SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEEED

G/W/S025/03 London, 07/08/2003

Ujeedo:- Beeneyn

I  I  D  H  E  H

KAAH

Waxaa wax lala yaabo ah hadalkii ay dhawaan ka jeedisay magaalada Addis abeba ee dalka Ethiopia, Xoghayaha arrimaha dibedda ee maamulka gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda Soomaaliya Miss Adna Adan Isma'il, oo ahaa in koofurta Soomaaliya ay ka howl galaan waxa loogu yeero Argagaxisada caalamiga, iyo in madaxda koofurta ay caadeysteen in ay ku soo dhaweeyeen goobaha ay ka taliyaan Argagaxisada, wareysigan oo ay siisay wakaalada wararka ee Reuters.

Sidaas darteed ma aha in mas'uul sare oo Soomaaliyeed, ama wax ay ka sugayeen dadkeeda, in ay horseed u noqoto ama ay eedeyn noocaas ah u soo jeediso qeyb ka mid ah dadka ku dhaqan jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ma aha xaalad la aqbali karo in gooni isu taaga gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda Soomaaliya darteed Miss Adna ku eedeyso Soomaaliya inteeda kale in ay ka howl galaan waxa ay ugu yeertay Argagaxisada caalamiga ah.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu beeninayaa isla markaana cambaareynayaa eedeymahaas ka soo yeeray Miss Adna Adan Isma'il iyo in ayan Soomaaliya gabaad ay ku dhuuntaan u noqon karin burcadda caalamiga diin iyo midab kasta oo ay leeyihiin.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu International community-ga iyo dowlaha isu xil saaray la dagaalanka iyo ciribtirka waxa loogu yeero "Argagaxisada caalamiga" ku soo dhaweynayaa Soomaaliya.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mar labaad u caddeynayaa "alla comunita' internazionale" in uu ka soo horjeedo Argagaxisada caalamiga meel kasta oo ay joogaan iyo ciddii amaan galisaba.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu taageerayaa dadaalka bulshada caalamka ugu jirto la dagaalanka iyo ka hortagga kooxaha xag-jirka ah, kuna dhuumanaya magaca diineed.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu bulshada caalamka ka codsanayaa in ay ku taageeraan shacbiga Soomaaliyeed dhisme nidaam suura galiya ilaalinta xuduudaha bad iyo beriba leh, si looga hortago in aysan marna suurtagal noqon in ay soo caga dhigtaan ama ay noqoto goob ay ku dhuuntaan burcadadan uu batay hadal heyntoodu.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda ahna wakiilka

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed u jooga Talyaniga

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD