”Hubdhigis” iyo ”federal” waa labo erey
oo uu mid af soomaali yahay, midna uu luqad qalaad yahay, hase ahaato ee waa
kalmado qofkii aan tuugnimo iyo burcadnimo jeclayni uu maqalkooda iyo
macnahooda aad ugu farxayo.
Labada erey waxaynu ku hormaraynaa
”federal” waayo af soomaali ma aha oo waa erey ummado badan ka dhexeeya, isla
markaas waxaa maalmihii danbe lala xuurtaysnaa jariiban iyo gunuunuc ay horseed
ka yihiin labada nin oo la baxay ”Walaalaha Galgaduud” iyo taageereyaal xoogaa
ah, oo ayaga oo aan macnaha iyo nuxurka federalka fahmin ay caadifadi qaadday.
Sida federalka loola dhacsan yahay, oo
ay soomaalidu ugu riyaaqeen waxay gaarsiisan tahay heer ay shacabka badankoodu
markii ay ereygaas maqlaan ugu qiiroodaan sidii ayaga oo gabay guubaabo ah ama
hees waddani ah dhegaysanaya. Waxaa laga yaabaa in uu ereygu sidiisaba yahay
kalmad dhawaaq macaan, oo maqalkeedu uu xallad iyo bilic farshaxan ah huwan
yahay, isla markaas waxaa dhici karta in macnihiisu uu xanbaarsan yahay nuxur
iyo narsi ay ummaddu ereyga ka dhedheminayaan uu nabad iyo naallo waara u soo
jiidi doono.
Soomaalida badankooda siiba dadkii ku
dhaqnaa ”labadii magaalomadax oo hore” markii ay arrin fahmi waayaan waxaa
alaaba loo soo qaataa tusaale cunto ku saabsan, si ay sharraxaadda ugu
dhegonuglaadaan. Sidaas darteed waxaa hadda beegtoon in aynu dadka federalka ku
fahamsiinno kalmad ay dadka makhaayadaha gada iyo kuwii inta laanguruusarrada
la carraaba makhayadaha galoobixi jirey ku fahmi karaan macnaha iyo waxdheefka
federalka.
Labada nin oo la baxay ”Walaalaha
Galgaduud” cidina kama ay badsan in federayshin laga dalbado makhaayadihii ay
dabadeed ayaga iyo saaxiibbadood taloxumida ku dumiyeen, oo ku yiil
magaalomadaxdii hore ee jamhuuriyadda Soomaaliya.
Gadaal ayeynu ka sheegi doonna labada
nin oo walaalnimada gaarka ah sheegtay, isuna bahaystay ceebaynta iyo
masabbididda arrimaha federalka iyo waxyaalo kale, hase yeesho ee waxaynu
hortii caddaynaynaa in uu federalka macnihiisu yahay ”Isku dar” ee uusan ahayn
”Kala jarid”. Taas waxaa daliil culus u ah in ”Walaalaha galgaduud” markii ay
makhaayad caasimaddii hore ee dalkeenna ku taal horteeda baabuur hanti ay
boobeen laga bixiyey ku baakingareeyaan ay dalabkooda ka bilaabi jireen
”Faderayshin ii keen”, taas oo ay ka wadeen in cuntooyin weelal kala duwan ku
jirey isku saxan looga buuxiyo.
Faalladaas cuntada ku saabsani waxay
gashaanka ku dhufanaysaa madalhufinaha iyo macangagnimada aan murtiyaysnayn ee
ay ”Walaalaha Galgaduud” iyo taageereyaashoodu ku mabeen tan iyo intii la
bilaabay in loo ololeeyo arrimaha ”federalka” iyo ”hubdhigista”. Markii cunto
la dalbanayo in federal la jecel yahay oo “Isku dar” loo yaqaan, haddana markii
ummadda soomaaliyeed in nadaamka federalka lagu dhaqo oo hubka laga dhigo la
rabo in indhaha xanjo la soo marsado oo federalka iyo dawlado deris ah la iska
caayaa waxay inoo muujinaysaa in ay ”Walaalaha Galgaduud” gardaran yihiin, oo
ay u angaxayaan in aan shacabka iyo kooxaha hubka laga dhigin iyo in aan
ummaddii kala tagtay oo colaadaha ku kala fogaatey habka federalka la isugu soo
jiidin.
Ikhyaarta mihiiggaanka ah oo federalka
xiisaynaya, oo ogsoon baahida loo qabo iyo sida uu u midayn karo ummadda iyo
sida uu kalsooni u siin karo bulshada kala shakisan waxay og yihiin in uu
federalku yahay baraf lagu daminayo qaxanka qabyaaladda, ee uusan ahayn in
ummadda qabiilooyin loo kala jarjaro.
Waxaa la wada og yahay in ay bushada
soomaalidu beelo u kala miirantay, laakiin su’aasha ugu weyni waxay tahay ma
federal baa markii ay kala miirmayeen la haystey? Waxaa iska cad in uusan jirin
qof oranaya: ”Waxaa soomaalida qabyaaladda baray habka federalka oo ah in wax
la isku daro”.
Hadda ayeynu soo gaarney markii aynu
sheegi lahayn kuwa ay yihiin “Walaalaha Galgaduud”, waana Cabdiqaasim iyo Barre
Hiiraale. Qof kasta oo federaalka caaya ama ama dawladda Itoobiya masabbidaa
wuxuu taageersan yahay labadaas shakhsi, oo ka tirsanaa maamulkii ummadda oo
midaysan xoogga ku qabsaday oo shacabkii oo qabyaalad isu laynaya uu cimrigiisu
go’ay.
Cabdiqaasim iyo Barre Hiiraale waxay
macagacaas (Walaalaha Galgaduud) ku dhawaaqeen oo la baxeen intii aan Carta
durbaankii iyo halaasigii lagu qaban. Sida ay dadka qaarkood sheegaan waxaa
magaca ”Walaalaha Galgaduud” laga dhaxlay jaalle Maxamed Siyaad Barre, oo ku
beerdulucsan jirey Cabdiqaasim, oo uu ka jeclaa carruurtiisa iyo aqalladiisa.
Ama jaalle Siyaad ha laga soo xigto ama
Ismaaciil Cumar Geelle ee kolley waxaa Carta durbaan laga garaacay markii uu
magacu ka hirgalay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, wuxuuna macagu
shaqeeyey intii aysan ganacsatada Jibuuti qaarkood iyo ganacsatada Banaadir
qaarkood ku heshiin in shir qof kasta u furan laga bilaabo dalka Jibuuti.
Dadkii ugu badnaa oo shirkaas iska
xaadiriyey waxay ahaayeen danyar horay Jibuuti ugu noolaa, oo markii ay
ogaadeen in uu furmay shir laga helayo cunto iyo jiif bilaash ahi isku qoray in
ay yihiin ergooyin laga soo xulay gobollada Soomaaliya. Runtii waxaa la oran
karaa faa’iidada keli ah oo Carta laga helay waxay ahayd in soomaali baahani ay
ka heleen cunto ay ku noolaadeen halkii sano oo uu shirkaasi socdey.
Arrintii riwaayaddaas ugu xiisaha
badnayd waxay ahayd in ay shirka isku qoreen dad dalka Jibuuti u dhashay, oo
kaga qaybgalay in laga soo diray soomaaliya, waxaan fursaddaas u sahley in ay
dadka reer Jibuuti qaarkood ku hadlaan af soomaali iyo in dadka shirka ka
qaybgelayey aysan ahayn dad aqoonsi dhiibanayey oo aysan soomaaliya ka jirin
wax baasaboor iyo teesare ahi, isla markaas dadku kama ay socon maamullada iyo
kooxaha dalka haystey, ee waxay ahaayeen dad af soomaali ku hadlaya oo aan
badankooda cidina garanayn.
Waxaa la garaney wadaaddada qaarkood
iyo rag kacaankii u shaqayn jirey, oo ay ka mid ahaayeen shiikh Cumar-Faaruuq,
jeneraal Gaanni, kornayl Ahmed Cumar Jees iyo mudane Cabdiqaasim. Waxaa sidaas
oo kale la garaney qoraagii caanka ahaa oo asaga oo yar ku soo caanbaxay in uu
diyaariyo sheekooyin xallad leh. Waa Maxamed Daahir Afrax! Qoraagaasi wuxuu mar
danbe qoray buug yar, oo uu isku deyey in uu bixiyo sawir aan macquul ahayn oo
ah in ay shirkii Carta iyo Ismaaciil Cumar Geelle fiicnaayeen, laakiin ay xun
yihiin Cabdiqaasim iyo Xassan Abshir oo uusan shirku mufashil ahayn ee ay
nimankaasi masuuliyad la saaray ku gaboodfaleen. Buuggaasi wuxuu ahaa mid aan
misaan weyn lahayn, oo uu mudane Afrax moodey in uu kaga bixi karo ceebihii uu
soo jidey shirkii ay ganacsatadu wateen oo lagu xoolaystay, waase haddii uu
helo cid ka akhrisata! Run ahaantii Maxamed Daahir Afrax waa nin ay dadka
sheekooyinka jeceli aad u qaddariyaan, oo aannu ka caloolxumaannay in meelaha
qaarkood lagu arkay iyo in uu ammaanay wax aan in la ammaano astaahilin.
Qoraagaas caanka ahi waa ninka keli ah
oo intii ay dawladokusheeggu jireen diyaariyey sheekooyin xagga farshaxanka u
dhigmi kara sheekooyinka casriga ah oo ay bulshooyinka horamay qoraan, wuxuuna
ka mid ahaa dadka farakuriska ah oo aqoonta ka lahaa dadkii hugunkaas Carta
lagu hodey ama ayagu wax ku hodey.
Waxaa shacab aan xog’ogaal ahayn
maskaxda loogu shubay in ay shirkii Carta isugu yimaadeen dad badan oo aqoon
sare lihi, warkaasina waa been riqiis ah oo in lagu qoslo mudan. Run ahaantii
dadkii isugu tegey shirkaas waa uu ku yaraa qof haysta shahaadada Ph.D (doctor
of philosophy), oo wax tacliin heerkaas ah leh waxaa ka joogey qof ama labo uu
Maxamed Daahir Afrax ka mid yahay. Waxaa caaqnimo weyn ah in markii magacyada
Cabdiqaasin iyo Xassan Abshir la qorayo lagu horqoro Dr! Dadka soomaalida ahi
waxay qabaan cudur magacjacayl ah, oo faraya in ay sheegtaan jagooyin been ah
iyo tacliin been ah. Dhab ahaantii waxaa Dr loo qori karaa ruux haysta shaadada
Ph.D (doctor of philosophy). Xaggee bay labadaas nin ka qaateen shahaadada loo
qorayo, goorma ayeyse qaateen?!
Askartii xilligii kacaanka sida fudud
loo dallacsiin jirey iyo dadkii meelaha hanuuninta ku soo caanbaxay ayuu mid
kastaa markii uu goobtii uu bulaanku ka socdey gaarey wuxuu magaciisa ku
horqoray Dr, waxaana shacabkii masaakiinta ahaa laga dhaadhiciyey in ay Carta
joogeen dad aqoonta ”yahamiin” ku ahi. Waa kuma ninka tacliinta sare lahaa oo
shirkaas joogey oo aan ahayn dadka farakutiriska ah oo aynu sheegnay, aqoontuse
ma in uu qof kastaa Dr iska qorto ayaa mase waa wax loo dhibaatoodu oo dadaal
dheer iyo karti weyn u baahan?!
Wadaaddada laftooda dadka soomaalida
ahi ma ay kala yaqaanniin in ay aqoon macquul ah leeyihiin iyo in ay
masalogaabyo yihiin, waayo bulshoweyntu inta ay diinta uga baahan tahay waa
wacdi yar iyo in looga jawaabo masalooyin yaryar.
Tusaale yaab badan ayaan idinku
qancinayaa in ay xagga diinta aqoondarro weyni ka jirto. Mar aannu joogney
magaalomadaxdii hore ee dalka ayaannu u baahannay culumo wax naga bara labo
cilmi oo xagga diinta aad u waaweyn, oo uusan qofku ilaa uu ayaga fahmo diinta
fahmi karin. Labadaas cilmi mid waa ”Usuulul fiqhi” midna waa ”Musdalixul
xaddiis”.
Midka hore waxaa lagu daraaseeyaa sida
qur’aanka iyo xaddiiska loo daliishado iyo sida ujeeddada daliishiga loo
abbaaro oo xeerar guud oo wax loo daliishan karo ama wixii iswaafiqi waaya xal
loogu heli karo ayaa lagu bartaa. Midka labaad waxaa lagu bartaa sidii
xaddiisyada loo kala weriyey iyo dadkii kala weriyey. Arrintaas ayey ka
abuurantaa in ay xaddiisyada qaarkood wax fiican oo diin ah yihiin, qaarna ay
yihiin wax aan diin ahayn oo aan la daliishan karin. Runtii waa cilmi ballaaran
oo lagu fahmo dhibaatooyinka iyo halisaha xagga xaddiiska ka jira.
Labadaas cilmi midka hore wax
habayaaraato ee garanaya waxaa jamhuuriyaddii Soomaaliya joogey labo nin oo
soomaali ah iyo nin oromo ah. Labadii soomaalida ahaa mid wuxuu ku dhintay
dalka Uganda oo magaciisa waxaa la oran jirey Nuur Cali-Colow Axmed midka dalka
sucuudiga ayuu joogaa oo waa ninka la yiraahdo Shariif Cabdinuur. Ninkii
oromada ahaa meel uu ku danbeeyey ma aqaan, laakiin cilmiga danbe waxaa mar
gadaale la helay nin dhallinyaro ah oo dalka Ciraaq ku soo bartay oo magaciisa
la yiraahdo Ahmed-Dheere. Ninkaas ayaa xagga ”Musdalixul xaddiiska” afar ku
ahaa raggii aynu sheegnay.
Haddaba waxaa su’aal ah maxay yaqaaniin
wadaaddada faraha badan oo ay dadka caamada ahi u yaqaanniin caalimiinta. Waxay
garanayaan in ay xafideen xaddiisyo aysan sida loo kala weriyey iyo
cilladahooda aqoon iyo tafsiir ay iska dulmaraan, ee aysan sida loo daliishado
aqoon, oo ay isaga kaaftoomaan sidii ay u macneeyeen dadkii hore. Waxay dadka
jaamacadaha diinta ka soo baxay samayn karaan in ay jeediyaan wacdi iyo in ay
duruuruxiyaan kitaab aysan xaddiiska ku qoran cilladihiisa xal u samayn karin
iyo aayado aysan sida macnohooda shishe loola soo baxo aqoon. Intaas waxaa
dheer kutubo hadal ahaan shareecada looga qoray, oo ay ku uruursan yihiin
aragtiyo ay wadaaddo hore ka qabeen nusuusta, kuwaas oo aysan wadaaddadeenu
sheegi karin sababta ay wadaaddadii hore u qaateen, ee ay iska xafidaan oo
fidiyaan, waayo ma ay yaqaanniin aqoontii ay ku garan lahaayeen sidii ay u
fakarayeen raggaas hore oo ajnebiga ahaa.
Haddaba waa kuma ninka aqoomahaas
waaweyn lahaa oo shirkii Carta ka soo qaybgalay?! Mase ninkii tafsiirka
qur’aanka laqbadiisa ka qalalabsiin karaaba waa shiikh caalim ah?!
Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu
hadda isleeyahay hal-abuurrada ayaa aqoon u lahaa maaddadooda ah maansada, oo
sidaas ayuu shirkii Carta ku fiicnaa! Haddaba xagga maansada lafteeda ummadda
waxaa laga dhaadhiciyaa oo maskaxda uga buuxa aragtiyo liita oo been ah.
Maansadu waxay leedahay ”Qaabin” iyo ”Doojin”. Qaabintu waa farshaxanka loo
bilaabo, loo daadihiyo oo loo gunaanado. Doojin waxaa la yiraahdaa kartida
miraheeda loo xoojiyo, loo cabbeeyo oo loo feento. Shirkii Carta qof aan
maansadiisa xagga qaabka ku qancay kama uu soo qaybgelin, laakiin xagga
doojinta waxaa dhegahayga xoogaa soo jiitey nin aanan magaciisa aqoon. Asagana
waxay ceebtiisu xagga doojinta noqotay in uu gabaygii labo mir oo deelqaaf leh
ku daray. Darajada ugu hoosaysa oo uu qofku maansada ka gaaraa waa in uu
maansadiisa deelqaaf ka dhawri karo, waxaana yaab leh ninkii keli ahaa oo wax
ku guuleystey in uu deelqaaf la soo dhex-istaagey meel ay dad waxwalbaale ahi
ka bulaamayeen, oo haddana laga daawaday meelo badan. Gabaygu wuxuu ku socdey
xarafka ”kaaf”, waxayna labada mir oo uu deelqaafku halakeeyey ahaayeen:
Kas midnimo haddaad yeelataan, hadal ma
joogeene
Kaafina kolkiisii wuxuu, turubka
dhawraaba
”Hadal ma joogeene” iyo ”turubka
dhawraaba” midna laguma darin erey ka bilowda xarafkii uu gabaygu ku socdey oo
ahaa ”Kaaf”! Akhri buuggayga Danyarkalkaal haddii aad faallo dheer oo maansada
ku saabsan rabtid!
Haddaba dadkii Carta dhoobtay
badankoodu saddex arrimood ayey yaqiinneen, oo ay fahmi kareen. Saddexdaas
waxyaaloodna waxay ahaayeen ”Quraac”, ”Qado” iyo ”Casho”!
Shirkii ugu horreeyey oo si deggan
looga wada hadlay labada arrimood oo aadka u waaweyn ee kala ah ”Federal” iyo
”hubdhigis” waa shirweynaha hadda loo fadhiyo dalka Kenya. Waxaa halkaas
fadhiya dad badan oo aqoon sare leh, oo ay ilaa dhawr iyo toban ka mid ahi
haystaan shahaadada ugu sarraysa ee jaamacad laga qaato, Ph.D, isla markaas ay
boqollaal ka mid ahi haystaan shahaadooyin heerar kala duwan ah oo jaamacadood.
Aqoonyannadaasi waxay ku soo kala takhasuseen sharciyada, dhaqaalaha, maamulka,
xalladda, cilminafsiga, sayniska lamihiisa kala duwan iyo diinta islaamka.
Shirkaas waxaa fadhiya siyaasiyiin
waaweyn, oo horay Soomaaliya jagooyin kala duwan uga soo qabtay, oo tusaale
ahaan waxaa jooga intii ka nool kooxdii uu Aadan-Cadde hoggaamiyaha u ahaa iyo
wixii ka haray dawladdii uu Cabdirashiid ka dhintay. Kacaankii xataa waxaa ka
joogaa dad badan, laakiin kacaanku khayr ma uu lahayn oo in aysan joogin baa
shirka u fiicnaan lahayd.
Kooxihii dhawr iyo tobankii sano oo la
soo dhaafay dalka ku hardamayey, oo u kala qaybsan kuwo maamullo soo wakiisheen,
kuwo beelo ka socda iyo kuwo kooxo maafiyo ah, sida Carta, ka socda
dhammaantood waxaa ka maqan reer Hargaysa oo sidii ay Maxamed Siyaad Barre uga
xanaqeen weli furka tuursan. Waxay reer Hargaysa cuskadaan maahmaah ah ”Nin aan
talin jirini haddii uu taliyo, nin aan tegi jiri baa taga” oo ay ula jeedaan in
uu Maxamed Siyaad ahaa nin taloxun, oo ay tegayaan ayaga oo horay uga mid ahaa
beelihii badnaa calanka baluugga ah wada samaystay.
Waxaa jirta maahmaah oranaysaa ”Dhibtii
lagula qabo, catowgeeda laguma degdego”. Haddaba dhibtii kacaanka oo beelaha oo
dhan wada taabatay haddii uu qabiil keli ahi aad uga cataabo, oo uu ”federal”
iyo ”hubdhigis” midna diido, isla markaas beelaha kale oo walaalaha ah afka loo
buuro waxay noqonaysaa wax aan la hafmi karin.
Hargaysa, Berbera iyo Burco haddii Alle
idmo ”federalka” iyo ”hubdhigista” ay asaaggood u heellan yihiin marna ka ay
harimayaan, oo dadkooda ayey wax la qabi doonaan, hase ahaato ee ”Walaalaha
Galgaduud” ayaa waxay cuqdad xun ka qabaan ”federalka” iyo ”hubdhigista”, isla
markaas maqaalku mowduucaas ayuu ku saabsan yahay.
Cabdiqaasim oo ah ninka sarreeya labada
nin oo isu baxshey ”Walaalaha Galgaduud” ayaa markii uu shirka lagu heshiinayo
ka baxay afka iska furtay. Wuxuu sheegay in uusan afka ”May” oo lagaga hadlo
gobollo dhan oo dalka ka mid ahi astaahilin in axdiga lagu qoro in uu luqad
jirta oo wax lagu baran doono yahay. Wuxuu arrintaas ku xumaynayaa shacabka
afkaas ku hadla, oo uu og yahay in ay baahi weyn u qabaan ”federalka” iyo ”hubdhigista”.
Markii ay bahweyta gobolladaas degaa wax ka qaateen go’aanka ”federalka” iyo
”hubdhigista” ayuu guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaduud” mudane Cabdiqaasim Salaad
Xassan wuxuu kula dhacay xanaaq uu gaarey ilaa uu afkooda iyo dhaqankooda u
gaarka ah caayo. Xataa markii uu afka ”May” ku xadgudbayey wuxuu sheegay in uu
afka soomaaligu carabiga yahay! Waxaa yaab leh in aan hadda ka hor fiirsaday
Cabdiqaasim oo carabi lagu waraysanayey oo si ”Gaja’ Gaja’” ah ugu hadlaya.
Haddaba haddii uu afkiisii yahay muxuu u gaja’ gaja’ lahaa muu sida uu afka
soomaaliga u duruurixiyo ugu hadlo?! Xataa haddii Axdiga qaranka lagu qoro in
uu afkeennu carabi yahay waa been, waayo kunkii qof oo soomaali ah mid baa
kalmado yaryar sida Cabdiqaasim tuuran kara ee waxay hooyooyinkeen yaqaanniin
afka magaciisa la yiraahdo ”Soomaali”. Luqadda carabigu waa af qalaad, taasna
macneheedu ma aha in aynu gaalo nahay! Luqad diinta laguma galo lagamana baxo,
ee waxaa lagu galaa rumayn Rabbi, Rasusha, Aaakhiro, Malaa’igaha, Jinniga kw.
Dhibaatooyin waaweyn baa laga dhaxli
karaa haddii ummadda luqad aan tooda ahayn axdiga loogu qoro in ay tahay
luqaddooda rasmiga ah, waxaase yaab leh uu hoggaamihaya ”Walaalaha Galgaduud”
dhawaan sheegay in ay dadka soomaaliyeed oo Nayroobi ku shirsani dhammaantood
gaalo yihiin, ayna dooran doonaan madaxweyne gaal ah, waayo waxay isku raaceen
”federal” iyo ”hubdhigis”! Wuxuu kale oo si anshax darro ah u caayey labada
ismaamul oo gacanta ku haya dalka Soomaaliya barkiis, kuwaas oo uu ku sheegay
tuulooyin madaxbannaani raadinaya!
Keligiis ma aha dadka ”Walaalaha
Galgaduud” iyo taageerayaashooda ah oo ”federalka” iyo ”hubkadhigista” intay ka
caroodeen maryaha xooray, oo ninka ay walaaloobeen ee Barre Hiiraale la
yiraahdaa xataa wuxuu diidey in uu yimaado shirka weyn oo ay ummadda guud ku
guddoonsadeen arrimo ay ka mid yihiin ”federal” iyo ”hubdhigis”. Awalba waa la
iska ogaa in haddii uu Cabdiqaasim caroodo uu Barrena toos ula caroonayo waayo
waa walaalkiis ka weyn sida ay isku magacaabeen. ”Labadii walaalo ah, kii lacag
leh baa weyn” waa oraah caan ah.
Soomaalidu waxay ku maahmaahaan ”Naag
wacal dhashay inta ay baaqsatayna badan”. ”Baaqsi” waxaa la yiraahdaa in tulud
geel ah oo abaahootay aysan rimin. Sidaas awgeed nabadda iyo federalka haddii
ay ”Walaalaha Galgaduud” sidaas xun uga xanaaqsan yihiin, oo ay dadkii
muslihiinta ahaa oo shiraya gaalo ku sheegeen sidee bay u hadlaan, maxayse ku
hadlaan ama sameeyaan markii ay keligood yihiin?!
Waxaa kale oo jira nin ka mid ah
taageerayaasha labada nin oo walaaloobey (Walaalaha Galgaduud), oo magaciisa la
yiraahdo Idaajaa, kaas oo dhawaan qoray maqaal yar oo uu ”federalka”,
”hubdhigista” iyo shirkaba ku caayey. Waxaa qosol leh in uu xanaaqa Idaajaa
gaarey heer uu qoray in uu federalku yahay arrin ay Itoobiya ku lugoynayso
Soomaaliya. Hadalkaas wuxuu ka maqlay Cabdiqaasim, waxaase su’aal ah ”Haddii ay
Itoobiya u aragto in uu federalku lugooyo yahay maxay ayada lafteedu ugu
dhaqantaa nadaamka federalka, ma ayada ayaa islugoynaysa?!”.
”Federalka” iyo ”hubdhigista” labadaba
waxaa ku jirta nabadda dalka iyo horumarka mustaqbalka, waxaana diiddan dad yar
oo aan isku kalsoonayn, waayo haddii uu guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaguud”
naftiisa iyo ummadda soomaaliyeed kalsooni ka haysto wuxuu ku biiri lahaa
liiska musharrixiinta si uu u galo tartan xaq ah oo u furan nin kasta oo rajayn
kara in ay ergooyinka shirweynaha joogaa doortaan.
Ummadda Soomaaliyeed iyo ummadaha
caalamku waxay maanta u midaysan yihiin in uu shirkaani yahay mid aan asaga oo
kale horay loo soo qaban, marka laga eego aqoonyahannada jooga tayadooda,
hoggaamiyeyaasha ka soo qaybgalay tiradooda iyo tabartooda, siyaasiyiinta iyo
ururrada rayidka ah oo jooga iyo sida ay ugu soo qulqulayaan odayaasha beelaha
u bokhrani. Sida uu caalamku u eegayo shirka iyo taageerooyinka waaweyn oo
dawladda federalka ah loo ballanqaaday waa mid aan weligeed Soomaaliya soo
marin.
Lacagihii ay ”Walaalaha Galgaduud”
dalalka carabta ka heli jireen waxaa ugu danbaysa maalinta lagu dhawaaqo
dawladda federalka ah, oo hubka ka dhigi doonta beelaha iyo kooxaha
dhibaataysan, oo xilli aan fogayn madaxweynihii hoggaamin lahaa lagu dooran
doono shirweynaha qaran ee muddada dheer loo fadhiyey, oo lagu heshiisiiyey
ummadda Soomaaliyeed oo soddon iyo dhawrka sannadood ay belaayadu isku diraysey
oo la boobayey.
Sababaha nabadda iyo federalka loo
diidayaa waa ay iska cad yihiin, oo waxaa jirta maahmaah oranaysa: ”Ninkii in
la qadiyo ka baqayaa qaybta ayuu ka naxaa”! Wuxuuse guddoomiyaha ”Walaalaha
Galgaduud” moog yahay in uusan federalka macnihiisu ahayn in uusan markii hubka
la dhigo Marka iyo Kismaanyo midkood fillo ka dhisan karin ama uusan Hargaysa
ka hiraysan karin qol yar oo uu ku qayilo! Dadku iimaanka ayey iska qaadayaan
ee wax ”nabad” iyo ”federal” lagu waayey miyaa boob iyo tuugo lagu helayaa?!
Hubka uu Cabdiqaasim in laga dhigi doono ka naxsan yahay muxuu ku helay oo aan
godob iyo ceeb ahayn, muxuuse ku falayaa in dawladda ”federalka” ah oo la
dooran doono uu dagaal qabiil kala horyimaado oo markaas malaysiyadiisa hubka
xoog lagaga dhigo, asagana maxkamad millateri la saaro?! Sow uma fiicna in uu
si sharaf ah haddeer inta ay goori goor tahay u aamuso, oo uu ummaddiisa
federalka ah dhinac ka raaco?! Ciidamada ajnebiga ah iyo ciidamada ay dawladda
”federalka” ahi isku dubbaridan doonto oo la isku dhafi doonaase ma waxay u
daahayaan ninka miskiinka ah oo haddeer cayda iyo habaarka nafta ka dhiganaya?!
”Neef la gawracay geedo kama waabto”
waa maahmaah loo daliishan karo in ay ”Walaalaha Galgaduud” ku andacoonayaan in
uu shirku xun yahay oo ay ugu wacan tahay in uu maamulka Hargaysa ka maqan
yahay! Midkii Carta oo uu Ismaaciil Cumar Geelle ayaga ku soo caleemosaaray
waxaa ka maqnaa dhammaan kooxaha dalka kala haysta iyo dawladgobolleedda ka
talisa saddexmeelood oo meel dalka Soomaaliya, isla markaas maamulkii Alle ha u
naxariistee Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal iridaha ayuu ka xirtay, oo waa uu
quursaday caqlixumada uu Ismaaciil soomaalida ku hodayey. Dabadeedna waxay
”Walaalaha Galgaduud” sheegan jireen in ay ayagu madax ka yihiin geyiga uu ka
taliyo maamulka Hargaysa iyo Burco lagu nabadeeyey, waxayna dagaallo cadownimo
ah ka sameeyeen koofurta fog ee Soomaaliya iyo gobollo ka mid ah Puntland.
Diiddada uu maamulkii Cigaal laga
dumaaley ka cagajiidayo shirkaan loo dhan yahay waxay ku xiran tahay in uusan
Maxamed Ibraahim Cigaal maamulkaas uga dhiman dad la lugqaadi kara isbddellada
siyaasadeed ee Soomaaliya. Alle ha u naxariisto ee Cigaal wuxuu qabtay
shaqooyin macquul ahaa. Arrimihii ugu horreeyey ee uu ku tillaabsaday waxay
ahaayeen in uu hubka ka dhigay jafiyihii beeshiisa oo ay SNM dagaallada ka
dhex-alooseen, isla markaas wuxuu xukuumadda ka fogeeyey xubnihii SNM si aysan
mar danbe degaanka iyo beesha dhibaatooyin ugu soo jiidin.
Wuxuu Cigaal siyaadda soo dhexgalay
xilli ay SNM ku guulaysteen in ay beeshu aamminto in ay beelaha kale ee
soomaaliyeed cadowgooda yihiin, oo sidaas darteed ay noqdaan dal cusub oo
Soomaaliya ka go’a, kaas oo magaciisa la yiraahdo Soomaaliland. Arrimahaas
beesha lagu kiciyey waxay markii uu Cigaal cayaarta soo galay marayeen heerka
ugu sarreeya ee ay dad la kiciyey gaari karaan. Sidaas awgeed ayuu Cigaal wuxuu
cayaaray labo kaar oo siyaasadeed. Mid wuxuu tusi jirey beesha la kiciyey oo
wuxuu ahaa in ay noqon doonaan dalkii ay SNM u sheegeen ee Soomaaliland. Kaarka
labaad wuxuu ahaa in aysan jirin soomaali beelohooda iyo degaannadooda
nabadeeyey oo wax lagu darsan karaa, arrintaas oo uu ula jeedey in haddii ay
beelaha kale oo dhami nabad iyo federal caam ah diyaar u yihiin uu beeshiisa ku
darsan doono, haddii kalena uu meeshooda ku sii maaweelin doono ilaa laga
gaarayo xilli la isugu yeer shir loo dhan yahay oo ”hubdhigis” iyo ”federal”
hirgala dhidibbada loogu aasayo.
”Meel aar fariisan jirey atoor fariisey”
waa maahmaah ku habboon in loo soo qaato Alle ha u naxariisto ee Maxamed
Ibraahim Cigaal iyo Daahir Riyaale Kaahin. Markii uu marxuunkii allaystay wuxuu
hoggaamihii cusbaa noqday nin aan kaararkii odayga haysan oo iska xiimaya.
Wuxuu xukunkii u dhawaadey in uu mar kale gacanta u galo SNM, oo ay dadka iyo
degaankuba burburkii iyo halaaggii dib u dabaashaan. Dagaallo aan loo baahnayn
ayuu wuxuu la galay derisyadii, oo magaalada Laasocaanood ayuu subax kula
waabbariistey dabley geystey khasaarooyin lama illaawaan ah oo naf iyo maalba
lahaa.
Ha la rooro ayuu Riyaale run moodey, oo
shirka weyn oo federal iyo aayo hillaacaya leh ayuu dadkii aaminey ka hor
taagan tahay. Cid reer Hargaysa federal uga baahi badani ma ay jirto, haddii uu
maanta Cigaal noolaan lahaan wuxuu ogaan lahaa in la gaarey xilligii la isku
dari lahaa beelihii uu kacaanku kala firdhiyey.
Runtii ummadda oo dhan ayey u fiican
tahay in hubka laga dhigaa, waxaana hadda diyaar ah boqollaal sarkaal oo
soomaali iyo ajnebi isugu jira, kuwaas oo qorshaynaya sidii kooxaha iyo
shacabka hubka looga dhigi lahaa, dabadeedna shidaalka dalka ka buuxa loo qodi
lahaa, waxaana dadka dhaca iyo tuugada u angaxaya u roon in ay nabadda si fudud
u yeelaan, oo ay markii macdanta iyo shidaalka la soo saaro risiq xalaal ah
dalkooda oo nabad ah ka shaqaystaan. Maxaa laga dheefay hantidii horay loo
boobay oo aan in lagu sii gubtey oo lagu ceeboobey ahayn?!
”Hanqaraarac lug uma dhutiyo” ayey
soomaalidu ku maahmaahaan, oo ummadda 90% israacay xooggooda qof iyo labo keli
ahi ma ay hakin karaan. In Cabdiqaasim iyo Barre Hiiraale ay u dhammaatay oo
aysan ”federalka” iyo ”hubdhigistu” dartood u dhutinayn waxaa caddaynaya in ay
mar hore siyaalo fooloxun u baroorteen, oo ay jillaafo u waayeen heshiiskaan
caamka ah, iyo in ay dadkii ayaga hoosjoogey oo dhami ka kala yaaceen Xassan
Abshirna Alle ha ka dhigee!