Hadaba tan iyo intii dagaalada sokeeye ay ka dilaaceen dalka Soomaaliya
ummadda Soomaaliyeed ee weligeed lugu tirin jiray ummad Islaam ah,
dhaqankeedana uu ku saleysnaa ama meelo ka shabahay dhaqanka carabta iyo diinta
Islaamka, ayey taasi daaqada ka baxday ama beenowday wanaagii laga sheegi jiray
dhaqanka iyo caadooyinka ay ummada laheyd kadib burburkii dalka Taa macnaheedu
waxaa weeye in ummaddii ay durbada caadooyin iyo dhaqamo siloon dhex mushaaxday,
iyagoon ogeyn waxey tahay, kana tagay dhaqankii suubanaa ee ay lahaayeen luguna
amaani jiray.
Si kastaaba aruntu ha ahaatee tan iyo uu dhashay murankii ku saleysnaa waxa
loogu yeeray Axdi qarameedka dowladda Fadraalka ah ee dhawaan laga soo unkami
doono dalka Keenya ayaa waxaa soo ifbaxaya qaadashada firkadaha shisheeye ee
kooxaha halkaasi ku shirsan la soo shirtagaan maalin walba.
Si ay markaasi u meel mariyaan danaha fog ee laga leeyahay dalka iyo dadka
Soomaaliyeed.
Hadaba iyadoo weli ay taagan tahay xiisada kadhalatay Axdi qarameedkaasi
maalin walbana ay shirka ka baxayaan ragg aan wadaniyadu awalba ku dheereen ee
danno fog lahaa, lana soo carro celinayey ”sidii haweeney seygeedii ka
caroortay”. Ayaa tallo cirka isku shareertay markii lala yimid fikrado ka
duwan tan maalin walba la isku qab qabsado madasha dhaxdeeda, shisheeyuhuna ku
qoslo.
Hogaamiye kooxeedyo ay kamid yihiin Cismaan Caato iyo Mowliid Macaane ayaa
ah labadii shaqsi ee ugu horeyey ee la soo shirtaga in luqada labaad ee dowlada
Habar dugaag yeelan doonto ay ahaato afka talyaaniga, taasoo aysan
cadeyn ilaa iyo hadda macnaha ay ku doorteen luqadaas oo aan ognahay qiimaha
darrada ku leedahay beesha caalamku.
Bal inte aynaan ugudo gelin macnaha buuxa ee maqaalkan aan wax yar ka eegno
luqada Talyaaniga qiimaha ay ka leedahay dalalkii ay horey u soo gumeysatay iyo
beesha caalamkaba. Dalka Talyaaniga xilligii boobka ba’an lugu hayey qaarada
madow waxey aheyd awood balaaran oo markaasi baratan uu kala dhaxeeyey
gumeystayaashii foosha xumaa ee aduunyada ka jiray sida Faransiiska Ingiriiska
iyo Jarmalkii naasiga ahaa oo isna dhulabaari xoogan ka waday yurubta bari.
Dalalka uu Talyaaniga gumeystay sida Soomaaliya Liibiya iyo Ereteerya, weligood
hormar la sheegi karro nooca ay tahay oo ay gaareen ma jirto, marka laga reebo
iney dalalkaasi dadka ku nool ay ku dhaqmaan nolol laa-luush iyo tuuganimo ku
saleysan damac dheeri iyo boobka hantida ummaddana noqotay shey iska caadi ah.
Talyaaniga dalalkaas uu gumeystay weligiis uma doodin xaquuqada ay leeeyihiin
sida ay Ingiriiska iyo Faransiiska ugu doodaan danno kastaaba ha kala haadaane
qaarada ay inteeda kale ka gumeysteen. Misna Ingiriiska iyo Faransiisku dalalka
ay gumeysteen waxaa ay u abuureen qorshayaal ay dalalkaasi wax kaga badali
karaan hanaanka siyaasadeed ee dib u socdka ah iyo hormar la xirriirta xagga
nolosha sida dhaqaalaha iyo caafimaadka. Hase ahaatee Talyaani oo awalba caan
ku ahaa musuq maasuqnimo iyo faqri dahsoon weli dalalka uu gumeystay xagga
dhaqaalaha iyo hormarka kama dhisin, ee iyagoo lafahadooda fiintay, luqadoona
ma ahan mid muctarif ah oo caalamka looga hadlo sida faransiiska iyo ingiriiska.
Faransiisku dalalka uu gumeystay waxaa uu ka taakuleeueyxagga dhaqaalaha (inkastoo
gumeystuhu jeceleyn hormaarkaga) waxaana sanadka kasta la qabta shir looga
hadlo aayaha dalalkaasi uu faransiisku gumeystay kuwaas oo dhamaantood ka kala
yimaada daafaha dunidda. Sidoo kale dalka Ingiriiska waxaa uu dalalka uu
gumeystay qaarkood ku daray dalalka loo yaqaan barwaaqo sooranka, kuwaas oo
iyagana looga hadlo hormarinta dalalkooda iyo wixii la halmaala.
Iyadoo inta aan kor ku soo xusay ay jiraan, ayaa hadana dhibaatooyinka
dahsoon ee dowlada Talyaaniga ku heyso dalalka ay isticmaarsan jireen ahaayeen
kuwo muuqda oo aan weligood laga hadlin, tusaale waxaa kuugu filin dalka
Soomaaliya taariikhduna xustay faa’iidadii iyo qasaaraha dhankastaba leh ee
laga helay xirriirka talyaaniga tan iyo markii madaxbanaanada laga qaatay.
Hadaba iyadoo la ogsoon yahay in Soomaalidu tahay Islaam, hadana xirriirr
soo jireen ah lalaheyd dalalka ku yaala Khaliij-ka iyo Yeman, luqada carabigana
tahay tan labaad ee dalka looga hadlo islaanimada awgeed, ayaa su’aashu
waxey tahay maxaa keenay maanta in luqadaasi meesha laga saaro?? (kolka aan
su’aashan xusay ulama jeedo inaan ka mid ahay dadka aamisan fikrada ah in afka
carabiga noqoto luqad guud ahaan dalka ka hirgasha). Hadaan runta laga
leexaneyna soomaalidu waa Islaam islamarkaana barashada luqada carabiga iyo ku
hadalkaba ay mudan tahay iney noqoto luqada labaad ee dalka looga hadlo.
Hase ahaatee sida aan ku soo xusay maqaalkii kan ka horeeyey ee aan ugu
magacdaray ”Maandeeq
meeshii loogu tashaday sow Alle ma joogin?” ayaan ku qeexay in
keligii taliyihii hore cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya sheegay in
Soomaaliya maalin uun la isweydiin doono halka ay qaaradda Afrika kaga tiilay.
Arintaasina aaneyba hada iyo goor u dhow bilaaban ee ay taxane soo aheyd tan
iyo sebankii Axmed Gurey, markaasoo ay qeylo dhaan u doonatay dowladiii
Amxaarada ee xilligaasi jirtay gumeystihii Bortaqiiska kolkii ay ku
beerlaxowsatay iney ku heereysan tahay bad Islaam ah sidaasina ay ku heshay
kaalmo mellateri oo lugu jebshay geesigii Axmed Gurey.
Hadaba maanta oo ay ummada Soomaaliyeed jirin maalin ay kaliitato maxaa
keenay in raggan aan awalba fiirada dheer laheyn iney lasoo shirtagaan
in afka talyaanigu noqdo luqada labaad, halkii ay tii Islaamka iyo Quraankuba
ku soo degtay ahaan laheyd tan mudan in laga hormariyo waxkasta.?? Sow ujeedada
ka danbeeysa hadalkaasi lama oran karro weli waxaa tartiib tartiib u soo baxaya
qorshaha Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya? Mise waxey balan qaad dowladeed ka
heystaan labadaasi garashada ku yartahay safiir ku sheega Talyaaniga ee
wejiyada badan ee jooga goobta shirka.??
Hadaba faalo badan faa’iido malaha arinta Soomaaliya waxey noqotay ”weel
cunto ku jirta oo ruuxii gacanta la galaa uu cantuugsanyo wixii u soo baxa,
ka hor inta aan laga dhameysan” Qaranka Soomaaliyeedna waxaa uu maanta magan
u yahay mindiyaha qarsoon ee cadowgeeda soo jireenka ah iyo ragg siyaasiin isku
sheeg ah oo awalba u baahnaa in siminaaro iyo casharo ku sabasan siyaasadda loo
furro ka hor inteysan sheegan, hase ahaatee ”Dani iskuma kaa sheegto
”qorigey adeegsadeen iyo ummad maangaab ah ayey ku kasbadeen magaca maanta loog
yeero ee siyaasi ah, waxeyna taasi dhaxalsiisay ummadaasi ayaanka darran iney
goor danbe soo baraarugto walow uusan jirkooda ka bixin kaniinkii hurdada ay
siiyeen.
Mowliid Macaane iyo Cismaan Caato oo ku doodaya in afka talyaanigu noqodo
luqada labaad ee dalka, maxey uga doodi waayeen qodobka dhaqanka iyo afka la
sheegay iney soomaalid wadaagin,?. Maxeyse uga doodi waayeen jiritaanka Ummadda
Soomaaliyeed ee loolanka loogu jirro sidii loo ciribti lahaa?? Halka luqad
isticmaar oo weligeed soomaali waneed ka shaqeyn ugu doodayaan.
Mise iyaagaba noqoday dhurwaagii geela la raacshay ee duur cidlo ah la
fiirstay geed harkiis?? Allow hashaasi Maandeeq ayaan darranaa!!
Talyaanise luqadiisa maxey ku doorteen??