Waxaa qof kasta oo soomaali ah wadnaha gooyay dhacdooyinka foosha xun ee
Soomaaliya ka dhacaya, gaar ahaan Xamar. Lug haween oo cilaan marsan oo la soo
gooyay iyo jirkii gabar saddex jir ah oo la googooyay oo lagu tuuray jidadka
Xamar, xaalufinta degaanka dooxada Jubba lagu hayo iyo colaadda aan ka dhammaan.
Baydhabo oo macaluushii raagtay ay u bedeleen dagaal aan dhinacna u dhicin iyo
guud ahaanba koonfurta Somaliya oo qiiqaysa waxay qof kasta oo Soomaali ah ku
reebayaan murugo aan la hilmaami karin. Dhibka Soomaliya oo aa dhammaan,
gobolada nabadda helay sida Waqooyi bari iyo Waqooyi galbeed oo aan awoodin in
ay u gudbiyaan walaalahooda Soomaaiyeed nabadda iyo deganaanshaha ay ku nool
yihiin. Xukun la’aanta iyo dagaal oogayaasha aan waxba u soo wadin oo dadka
raja dhig ku beeray iyo dhammaan masiibada ku habsatay Soomaaliya waxay qofka
Soomaaliga ah ku beeraysaa in uu isku dhiibo wixii cadowgiisu ugu taliyo.
Maanta waxaa ay Soomaalidu maraysaa meeshii ay cadowgoodu la doonayeen oo ah
- In ay dagaal ku kala go’aan aan la garan ujeedadiisa.
- In ay qabiil qabiil oggolaadaan in ay wax ku qaybsadaan oo ah Jaahilnimo
tii ugu liidatay.
- In cadowgoodu u meeriyo waxa ay samayn lahaayeen, iyagoo sida ciyaal
fasal ku jira loola dhaqmo, qof kastana uu leeyahay way u qalmaan ileen
ayagaa meesha is dhigayeh.
- Iyaga oo an is aaminayn, kooda ugu xunna hogaamiye ka dhigta kuna raacaya
waxa uu u sheego.
- Dantooda guud oo ay ka door bidaan waxa uu ugu yeero kan iyaga xoogga ku
haysta.
- Bal day kuwa dekedda iyo airport xiray baa loo sacbinayaa, iyo sababo
kale oo badan oo aan la soo koobi karin.
Dhibaatooyinkaas waxay sababeen in naloo taliyo oo la yiraahdo waxaa la
idiin keenayaa ciidamo hubka aad is ku laynaysaan idinka dhiga. Waa sax waana u
baahanahay wax hubka naga dhiga, laakin waxaa naxdin leh ciidamada Afrikaanka
ee la keenayo Soomaaliya maxay yihiin, maxaase naloogu dooray.
Waxaan baaris ku sameeyay ciidamada naloo soo wado, waxaana aan ka naxay oo
dawlad la’aanta ka door biday nabad naloogu bedelayo HIV/AIDS. Soomaliya
waxay noqotay waddanka ugu yar ee cudurka AIDS laga helo qaaradda Afrika iyada
iyo Gambia. Hadaba waxaa loo soo dhoofinayaa isagoo sharciyaysan ee bal ila
daya ciidamada naloo keenayo oo badanaa laga keenaya wadamada ku yaala inta
Saxaharaha ka hoosaysa sida Konfur Afrika, Botswana, Zambia, Nigeria, Kenya,
Uganda iyo wax la mid ah.
Wargeyska A Journal of culture and African studies (2001), waxa uu
daabacay in ciidamada
Zimbabwe ay qabaan 90% HIV/AIDS.
Kongo iyo Angola ay qabaan 50% HIV/AIDS.
Konfur Afrika ay qabaan 50% HIV/AIDS
Uganda lama huba laakin hoos bay u dhacday oo waxay maraysaa 40-60% inta
qabta HIV/AIDS
Nozizwe Madlala-Rontledge, ku xigeenka wasiirka gashaandhigga Konfur
Afrika waxa uu sheegay in ciidamadu ay yihiin kuwa ugu badan oo sababa
faafinta HIV/AIDS qaaraddan. Cudurada galmada lagu kala qaado 2-5 jeer ayay
ka sareeyaan askartu shacabka caadiga ah. Waxaana cilmi baaris la sameeyay
lagu xaqiijiyay in cudurkan ay badanaa keenaan ciidamada iyo dalxiisayaasha.
Warbixinta ururka samafalka ee Ururka Qaramada Midoobay (United nations
International relief agencies) waxay ku sheegtay in marka ciidamdu ay u
safraan wadan kale ay ku xad gudbaan shacabka aan hubaysnayn ee ay u tageen
iyagoo isticmaalaya kufsi cabsi galin iyo xoogid ku slaysan. Waxaa caadi ah
in ay aad wax u kufsadaan ee ayan ku ekaan kuwa jirkooda gata.
Grace Michelle oo ah haweenaydii uu qabay Nelson Mandella oo Ururka
Qaramada Midoobay u warbixisa , waxay tiri waxaan noqonay isgoyskii
(Crossroad) HIV/AIDS. Botswana dadka waaweyn waxaa qaba in ka badan 35%,
Nigeria 4 Malyan oo qof ayaa qaba iyo 8000 caruur yar yar ah, waxaana u
dhintay dadkii qabay 6.5%.
Waxaa Interpol laga soo wariyay in Konfur Afrika ay tahay waddanka ugu
sareeya kufsiga adduunka, isla markaana waana waddanka ugu sareeya HIV
adduunka. Kuwa kufsiga ka badbaada waxaa in ka badan 40% inta la soo sheegay
ku dhaca HIV.
Konfur Afrika waxaa bishiiba ku dhasha 5,800 cunug oo qaba HIV. Waxaana
Afrika daqiiqadii dhasha 4 cunug oo qaba. Nus malyan cunug ayaa manta waalid
la’aan uu cudurkaasu dhigay waddanka Konfur Afrika. Hadaba waxaa naxdin leh
in Soomaaliya oo hadda adduunka laga daawado sidi ciidamada Talyaaniga,
Belgium, Kanada, Maraykanka, Australia iyo kuwii kaleba sida wuxuushnimada ah
ee bani aadanimada ka baxsan ay u galeen carruurtii, haweenkii iyo dadkii
kale Soomaliyeed ee ay dhaheen waxaan ugu tegeynaa in aannu u naxariisano.
Mid dadka sola (duba), mid kufsada, mid dal dala, mid inta laba dible u xira
gari dabada ugu xira mid suu u garaacayo nafta ka qaada, mid ceejo ku dila iyo wax ka sii daran
ayay sameeyeen. Waxaase ka sii naxdin badan dadka aan wali garan iyagu in ay
xalistaan dhibkooda inta aan lagu saladin cadow aan u naxayn kana xoog badan.
Ciidamo waannu u baahanahay na kala qabta laakin uma baahnin in naloo soo
dhoofiyo HIV/AIDS. Hadaba wax garadka Soomalaiyeed waa in ay codkooda u
mideeyaan siddi nalogu keeni lahaa ciidamo laga kenay wadamada AIDsku ku
yaryahay sida wadamada Muslimiinta ah ama xataa kuwa waqooyiga Afrika ee
muslimka ee cuduradaas ku yaryihiin isla markaasna aannu diin ahaan is fahmi
karno oo u naxaya walaalahooda muslimka ah.
Si kasta oo ay u xun yihiin wa ay dhaamaan kuwan diin ahaan aan noogu naxayn,
cudurna kuugu ridaya si khasab iyo xaasidnimo ah. Waxaa loo baahan yahay in la
iska kaashado. Haddii loo baahdo ciidamadii Soomaaliya ee aan ka qayb qaadan
dagaaladii sokeeye, ciidamada habaysan ee Puntland ee hadda diyaarka u ah in ay
kaalmeeyaan kuwa imaanaya iyo kuwii kale ee aan ahayn kuwa wax boobabaya ama
dhacaya oo ay kaalmeeyaan cidamo yar oo ku kalmeeya kuwa Soomaalida ee dawladda
cusub ee la dhisi doono qalabka ciidanku u baahan yahay (Logistics) iyo
fikradii kale ee dhaanta in la keeno ciidamo Afrika laga keeno oo ka tegaya
dhibaato aan xal loo hayn.
Muhyadin Ali Yusuf M.Ed.
University Of Minnesota
Alix0089@umn.edu
Muhyadin1@hotmail.com