey hogaanka dhaqanka (isimada ama duubabka). Laakiin beelaha hubaysan ee Muqdisho ama markii horeba ma lahayn hogaan dhaqan oo ay ictiraafsan yihiin ama waxaa awoodii ka qaaday hugaamiye kooxeedyada.

7) Dad ka faa'iiday fawdada ama u arka iney ka faa'iideen oo aan ogolayn in nadaam soo noqdo. Dadbadani waxay aaminsanyihiin in hugaamiye kooxeedyada laftoodu aanay rabin in nadaam soo noqdo iyo waliba ganacsata lacagaha faalsada ah, dadka haysta hantida aanay lahayn IMW.

Xalka

Ugu danbayntii waxaan xal u arkaa oo aan kula talinayaa walaalahayga reer Muqdisho gaar ahaan beelaha hubaysan:

1) Iney illaahay u toobad keenaan cafisna weydiistaan, kana baryaan inuu dhibka ka feydo dabadeed isku xukumaan shareecada Islaamka

2) Iney bilaabaan wacyi gelin xoogleh oo dadka loo sheego in wax weyni ka maqan yihiin oo ay ku jiraan fawdo khatar gelin karta mustaqbalkooda iyo kan Soomaaliya oo dhan.

3) Iney qabtaan shir dastuuri ah oo si casri ah loo soo agaasimey, Sidii shirarkii beelaha waqooyi iyo waqooyi bari (Somaliland & Puntland) ee sanadihii tegey oo leh qoraalo, shirgudoon, xoghayn, tixraac iyo kala danbayn. Dabadeed yaan lagu kala tegin ilaa go'aan laga soo saaro sidii fawdada looga bixi lahaa.

4) In cidii nabada diida meel looga soo wada jeesto oo lala dagaalamo dhamaan.

5) Hadii arimahaa waxba ka hirgeli waayaan, arinta Muqdisho lagu wareejiyo Soomaalida kale oo la keeno shirarka nabada ee Soomaalida si ay go'aan uga gaadhaan.

Illaahay baa mahad iska leh

M. Maxmuud Xuseen

Igala soo xidhiidh: coombeyare@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD